SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Lama Filaan,Codkii Shacabka Iyo Go,aamadii Maamulka Puntland Ee PIS

Marka Hore waxa mahad iska leh Allah , Nabigiisa Mohamed Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato.

Akhristayaal qoraalkan waxa uu la socda qoraal aan hada ka hor so qoray oo aan kaga hadlaayey PIS ama waxa ay shacabka Puntland dega u yaqaaniin "ASHAHAADA LA DIRIR" , sida aan wada ogsoonahay PIS waxay puntland 3 asbuuc mudo laga joogo ka abuurtay amni darro , xarrig dad sharafleh,raaas aan loo meel dayin iyo kicin shacab. Isla markiiba falkas xun ee ay ku kaceen waxa jawaab ka bixiyey shacabka Puntland gaar ahaan reer Bosaso(wad uga mahad celin), shacabka talaabooyinka ay qaaden waxaa ka mid ah;

1.Mudaharaad : Mudaharaadkas ayey ku muujiyeen naceebka ay u qabaan PIS 
2. waxay dowlada ka dalbadeen maaadama aan hay'adan hoos imaan Xukuumada in aysan ka shaqayn Puntland oo laga joojiyo
3. Waxay kale oo dalbadeen hadii qodobka labaad suura geli waayo in PIS laga rarro guud ahaan Degaanada Shacabka degaan
4. culumada ,Aqooyahana, iyo masuuliyeen badan aya dowlada u soo jeediyey in PIS wax la dhaho puntland ay ka shaqayn waqtigan ka dib, iyaga oo cuskanaya dhowr arrimood, 1) Ururkan oo aan ka amar qaadan Xukuumada jirta, 2) Ururkan oo ay asaasen dad khaas , ah loona asaasay danno gaar ahaaned iyo culumada in meel lagaga dhaco, 3) Ururkan oo aan faa'iido ku qabin Puntland dowlad iyo shacaba Balse ay faa'iido ku qabaan dad kooban, 4)  ururkan oo amni darro u keena Puntland badana. 
5. waxay shacabka dalbadeen hadii xukuumadu rabto jiritaanka PIS in loo sameeyo maamul cusub, qorshe cusub, lagana qaado dadka gaarka ah sida Madaxa Hay'ada Cisman C/lahi Diano oo uu xilkan u dhiibtay Cadde muuse (Dowladii cadde ayaa asaastay ururkan, waxayna madax iyo majo uga dhigay dad ay cadde isku fikir yihiin, ka aqriso qoraalkaygii Hore ee PIS).

Codkii shacabka Iyo go,aankii dowlada

Codsiyadaas ka kala yimi Bulshada qaybaheeda kala duwan kuna salaysnaa xaqiiq, dowladu maxay ka tiri? sida aan la socono dowlada Puntland waxay go'aan ka qaadatay asbuuc ka hor arrinka PIS , go,aankas oo ahaa In PIS sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga guurto dhulka degaanka ah ay degantahay hada, xagee u guuraysa lama sheegin???, waxay kale oo PIS lagu amray in maanta ka dib ay hoos timaado kana amar qaadanayso Xukuumada? 

Shacabku maxu Ka Filaayey Maamulka ?

Shacabka oo PIS ka muujiyey carro khasaaro gensatay ayaa ka filaayey Maamulka , 1)  in ay Albaabada u xiraan PIS wax la yiraahdo, Hadii ay suura gal ahayn Taas oo maamulku rabo Hay,adan in ay shaqayso, Marka labaad waxay filaayen In PIS maamul cusub iyo qorshe cusub loo sameeyo, ka dibna ay ka guurto degaanada shacabka degaan, iyaga oo ku andacoonaya in PIS ay ku shaqayn karin Puntland isaga oo uu madax u yahay Cisman C./lahi Diano oo reer Puntland u yaqaanin gaar ahaan reer Boosaaso Diano shidoole,sababta loogu bixiyeyna ay tahay dagaal hurrin, dil shacab , waxa la shaqayana ay yihiin dad ay isku fikir yihiin, iyo hay'adan oo aan cid shaqsiyaadkas ahayn garanayn qorshaha ay ku shaqayso iyo sababta ay Puntland looga asaasay?? Balse ma dhicin taas Dowlada, sabatu waa maxay ?

Wa maxay sababta Puntland u tixgalin waysay Codsiyadii muhiinka aha ee shacabka?

Sababta 1)  ayaa ah wali waxa jooga oo Maamulka Faroole madax u yahay ku jira shaqsiyaad ka mid ah asaasayaashii PIS , Waxa ka mid ah C/lahi siciid Samatar oo aan dhihi karro waxa uu aha Master Mind of PIS ama shaqsigii laha Fikirkii lagu asaasay ASHA HAADA LA DIRIR, Samatar waxu ka tirsana Maamulkii Fashilmay ee Cadde, Samatar oo loo waday in uu noqday madaxa Hay'adan ayaanan suura galin waqtigaas sabata kowaad ayaa ahayd, maadama uu yahay Masuul ka tirsan Maamulka cadde , iyo hay,ada oo sharciyadeeda ka mid yahay Hay'ada ka madax banaan Maamulka , arrintas ayaa u suura galin wayday In uu madax u noqdo, Ka dib Samatar waxa uu keenay shaqsi ay isku fikir yihiin xagga siyaasada waana madaxa PIS ila waqtigan Diano Shidoole ninka loo yaqaan, sida aan ogsoonahay wada hadaladii maamulka iyo PIS waxa horboodayey Samatar, Ma is waydiisen sababta? Dabcan waa dareemi kartaa oo in aan farta ku fiiqo ma u baahna, balse hadan taabto wax kale ma ahayn ee in uu xaqiijiyo jiritaanka hay'adan iyo maamulkeeda ayuu' u ordaayey? waxu xata taageero ku siiyey in ay PIS degenaato dhulkeeda , kana amar qaadato dadka ay u shaqayso oo aanan daruuri ahayn in maamulka ka amar qaadato, Taas waxay dhalisay khilaaf iyo murran dhex marra isaga iyo Madaxwaynaha Balse markii dame waxa dhameeyey Wasiirka maaliyada Dr. Farah Ali, Wasiirka maaliyada ayaa ku qanciyey Labada Masuul in Laga rarro PIS Meesha ay degantahay, Iyo In ay hoos timaado maamulka cusub, waxa kale oo sir aan ku helay In maamulka PIS la bedelaayo mustaqbalka dhow. Sikastaba ha noqotee go'aamadii Maamulka Faroole waxa uu lama filaan ku noqday shacabka Puntland , waxay ka filaayen maamulkan nadiifka ah iyo go'aamdiisi ma is yeelan, ? Balse shacbiga ma oga godka bahalka ku jira in uu yahay Shaqsiga Samatar?

Talo soo jeedin.

Marka hore waxa u mahad celin shacabka Puntland ama reer Bosaso talaabadii ay ka qaaden arrintan , Waxaan talo ku siin in ay markasta u taagnadan dannahooda , kana horyimaadan dhibkasta oo ku wajan amniga Puntland, Waxan kalo u mahad celin maamulka Faroole madaxa u yahay oo la dhihi karro waa maamulka saan saantiisa Horumarineed laga dareemay Dhisitaankii Wasaaradaha dowladiisa Iyo mudda uu jiray waxa uu qabtay, Balse waxan kula talin in ay ka shaqeeyaan dannaha shacabka loo doortay, una tanaasulin shaqsi iyo danno gaar ah, kana fiirsadan shaqsiyaadka qaska iyo fashilka u horseedi kara maamulka.

 Mahadsanidiin.

By Axmed Cismaan
Positiveleader1@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: