SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Birmingham Iyo Xaaladaha Soomaalida  ku Nool. 

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

saicentadv@yahoo.com 

___________________________________________________________________________________

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib waxaan leeyahay dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahoow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W). 

Birmingham waa magaaalada labaad ee  UK xagga weyninka, waana caasimadda labaad ee England. Tirada dadka ku nool waxaa lagu qiyaasa illaa iyo 5 -7 Milyan oo shacab ah. Waxaa ay leedahay dhammaan tansiilaadkii lagu yiqiin magaalo weyn oo Yurub ah, haddey noqoto Suuqyada waaweyn ee casriga ah, Warshadaha waaweyn,  Isbitaalada casriga ah, Jaamacadaha ugu waaweyn Midlandiga , schoolo aad iyo aad u tiro baddan, Colleges iyo waliba goobo aad iyo aad u fara baddan oo wax lagu barto. Dhanka madadaalada iyo isboortiga isagu warkiisa iskaba daa, waa magaalo dhinac walbaa ka hormarsan, oo ay yaaliin fursado aan caadi aheyn. Fursadaha shaqadu waa ay ku baddan yihiin, inkastoo ay ku xiran tahay nin walbaa iyo aqoontiisa iyo calafkiisa. 

Birmingham waxaa ku nool tiro aad iyo aad u baddan oo Bulshooyinka Ajaanibaka ah, oo ka kala yimid dhammaan caalamka, gaar ahaan Asia, Yurubta kale, Carabaha, Soomaaliya iyo waliba Afrikada kale. Bulshooyinka ay indhuhu aadka u qabanayaan, oo iyagu sameeyay horumarka la taaban karo waa bulshooyinka asalkooda kasoo jeeda India, Pakistan iyo waliba Bangaladesh . Bulshooyinkan oo ay ka muuqato dadaal aad iyo aad u fara baddan oo ay sameeyeeyn iyo waliba horumar xagga nolosha ah, ayaa waxaa la oran karaa waxa ay ku gaareen, iskuxirnaan, kaladanbeyn iyo waliba aqoontooda ay aad u kordhiyeen. Bulshooyinkan oo u baddan dad Muslimiin ah ayaa waxa ay Birmingham ka dhisteen, Masaajidyo waaweyn oo waliba u dhisan qaab casri ah, Goobo Waxbarasho oo Islamic ah, Tiyaataro loogu talagalay muslimiinta inay ku dhigtaan Shirarkood iyo waliba aroosyadooda, goobo ganacsi oo aad iyo aad u horeeya,, warshado iyo waliba iyagoo ka dhex muuqda maamulka sare ee magaalada. 

Soomaalida Birmingham ku nool oo runtii aad iyo aad u fara baddan, ayaa baddankoodu waxa ay soo degeen Birminghan laga soo bilaabo 2002dii, markaasoo aad iyo aad looga soo guuray dalalka Yurubta kale, gaar ahaan Holland, oo aad looga soo guuray, lana oran karo Soomaalida ugu baddan ee Birmingham degan waa reer Holland. Sidoo kale waad arkeysaa Soomaali kale oo baddan oo ka kala yimid waddamada Denmarka, Sweden, Norway, Findland iyo waliba kuwo toos uga yimid Soomaaliyaba. Guud ahaan Soomaalidu waa dad u baddan qaab nololeedka kali kaliga( Individualism ) , oo waxaad arkeysaa qof walbaa inuu iskiis u ordayo, taasoo aan meel fog lagu gaareyn haddaan iskaashi jirin. 

Soomaalidu waxa ay aad iyo aad uga muuqdaan waddada la yiraahdo Coventry Road, taasoo ay ku leeyihiin goobo Ganacsi oo fara baddan, masaajidyo iyo walibo xarumo Community centres. Waddadan Coventry ayaa markeedii hore ama berigii hore aheyd meel aad sidaa u hormarsaneen, laakiin Soomaalidu markey ku soo badatay Birminghan ayaad moodaan inay boorka ka jaf jafteen. Waddadaas waxaad ku arkeysaa  maqaayado iyo baarar aad iyo aad kuu soo jiidanay sida Salaama, Mubaarak, Xamarweyne, Dheeman, Golis. Waxaad arkeysaa goobo sida mall centres oo kale ah sida Salaama Business Centre, iyo qaar kaloo baddan. Waddadaas waxaad ku arkeysaa guud ahaan shacaa’irta soomaalida oo aad u heer sareysa, gaar ahaan labiska islaamiga ah. Galabnimadii waxaad ku arkeysaa Caruuro fara baddan oo Soomaali ah oo laga keenayo Dugsi Quraan. 

Xagga waxbarashada Soomaali fara baddan ayaa wax barta, oo qaarkood illaa heer Jaamacadeed wada. Dhanka shaqada waxaad ku arkeysaa Soomaalida inay waddaan Basaska magaalada , Taksiyada, waliba wey jiraan qaar fara baddan oo shaqooyin wanaagsan ka shaqeeya. 

Soomaalida marka la eego Tirada ay ku joogaan Birmingham iyo waxqabadkooda maaha mid leys bar bar dhigi karo. Xilliyada shaqada la aado ayaad arkeysaa Soomaali aad iyo aad u fara baddan oo iska fadhida maqaayadaha iyo goobaha leysugu yimaado, halkaasoo aad ka garan karto in ay yar tahay bulshada inta shaqeysaa. Waxaad kaloo arkeysaa ganacsiga Soomaalida oo u baddan kuwo isku mid ah, oo baddankoodu uu ku dhisan yahay iskudayasho iyo Koobi, kaasoo horseedi kara in qofkii uu si dhaqso ah suuqa uga baxo, madaama uusan ganacsigiisu ku saleysnayn mid laga soo baaraan degay oo cilmiyeysan. Soomaalidu sidoo kale kuma badna goobaha waxbarashada marka laga fiiriyo tirada ay ku joogaan magaalada. Waxaa kaloo iyadana xusid mudan Soomaalida oo aan isku xirnayn, taasoo ay ku waayaan xuquuqo fara baddan oo ay soo dhacsan lahaayeen. Mida kale ee aad looga naxo ayaa ah iyadoo Goobaha ay isugu yimaadaan, loo kala fariisto reer reer iyo qabiil qabiil, taasoo ah mid aad u fool xun, lana oran karo waa arimaha u keenay Soomaalidu inaanay wax baddan la tartami karin bulshooyinka kale. Sidoo kale Soomaalidu wali ma gaarsiisan inay ka dhex muuqdaan Systemka waddanka ama magaalada, taasoo ay ugu wacan tahay iyagoo aan isku xirnayn, isna dhiiragalin. Dhanka kale Qaadka ayaa isagana ah waxyaalaha Soomaalida waqtigooda dhaafiya, kaasoo si weyn usoo gala magaalada Birmingham, aad ayaan looga qayilaa. 

Waxaa kaloo jira xaafado kale ay Soomaalidu ku leeyihiin Meherado sida Straatford ooay ku leeyihiin dukaamo iyo maqaayado baddan, laakiin inta baddan halka ay sida quruxda baddan uga muuqdaan waa Coventry Road ama Small Heath. 

Guud ahaan Soomaalida Birmingham, waxa ay u muuqdaan dad dadaalaya, laakiin aan isku xirnayn, cilaaqaad weyna la laheyn bulshooyinka kale. Wax wealboo ay Soomaalidu qabsan laheyd waxaa dhaafinaya caadifada qabiilka iyo iyagoo aan wax isu ogoleyn, taasoo ay kala siman yihiin dhammaan Soomaalida kale ee ku kala nool adduunka daafihiisa.  

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

saicentadv@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: