SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaad iyo xertiisoow Xaqa ku dhinta!!!

Waxaa maalin ka hor jeediyay hadal ay inta badan dadka reer Muqdisho ku diirsadeen guddoomiyaha golaha Dhaqanka iyo Midnimada beelaha Muqdisho Max’ed Xasan Xaad, kaasoo uu si cad warbaahinta uga sheegay in dadka u dhashay gobolka Banaadir uu ka sii dhamaanayo dulqaadkii, kadib markii ay weli sii soconayaan qolyo u heelan inay nabad darro ka shaqeeyaan. isagoo carabka ku adkeeyey inay jiraan kooxo degaanadooda oo nabad ah ka yimid isla markaana u soo Dagaal tegaya gobolka Banaadir.

Hadalkan Xaad ayaa waxaa sida Fallaartii ay wadnahooda ugu dhacday kooxaha inta badan iska dhega tira baaqyada bulshada gobolka Banaadir kuwaasoo og inay ku dul socdaan sakiin guudkeeda, maalin maalmaha ka mid ahna ay dhici doonto kacdoon shacab. 

Kooxahan ayaa shir jaraa’id oo deg deg u qabtay saxaafada, iyagoo si kulul cod dheer ku sheegay in Xamar aanan la kala xigin, isla markaana ay tahay caasimaddii dalka, waxayna intaasi raaciyeen in dadka ku hadaaqaya in caasimadda laga daayo dagaalada iyo nabadda darada ay ku qaldan yihiin isla markaaana dagaalku socon doono tan iyo inta Diinta Islaamka lagu dhaqayo Soomalida.

Kooxahan ayaa mar kale si toos ah qadka Telefoonka ugala xiriiray guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Max’ed Xasan Xaad oo ay ugu hanjabeen inay dili doonaan dhiigiisuna xalaal yahay, iyagoo ku xugmiyay (Riddo), Subxaanallah, ma gacantooda ayay ku sameeyaan Ridada.

Mr. Xaad ayaa isna afka labadiisa yeeray isagoo warbaahinta ka sheegay xalay in Masaajidada qaar, gaar ahaana kuwo ku yaala Suuqa Bakaaro dadka loogaga sheegay in ninkii Xaad dila uu Alle ugu dhowanaayo bacdamaa uu Mujaahidiinta Aflagaadeeyey, waxayna xuseen in la baadi goobo duqa Garkaweyn.

Taariikhda Xaad iyo xertiisa.

Aan ka hor mariyo dulucda qormadeydan, taariikh kooban oo Xaad iyo Xertiisa ah, odayaasha dhaqanku waa kuwii dadka oo la xusuuqayo, dhiigooda ay baneysteen Amxaaro iyo Tabaceed, cid u hadasha shacabkana la waayay, odayaashii afka labadiisa furtay ee yiri, waxa dagaalamaya ma ahan Argagixiso, ma ahan Shabaab, ma ahan Maxaakiim ee waa kacdoonkii shacabka oo ka hor jeeda Axmaarka Injirta leh, iyagoo fagaare kasta ka faafiyay in lala Jihaado Tigreega.

Sidoo kale, nabadoon Axmed Diiriye Cali, waa halgamaagii Amxaaradu sida weyn u dhibsadeen dhawaaqiisa, iyagoo inta qabtay godkii jilicow wax u eg Baydhabo ku xirtay ee yiri ka tanaasul qeylo dhaantaan iyo baroortaan Soomaali u dirirka ah waxaad rabtana sheego, nagana aamus kaliya, ee ka diiday Gabrihii hogaamiyay Xabashida.

Xaad iyo xertiisoow Xaqa ku dhinta!!!

Horta la yaab ma lahan in maanta ay dhegaheenu maqlaan nabadoon Xaad ayaa kooxo aan la garaneyn toogteen, sababtoo ah, waxaan horay u maqalnay in barqocad wiil yari uu toogtay Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow, kaaga sii darane dadku wey daawanayeen juuqna mey oran, waa yaab, maxaa dadka dareen tiray, waxaa sidoo kale aanu maqalnay in barqocad la qarxiyay Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ah wasiir ka tirsan dowladda, waana taas sababta aysan la yaab iila noqoneyn in qof muhiim u ah bulshadaan Xamar oo la dilo aysan la yaab aheyn. 

Xaad iyo xertiisa waa xaq u diriro dhab ah, balse waxaa taasi bedelkeeda shaki uga jiraa shacabka danaha daahsoon ee xerta xaaji Xusuuq, ee caadeystay madax jebinta Muslinka aan waxba galabsan, waxaana leeyahay Xaadow dheg ha u dhigin hanjabaad xaq darro ah, xaq ayaadna ku taagan tahay ee dib ha u noqon.

Marka, xilli kasta xusuusnow Allihii ku gaarsiiyay sanadan 50 jirka iyo ka koreba, sidoo kalena mar kasta xusuuso halgankii iyo wadadii dheereyd ee aad u soo marteen adiga iyo xertaada xoreynta wadanka, maantana haddii aad qaadato hanjabaada raqiiska ah, waxay kuu keeneysaa sharaf dhac, Caqiido-xumo, halgankii aad soo gasheen oo aad dib uga laabateen, baqdin aadan ka baqin Amxaarka oo aad ka baqdeen qolyo is qarinaya.

Ugu dambeyntiina, shacabka Muqdisho iyo nawaaxigiisaba, waxaa looga baahan yahay inay difaacaan muwaadiniintooda xaq u dirarada ah, ayna ka difaacaan muwaadiniin ku sheega xaqdarada wada, sababtoo ah qofka Xaad dhiigiisa xalaaleystay qof laguma tilmaami karo ee waa Halaq miciyo waaweyn, wuxuuna wada leynayaa maalinta ku xigta shacabka oo dhan, mana dhaafi doono naf aan tiisa ka aheyn.

Max’ed Cabdi Goobe
cgoobe@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: