SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin: Soomaaliya Iyo Musuq Maasuqa

Warbixin ay soo saartey ururka caalamiga ahee la socodka muqus maasuqa ayaa lagu sheegey in Soomaliya ka mid tahay wadamada ay Musuq-Maasuqa Iyo Eexda Kaga Jirto Wadamada Ugu Daran.

Maalin dhaweeyd ayaa Ururka caalamiga ah ee la socodka musuqmaasuqa iyo wax-isdabamarinta qoraal ay soo saareen ku sheegay wadanka Soomaliya iyo wadanka Myanmar ay kaalinta ugu sareysa ka galayaan wadamada ku caan baxay howlahaas. Warbixintu waxay xustay in numberka ugu sareeya ay Soomaliya ku jirto.

Sido kale, wadamada Afganistan iyo Ciraaq ayaa ka mid ah wadamada soo raaca wadamada musuqmaasuqa iyo eexdu ay haraysay, inkastoo warbixintu ay cadaysay inay liiskaan ku jiraan wadamo badan oo horey u maray, hadana Somalia waa mida ugu daran ee ay ka jiraan musuqmaasuqa iyo eexdu.

180 wadan oo ku yaala Bariga iyo Bartamaha qaarada Yurub ayaa sidoo kale soo galay liiskan la shaaciyay,soomaliya oo Ka Mid Noqotay Shan Wadan Oo Ugu Maamulka Xun Qaaradda Afrika
Warbixin ay soo saartay ururka lagu magacaabo Mo Ibraahim Foundation ayaa sidoo kale shaaciyey inuu wadanka Soomaliya uu ka mid noqday shanta wadan ee ugu maamulka xun wadamada qaaradda Afrika. Warbixintaan oo aheyd tii ugu horeeysay oo uu soo saaro ururka Mo Ibraahim Foundation oo uu aasaasay nin maalqabeen ah oo u dhashay wadanka Suudaan ayaa waxaa ay daraasaad dheer ku sameeyey ilaa iyo 58 qeybood oo ay ku eegayso qaababka siyaasadeed ee lagu maamulo wadamada ka tirsan Qaarada Afrika oo tiradoodu gaareyso 48 dowladood.

Warabixinta oo uu ururkaani uu la kaashaday Jaamacadda Harvard ayaa wadamada ugu hoseeya dhanka maamul xumuda ku sheegay wadamada kale ah: Guinea-Bissau (42.7), Sudan (40.0), Chad (38.8), Kongo (38.6) iyo Somaaliya (28.1). Ururkan ayaa qoraalka warbixintiisa uu ku kale saarayay wadamadaasi ku eegay dhinacyada kale ah: Nabadgelyada iyo ammaanka, ku dhaqanka sharciga, ka hortagga musuqmaasuqa, xaqdhowrka xuquuqal insaanka, joogteynta fursadaha dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada. Wadamada ugu wanaagsan xagga maamulka dowladeedka ayaa kale noqday wadamada kale ah Mauritius (86.2), Seychelles (83.1), Botswana (73.0), Cape Verde (72.9) iyo koofur Afrika (71.1).

Si Kastaba ha ahaatee warbixin sanadeedkan lagu tilmaamay inay Soomaliya ka mid tahay shanta dowladeed ee ugu maamul xun dowladaha Afrika ayaa ku soo aaday xilli ay sii badanayaan Dhibaatooyinka loo geysanayo Caruurta ,Haweenka iyo dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxay ka dhacaan guud dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Banaadir, Hay,adahaa u dooda xaquuqda aadanaha ayaan wax hadal ah ka soo saarin xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed oo u badan caruur iyo haween taaso keentay in ay caruur badani ay ku cuuryaamaan BM ka iyo Madaafiicda la isku adeegsanaayo habeen iyo maalin kuwaasi oo si Arxan la’aan ah u rida ciidamada Itoobiyaanka ah oo aan meel u dayan .


Mohamed Ismail
Mismacil@live.co.za

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 28, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS