SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

 Wadaadada Soomaliyeed 20 sano ma hurdeen mise dadkaan maqleyn (2) !!!


Akhriste waxaa noo socday Qeybtii labaad ee kulankii Culumada Soomaaliyeed iyo muxaadaraddii Shiikh Umal uu arrinkaas kaga hadlaayey waana tan wixii ugu muhiimsanaa :

(3) IN la Qaato dhaliisha:

Wadaadada Muqaawamada waxaan u sheegnay in ay Qaataan dhaliishooda, oo ay ka mid tahay in lagu eedeeyo in ay dadka iska dilaan sabab la,aan ayagoo u xukminaaya Gaalnimo, iyo ayagoon iska bari yeelin kooxo badan oo magacooda qaadanayaa markay falalkaas xun xun ku kacayaan. Wuxuu Shiikhu tusaale ugu soo qaatay dhacdo uu u sheegay Nin Soomali Yamani ah oo Culumada ku casuumay Beertiisa oo ku taal Afgooye iyo Balcad dhexdeeda.Wuxuu sheegay in Kooxo burcad ah ay beertiisa soo weerartay,kadib laga itaal roonaaday ooy ka carareen Mobilkoodii oo markii la wacay ay qabteen niman madax ah oo Muqaawamada ka mid ah, se ay ku cudur daarteen in ay kooxdaasi ay muqaawamada ka baxeen oo la yiraahdo Muqaawamada xorta ah.Shiikhu wuxuu yiri waxaa haboon in aad dhaliishaada qaato sida uu Nabi Muuse NNKH dhaliishiisa uga qaatay Fircoon markuu ku eedeeyey in uu asagu soo koriyey, isla markaasna uu sameeyey dil asagoo daalim ah,Markaas ayuu Nabi Muuse NNKH Qirtay oo yiri ( Waan sameeyey gafkaas anigoo lunsay,kadibna Allaah baa i hanuunshay )AL-shucra.

( 4) Bidcadda Shuyuukhul Jihaad !!!!

Shiikk Umal wuxuu ka hadlay dad oranaaya Jihaadka waxaa laga wareysan karayaa Shiyuukhda Jihaadka ku jira oo kaliyah.Wuxuuna yiri dad ayaa hadalkii Shiikhul Islaam Ibnu tiimiyah si xun u Daliilsada, ayagoo ka soo guurinayaa Majmuucu Fataawigiisa Hadal uu ku yiri : ( Fatwada Jihaadka arrimihiisa waxaa la weydiin karaa shuyuukhda safka hor kaga jira Jihaadka) Taasna ma suurtoobeyso in uu shiikhu ka waday in nin jaahil ah arrimaha jihaadka laga wareysanaayo haddii uu safka hore ku jiro,waxaan kaloo suurtoobeen ayuu yiri in nin caalim ahna aan laga wareysan xaaladaha jihaadka. Arrinkan waxaa ku rediyey Kooxda AL-qaacidda Caalinka weyn ee DR. Abuu Fadal oo horay uga mid ahaan jiray ayaga, kitaab uu u bixiyey( Mudakaratu AL-Tacriyah minal Tabri,ah)(1). Waana bicdo ay la soo baxeen in ay dhahaan oo kaliyah dadka jihaadka ku jira ayuunbaa wax la weydiin karayaa fawtada jihaadka, annagoo og in Culumaddii hore ee Islaamka ay waligoodba kaga hadli jireen fatwooyinka jihaadka kutubtooda, ayagoon waligood meel lagu jihaadaayo aan tagin, Sida Caalimkii weynaa ee Maxamed Xasan AL-Sheybaani Ardaygii weynaa ee Abuu Xaniifa ,wuxuuna jihaadka kaga hadlay kitaabkiisa weyn ee ( AL-Siyar) .

(5) Al TASARUC FI TAKFIIR:

Shiikh Umal xafidahu laah wuxuu noo sheegay in ay Kooxda AL-shabaab ay kala hadleen in ay iska daayaan Gaaleynta iyo Rideynta Muslimiinta.
Maxaa yeelay waxaa waayahan batay in dadka la iska Gaaleyso amaba la iskaga Dilo wax kasta waxa ugu yar asagoo lagu eedeynaayo ( Waa Gaaloobay).
Waxaan kala hadalnay ayuu yiri ( Dawaabidul Takfiir) sida ay qabaan Ahlu Sunnah Wal jamaacah(2) oo ah :
A) In Ruuxa lagu oogo xujo intaan la gaaleysiin.
B) In Ruuxa laga fiiriyo in uu heysto cudur daar u diidaaya in gaalnimo lagu rido sida jahliga,ikraaha,caqliga oo doorsoomay, ciyaalnimo, iwm.


Akhristayaaloow waxaan ku soo gabagabeynayaa Maqaalkeyga in ay Maanta Culumadeenii ay dadaal muujiyeen laga sugaayey muddo 20 sano ku dhawdhaw, waxayna baajiyeen Dhiig ku daadan lahaa macno la,aan,waxayna xakameeyeen dhallinyaro Qar iska tuur ahaan lahaa,waxayna Naseexo u soo jeediyeen Dawladda oo lagama maarmaan u aheyd, sida ku dhaqmidda Sharecadda Islaamka iyo ka saaridda ciidamada Shisheeye.

Fii amaani laah
Saahid mohamed yusuf
sahid_yusuf@yahoo.com

(1)Buuggaan waa buug Dr. Abuu fadal uu ku radiyey Buug uu qoray DR. Ayman Al-dawaahri nink labaad ee Al-Qaacidda.
(2) Ahlu sunah wal jamaaca waa magacii weynaa ee salafka ee ma ahan magaca haatan suufiyadu la baxday. Shiikh Umal waxaa muxaadaradiisa ku jirtay in magac Ahlu sunah waa la biliqeystay waana in la soo celiyaa ayuu yiri.

SAAHID MAXAMED YUSUF
NAIROBI,EASTLEIGH

SAHID_YUSUF@YAHOO.COM
  

Wadaadada Soomaliyeed 20 sano ma hurdeen mise dadkaan maqleyn Q-1aad Akhri...

Maxaad Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay Qarka u Saaran tahay in Lala Wareego Bisha May 13, 2009?

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS