SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



2002: BORLANGE IYO SOMALITALK.COM
 

2007: Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II


Fanka iyo Fannaanada

Qore:

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 

Jan 5, 2008


bismillaahi, wassalaatu wassalaamu calaa rasuulilaahi 

Hordhac

Waxaa jiro xirfado dadku guud ahaan intiisa badan aad uqadariyaan gaal iyo muslimba oo haddana loo saariyo burburka iyo summaynta dhaqanka bulshooyinka siiba kuwooda da’yarta ama qalbiga jilicsan. Xirfadahaasna waa fanka iyo bandhigyada labbisyada cusub waxa loo yaqaanno (fashion). Labadaas xirfadood waxay kusifoobeen shaac bixinta akhalaaqaadka aadka ufoosha xun sida isticmaalka khamriga, mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan, dhillaysiga ama zinada iyo ficillada isutagga dadka isku jinsiga ah sida ragga iyo ragga iyo haweenka iyo haweenka. Haddii nin ama naag ama koox fannaaniin ah ay sheegaan inay xaflad fan ah ama riwaayad heeso kudheehan yihiin ama ay xaflad fashion ah qabanayaan waxaan shaki kujirin inay boqollaal ama kumannaan rag iyo haween da’wayn iyo kuwa da’yarba ay soo xaadiri oo marka qalabka muusiikada la garaaco ay madaxa laruxi. Waxaan jeclaystay marka inaan anoo soo qaadanyo qoraal cilmi baadhis ah oo ay sammeeyeen khubaro cilmi baadhayaal ah oo baadho caafimaadka bulshada luguna daabacay (The Journal of Epidemiology and Community Health) oo ah joornaal ay soo saareen khubaradaas, ayna soo qaateen jaraa’idyo badan oo caalamka kasoo baxo bishii september ee sanadkii tagay. 

Fanka iyo fannaanka

Fannaanka marka lafiiriyo nin iyo naag wuxuu noqdaba waa qof aan xasilloonayn sida badan oo fudud ayna adagtahay inuu saldhigto, waxaadna mooddaa inuusanba farqi wayn udhaxayn xagga nolsha, dabeecadda iyo akhlaaqdaba meel kasto oo uu caalamka kajoogo ama muslin hasheegto ama yuusan sheeganine. Inta badan wuxuu kalleexdaa dhaqanka iyo hiddaha uyaallo bulshada uu kadhshay asagoo isu arko inuu xor kayahay xeerarka iyo waxyaaba bulshada qaddariso xaddidana hadalladooda iyo ficilladooda. Waxaa iyana aad la’isugu waafaqay inay in badan oo kamida fannaaniinta fanka kujirto ay qabaan cudurrada kudhaca nafta, taasoo la’aaminsan yahay inay sabab utahay isticmaalka mukhadaraadyada ay sida xaddhaafka ah u isticmaalaan oo ay kusifoobeen inta kushaqaysato waxyaabaha fanka loo yaqaanno.  Saasooy tahay bulshooyinka aadbay uqaddariyaan fannaaniinta waxaana loogu dulqaataa akhlaaqaha xunxun ee ay bulshada kufaafiyaan sidii ayagoo kafadli badan dadka intiisa kale. Taasna waxay usahashaa fannaaniinta inay fasahaad baaxad wayn bulshooyinka ladhax dabaashaan.

Labada dhinac ee ay bulshada aadka uga fasahaadiyeen ayaa kala ah;

  • Dhinaca akhlaaqda oo ay kucanbaxeen fidinta iyo kadhigid wax caadi ah akhlaaqda xun xun een cid kale u badheedhi karin ayaga mooyee sida, isqaawinta, jinsiga iyo waxa afka carabiga lugu yidhahdo “shaad” oo ah rag rag hunguriyeyeeyo iyo dumar dumar hunguriyeeyo.
     
  • Iyo isticmaalka mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan oon filayo inuuba naadir yahay fannaan aan isticmaalin mukhaadaraadka nooc kamida. Waxaa xitaa baryahan danbe dhacday inay dalal Reer Galbeeda oo ay kamid yihiin ingiriiska iyo Australia ayba kamamnuucaan fannaaniin doora ah inay dalkooda soo galaan cabsi ay kaqabaan fasahaadka ay bulshadooda ku abuuri karaan.

Maadaama uusan shaki kujirin raadka ay ku leeyihiin bulshada fannaaniinta iyo sida dadka intooda badani ugu nugul yihiin una jecelyihiin ayaa haddana waxaa meesha kujirto inay dhibaato ba’an oo naftooda iyo bulshadaba ah ay sababaan. Haddii qofku uu jecelyahay qaddariyona shakhsi gaara waxaan shaki kujirin inuu kudayan waxyaabaha uu sammeeyo qofkaa uu qadariyo ama jecelyahay asagoo u ‘arki arrintaa arrin fiican amaba ay kahoos bixi kafiirsasho uu kafiirsado kalsooni uu kuqabo qofkaa uu jecel yahay awgeed. Marka qiyaas adiga shakhsigii qiimeyo oo kadaba dhaca qof inta badan aan akhlaaq lahayn, caafimaadkiisa naftana uusan isu dheellitirnayn sidoo kalena ku darsaday isticmaalka mukhaadaraadka noocyadiisa kal duwan. 

Fannaaniinta soomaalida iyo ciidaha barakaysan

Waxaan filayaa inayna qofna kadahsoonayn sida ay fannaaniinta soomaalida ah uga fogaayeen ama ay uga fogyihiin kudhaqanka islaamka iyo akhlaaqda suubban ayagoo lajaanqaadayo kuwa ay isku xirfadda yihiin ee ku nool dalalka kale, haddana waxaa jirto arrin layaab leh oon inta badan laga hadlin oo ay kukacaan fannaaniinta soomaalida. Islaamka sidiisaba wuxuu ujideeyey muslimiinta laba ciidood sanadka laba iyo tobankiisa bilood, waana ciidda dhammaadka soonka ee fidriga iyo midda xilliga xajka kubeegan ee Adxaha. Labadaa ciidood markii loo jideeyey muslimiinta waxaa lafaray inay aad u cibaadaystaa oo ay layimmaadaan cibaadooyin fara badan oo isugu jiro sadaqo lala baxo, salaado sunnooyin ah, booqasho aqribada iyo saaxiibada iyo xusid alle oo fara badan oo waliba kor loogu dhawaaqi. 

Fannaaniinta soomalida maadaama ay sheeganayaan inay muslimiin yihiin intay kafaa’iidaysan lahaayeen munaasabadahaas barakaysan oo ay danbi dhaaf iyo soo noqosho sammayn lahaayeen ayey waxay caadaysteen inay qabtaan xaflado raqsi, tumasho iwm xilliyadaa barakaysan. Waxaad arkaysaa ayagoo xayaysiis u sammaysanayo riwaayado iyo bandhig faneedyo kala duwan lana beegsanayo maalmahaas yar ee barakaysan sidii ayagoo sanadka intiisa kale cidhiidhi kunoqday. Waxaa marka iswaydiin mudan maxay rabaan markay arrintaa sammaynayaan? Maxayse yihiin dadka muslimiinta sheeganayo oo riwaayadahaas diinta iyo akhlaaqda wanaagsan weerarka ku ah galayo oo lacag kubixinayo!. Inkastoo dadku inta badan iska caadaystay inuusanba iswaydiin riwaayadaha iyo waxay diintu kaqabto haddana waxaa meesha kujirto maxaa loola soo doontay xilli barakaysan oo loola doonan waayey xilliyada kale, mise waa daandaansi iyo dhagar loola qasday diinta ilaahay? 

Fannaaniinta oo cimri gaaban

Dadka qadariya fannaaniinta oo jecel kuna xidhan waa muhiim inay u kuurgalaan fanka iyo wuxuu yahay iyo dhibaatooyinka uu guud ahaan bulshooyinka kuhayo. Sidoo kale waxa uu ka faa’iidi karo shakhsi ahaan.  Baadhis ay sammeeyeen khubaro laguna soo bandhigay (the Journal of Epidemiology and Community Health) oo ay ugu kuurgaleen fannaaniinta Reer Yurub iyo kuwa Maraykanka, sigaarana loogu darsay 1050 fannaan oo nolaa intii udhaxaysay  1956-2005 tii oo ahaa kuwa ugu caansanaa iyadoo labarbardhigay dadka caadiga ah ee kunool dalalkaas iyaga ah. Waxaana soo baxday natiijo layaab leh oo muujinayso inay fannaaniintu aad uga nolol xunyihiin dadka intiisa kale sidoo kalena ay aad uga cimriga gaaban yihiin. Waxaadna hoos kadaalacan kartaa isbarbardhig lugu sammeeyey celceliska cimriga fannaanka oo labarbardhigay midda dadka caadiga ah. Fannaaniinta Reer Yurub celceliska cimrigooda wuxuu noqday 35 sano meesha dadka caadiga ah een udhaqmin sidooda oo kale uu cimrigoodu noqday qiyaastii 78 sano. Sidoo kale fanaanka Maraykanka ah celceliska cimrigiisu wuxuu noqday 42 sano meesha dadka kale uu yahay qiyaastii 77 sano. Haddii ay Soomaalidii hore kuducaysan jirty cimri dheer iyo caafimaad buuxo, maxaa adiga kugu kallifay inaad kudaba xidhato qof kuducaystay cimri gaaban iyo caafimaad liito. 

Celceliska cinriga Haweenka Ragga Rag iyo haweenkaba Fannaanka
         
Yurub (EU) 82 sano 75.6 sano 78.8 sano 35 sano
Maraykanka 80 sano 75 sano 77.6 sano 42 sano
         
Celceliska qiyaaska cimriga ee dalalka Reer Galbeedka

Gabogabadii

Maxaa kujeclaysiiyey oo kudabadhigay duul dabar go’ayo, kucanbaxay caafimaad xumi, akhlaaq xumi, diin xumi oo xitaa cimri gaabni lugu xukumay!

Mawayday qof qiimo adduunyo iyo mid aakhiro kuu horseedo ood kudayato?

Maka qaybgashaase riwaayadaha lugu aflagaadaynayo ciidaha barakaysan ee lala sugo xilliga loogu talogalay fidinta khayrka, wanaagga iyo nadiifinta nafta qofka muslimka! Maxaase keenay inaad masaajidka kabaqaato maalinta barakaysan ood iska xaadiriso goob uu soo abaabulay qof ay ubadan tahay inuu sakhraansan yahay ama mukhaadaraad soo cantuugay lagana yaabo inuusan maskax ahaan caafimaad qabin ayna uba dheertahay in lugu xukumay cimri gaaban. Maxaase keenay haddaadba salaaddii ciidda soo tukatay inaad wax fool xun oo dagaal cad ku ah diinta islaamka inaad kuxejiso cibaadada aad soo gudatay? 

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2008

Warbixin: Borlänge iyo Somalitalk.com II

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com