SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa laga rabaa Garoonka Aadan Cadde

Cabdiraxman Xariri

xariri@hotmail.com

Bishii April sanadakii 2005 Shir ka dhacay meel wax yar u jirta Magaalada Wana ee xarunta gobolada qabaa’ilku deganyihiin ee Waziristan, ayaa waxaa lagaga hadalay in la xiro iyadoo la adeegsanoo miinooyin iyo jid-gooyo sadexda wado ee keliya ee soo gala gobolkaas kuwaaso ka soo kala baxa degmooyinka Tank, Laki Marwat iyo Bannu si looga war hayo dhaq-dhaqaaqa ciidamada Pakistan ee dagaalka kula jira kooxaha argagaxisada ah ee ka howl gala gobolkaas.

Shirkaas waxaa fadhiyey oo go’aaminayey niman caan ku ah dagaalada argagixinta ah oo uu ka mid yahay alaha u naxariistee Nik Maxamed, Mawlana Maxamed Faqir, Mowlana cabdusalama, Mawlana Sufi Maxamed iyo Faridulah Khan. Dood dheer ka dib waxaa la isla gartay in la bilaabo howsha xirida wadooyinka, hase yeeshee waxaa arintaa ka biyo diidey Faridullah Khan oo isagu ahaan jirey xildhibaan laga soo doorto gobolkaas intii uusan ku biirin kooxaha dagaal-oogayaasha ah.

“Gobolkani waa buuro-leey ay markii horeba adkayd in la yimaado, dadka ku noolina waxa kaliya oo ay helaan waxay u soo maraan wadooyinkan aad sheegteen inaad xiraysaan, maxaad ka yeelaysaan nolosha dadka gobolka degan hadaad go’doon ka dhigtaan iyagoo awelba nolol adag ku jirey. Ayuu si carro leh u yiri Faridullah Khan.

Waxaa mar keliya istaagey odayaasha intoodii kale oo si isku mid ah ugu qayliyey wadooyinkan waxaa ku ku adeegta cadow waxa wadooyinkani dadka reer Waziristan u qabataan waxaa ka weyn waxa ay cadowgeena iyo cadowga islaamka u qabtaan sidaa darteed in laxiro xal aan ahayn looma hayo.

Laba bilood kadib shirkaas ayaa niman dabley ah oo afka soo duubtay ku dileen Faridullah Khan iyo darawalkiisii meel u dhow magaalada Jandola oo 60km koonfurta ka xigta Magaalada Wana ee caasimada Waziristan. Dilkaas waxaa loo filay inay ka danbeeyeen odayaashii uu ku diidey go’aanka xirida wadooyinka.
(http://news.bbc.co.uk/2/hi/south_asia/4591827.stm. halkan ka eeg dilkiisa oo faahfahsan.

Markaan u soo noqdo dulucda qormada xirida garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ma ah wax cusub waa siyaasada guud ee kooxa argagxisada ah kuwaas oo shacabka jecel inay cabsiiyaan, gaajaysiiyaan, go’doomiyaan cidii khilaafta ra’yigoodana ay dilaan.


Walaahu Aclam

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com

MAHADHOOYINKII DAGAALADII MUQDISHO
 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 24, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS