SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaalida ku Nool Koonfur Afrika, ma waxey noqdeen Looma Ooyaan 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabad gelyana waxay korkiisa ahaatay Rasuulkeenii Muxamed ahaa. Kaidbna akhristayaasha sharafta iyo maammuuska iska lahow iga gudooma salaanta qiimaha baddan ee islaamka ( A.C.W.W ). 

Iyadoo Soomaali meel Ay joogtaba uu ku dhacay musiibo Rabbaani ah, ayaa haddana waxaa jira arimo aan indhaha laga qarsan Karin, sida tan haysata Soomaalida ku nool Koonfur Afrika. Subixii alla keenaba, haddii aad istiraahdo bal akhriso akhbaarta, mise waxaa la leeyahay ganacsade Soomaaliyeed ayaa lagu laayay koonfur afrika, ama nolosha lagu gubay ama xoolahoodii la dhacay. War miyeeynaan jirin dad Soomaalidan u diir naxeysa, oo xitaa taladuba wax uun bay tartaayee ku biirinaysa, bal inta hartay si loo badbaadiyo. Soomaaliyeey  dhibaatadu ka jirtaa koonfur Afrika ma ila aragtaan, mise waa mid aniga uun aragtideyda ku kooban. Runtii muddo hadda laga joogo sanad ayaan waxaa ka qoray maqaal magaciisa ahaa, Xaaladaha aragagaxa iska leh ee Soomaalida Koonfur Afrika. Waagaas illaa iyo hadda inay arimaha South Afrika kasii daraan mooyee marna kama ayan soo raynayn. Haddaba waxaa isweydiin leh sidee arintaas aynu ugu kici karnaa, oo wax uga qaban karnaa bal haddeynu nahay qurbo joogta ku nool dibadaha, gaar ahaan Europe, Ameerika iyo Carabahaba. 

Runtii waxaan talo ahaan ku soo jeedin lahaa bal in wax uun lagu dhaqaaqo, sida: -

  • In La qaban qaabiyo Mudaharaadyo, lagu hor mudaharaadayo safaaradaha koonfur Afrika ay ku leedahay caalamka, bal sidi ay dowladda Koonfur Afrika u bad baadin laheyd oo u difaaci laheyd Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkooda.
  • In ay Boggaga Soomaalida furan bogag lagu dhageysanayo Soomaalida fikradahooda bal sidi dadkan loogu kici lahaa, oo loo badbaadin lahaa.
  • In Soomaalida ku nool Koonfur Afrika, nafsad ahaantood bal ay soo gudbiyaan sida dareenkooda uu yahay iyo sida wax loogu qaban karo.
  • In idaacadaha ay leeyihiin Soomaalida sida Universal TV, Warsan TV iyo kuwa maqalka sida laanta afsoomaaliga ee BBCda iyo VOAda iyo waliba Horn of Afrika laga sameeyo barnaamijyo lagu dhageysanayo ra’yiyada Soomaalida iyo sidi dadkaas bal wax uun loogu qaban lahaa.

Run ahaantii arinamahan, maaha kuwo indhaha laga qarsan karo, waa kuwo gubaya qof kastoo damiir iska leh. Waan ogahay in dhibtu ay meel walba ka jirto, laakiin bal qiyaasa idinku, ummad halkii ay u qaxeen lagu gumaadayo, soo argagax maaha. 

Fariintan waxaan u soo bandhigayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba, haddey noqoto Aqoon yahan, waxgarad, Culumo, siyaasiyiin, oday dhaqamaeed, haweenka , Dhalinyarada iyo cid walboo u danqaneysa dadkaas ku cadilan Koonfur Afrika. 

Fariintaydu  maaha  mid aan leeyahay illaa wa illaa waa sax ee hala qaato, ee waa iga talo iyo baraarujin, ee Soomaali ayeey u taalaa bal sidi ay arimahaas wax ka yeeli lahaayeen – Allaahuma balaqtu.. 

Qalinkii : - Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 24, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS