GABAY: Kadeedka Xamar
Mubashir SH C/llaahi
Gabay: Kadeedka Xamar
20/09/08
Dadku waa mid dhintay mid dhaawacmay iyo mid dhoofay ee haddaad wax tar leedahay
gargaar masaakiinta baahan iyo agoonta aan waxba haysan ee ku dhax baaba’ay
Madaafiicda ay iskula qooqayaan ALLE caasigu.
- Kalaamkii ILaah iyo xaqii lagu karaar dhaafay
- Kitaabkii ladiidaye Dastuur kaafir laga doortay
- Ee Kirishtan laga raacay iyo Kenya iyo Xayle
- Sida Diinta loo kilinkishee kabeda loo saaray
- Ee Karaamadeedu ulentee koore ula meeray
- Kaftan siduu Xadiiski unoqdee loo kajamay aayad
- Ee kas iyo maag looga tagay kiiski maan orane
- Inkastoo kulayl saayidiyo kaarna laga qaaday *
- Nabsigaa kalkiisii galee kaalimaha buuxshay
- Ayunbaa korkeeniyo lafuray Koonfuroo idile
- Kali iyo jameecana marbuu kabigii yimide
- Aniguna kurbada waa qabaa keentay gaaladuye
- Kadeediyo dhibbaa lagu jiraa kaymihii Xamare
- Kolonyada Axmaarkee sidii koronkor yaacaysa
- Iyo Culimaday kaakacsheen ee Karhiyay iibka
- Iyo kud iyo mooryaan jiriyah keebka liishado’e
- Kaarabiinka dhacayee sidii karar hilaacaaya
- Kaasababulaariyo Wardhiig looga kala guurye
- Kaaraan ma seexdaan ragii kaabaha ahaaye
- Kaftan umatagaan Howlwadaag kuraydi Towfiiqe
- Inta odayo kuusani haldaan kulan ma yeeshaane
- Huteelada sidii Kiin Carbeed uma kifaaxaane
- Kaddinkii Bakaariyo la’awd Kiilo Mitir Foore
- Kibriid lagu gado suuqyadaad kaashka u ogayde
- Kafantaaba lagu baayicaa maydka loo karo’e
- Korneylkii Kursiga baas jeclaa Kaare laga saarye
- Kadoloobsi mooyee salkaba Kaamil dhigi waaye
- Koodh uma gashado madaxnimee kaaki baw xirane
- Kansho beelka waxa loogu riday Kalabi weeyaane
- Dadku keeno-diid iyo kunoqay kooxo aan rabine
- Kob abaar ah yaa maatidii lagu karbaashaaye
- Kumayaalo wada dhaawacoo dhiigu ka’idlaaday
- Kalxamaha rag lagasoo jabshoon kabisna eegaynin
- Kurka wiilal laga soo jaroo Kooma wada jiifa
- Iyo qaar Kalyaha muuqdo oo Kulucu soo jeedo
- Oo aan Kaniin haysan iyo Kaabsol lagu baanto
- Kaysaney Hosbital baa ladhigi kaaha waa bariye
- Agoontiina Kaamka uqaxdiyo xero Kumaandoosta
- Ee Kanaalka hoostiisa wayn Kabo la’aan joogta
- Qudhac kamas leh iyo Geedahaa laga kireeyaaye
- Kaneeciyo qaniin baa diliyo shay Kutaan galo’e
- Kanbalkay lawada yuururaan kafafki gaajeede
- Karuur xoolo laga soo lisiyo Kibis ma haystaane
- Kurus iyo Waslaad laysku jaray kalaxsan maayane
- Kiintaallo badariyo ha sugin kaabash loo guro’e
- Inay Koobka shaaha ah helaan kadiso weeyane
- Ninba Koonka tii looga qoray kol isma seegaane
- Soomaalaay agoonta u kalkaal waa la karayaaye
- Kalgacayla Walaal bay rabaan kaalay iyo hooye
- Kaalmana Ilaah bawgu filan Kaamil way saga’e
- Kalka geeddi qoladii ahayd Yurubta kaajaysa
- Ee Kaar qaxootiyo lahaa Kooras lagu quudsho
- Qurbahaa lawa kuududaa kaman Riyaalow’e
- Keenii Ayuutada korshee sii kobciyay qaanka
- Ee Kabadhki lacageed fadhiya Dahabna Kooreysta
- Kir hadduu kuyidhi maalinbay keeno galisaaye
- Ninkii kaal kudhamoow waxsii kama danbaysaane
- Naf walaay intaan lagu kanbalin mawdna kuhaleenin
- Wax u kaydso Aakhiro daraan koobin baa jira’e
* waa kuwii ILAAHAY naga qabtay ee qabqablayaasha ahaa
Mubashir Sh C/laahi
Mubashir506@hotmail.com