SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

SIDEE LAGU BADBAADIN KARAA MANHAJKA SALAFIGA AH?!!!

QAYBTA 1AAD

BISMILLAH,   ASALAAMU CALEYKUM W.W

HORDHAC

Mahad dhammaanteed waxay u sugnaatay Allahii nagu galladaystay nimcooyin fara badan oo ay ugu weyn tahay nimcada islaamnimadu, nabadgalyo iyo naxariisina korkiisa ha ahaato nabigiisii Muxammed, ehelkiisii, asaxaabtiisii iyo intii wanaagga ku raacdayba ilaa maalinta abaal marinta. Intaas ka dib;

Walaalayaal, sida aan wada ogsoonnahay ummadda Soomaaliyeed waa ummad 100% muslim/sunni ah, waana arrinta sababtay inay Soomaalidu yeelato cadowyo fara badan oo arrintaasi xanuun ku hayso jeclaan lahaana inay taqriirkaas wax uun ka baddalaan, waxaa iyaduna xusid mudan in baraarug xoog weyni ka jiray muddaba Soomaaliya oo dhan kaasoo ay aad u korodhay aqoonta diinta loo leeyahay, dadkuna ay aad u muujiyeen shacaa段rta Islaamka, ka gudbeen shubuhaad fara badan oo khuraafi ah, isla markaana ku qanceen in islaamku yahay nidaamka kaliya ee ku habboon nolosha aadanaha, ka dib markii cilmigu u iftiimiyay waxyaabo fara badan ayna soo mareen tajribooyin kala gaddisan.

 Tan iyo markii ay SAXWADU ka hanaqaadday gayiga Soomaalida, waxaa lala dagaallamay shirkigii iyo khuraafaadkii waxaana dadka la baray towxiid baraxtiran iyo in cibaadada ALLAH loo khaalis yeelo, waxaa laguda galay in kitaabka iyo sunnadaba si xeeldheer loo daraaseeyo, oo tafsiirka iyo axaadiistaba ummadda loo akhriyo, qur誕ankana si qurux badan iyo tajwiid lagu akhriyo, baraaruggaas waxaa si gaar ah uga faa段idaystay haweenkii oo gabdhihii baa madaarista loo diray, waxaana soo baxay hablo qaari誕ad ah iyo hooyooyin culumo ah, waxaa guud ahaan kor u kacay wacyiga dadweynaha oo waxay dadku si fiican u qaateen MANHAJKA SALAFIGA AH oo ku salaysan fahamka saxiixa ah ee risaalada Islaamka, kaasoo ah manhajka AHLU SUNNAHA loogana dayanayo suubanaheennii Muxammed csw iyo asaxaabtiisii oo ahaa salafkii ummaddaan; waana halka uu u nisbo sheeganayo magacaan iyo manjhajkaan aan gargaarka u raadinayo oo ay aniga ii muuqatay in khatar weyni ka soo food saartay sidii uu uga sii jiri lahaa waddankii Soomaaliya la oran jiray, haddii aan laga gaashaaman oo laga hor tagin khatartaas xilliga ugu habboon!

 Dhinaca arrimaha bulshada, shacabweynaha Soomaaliyeed waxay heleen culumo danaha guud ka shaqeynaysa oo madaaris, iskoollo, jaamacado iyo isbitaallo u dhisaysa, ganacsigii kor u qaadaysa, isgaarsiintii hormariyay, xilligii burburkana dadka tabarta daran is garabtaagtay oo agoomaha iyo araamisha aruurisay, kuna baaqaya in bulshadu isku tashato oo iyadu is kaalmayso (dabcan dadaalkaas dad aan culumo aheynna waa ku jireen balse culumadu lafdhabar bay u aheyd,) oo iyagaa dhiirrigalinayay tilmaamaha kheyrka oo dhan, iyo in ruuxa mu知inka ahi uusan isagu bulshada culaab ku noqon ee looga baahan yahay inuu noqdo mid diinta, dadka iyo dalkaba anfaca, sidii xadiiskuba ahaa (Mu知inka xooggani wuxuu ka kheyr badan yahay Allana looga jecel yahay mu知inka tabarta yar) , xoogaasna waxaa ka mid ah ka warqabka iyo waxtarka uu ruuxu bulshadiisa anfaco; isku soo wada duuboo sida sunnaduba tahay markii dadku diinkoodii wax uun ka hagaajiyeen baa Allana adduunyadoodii hagaajiyay, (Illeyn Allah addoomadiisa ma dulmiyee) iftiinkiina tusay, taasuna waxay dhalisay in ugu danbayntii xaqii soo daahiray oo baadilkiina suulay kadib markii shacabku iska dulqaadeen dulmigii ay 17ka sano ku hayeen nimankii dagaal oogayaasha ahaa oo jaqayay dhiigga dadweynaha, waxaana durbadiiba la hirgaliyay ku dhaqankii shareecadii mudada dheer lagu taamayay in manhaj laga dhigto! Wixii ka dhacay baa ka dhacay iyo mucjisadii la arkay muddadii 6da bilood aheyd ee Golihii Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed (GMIS) ay ka talinayeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kaasoo isagiina aakhirkii aan calfan waynay sababtu meelo badanba ha ka timaaddee, waxaanse shaki ku jirin in VITO laga saaray dhinaca cadowga islaamka oo iyagu aqbali waayay in Islaamiyiintu xalliyaan wixii inta kale xal u wayday!

 Ka dib jab xoog leh iyo dhibaato la soo maray muddo 2 sano ah, dad iyo duunyana galaafatay, waxaa Alle mar kale nasrigii u soo celiyay mujaahidiintii u kacay difaaca diinta, dalka iyo dadka oo taageero kama danbeys ah ka helay dadweynihii Soomaaliyeed, Sababka ay taageeradaas Islaamiyiintu ku heleenna waa kheyrkii hore looga bartay iyo dadka oo aamminay in wadaadadu mar walba u taagan yihiin horumarka shacabka adduun iyo aakhiroba.

 Hadaba haddii aan isla qirnay in maanta kubbaddii jirto dhinaca wadaadada oo shacabkii Soomaaliyeed ay ka dhursugayaan waxa xigi doona, wax walbana ku aammineen islaamiyiinta, oo xitaa ay siyaasaddii Soomaalidu maanta u xiran tahay wadaadada, maxaa la gudboon culumada Soomaaliyeed? Mujaahidiinta? Masuuliyiinta xisbiyada ama xarakaadka Islaamiga Soomaaliyeed? Yaa xaqiijin kara in MANHAJKA SALAFIGA ahi uu ka faa段idaysto fursaddan qaaliga ah uuna noqdo nidaamka kaliya ee Soomaaliya lagu dhaqo? Yaa dhayi kara boogaha ku yaal quluubta Soomaaliyeed? Yaa dadweynaha u dammaanad qaadi kara inay sii wataan barashada MANHAJKAN iyo dabbakhiddiisa si ay adduunyada ugu noolaadaan nolol istiqraar iyo raaxo leh, aakhirana raalli ahaanshaha rabbi iyo janno ku gaaraan? Yaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed uga faa段idayn kara fursaddan dahabiga ah iyo nasiibkaan naadirka ah oo aanay haysan shucuub fara badan oo Muslimiin ah caalamkaan wareersanna ku dhex dhibaataysan? Yaa ka hortaga niyad jab ku dhaca quluubta shacabka daallan iyo inay ka aammin baxaan wadaadada, dibna u waayaan wax ay aamminaan? Yaa ka baaqsanaya burbur ku yimaada sumcadda diinta iyo magaca Islaamiyiinta? Yaa diida in kaarka wadaadadu gubto sidii rag hore kaararkoodii u gubteen, warkood danbana aan cidi u dhagaysanayn?! Yaa nimcadaan aqoonsada oo ka mahadceliya oo loo kordhiyaa? Yaa ka baaqsada caro iyo cadaab rabbi iyo nimcadoo laga wareejiyo? Yaa tajrubooyinka iyo taariikhda wax ku qaadanaya? Yaa indho leh oo waxku arka? Yaa dhago leh oo wax ku maqla? Yaa qalbi leh oo waxku garta? Yaa caqli leh oo waantooba? Yaa?  Yaa?  Su誕alahaas iyo kuwo kale oo fara badan waxaan ku falanqayn doonnaa qormooyinkeenna soo socda haddii Allah inoo qaddaro.

SIDEE LAGU BADBAADIN KARAA MANHAJKA SALAFIGA AH!

QAYBTA 2AAD

Qaybtii hore ee hordhaca aheyd waxaan uga soo warranay sida shacabka Soomaaliyeed uga faa段idaystay dacwadii muddada dheer ku socotay , waxaanan isla soo sawirnay sida xaalku u yaal xilligan la joogo: indhihii raciyada, saaxiibbada iyo cadowga oo u jeeda dhinaca islaamiyiinta iyo dadweynihii oo ka warsugaya waxa wadaadaduna ku sameeyaan markan, iyagoo dhinacna ka cabsi qaba in ay marxalad cusub oo madaafiic iyo qax ah galaan, dhinacna ka quuddarraynaya in wadaadadu kheyrkii ay uga barteen u horkacaan oo berismaad iyo barwaaqo la galo, Soomaalidana ugu danbeyntii berrin bajiimo lagu furo!

Qaybtaanna waxaan ku qaadaa dhigi doonnaa, jawaabaha su誕alihii aan qormadii hore ku soo gabagabaynay iyo inaan ugu danbeyn jawaab kaafi ah u helno su誕asha cinwaanka u ah qoraalkeenna iyo inaan Allah idinkii ka guulgaarno ujeeddada qoraalkan oo ah inaan u iftiimiyo dadka ay masuuliyadda weyni garbahooda saaran tahay inay xilka si wanaagsan u gutaan, naftooda iyo ummaddana badbaadiyaan!

Hadaba, waxaan muran ka taagnayn in xallinta mashaakilka na haysta uu yahay waajib saaran ruux walba oo Soomaali ah, oo aysan jirin cid kaligeed wax walba qaban karta iyo cid howsha lagu fiirsanayo, waxaase jirta in eeddu dadka kala qaban og tahay, waxaana jira dad si gooni ah xilku u saaran yahay, loogana baahan yahay inay dadka u hogaamiyaan wadadii ay uga samata bixi lahaayeen dhibka haysta; dadkaas waxaa ugu horreeya culumada cilmiga naafica ahi ku dagay kuwaasoo ah rajada qura ee maanta Soomaali u hartay, cidda kaliya ee dhexdhexaadka ka noqon karta khilaafyada jira ama kooxda kaliya ee laga yaabo in warkooda la maqlo haddii ay si fiican uga faa段idaystaan ixtiraamka loo hayo, arrintana si daacadnimo iyo ikhlaas ah u galaan iyagoo Allahna kaalmo weydiisanaya.

Culumadaas waxaa hor yaalla howlo aad u calculus una fara badan, waxaana ka mid ah:  

1)      Inay ku dadaalaan adkaynta iyo ka miro dhalinta qodobbadii ay soo saaraan iyo ilaalinta in lagu xadgudbo qodobadaas.

2)      Inay xoojiyaan, ballaariyaan hay誕ddan ay dhiseen, isla markaana ku dadaalaan sidii ay hay誕dani u noqon laheyd hay誕dda ugu sarreysa dalka, xitaa dowladdana ka sarraysa kana madax bannaan, si ay ugu suurtagasho gudashada howlaheeda sida: dhexdhexaadinta, musaalaxada iyo sixiddaba.

3)      Waxbaridda, toosinta iyo wacyigalinta dadweynaha:

Qodobkani waa mid aad u baaxad weyn, wuxuuna u muuqdaa shaqada ugu badan ee culumada hortaalla; si ay xal waara ugu helaan mushkiladda  jirtana waa inay xididada u siibaan jahliga ummadda haysta dhammaantiis, taasoo haddii ay ku guulaystaan soona saaraan shacbi aqoon iyo ilbaxnimo leh, wacyigiisuna sarreeyo ay markaas suurta gal tahay in la soo afjaro dhibaatadii dadka mudada dheer haysatay!

 Inkastoo culumadu dadka wax fiican bareen hadana waxaa soo ifbaxday in axkaam fara badan aan sidii la rabay loo daraasayn, kuwaasoo marxaladda la galay awgeed dadku si aad ugu baahdeen, waxaana ka mid ah:

a)      Ilaalinta manhajka salafiga ah iyo horumarintiisaba: sida aan soo tilmaamnayba manhajkani waa midka Allah raalliga uga yahay ummadda muslimiinta ah inay ka waddo iyo dhaqan dhigtaan ammuurahooda adduun iyo aakhiroba, waxaana haysta weerarro fara badan oo gudo iyo dibadba uga imaanaya, kuwaasoo isku dayaya inay calwiyaan oyna suurad xumeeyaan si uu u noqdo mid gaari waaya hadafkiisii, sidaas darteed waxaa culumada la gudboon inay ku baraarugaan weerarkaas isla markaana u guntadaan sidii ay manhajkaas uga difaaci lahaayeen fikradaha xadgudubka iyo gaabinta isugu jira, uguna xifdin lahaayeen dhexdhexaadnimada lagu yaqaan, taasoo mar walba ku dhisan xikmadda, dhimrinta iyo naseexada wanaagsan.

b)      Xurmada dhiigga muslimiinta: qodobkan waa mid si aan xad laheyn loogu baahan yahay in daawo loo helo, culumaduna ayba tahay inay qaylo dhaantooda ka bilaabaan maxaa yeelay waa halaagga ugu daran ee mujtamaceennu faraha kula jiro kaasoo loo baahan yahay in dhiigga dadka walaalaha ah ee raqiiska noqday loo soo celiyo xurmadii uu lahaa si fitnaduna u danto; waana in culumadu  si bayaan ah har iyo habeenba uga hadashaa xurmada dhiigga, maalka iyo sharafta qofka muslimka ah iyo cadaabka, ciqaabta Alle u yaboohay dadka qarrariya xurmadaas, waana in isla markaas la dhaqangaliyaa qisaasta iyo xuduudda Alle u jideeyay dadka ku xadgudba xuquuqda dadka muslimiinta ah, si loo helo daawada runta ah iyo nolol la mahadiyo.

c)      Qeexidda jihaadka xaqa ah: jihaadku waa islaamka baarka ugu sarreeya, waana arrin looga baahan yahay qof walba oo muslim ahi inuu ugu yaraan qalbiga ku hayo inuu noloshiisa maalin jihaado, waxaanse muran ku jirin inuu leeyahay shuruudo waaweyn oo loo baahan yahay in uu dhammaystirto marka uu noqonayo jihaad xaq ah, sidaas darted waxaa culumada looga baahan yahay inay ummadda u kala caddeeyaan jihaadka xaqa ah ee lagu koryeelayo kalmadda Allah iyo dagaallada fitnooyinka ah ee muslimiinta dhexmara, waana inay ummadda ku guubaabiyaan jihaadka maxmuudka ah si loo helo sharafkiisa, isla markaana uga digaan fitnada si ayan ugu halaagsamin; maxaa yeelay waa culumada cidda kaliya ee cilmigooda ku kala saari karta arrimahaas.

d)     Ahmiyadda Hoggaanka: diinteennu waxay ahmiyad weyn siisay in ummaddu yeelato hoggaan, waxayna aad u diidday fowdada, lamana soo koobi karo inta jeer ee qur誕anka arrintaas Allah ku xusay iyo sida uu dhaqankii nabiguba ahaa in haddii uu 3 nin meel u diro uu mid madax uga dhigi jiray, sidoo kale ay saxaabadii nabigu markii uu nabigu geeriyooday ay ka hormariyeen aaskiisii inay muslimiintu hoggaan yeelato, maxaa yeelay waxayba isku khilaafayaan sida loo duugayo haddii uusan jirin ruux talada ugu danbeysa yeesha, sidoo kalana waxaa laga weriyaa sheykhul islaam Ibnu Taymiya hadal macnihiisu ahaa (60 sano oo uu hoggaamiye faajir ah ummadda xukumo ayaa ka danbi yar hal sano oo fowdo lagu jiro), arrintaasna haddaan Soomaali nahay sharraxaad badan ugama baahnin, maxaa yeelay si baraatiko ah ayaan u dhadhaminnay dhibaatada ay leedahay dowlad la誕antu iyo khasaaraha dhinac walba soo gaaray ummaddeena, kaasoo xitaa saameeyay akhlaaqdii shacabka oodba mooddo in qaamuuskeenna laga masaxay wixii kala danbeyn iyo nidaam la oran jiray; arrintaasina xaqiiqadii waxay kaalin weyn ku leedahay dhibka maanta na haysta oo xitaa waxay saamaysay dadkii loo malaynayay inay wax garanayaan, ka dib markii aan waynay wax madax ah iyo wax majo ah, ruux walbana uu isagu yahay amiirka aan laga daba hadlin, dabadeedna la waayay cid dameerkii kaxaysa, sidaas darteed culumada waxaa horyaalla sidii ay wax walba uga hormarin lahaayeen sidii ummaddaani hoggaan talada looga danbeeyo u yeelan laheyd, waayo waxaaba ku xiran hirgalinta howlaha looga baahan yahay inay qabtaan oo waxba ma qaban karaan haddii aysan jirin cid hirgalin karta qaraarada ay soo saaraan amaba ciqaabi karta ciddii ka hortimaadda waxa culumadu soo jeediso!  

e)      Aadaabta khilaafka: qodobkani wuxuu isna hoos galayaa waxbaridii dadka, waana in culumadu hoosta ka xarriiqaan in aan marnaba ummaddaan khilaaf laga waayayn oo ayba abuurkooda ka mid tahay inay is khilaafaan; haddii Allah dooni lahaana hal koobbi buu ummadda ka wada dhigi lahaa balse xikmadda rabbi baa ku dareersatay inay dadku kala ra馳i duwanaadaan, muhiimmadduse waxay tahay in khilaafka edeb loo yeelo, dadkana la baro in kala duwanaantaas ra馳iga la isku nabadgaliyo, nin walbana tii la qummanaata uu ku dhaqmo, (dabcan tani waxay khaas ku tahay ummuuraha khiyaarka gali kara waana kuwa ugu badan ee aan isku haysanno!)

f)       Ixtiraamka Culumada: qodobkani waa mid higalintiisa laga rabo dhinacyada oo dhan, balse waxaa culumada ku gaar ah inay tahay iyaga cidda laga rabo inay barto dadweynaha gaar ahaan xertooda cilmiga ka raacata tawaaduca iyo in ruux walba uu qaddarkiisa aqoonsado, isla markaana ay ixtiraamaan cid walba oo ka aqoon badan gaar ahaan culumada wax bartay, iyagoo ka aadaab qaadanaya salafka ay u nisbo sheeganayaan, oo waa tan khulafadii nabiga csw, sayid Cumar ama sayid Cali laga soo guuriyo in midkood yiri ( ruuxii xaraf i bara waxaan u noqonayaa addoon), sidaas darteed waa in culumada qudhoodu arrintaas shacabka ugu noqdaan tusaale wanaagsan oo ay iyagu is ixtiraamaan, isna qadariyaan, haba ku kala aragti duwanaadaan masaa段sha qaarkood amaba xagga abtirsiga xarakaadka diimeed ee ay ka soo jeedaane! sidoo kale waa in daalibul cilmuguna qaddarkiisa aqoonsadaa taladana uga danbeeyaan culumadooda iyagoo waliba ixtiraamaya, markaas waxaan filayaa in Allah noo naxariisanayo, ummuuraheennana uu isku keenayo.

g)      Dhowriska Danta Guud: qodobkan waxaan uga jeedaa in culumadu nagu hoggaamiyaan barashada fikirka wax isu dooridda, wax wada wadaagga iyo in aan dhammaantayo u muuqanno kuwo wada guulaystay, iyadoon jirin cid laga raayay amaba laga adkaaday!, qodobkani wuxuu aad muhiim ugu yahay suurtagalna uu ka dhigi karaa inaan ka baxno azmada nagu habsatay, maxaa yeelay, waxay in muddo ah Soomaalidu kusoo jirtay dagaal sokeeye oo qabiil qabiil laysku laayay iyadoo awoodda lagu tartamayo, natiijadiina waxay noqotay in qolona aysan u suurtagalin inay awooddii xoog ku qabsato intii kalana baabi段so, waxaa hadana la galay marxalad kale oo kooxa kooxo laysku dagaalay iyadana waa lagu hungoobay in kooxna la quusiyo oo koox fakir gooni ah u tacasubaysaa ay Soomaalida oo dhan sandulle ku xukunto, sidaas darteed bay iila muuqatay inaan markaan u baahannay inaan fahamno in waxa aan ku dagaalayno aan wada leennahay isla markaana ay na deeqaan haddaan wadaagno, waxa kaliya ee naga maqanina ay tahay daacadnimo iyo ikhlaas, sidaas darteed markan loo baahan yahay in caqliga saliimka ahi shaqeeyo, koox walibana oggolaato in ay wax ka tagto waxna qaadato, libta la isku oggolaado, anaaniyada iyo kooxaysiga aan iska illowno si loo daryeelo Danta Guud! Xaqiiqadii waxaan kaliya oon u baahannahay inaan si gun dheer u daraasayno sunnada nabiga iyo manhajka salafiga ah, waxaana tusaale na kaafiya uga helaynaa xaalkeenna sidii xikmadda badneyd ee uu suubbanaheennu csw, u xalliyay mushkiladdii ay qureyshi ugu sigatay inay isku layso cidda dhigaysa xajarul aswadka meesha uu yaallay, xilligii ay kacbada dhisayeen, iyagoo waliba xilligaas mushrikiin ahaa, dabadeedna uu suubbanuhu faray in qolo waliba nin soo saarato oo ay isla qaadaan dhagaxii si koox waliba ugu faanto inay libintaas wax ku leedahay, oo aan qolona dibadda loo dhigin! Sidaas si la mid ah ayay maantana Soomaalidu ugu baahan tahay in koox waliba wax ku lahaato libinta heshiis la gaaro iyo inay tanaasul samaysay si Soomaali u daawoowdo isuguna timaaddo oo wax u wadaagto! 

h)      Ugu danbeyn si aan u wada guulaysanno waa in hogaamiyaasheennu fahmaan inaan dadka xoog lagu maamuli karin, balse ay ku qanciyaan inay iyagu yihiin  hogaamiyaalka saxda ah iyo cidda ehelka u ah inay masiirka ummadda ka taliyaan, waana in ay taageeradaas ka helaan ka kasbadaan quluubta dadweynaha iyagoo soo bandhigaya maamul wanaag, caddaalad, sinnaan iyo kitaabka iyo sunnada oo loo xukuntamo!

 Dadka Soomaaliyeed waa dad aad u daneeya siyaasadda, waxyaabaha ugu waaweyn ee laga faa段iday burburkiina waxaa ugu muuq dheer in dadkii wada siyaasiin noqdeen oo ruux waliba uu doonayo inuu wax ka falanqeeyo howlmaalmeedka dowladda, xukuumadda iyo baarlamaankaba, waxaana arrintaas aad u saaciday saxaafadda madaxabannaan iyo raadiyaal iyagu dadweynaha ku martigaliya inay ra馳igooda ka dhiibtaan mowduuca maalintaas shaqada u ah xukuumadda, iyagoo aan waliba soo qaadan waxyaabaha wanaagga ah ee la gaaro ee kaliya ugaarsada khaladaadka ka dhaca mar walba cidda tooshku markaas ku shidan yahay, halkaasna waxaa laga dhaxlay shacab iyagu ku mashquulsan howlo aan iyaga u oollin iyo dadweyne  fadhi ku dirir ah, isla markaana wax ku miizaama guusha ama fashalka uu ruuxu ama kooxdu ka gaarto siyaasadda markaas jirta! Iyagoon marnaba dib u jalleecayn wanaagyada kale ee kooxdu leedahay amaba howlo kale oo la mahdiyay oo ay horey u qabteen, waxaana gabagabadu noqotaa hebel ama koox hebla kaarkoodii waa gubtay! Ama filimkoodii eey baa cunay! iyo erayo la mid ah oo gadaal uga soo biiray qaamuuska Soomaalida mudadii burburka, kuwaasoo tusinaya in kooxdaas ay sumcad beeshay, cid danbe oo dhagaysanaysaana aysan jirin! Sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa wadaadada, ama guud ahaan islaamiyiinta uu maanta masiirka ummaddu gacantooda ku jiro inay  ku baraarugaan khatarta ay leedahay inay ku fashilmaan kana faa段idaysan waayeen fursaddan ay ku badbaadin karaan ummadda iyo manhajkooda salafiga ah!, waana inay ogaadaan in haddii ay guuldarraystaan aysan kaligood saamaynayn balse ay guuldarradaasi galaafan doonto wax alla iyo wixii ay ahaayeen, hore u qabteen iyo waliba manhajkii ay garwadeenka ka ahaayeen! dadkuna ku fekeri doonaan wixii ay ku badalan lahaayeen, taasina ay fursad siin doonto in ay dib usoo nolaadaan khuraafaadyadii hore ee dadka diinta looga dhigi jiray iyo baadilkii oo soo noolaada, saaxadana ay dagi doonaan dad aan ehel u aheyn oo waliba dhakhso u xoogaysta!

 UGU DANBEYN WAXAAN MAQAALKAYGA KU SOO GABAGABAYNAYAA IN MASUULIYADDA BADBAADINTA MANHAJKA SALAFIGA AH AY GARBAHOODA SAARAN TAHAY ISLAAMIYIINTA (CULUMADA, XARAKAADKA ISLAAMIGA AH, MUJAAHIDIINTA, DAALIBUL CILMIGA) IYO DHAMMAAN INTA AWOODDA MUUQATA KU LEH SAAXADA SOOMAALIDA, KUWAASOO HADDII AY ARRINTAAN ISKU LARAAN, XALLIN WAAYAAN, KUNA HESHIIN WAAYAAN WAXYAALAHA AY ISKU HAYAAN, OO AY U MUUQAN WAYDO SHAYGA UGU MUHIIMSAN OO AH (MIDNIMADA, BADBAADINTA UMMADDA IYO MANHAJKEEDA SALAFIGA AH) AY IYAGU QAADI DOONAAN MASUULIYADDA CAWAAQIB XUMADA KA DHALATA FALKOODA ADDUUN IYO AAKHIROBA, ALLANA KULA XISAABTAMI DOONO IYADOON JAAHILNIMONA LOOGU CUDURDAAREYN!

Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee wanaagga jecel isla markaana ay u muuqato khatartani gaar ahaan odoyaasha, aqoonyahanka, abwaaniinta, haweenka iyo dhammaan inta danaynaya inuu badbaado manhajkan salafiga ahi inaysan arrinta iska eegan ee ay qabtaan wax alla wixii ay qaban karaan, si aynaan u wada halaagsamin!

 Waxaan jeclahay inaan ugu danbeyn u digo dadka caadaystay inay faafiyaan fikradaha dadka kala fogeeya ee nin jeclaysiga, kooxaysiga, iyo anaaniyada ku dhisan ee aan xaq taageerka aheyn inay Allahooda uga cabsadaan ummaddan masaakiinta ah ee baaba壇ay ee ay iyagoo dheregsan joogana meelo ammaan ah ay mucaawinada uga dhigeen carrabkooda dalabta leh iyo qalinkooda sunta ah een marnaba u khidmaynayn danahooda, bal弾 baasiinka ku shubaya dabka baxaya ama cusbada marinaya dhaawacyada ku yaalla jirkooda iyo quluubtooda! Dadkaas oo u badan aqoonyahankii la shinsanayay waxaan xasuusinayaa xadiiskii nabiga csw ee macnihiisu ahaa (ruuxii iimaan lihi kheyr ha ku hadlo ama ha iska aammuso!, waxaanan ku leeyahay muslimiin wanaagsan noqda oo gacantiinna iyo carrabkiinna halaga nabad galo!

 NB:

Qoraalkani waa talo soo jeedin oo qura, mana aha taladii ugu saxsaneyd, balse wuxuu ka soo go誕y niyad daacad ka ah arrinta uu ka hadlayo, waxaan ka cudurdaaranayaa wixii gef ah ee ku jira, anigoo Allahna danbi dhaaf ka weydiisanaya, wixii wanaag ah oo ku jirana waxaan Allah weydiisanayaa inuu iga ajar siiyo igana aqbalo ujeedadii aan ka lahaa, dadkayga uu ku anfaco, dhibaatadana aan uga baxno. Aamiin.

 Waxaa Qortay:

Firdowsa C/qaadir Cabdi

E-mail: firdowsabdi@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: