SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSO

MAANSADI: NIN LAHOW DOONO!

Si kasta iyo dhan kasta oo loo dharaandheriyoba Soomaalidu waxay xilligan ku jirtaa jihaad ay isaga xoraynayso gumaysi. Gumaysiga Xabashida oo uu geed-fadhi u yahay wax walibana ku taageeray Maraykanka oo ah cadowga Islaamka ee casrigan.

Waxaa jihaadkan u dhan oo aan u kala harin shacabka Soomaaliyeed oo dadab iyo toosba uga qayb-qaadanaya waxaase hormood u ah dhaq-dhaqaaqyo Islaamiyiin ah oo loogu aammin qabo inay meel gaarsiin karaan maadaama ay taageero ka haystaan ummaddooda.

Dhaq-dhaqaaqydan oo ku wada aroora ama ka soo wada jeedo Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed ayna ku biireen garabyo kale oo shacabka ah ayaa ka midaysan in Xabashi la iska xoreeyo kuwaasoo samaystay Isbahaysi lagu yagleelay Asmara Eritrea looguna wan-qalay ‘IS-BAHAYSIGA DIB-U-XORAYNTA SOOMAALIYA’

Billowgiba waxaa qaab-dhismeedka Isbahaysigan bannaanka ka istaagay xarakada AL-SHABAAB oo ah dhallinyaro jihaadiyiin ah.

Muddo ka dibna, ikhyaarti Isbahaysiga ayaa kala booday oo kala aragti-duwanaaday walow ay weli wax badan saddexduba ka midaysan yihiin.

Waxaan arkay umaddii oo khilaafka mujaahidiinta iska jaahil yeelaysa oo aan halki laga rabay ka soo baxayn markaas ayaan is waydiiyay cidda ay ka dhowrayaan inay howshaas u qabato.

Maansadan oo aan ku magacaabay ‘NIN LAHOW DOONO!’ Waxaan kula hadlayaa Soomaalida oo dhan culimadooda iyo caammadoodba anigoo ugu baaqaya inaysan khilaafka mujaahidiinta iska daawan ee ay u istaagaan damintiisa.

“Meel aad madaxeed tahay majaheeda layskama dhigo, dhibtuna annaga ayay nagu dhacaysaa isla markaana ma jirto cid kale aan ka sugayno inay ku soo baxdo ee ha laga shaqeeyo sidi dib loogu midayn lahaa hoggaanka jihaadka” ayay maansadu ku baaqaysaa.

Sidaasoo kale, waxay maansadani toos ula hadlaysaa kooxaha jihaadka ku jira ee ku xusan kalan ah Xarakada Shabaabka, Midowga Maxaakiimta iyo Isbahaysiga kala jooga Jabuuti iyo Asmara.
“Cadowgaaga cadowgiisu waa jaalkaa” waa qaaciddo la isku raacsan yahay waana kaas ujeedku marka ay maansadu leedahay “Nika dili ninkaad dili lahayd yaa dad kuu xiga”

September 13, 2008 ayaanna sameeyay gabaygan ‘NIN LAHOW DOONO!’ waana kan:

Diinteenna mooyee wax kale kuma dawowdaane
Aniguna ma duur xulo hadday xaajo dabacdaaye
Duqay iyo bar baar iyo haween dul iyo hoos teedba
Iyo Daakhilkiyo khaarijkuba hal isma doorshaane
Nacabkaa dadkeenii halligay ee dalkii gubaya
Iyo kuwa durbaannada u sida looma daadego e
Dakanaha dhexdeennaa un baad dabada haysaane
Doociyo cambaarayntantada laysu dawinaayo
Ee duhur ya laylkii la wado waa dan tuu rabay e
Haddaan dayay dariiqii xaqiyo laga habow dow e
Tigree nama dullaysteen haddaan daacad soconnaaye
Ninka dili ninkaad dili lahayd yaa dad kuu xiga e
Keenni aan dareenkaa lahayn wow daciifnimo e

Ikhyaartiyo raggaan dooranniyo culimadii Diintu
Kol hadday is diideen iyagi oy kala dideen maanta
Oon dirito howshii u socon oy yar kala daadday
Illayn maan dad waa kala durkaa daayin abidkiiye
Dowgeennu maahayn inaan kala dareernaaye
Isku duubni duul wada jiraa gaara danahoode

Doono kii lahaayow ayay duhurkan joogtaaye
Doqonnimadu meeshay ka timid daahu iga fuulye
Dadkaa wadaa dhashaan nahay haddana dani midaysaaye
Doon baannu wada saarannahay duul quraan nahaye
Ha yeeshee dabayl baa ku kacay dhaxan ya duufaane
Haddii ay degtona wacad Alloon cidi ku daanshoone
Mee datoorradii iyo wax garad daaci iyo sheekhi
Mee duubabki iyo ugaas iyo duqowdeenni
Mee dumarki iyo hooyadii laga dambaynaayay
Meelaad adigu door u tahay ha is dambeedsiine
Doqonniimo weeyaan inaad dacal ka eegtaaye
Deelqaafka dhacay waa mid uu Daa’iim noo qoraye
Damiyoo ku soo baxa war waa kama dambaystiiye
Cadowgeennu dacal uu jiraba waa ul iyo diir e
Ninka dili ninkaad dili lahayd yaa dad kuu xiga e
Keenni aan dareenkaa lahayn wow daciifnimo e

Dariiqyada kuwaa daadsan oon dooc ba laga haynin
Asaay dumar leh hooyada dulmane doorki laga toogtay
Agoon daadsan dowgaad martood cidi daryeelaynin
Aqal dumay dad kala haajiriyo diric intaan aasnay
Dunidii ayaamahan shartaa loo durbaan tumiye
Shacabkeenna maantaba dayacan danihi yaa eegi
Dulmigiyo hadmaan heeryadaa duudka uga qaadi
Dulufley Amxaariyo hadmuu gaalku daba jeedin
Goormaa dambiilaha la marin doorka mudankiiya
Oo loo dabbaal degi xornimo dowladnimo taama
Diintiyo shareecada hadmaa daaha laga qaadi
Oo DAA’IM loo toobad celin daalnay waayahane

Ilaahey dartiii wiilalyahow danabka tuuraaya
Dadaaloo is garabsada waqiin daafac weerar
Xaq-u-diri, dareen qaba midnimo laysu dacareeye
Dabar jara Tigree giyo kufriga heedhe wada duula
Dab ku shida dariiqay maraan miina ugu duuga
Duhur iyo allaylkii qarxiya dacar waraabsiiya
Dagaalyahan, Ilaahey ku xiran dano adduun jooja
Diricyadi Midowgiyo shabaab yaan la kala daadan
Dunji qura inaad wada tihiin doqoni waa mooge
Cadowgiinnu dacal uu jiraba waa ul iyo diir e
Ninka dili ninkaad dili lahayd yaa dad kuu xiga e
Keenni aan dareenkaa lahayn wow daciifnimo e

Nin uu dayr u buuxaa la yeen gaara danihiise
Daryankiyo rasaastiyo intaad danabka tuurayso
Dooddana ku kaba oo dulmiga diirka ka caddeeya
Inaan duul dalkoodi la dhacay lana duqaynaayo
Oo daartoodi lagu weeraroon loo dir naxahaynin
Oo Diintooda lagu maagay nahay dunida gaarsiiya
Daakhilkana is aammina qalbiga daacad ka ahaada
Ducaystoo Ilaahey ku xiran kala dambayn muuja
Dira-diraha midabkeenna liyo diirka iyo muuqa
Jaajuus la soo diray hadduu goosan naga doorsho
Dibir weeyee aan laga kicine yaanu gabal duufsan
Daartaa Jabuuti iyo Asmara daakhil kuwa jooga
Diricyadi Midowgiyo shabaab yaan la kala daadan
Dunji qura inaad wada tihiin doqoni waa mooge
Daa’im baan ku mariyee ka hara damacya kooxaysi
Cadowgiinnu dacal uu jiraba waa ul iyo diir e
Ninka dili ninkaad dili lahayd yaa dad kuu xiga e
Keenni aan dareenkaa lahayn wow daciifnimo e

Dar Allaahi mooyee wax kale kuma dawowdaane
Dulli noqote Soomaalidii daalib iyo sheekhe
Ismana daba kacdee waa tanoon kala dambaynayne
Danta guud mindhaa duulkankada daah ba laga saarye
Indhahaa damoo maba arkaan kayli loo dadaye
Dibigii caddaa oo kalaa laysu dagayaaye
Midnimaa na wada deeqda oo lagu degaayaaye
Daga goonni daaqaa waqii dawacu eegtaaye
Daa’im baan ku mariyee ka hara damacya kooxaysi
Cadowgeennu dacal uu jiraba waa ul iyo diir e
Ninka dili ninkaad dili lahayd yaa dad kuu xiga e
Keenni aan dareenkaa lahayn wow daciifnimo e

War is doonta dooddana ka hara daanno ka heshiiya
Derbi waad ka adag tiin haddaad doc isu raacdaane
Dabin qoolan baad qoomkayow dalaq tiraahdeene
Dibin-daabyo waa lala helaa gacal is diidaaye
Daartaa Jabuuti iyo Asmara daakhil kuwa jooga
Diricyadi Midowgiyo shabaab yaan la kala daadan
Daa’im baan ku mariyee ka hara damacya kooxaysi
Waa la isku keen dirahayaa dammane yeelkiiye
Doociyo cambaarayntantada laysu dawinaayo
Nacabkaa ku daanshoonayee heedhe naga daaya
Cadowgeennu dacal uu jiraba waa ul iyo diir e
Ninka dili ninkaad dili lahayd yaa dad kuu xiga e
Keenni aan dareenkaa lahayn wow daciifnimo e

Waxaa tiriyay:
Muxumed Maxamed Maxmuud ‘INDHAGEELLE’
indhageelle@yahoo.com
September 13,2008

Australia: Cop in murder probe 'threat'...
Read More...

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 24, 2008


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS