SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Taariikhdu waxay qorantaa===== Maqaal

Maqaalkayga waxaan ku bilaabayaa magaca ilaahay nabad gelyo iyo naxariisna suubanihii nebigeena korkiisa ha haato

Fuloow guuli kuu dhawaydaa waa maahmaah soomaalidu iscticmaasho hadafkeeduna yahay qof degdegay ama hawshii uu waday ka baqay iyada oo ay suuragal ahayd inuu dhamaystiro

Waxaan uga socdaa labada sharif iyo kooxdooda oo sas ka qaaday safiirka itoobiya jabuuti u fadhiya runtiina sababta ma fahin koley anigu,hadii ay doonayaan inay la hadlaan ama horfadhiistaan ninmanka dawladda isku magacaabay ee qawlaysatada ah ee dhiigii shacabkooda iibsanaya waxay ilaaween in itoobiya tahay laacibka wayn ee ciyaarta keensadayna dadka ay doonayaan inay la xaajoodaan xaalkooduna wuxuuu muuqdaa bakhtiga ma cunee fuudkiisa ayaan cabaa,

Hadii hibo ilaahay ku siiyo layskama qaado,idinka oo ummadda soomaaliyeed meel ay joogtaba idiin hanwayntahay ayaad leexateen oo c/laahi yuusuf iyo zinaawi u gasheen,idinka oo shacabkiinu idiin baahan yahay inaad is garab taagtaan ayaad fashilanteen su,aashuse waxay tahay maxaad haysaan hadda oo aad muddo shirar ku jirteen,hoteelo five star ahna gasheen

Runtii raggu wuxuu kala baxaa marka dhibtu timaado guushuse waa dad badan tahay oo cid waliba waa jeceshahay

Taariikhduna waxay qorantaa xilliga dhibtu jirto oo ninkii dadkii dhibta ka saara ama ku dadaala inuu badbaadiyo oo nin karmeedka ah xaaladda adagna wax ka tara ayey taariikhdu u qorantaa wanaagiisana xustaa ,ninkase xilliga dhibta fashilma waxna qaban waaya halkii laga filayeyna ka baaqsada isagana taariikhdu way u qorantaa waxayse xustaa fashilikiisii iyo wax qabad la,aantiisii ,waxaase hubaal ah inaad aaminsan tihiin inaad shacabka soomaaliyeed ee dhiban wax u qabateen oo aad doonaysaan inaad dagaalka joojisaan itoobiyana wadanka si nabad ah uga baxdo

Jawaabtuna waxay tahay mudo ayaad hada wada hadal ku jirteen maxaa idiin qabsoomay shacabkiise dhibtii Malaga daayey mise xasuuqii ayaa sii kordhay oo shacabkii maalin walba waa la xasuuqayaa sidayse naftiinu idiin siisay inaad hor fadhiisataan dad gacmahoodu daadiyeen dhiigii walaaladiin soomaaliyeed= ma fahmin=

Horta ogaada itoobiya ciidamadeeda way saari iyada oo dulaysan mana sii joogayso Somalia

Guushiina subaxeedii waa soo if baxay shirar jabuuto iyo niarobi lagu qabtayna waxba uma soo sidaan Somalia

Ma idin la tahay inaad di u xisaabtantaan oo aad halganka dhinaciina ka soo gashaan mar kale badhi furkana aad ka daysaan halgamayaasha ,hadii kale cid aan idinka ahayn ha eersanina taariikhda aad qorataan

Yusuf A. Ateye

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 21, 2008

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS