SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Ku guulayso 9000 oo Xasano iyo Ka Badan 4 Daqiiqo Gudahood !!!


Abdisalan Farah Gas
gaas78@hotmail.com 

Hordhac.

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Mahad oo Dhan ALLAAH ayay u sugnaatay Nabad Galyo Iyo Naxariisna Nabi Moxamed Korkiisay Ahaatay

Walaalahayga Qaaliga ahaw Ha la yaabin Cinwaanka hana Yaraysanina Qiimaha ay ku fadhido Halka Xasano Maalinta Hooyadu ay ilmihii Nuugayay ka cararayso ayadoo Oranaysa Naftayda Naftayda.

Waa maalinta uu tilmaamayo Xadiiskay warinayso Caa,isha ALLAAH ka raali Noqde Nabiga Nabad Galyo iyo Naxariis Korkiisay ahaataye markuu ka sheekeeyay Maalinta Qiyaamo oo uu Yiri Dadka waxaa la soo saarayaa ayagoo Qaaqaawan oo dhar la,aan ah oo kaba la,aan ah, markaas bay caa,isha waxay leedahay nabi ALLAW Rag iyo Dumarba ma is daawanayaan Markaasuu nabigu oranayaa Caa,ishay Arinku Halkaas iyo is daawasho ka wayn. Waa maalin halka Xasano ay kaaga qaalisantahay Dadka qofka kuugu dhaw ama aad ugu jeceshahay.

Meel Walba Iyo Waqti Walba.

Intaas Ka dib Waxaan kuugu bishaaraynayaa in aad Xasanaadkaas heli kartid waqti kasta iyo saacad kasta oo aad niyad wanaag iyo ikhlaas la imaatid,
Waxaad heli kartaa ado sariirtaada jiifa waxaad heli kartaa adoo Shaqo, waxbarsho ama gurigaada u socda, safar ado ah, iyo Mar kasta oo aad soo jeedid.

Waxaa ku haboon Qofka muslinka ah oo Rumaysan inay ka dambayso maalintaas wayn ee ay Xasanado qiimaahaas leedahay inuusan dayicin Fursadahaas Qaaliga ah, oo uu ka faa,idaysto il biriqsi kasta oo soo mara. Maanta hadii la oran lahaa 4daqiiqo iska daaye maalintii oo dhan 9000Senti Dollar Ayaa lagu siinayaa hadii aad maanta dhan Quraankaas akhrinaysid waxaa hubaal ah in maasijda meel Cag la dhigo aan laga Helayn , laakiin 4daqiiqo oo aad 9000 oo Xasano aad Bangiga aakhiro ku shubatid dadka aad bay ula qiima yartahay ALLAAH ha na badbaadiye. Aakhiro ayaana Qiima badan ALLAAH wax badan ayuu ka sheekeeyay Qiimaha uu aduunku leeyahay iyo inuusan waxba ahayn marka aakhiro loo eego wuxuuna ku tilmaamay Dhalanteed, Nabi Muxamed Nabad Galyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaate wuxuu ku tusaaleeyay oo uu yiri (( Aduunku Haduu ALLAAH agtiisa Baalka Kaneecada la miizaan ahaan lahaa Qof Gaal Ah Kabo Biya ah Kama Cabeen)) Marka Aduunkaan Gaaladu saan Aragnay ugu Raaxaysanayso waxaad Dareemaysaa inuusan ALLAAH Agtiisa wax qiima ah ku lahayn.

Akhrinta Quraanka iyo Ajarkeeda.

Akhrinta Quraanka Kariimka oo ah hadalkii ilaahay iyo Mucjisadii nabi Muxamed Nabad galyo iyo naxariis korkiisay ahaataye Xasanaadkaas ka sakaw waxaa ku soo arooray Khayr iyo wanaag badan, ALLAAH iyo Rasuulkiisa ayaa ugu Yaboohay Qofkii Barta oo Akhriya. Waxaana ka mid ah.

1- Akhrinta Quraanka iyo Xifdintiisa oo ay ku jirto Cilmi barasho, Daahirnta Nafta, Cabsida ALAAH oo kugu waynaato, Akhrinta Quraanka waxaad Ka helaysaa Shafaacada Maalinta Qiyaamo adiga iyo waalidkaa, Nabiga waxaa laga Wariyay inuu Yiri (Akhriya Quraanka Maalinta Qiyaamo wuu idiin shafeeca Qaadayaaye) Sidoo Kale Xifdinta Quraankana waxay leedahay Abaal gud wayn malinta Qiyaamo, waxaa nabigeena ka sugan Xadiis Macnihiisu ahaa (Saaxibul Quraan waxaa la oranayaa Akhri Quraanka Sidaad Aduunka ugu Akhrin jirtay oo ku soco Darajaatka Jannada Waxaana ku joogsanaysaa aayada Ugu dambaysa oo aad Akhrisid)

2- Quraanka Markaad Akhrinaysid waxaa lagaa Rabaa inaad si wanaagsan oo Tartiib ah u akhrisid oo aad Cod wanaagsan ku akhrisid Nabigeena waxaa laga wareiyay Xadiis macnihiisu ahaa (Naga Mid maaha Qofkaan Quraanka Codkiisa Ku Macaanin)
3- Macnaha Quraanka Inaad bartid oo ku tadaburtid Taasna waxay ku imaanaysaa inaad aayadaha Fahantid
4- In la Baro Dhallaanka iyo jiilasha soo koray, barashada Quraanka waxaa ku jirta Sharafteena iyo liibaanteena Nabiga waxa laga Wariyay Inuu Yiri (waxaa idiinku Khayr badan Qofkii Quraanka barta oo dadka bara)
5- Akhrinta Quraanka waa inay la socotaa Barasho si fiican loo barto Macnaha oo Culumada Tafsiirka laga qaato ka dibna lagu camal Falo, Hadii kale Quraan la barto oo aan lagu camal Falin iska daa inaad khayr ka heshide adiga ayuu Xujo kugu noqonayaa maalin Qiyaamo.

Ila Xisaabi oo Xisaabso.

Hadaba walaal aan u dhaadhacno Sida aad 9000 oo Xasano aad ku helaysid 4daqiiqo Gudahood
Hadii aan sharaxno sida fudud oo aad ku heli kartid libintaas iyo Xasanaadkaas faraha badan waqtigaas aadka u yar .

Dhinaca waqtiga Quraanka marka la akhrinayo halka juz qofba waqti ayay ku qaadataa laakiin waxaa ugu yar ninka qaariga ah oo dheeraynaya inuu ku akhriyo 20daqiiqo. Qofka dhexdhexaadka ahna ilaa 30daqiiqo halkii juz. qofka tartiibta u akhrinaya oo Quraanku ku yara adagyahayna waa ilaa 40 daqiiqo waana kaas kaan xisaabtaan ku fariisiyay oo ah ninka tartiibta iyo tartiilka ku akhrinaya,

Hadii aan xisaabino Xasanaadka waxaynu la wada soconaa oo aan rumaysanahay in halkii xaraf oo Quraan ah oo aad akhrisid inaad ku helaysid 1 xasno halka xasanan ALLAAH agtiisa Fadligiisa iyo naxariistiisa inuu inooka dhigay 10jibaar sida Quraanku iyo axaadiistuba inoo sheegayso,
Hadaba waxaan Soo qaadanay Musxafka lagu daabacay Madiina Al Munawwara oo ay Dadka Qaarkiis u yaqaanaan Madbacad Malik Fahad, oo ah Kitaabka inta badan Caalamka islaamka gaar ahaan Somaliya ugu badan oo la akhristo ama ardayda laga baro.

Musxafkaas halka Safxo ama Baal ee aan ahayn mid suurad ka bilaabato ama ay mid kale ku dhamaato. Yacni aan lahayn Calaamadaha 2da suuradood u dhaxeeya.

Halkiisa Baal wuxuu ka kooban yahay 15 Sadar ama layn
Halkii Sadarna wuxuu ka kooban yahay ugu yaraan 24 Xaraf ugu badnaana 44 Xaraf , Inta badan markii la rabo in Xisaabtaan Celceliskeeda la soo saaro waxay noqonaysaa 34 Xaraf oo ah isku darka tirada ugu yar +tirada ugu badan loo Qaybiyay 2 = 34
Marka taas ma aanaan isticmaalin oo waxaan ka soo qaadnay in halkii sadar 30xaraf uu noqdo oo ah qiimaha ugu yar mid u dhaw.

Intaas markaan ogaano oo ah in halkii sadar aan ka dhignay 30 Xaraf waxaan soo saaraynaa Halka Baal oo ka kooban 15 Sadar waxay Noqonaysaa 30×15= 450 Xaraf.

Halka warqadna oo ah 2da Baal ama Safxadood waa 450×2= 900 oo Xaraf. 

Markii lagu dhofto 10jibaarkii ahaa Fadliga iyo Naxarsiita ilaahay waxaa inoo soo baxaya 900×10=9000
Hadaba aan ku noqono waqtigii ahaa 40daqiiqo iyo halka juz ee ka kooban 10ka warqadood, waxaa inoo soo baxaya 40/10 = 4 oo ah in halkii warqad ay nagu qaadatay 4daqiiqo. Halkaasna waxaa inoo soo baxay Xisaabtaan raadinaynay oo ahyd, 9000 oo xasano iyo 4tii Daqiiqo.

Gunaanad.

Walaalayaal waxaa haboon oo la ina faray in hadaan ALLAAH dartiis wax u samaynayno inaan Xisaabsano oo aan ALLAAH agtiis ka filano.
Xadiiskii macnihiisu ahaa. Qofkii Ramadaan u istaaga Salaada Habaynkii(Taraawiix) asagoo Rumaysan , hadana Xisaabsanaya waxaa loo dhaafaa Dambiyadiisi Hore.

Markaan Xisaabtaas Maanka Gashano waxaan ka helaynaa;

1- inuu Camalkaadu Khaalis noqdo oo ALLAAH dartiis iyo maalinta aakhiro aad wax u Xisaabsanaysid
2- inaad tahay Nin Hawl ku maqan oo raba inuu Hawshaas iyo Xisaabtaas Gunaanado.

Hadaba walaalayaal aan xisaabino meeqa daqiiqadood ama saacadood ayaa maalin walba aan micno daro ku dhuminaa, amase meeqa Xasanaad ah ayaan khasaarnaa iska daa inaan siyaadsano oo aan ku bixinaa dambiyo badan oo aan galno maalin kasta iyo waqti kasta.

Walaalayaal waxaan u baahanahay inaan nafteena Barno oo ku rabayno macnaha aayada oranaysa Xasanaatku waxay tirtiraan ama baabiyaan Sayi,aatka ama Xumaanta uu Qofku la yimaado, Oo aan is barno in mar kasta oo uu Gaf inaka dhaco inaan masaajidka iyo kitaabka ILAAAHAY inaan u cararno. Walaalayaal aan ka faa,idaysano waqtigaas iyo jaaniskaas qaaliga ah oo uu ALLAAH Fadligisa iyo ixsaankiisa noogu yaboohay

ALLAAH ha inaka dhigo guwa Wanaaga Maqla oo ku Camal fala

Aaamiin……….

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: