SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dhallinta Maanta iyo Mobile-ka


W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Qayla -Dhaan ku socota Waalidiinta Somaaliyeed

Sanadkii 1999, ayaa nin qoraa ah waxa uu qoray maqaal uu ugu magacdaray "Sidashada Mobile-ka ma astaan ladnaashaa". Qoraaga xiligaas waxa uu cabirayay sida uu Mobile-ku ugu yaraa wadanka Soomaaliya,waxayna dad badani ay aamineen in qofkii sita Mobile uu ka soo jeedo reer ladan ama uu haysto hanti ku filan, taasi waxay keentay in il gaar ah lagu eego dadkaasi, ha noqoto dumarka iyo raggaba. Nin Saaxiibkey ah ayaa xiligaas waxa u aad u u jeclaa gabar iyaduna kuma aysan faraxsaneyn in ay xiriir la sameyso ninkaasi, hase yeeshee nin saaxiibkii ah yarkii gabadha jeclaa oo dibadda looga soo dhiibay Mobile ayuu yarkii gabadha jeclaa u bandhigay in uu wax la qabto, waxa uuna yarkii Mobile-ka lahaa sheegay in uusan haatan bixin karin oo uu hawl muhiim ah ku haysto, yarkii waa isciilkaambiyey, hase yeeshee ganacsatada Soomaaliyeed ayaa mudo yar kadib ganacsi u keenay Mobile-da carruurtu ku cayaaraan, balse si aad ah ugu eg Mobile-ka rasmiga ah, waxa uuna yarkii gabadha jeclaa istusiyey inuu ku soo jiidan karo gabadha uu jecel yahay haddii uu soo gato hal ka mid ah Mobile-da carruurta loogu talagalay, waxa uuna habeen ka mid ah habeenadda soo qaatay mobile-kii waxa uuna u yimid gabadhii, waxayna ku tiri "Ma Mobile baad soo gadatay, mise waa laguu soo dhiibay?", waxa uuna ugu jawaabay "Mobile-kaan yar walaalkay ah oo Ingiriiska jooga ayaa ii soo dhiibay", waxayna mar kale ku tiri "Ma walaalkaa ayaa jooga cariga ingiriiska?", markaa ayuu ku yiri "Haa, goor dhow ayuuna halkaas i geyn doonaa", gabadhii intay kala bad-badatay ayay Habeenkaa go'aansatay in aysan hagardaamo dambe ku sameynin wiilkaa, hase yeeshee ma oga in wiilku isticmaalayo oraahdii ahayd "Naag been ayaa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa". 

Xiligaa uu dalku ku yaraa Mobile-ka, maanta bal aanu soo noqono oo aanu joogo 2009, waxaa haatan Mobile-ka sita qof kasta oo Soomaali ah, xitaa waxaad arkaysaa nin Gaari Gacan riixaya oo wata Mobile, waxaana suuqyada Muqdisho ama Suuqyada Soomaaliya lagu soo harqiyey Mobile qiimihiisu jaban yahay, dad waxaa jira hadba kii soo baxa gata, waxaana suuqyada Qabsaday Mobile laga keenay wadanka Shiinaha oo isagu leh Labo Simcard iyo waliba isaga oo leh Memory wax badan qaadi kara, waxaa sii dheer in habeenkii aad Toosh ahaan u isticmaali karto iyo iyadoo si fudud la isugu Xawli karo wixii ku jira Mobile-ka adigoo kharasha kaa bixin.
 
Shay kasta dhibaato ayuu shacabka u leeyahay, haddii lala dagaalamay Shaneemooyinkii lagu daawan jiray Aflaanta dhaqan xumada wadata, sidoo kale shirkadaha Internet-ka iyo goobaha Internet Cafe-yada ayaa iyana lagala dagaalamay dhaqan xumidaasi, qofkii lagu arkana digniin ayaa la siiyaa, maanta dhallinyaradii waxay si fudud ku heleen in Mobile-ka ku shuban karaan wax kasta oo ka soo horjeeda dhaqanka Islaamka, waxayna ka maarmeen Shaneemooyinkii ay u daawasho tagi jireen oo ay ka daawan jireen Aflaanta reer galbeedka iyo kuwa xun. 

Maalin maalmaha ka mid ah, aniga oo fadhiya meel Darjiin ah ayaan arkay saddex dhallinyaro ah oo Mobile daawanaya, qaarkood way qoslayeen qaarkoodna way yaabanaayeen, waxaa dhegahayga ku soo dhacayay dhawaaq fool xun oo sidaan u dhacayay "haaa.hiiii..hooo..ah.oh", waxaana ku iri mid ka mid ah dhallinyaradii "War waa maxay dhawaaqa yeeraya?", mid ayaa soo booday oo iigu jawaabay "Adeer waa Haweenay la garaacayo", "Oo maxaa loo garaacayaa, maxay galabsatay oo loo garaacayaa?" ayaan weydiiyey, inta ay qosol la dhaceen "Ah.ah.ah." ayay yiraahdeen "Adeer dhoore ayaad tahay ma haddaad Magaalada soo gashay", Jaa, waxaa dareemay in waxa ay daawanayaan yihiin filim galmood ah, waxaana markiiba isku dayey in aan tusaaleeyo waxaana ku iri "Horta waxaan idiin sheegayaa inaanan dhoore aheyn, balse waxaan idin kala talinayaa in arrintaan ay tahay mid u xun mustaqbalkiina", Aniga oo aan hadalkii dhameysan ayaa mid iyaga ka mid ah soo booday oo yiri "Adeer haddii goobihii aan aflaanta ku daawan jirnay nalaga xiray, kan aan maanta haysano cid naga xiri karta ma leh, xitaa Aabbaheen iyo Hooyadeen hadday isku dayaan in ay Mobile-keena baaraan ma ogaan karaan, maxaa yeelay waxaa noogu xiran Nambar sir ah".
 
Waalidiinta Soomaaliyeed ayaa looga fadhiyaa sida ay Barnaamijkaan ku soo kordhay Mobile-da ay dagaal balaaraan ugu qaadi lahaayeen, sidoo kale waxaa muhiim ah in waalidiintu la socdaan dhaqdhaqaaqa Mobile-da carruurtooda, qaarkoodna waxaan kula talin lahaa in aysan u iibin Mobile leh Memory, waayo dhallinta maanta waxay ku sii siqayaan Akhlaaq xumo iyo waliba in ay dooriyaan dhaqanka Islaamka, waayo reer Galbeedku meel walba ayay ka soo galeen waxayna dagaal kula jiraan sidii ay u baabi'n lahaayeen dhaqanka Suuban ee Islaamka. midda maanta jirtana waxay u baahan tahay feejignaan dheeraad ah iyo waliba in qaybaha kala duwan ee Bulshadu la socdaan xaaladda carruurtu maanta ku jirto, waayo dhallinyarada daawaneysa Mobile-kaa lagu duubay akhlaaq xumada waxay u dhexeeyaan 10 jir ilaa iyo 16 jir ,sidoo kale kama marna gabdhaha yar yar daawasha Filimada Galmoodka waxaa intaa dheer in ay jiraan dad waaweyn oo iyana daawada aflaanta ku jirta Mobile-da oo u horseedey Dhalaanka yar.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Allow Ur u Bixi !! : "Waagii hogaamiye kooxeedka, haddaan gurigayga ka baxo.. Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: