SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

SADDEX DHADHAAR: DHARDHAARADA GUMAYSTAHA

Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com

Hal ku dhigga maqaalka:

Gumaystuhu waxa uu ku taaganyahay saddex dhardhaar. Haddii saddexdaas dardhaar midba mar laga hoos  saaro, dhulka ayuu ku soo dhacayaa, markaas ayey warmeheennu gaadhayaan. Markaa aynu jihaadkeena ka bilowno saddexdaas dhardhaar , Xaaji Aadan Afqallooc 1940 

          Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Umadda Soomaaliyeed waxa ay qarka u saarantahay hoobad.  Tan iyo markii ay gumaystayaasha caddaanka ahi kala qaybsadeen, waxa uu masiirka umaddu ka laalaaday qar sii dumaya. Gumaystayaasha kala duwani waxa ay mar walba inagu tukhuntukhinayeen qarkaas si aynu ugu shalwanno hoobadka. Laakiin Ilaahay mahadi ha ka gaadhee waxa mar walba oo la sigto isku keen gudbayey halyeeyo Soomaaliyeed oo mararka qaarkood iyagu ku shalwanayey hoobadka si aynu u badbaadno.

Gumaystayaashu ma aha koox keli ah , ujeedooyinkooduna ma aha qaar midaysan.  Qaarkood isir ahaan ayey inoo necebyihiin. Qaarkood diin ahaan ayey inoo diidanyihiin. Qaarkoodna khayraadkeena ayey inagu xaasidayaan. Badda dheer ee ugu dheer badaha afrikaanka. Dhulka weyn ee ugu weyn dhul ay degaan dad isku af iyo isir ahi qaaradda afrika. Halbowlenimada goobta aynu aduunka kaga naallo oo aan laga maarmi karin. Iyo innaga oo u rabbaysmi waynay sidii gumayteyaashu inaga rabeen. Iska daa in aynu rabbaayad noqonne eh waxa caddaatay in aynu umadaha kale rabbayn karno haddii faraha la inaga qaado.

Sidaas darteed ayaa loo goaansaday in aan faraha la inaga qaadin. Markii ugu horraysay waa la ina qabsaday. Markaas ayaa la ina qaybsaday. Halkaas waxa ku dhaawacmay madaxbannaanideenii iyo midnimadeenii. Haddana waxa la inaga dhex samaystay dad sidii eyda oo kale u rabbaayadoobay.  Laakiin mar walba meeshii la inala rabay meel ka sokeysa ayeynu ku kufaynay  oo aynu ka kacaynay. Wuxu Alle inoo bixinayey dad nafahooda inoo hura, markaas ayeynu ka badbaadeynay meeshii la inala rabay.  Sayid Maxamed Cabdille Xasan ayaa waranka dhiigeeyey. Wax badan ayuu ALLe ku badbaadiyey, laakiin aakhirkii waa la wiiqay. Sheekh Xasan Barsame ayaa kacay, wax badan ayuu Alle ku badbaadiyey, laakiin aakhirkii waa la wiiqay. Sheekh Bashiir ayaa kacay, waxbadan ayuu Alle ku badaadiyey laakiin aakhirkii waa la deldelay. Qaar badan oo kale ayuu ninba maalin oogsaday.

Dhammaan raggaas gumaysi diidka ahaa iyo tobanaan kale oo aanan xusin waxa caqabad ku noqday  isla dadkii ay u hiilinayeen ee Soomaaliyeed. Caqabadaha halgamayaasha ee gumaystuhu ku badhaadho waxa tilmaan kooban ka bixiyey, halgamaagii weynaa ee gabyaaga ahaa ee la odhan jiray XAAJI AADAN AFQALLOOC. Xaajigu wuxu ahaa halgamaa xaq u dirir ah oo qarnigii hore gumaystayaasha kula diriray dhulkii reer Falastiin, Suudaan iyo Ereteriya. Sanadihii afartameeyadii ayuu dalka ku soo laabtay. Wuxu ka soo degay magaalada Berbera. Wuxu arkay dhulkii oo uu gumayste Ingiriis ahi haysto. Ganacsigii iyo noloshiina ay haystaan gumayste-kalkaal Carab iyo Hindi ah. Waxa kale oo uu arkay dad soomaaliyeed oo ku nool gumaysiga lagu hayo umadda Soomaaliyeed. Xaaji Aadan waxa uu shiriyey dadkii reer Berbera, waxaanu tusaaleeyey  gumaystaha iyo sida ay ula dagaallameen quruumaha kale.  Wuxu ku guubaabiyey dadkii in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan oo ay cadowga iska dhiciyaan. Markii loo guuxay warkiisii, waxa uu u tilmaamay halka laga bilaabayo jihaadka. Wuxu Yidhi Xaaji Aadan afqallooc hadal nuxurkiisu ahaa:

Gumaystuhu waxa uu ku taaganyahay saddex dhardhaar. Haddii saddexdaas dardhaar midba mar laga hoos saaro, dhulka ayuu ku soo dhacayaa, markaas ayey warmeheennu gaadhayaan. Markaa aynu jihaadkeena ka bilowno saddexdaas dhardhaar

Saddexdii dhardhaar ee uu Xaaji Aadan Afqallooc qeexay 1940-kii, bal aynu eegno in ay weli jiraan iyo in kale. Gumeystihi weli waa uu joogaa. Wakiillo u dan quminayaana way joogaan.  Walaalo iyo xigaal ayaa u joogaa. Waardiye uu wax bartay ayaa u joogaa.  Markaa waxa aynu is waydiinaynaa ma jiraan derbiyo ka sokeeya oo ay inoogu gabbanayaan?

WUXU XAAJI AADAN AFQALLOOC  YIDHI: Saddexda dhardhaar ee gumaystuhu waxa ay kala yihiin: 1- Ganasatada carabta iyo Hindida ah 2- Kaabo qabiillada afmiishaarrada ah iyo  3- wadaad xumayaasha kitaabka u fura gumaystaha

Waxa la sheegay in uu Xaajigu  dagaalkiisii koowaad ku qaaday dhardhaarka koowaad oo ahaa ganacsatadii Carbeed iyo Hindidii. Iyaguna waxa ay markiiba dabada la galeen qabaail. Ganacsade walba waxa ka soo hor maray qabiil ku leh; kani waa carabkayagii, kani waa hindigayagii! Car taaabo!!!!.  Markaas ayuu dib u fekeray xaajigu.  Tabtiisii ayuu wax ka bedelay.  Carabtii iyo Hindidii ayuu ku qanciyey in ay qayb ka noqdaan jihaadka lagula dirirayo gumaystaha. Laakiin lama sheegin meel uu kula heshiiyey afmiishaarradii iyo wadaad-cumayaashii.  Dhaqdhaqaaqii Xaajiga waxa ku soo biiray halgamaagii weynaa ee Sheekh Bashiir oo aakhirkii ku shahiiday jihaadkaas isaga ah.

Maanta  ma jiro gumayste dal gaar ah ka socda oo ina haystaa. Waxase jira gumaysteyaal badan oo isu keen bahaystay, kuwaas oo la baxay magaca beesha caalamka. Ganacsatadii Hindida iyo carabta ahaa ee gumaysi-kalkaalka ahaana ma joogaan meesha, waxase bedelay NGO-yo ama hayado ku jira kaalintii gumaysi-kalkaalkii hore amaba ka daran. Afmiishaarradii oo sii ilbaxay waa ay joogaan. Wadaad xumayaashii oo sii aqoon badsadayna waa ay joogaan. Qabiilkii kolba sidii la doono awrka loogu kacsanayeyna  isna isma bedelin ee wuu ka sii daray. Waxa ku soo biiray kooxo aan jiri jirin waagii hore oo lagu sheegay siyaasiyiin noocyo badan oo ay u fududahay in ay dalka dhan xaraashaan.

Bal hadda aan kuu qodobbeeyo dhadhaarada gumaystaha ee xilligan si aanay tiradu kaaga gedman:

  1. NGO:yo ama Hayado
  2. Kaabo-qabiillo afmiishaarro ah
  3. Qabiil awrka loogu kacsado kolba dhinicii la doono
  4. Siyaasiyiin dabadhilif ah  oo aan damiir diineed iyo mid waddaniyadeed toona lahayn
  5. Wadaad-xumayaal intaa horeba kitaabka u fura

Haddii shantan kooxood laga adkaado oo midba mar cadowga laga hoos bixiyo, waa suurtagal in gumaystaha laga guulaysto , umaddana la badbaadiyo.

Shanta kooxood ta ugu dambaysa ee ah wadaad-xumayaasha ayaa ugu daran xagga hagar daamaynta mujaahidiinta xaq u dirirka ah, dheefta gumaystaha laga helayana iyaga ayaa ugu yaraysta  oo meesha waa ku qatanyihiin adduun iyo aakhiroba. Dadki waa ay ku lug-goayaan oo cilmiga lagu bartay iyo diinta ay leexinayaan ayaa dadka hoosaasinaya.  Sidaas darteed ayey culimadii hore iyo halgamayaashii horeba uga digeen wadaad-xumayaasha. Bal dhawr hadal oo hore looga yidhi wadaad-xumeyaasha ila akhriya:

Cumar binu Khaddaab:

Digniinahaas waxa ka mid ah hadalka uu Cumar Binu khaddaab  ku yidhi nin la odhan jiray Zayd binu  Khudeyr  oo ahaa:

: (   : ȡ ) 

Sharrax: Waxa uu Cumar igu yidhi; Ma garanaysaa waxa islaamka burburiya? Markaasaan ku idhi; Maya, markaasuu yidhi: waxa islaamka burburiya simbiririxashada caalimka iyo kitaab ku-doodka munaafiqa iyo xukunka madaxda wax lumisa waxa weriyey DAARAMI                                             

Cabdullaahi Ibnu Mubaarig:

Waxa Sidoo kale hadal qiimo badan laga qoray sheekhii weynaa ee mujaahidka ahaa ee Cabdullaahi Ibnu Mubaarig, wuxu  yidhi:

..... ǔ

MACNE: Oo miyey diinta qarribaan wax aan ahayn boqorrada, wadaad xumayaasha iyo suufiyadooda mooyaane

Sayid Maxamed Cabdillaahi Xasan:

Dhinaca halgameyaashii Soomaalida waxa caqabad weyn ku noqday niman culimo sheeganaya, haddana garab siinayey gumaystayaasha iyo daba dhilifkooda. Tusaale ahaan Sayid Maxamed Cabdille Xasan, wuu la gar naqsaday nimankaas culimada sheeganayey ee haddana ka hiilinayey culimadii xaq u dirirka ahayd. Wuxu yidhi Sayid Maxamed (waa masafo):

Doodna waxaan u leeyahay,  culima dafaarka ah

War ani idinma doocine,  idinkaygu diimayee

Dalkaad iibiseen baa,   dacarta igu kiciyayee 

Shan haloo idiin daran,  dannigiin ka fiirsada

Mar waa inaad dayoowdeen,  diirad haydin qabatee

Dadka aydin raacdeen,   isna wuu idin diga gubi

Dillaalkii la siiyana,   dunna kama helaysaan

Ninkii idin darraabana,   ajri iyo ducuu heli

Dibna deeqda Eebahay,   dibinta saari maysaan 

Diin nimaan lahayni,   dameer caynsan weeyee

War maxaa dufulayahoow,  cadaawaha ugu daranteen

Wanka doosha wayn iyo,  ma dagadaad u xilateen 

Qandiga mayska duubtaan,  dawarsigu ma fiicnee

Awyaaloow ma diiddeen,  jahaad maw dareertaan

Warma danana iyo seef,   degta maad ku qaaddaan

Darmaan haad la qooqdiyo,  doolaab maa u fuushaan

Idinkaa dalkaba lehee,   dawlad maa u noqotaaan

Illeen doqni calaf maleh,  dubaax maxaa ka baylahay. 

Mar kalena si weyn ayuu Sayid Maxamed uga digay  wadaad-xumeyaasha isaga oo yidhi:

  1. Hanti baanu diinka u lahayn, tan iyo Haabiile
  2. Hoodada karaamada Allaan, igu hungeyneyne
  3. Goortaan habaaraa Illaah, heeray boqontiiye
  4. Culimada habowga ah sidii, haatuf uga jeesta
  5. Sharcigay hasaayaane yey, idin habowsiine
  6. Shaydaanka soo wada humbucan, nadi ku haylhayla

Sheekh Bashiir

Halgamayaasha Soomaaliyeed ee wadaad-xumeyaasha hogatusaaleeyey waxa ka mid ahaa  Sheekh Bashiir. Markii Sheekhu kacay ayey tashwiish ku fureen. Waxa ay u arkayeen muqaawamaynta cadowga mid dhib badani umadda ka soo gaadhayo. Markaa si qabow aynu ku saarno ayey is tusiyeen. Ducada aan badino oo diinka aan ku akhrino ayey yidhaahdeen. Sheekh Bashiir Culimadii ayuu isugu yeedhay. Kitaabadiina soo gurta ayuu yidhi. Markii ay isu wada yimaaddeen ayuu dhexdooda dhigay bekeere ama bilaale oo ah ka shaaha lagu cabbo. Wuxu ku yidhi, quraanka ku akhriya oo ku jebiya bilaalahaas. Culimadii quraankii ayey hareeraha kala galeen bilaalihii, laakiin wuu jabi waayey.  Markaas ayuu yidhi bal joojiya  qoraanka oo anna i eega.  Wuxu soo qaatay bakooraddiisii . Dabadeedna  waxa uu yidhi Bismillaahi Raxmaani Raxiim, markaas ayuu bakooraddii ku dhuftay bakeerigii, markaas ayuu bakeerigii burburay.  Halkaas wuxu ku fahansiiyey haddii aan quraanka iyo ducada lagu darin ficil in aan cadowga waxba la yeelahayn.

Xaaji Aadan Afqallooc:

Halgamayaashii Soomaaliyeed ee fahmay hagardaamada wadaad-xumeyaasha waxa ka mid ahaa Xaaji Aadan Afqallooc. Wuxu yidhi Xaajigu:

Gumaystuhu waxa uu ku taaganyahay saddex dhardhaar. Haddii saddexdaas dardhaar midba mar laga hoos  saaro, dhulka ayuu ku soo dhacayaa, markaas ayey warmeheennu gaadhayaan. Markaa aynu jihaadkeena ka bilowno saddexdaas dhardhaar.  Saddexda dhardhaar ee gumaystuhu waxa ay kala yihiin: 1- Ganasatada carabta iyo Hindida ah 2- Kaabo qabiillada afmiishaarrada ah iyo  3- wadaad xumayaasha kitaabka u fura gumaystaha

Haddaba walaalayaal waxa habboon in aynu ka digtoonaano wadaad-xumeyaasha oo aan lagu kadsoomin. Sifooyinka lagu gartaa waxa ay ku baahsanyihiin kitaabka quraanka ah oo aad uga sheekeeyey  culimadii umadihii inaga horreeyey. Sidoo kale xadiiska nebiga (scw) ayaa laga helayaa tilmaamo badan. Culimada islaamkuna si gaar ah ayey u ururiyeen  tilmaamaha wadaad-xumeyaasha waxaana af-carabiga loo yaqaan   .   Dhardhaarada kale ee gumaysigu waxa ay u baahanyihiin in si faahfaasan looga warramo,  ee mar kale ha inoo ahaato

Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: