SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Faallo:Mr. Donald Payne ma mudan yahay in Muqdisho lagu weeraro?.

Mr.Donald Payne waa mudane ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga, isla markaana xubin ka ah aqalka Congresska dalka Mareykanka, waxaana laga soo doortaa gobalka dhinaca Bari ku yaal ee New Jersey, sanadka markuu ahaa 1988 ayaa markii ugu horeysay loogu soo doortey inuu ka mid noqdo Aqalka Congresska, hada shaqadiisa waxay tahay xubin Guddiga Aqalka Congresska u qaabilsan Arrimaha Dibedda, waana Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Afrika iyo Caafimaadka Caalamka. .

Hadaba Mr Donald Payne waxa u yimid dalka Soomaaliya maanta si uu ugu kuurgalo xaalada dalka iyo guud ahaan arimaha ka soo cusboonaaday Badda Soomaaliya, waxana u la kulmay madaxda Dowlada Midnimo Qaran sida Madaxwaynaha Sheekh Shariif iyo Raisal Wasaaraha kadib kulankaas waxaa u ka dhoofay garoonka weyn ee magaalada Muqdisho ku yaal, hasa yeshee waxaa duqayn aanan loo meel dayin lala beegsaday garoonka iyo xaafada ku dhaw waxaana ku dhawaacmay dad maato ah oo Soomaaliyeed oo xaafadahooda jooga oo aananba war u haynin safarka masuulkaan iyo weerarkaba.

Mr Donald Payne waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa shaqsi kaalin weyn ka ciyaaray isla markaana mowqif fiican ka istaagay halgankii dalka looga saarayay ciidamada Ethopianka ee qabsaday dalka isla markaana xasuuqa ka waday, waxaana u si toos ah uga hadlay una muujiyay inay qalad tahay in ciidamada Ethopia galaan dalka Soomaaliya isla markaana waxa u marar badan hor dhigay dowladiisa mooshin uu ku dalbanaayo sababta ciidamada Ethopia u galeen Soomaaliya iyo dhibaatada ay ka wado Soomaaliya iyo weliba dhulka Soomaalidu degto ee Ogaden ama Soomaali Galbeed kaa doonto.

Waxana uu ka mid ahaa mudanayaashii dalban jirey in Dowlada Ethopia laga joojiyo miisaaniyada madaama dhibaatooyin xuquuqal insaanka ka soo horjeedo ka gaystey Soomaaliya iyo Ogaden isla markaana lala xisaabtamo Melas Zenawi, sidaa daraadeedna ku qasbay in Ethopia xabsiyada ka sii dayso mucaaradkeeda, arimahaas oo dhana waxa uu u samaynayay waxay ahayd bini aadanimo iyo isagoo si toos ah shacabka Soomaaliyeed ula qaybsanayay dhibaatada lagu hayay ilaa haatana doonaya in dhibaatada ka jirta geeska Afrika lagu dhameeyo is afgarad, marka waxaa sharaf daro ah isla markaana abaal dhac weyn ah ninkii u istaagay inuu qadiyada Soomaaliyeed ka daafaco Congresska dhaxdiisa iyo Saxaafada xorta ah in maanta markii dalkii Xabashida laga saaray isla markaana caalamka ay u soo jeesteen in wax laga qabto arimaha murugsan ee dalkeena in maanta la isku dayo in lagu wax yeelayo magaalada Muqdisho waxaan u arkaa mid sharaf daro ah isla markaana ceeb ku ah dhamaan dadka Soomaaliyeed, madaama uusan naga mudnayn in lagu dhibaateeyo ciida Soomaaliya nin taageeray xiligii ay ugu xumayd taariikhda dalka Soomaaliya.

Marka waxaan codsanayaa in dadka Soomaaliyeed inay raali galin ka bixiyaan qaladka ay sameeyeen wax magarato damiir Soomaalinimo iyo mid islaanimo aan waxbo ka aqoon oo ay madax martey seef la boodnimo been ah oo shaar diimeed oo shaar Qabiil hoosta ka xiran isla markaana raba inay dadka ku qaldaan, madaama ay leeyihiin hadafka ka duwan hadafka Islaamka balse isku qarinaayo.

Sidee macquul ku tahay ninkii diiday dagaalkii Soomaaliya ka socday 2006/2009 oo Ethopia ku qabsatey inuu ahaa dagaal lagu baacsanaayo Argagaxiso isla markaana si cad oo aan leex leexad lahayn u yiri dagaalka lagu xasuuqa shacabka Soomaaliya sax ma ahan dowladii hore Bush madaxda ka ahaa way ku qaldantey inay Ethopia ku fasaxdo Soomaaliya.

Donald Payne waa ninkii booqasho ugu tagay ururkii Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya magaalada Casmara isla markaana wada hadalada kula soo yeeshay kadibna taageeray iyo isaga xafiiskiisaba shirkii Jabuuti ee Dowlada cusub lagu soo dhisay, marka waxaa ceeb ah in Carab oo dhan waxay afkooda ka sheegi waayeen ninkii ka sheegay oo yiri dagaalka Soomaaliya ka socda waa mid ay isaga difaacayaan Ethopia oo ku soo duushay in maanta halkii Caano iyo Hilib isla markaana lagu soori lahaa sidii Soomaalida u soori jirtey lana siin lahaa Faras iyo Qori iyo geel badan in Hoobiyo fulay soo tuurey lagu soo sagootiyo kadib jaraaidka lagu soo qoro ma ahan mid uu naga filayay anagana aan filanaynay Soomaaliyeey maanta.

Waxaan rajaynayaa in Soomaalida Mareykanka ku nool inay raali galin ka siin doonaan qaladka fulayga sameeyay ee ku qaldamay hogaamiye nagu mudan sharaf iyo qadarin.

W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
London


 

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: