SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Heshiiska bada hordhac waxuu u noqon doonto sheegashooyin iyo heshiis- badan oo qaranka somaliyeed lagu qiyaamayo hadii aan heshiiskan meesha looga haro

Waxaa wax lala yaabo ku noqday qof kasta oo dhagaysanayay Abdiraxmaan Abdishakuur ee wasiirka sheeganaya ee saxiixa ku duugay oo qirtay in uusanba jirin xad u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya (dhinaca badda). 

Mida kale waxaa ka muuqata dokumentiga uu saxiixay in ay tahay qoraal ay sida ay rabaan dowlada keenya ay u soo diyaarsadeen oo loogadii astaantii dawlada Kenya uu ku hoos saxiixay Abdiraxman Abdi shakuur asagoo kaligiis ah oo sawirka marka uu heshiiska saxiixayo ay ku hareeraysan yahiin masuuliyiin ka socota dowlada Kenya halka uu isagu kaligii yahay

Waxaa kaloo cajiib ah in uu yiri wasiirka looma baahna in la horgeeyo heshiiskaan baarlamaanka waxaa is waydiin mudan baarlamaanka shacabka Soomaaliyeed ay soo doorteen ma kartoomo meel yaala oo waxay ku qanacsan yahiin oo kaliya xubin baarlamaanka ka mid ah ayaan ahay 
Baarlamaanka waxaa looga fadhiyaa inay arintaan qiyaanada ah in ay go'aankooda cadeeyaan hadii ay ku qanacsan yahiin heshiiska dawlada Kenya lala galay iyo hadii uu yahay heshiiskaas mid xaaraan ah oo aan la soo marsiin baarlamaanka waana inay xukuumada kala xisaabtamaan hadii kale baarlamaanku ma noqon doono kuwa shacbiga kalsooni ay ku qabi doonaan. 

Haddii arrinku uu sidaan ku sii socdana, berri waxaa dhici doonta iney soo baxaan dad ku doodaya in wax dhul Soomaaliyeed la yiraahdaba uusan jirin, oo waxaa imaan doono dalaaliin kale oo cirka iyo dhulkaba isku daya inay beeciyaan

waxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed oo ay waxgaradkeedu horkacayaan in ay dhacdadaan ka dhiidhiyaan, dhulkoodana ay difaacdaan. Waa in lagu baraarugsanaado haddii sheegashada tijaabada ah ee ay hadda Kenya waddo ay meelmarto, in arrintaasi ay hordhac uu noqon doonto heegashooyin iyo heshiis- badan ooqaranka somaliyeed lagu qiyaamayo

Waxaan amaan gaar ah mudan SOMALI TALK habka ay shacabka somaliyeed ugu baraarujiyeen heshiiska qiyaamada qaran ah ee badeena lagula galay dowlada keenya Shacabka somaliyeed muujiyeen dadaal iyo wadan jeceyl iyo geesinimo waana mid ku dayasho mudan oo looga baahan yahay inay si la mid ah aqoonyahanada iyo sharciyaqaanada somaliyeed aysan iska aamusine ay ka damqadaan bililiqada lagu hayo hantidii umada somaliyeed ay shinsanayeen oo ay ka dhaxli lahaayeen jiilasha soo socda.
 
Waxaana BBC-da ka codsanaynaa In arintaas dhacday aysan meesha uga harinee ay falanqaynta jimcaha soo socda isagu keenaan aqoon yahano iyo sharciyaqaano ay ka dhab tahay wadani jacaylka si arintaan xog badan looga helo mar kalena la soo fariisiyo telefonka shaqsiyaadkii ku lug lahaa arintaan waa khatarta cusub ee soo foodsaartay ummadda Soomaaliyeed. Haddii hore dhul keenii uu gumeysigii Ingiriisku ku wareejiyay Kenya iyo Itoobiya, maanta waxaan goob jog ka nahay baddii Soomaaliyeed oo qaar damiirlaawayaal ah oo Soomaalina sheeganayaa ay horteenna ku saxiixayaan,

Abdirashiid  Abdulaahi (Foley)
rashiidy2001@hotmail.com 
LONDON UK 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: