SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Istiraatiijiyadee ugu suurto galsan oo dib u heshiisiin siyasadeed u dhex maraa, mar kale Hoggaankii Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed? ( Faallo) 

Waxaa ammaan oo dhan iska leh Allihii barbariyay caalamka ee yidhi (Quraankan wuxuu ku hanuuniyaa tan ugu toosnaanshaha badan, wuxuuna ugu bishaareeyaa muslimiinta wanaagga fala inay leeyihiin abaal marin weyn) Naxariis iyo nabad gelyo Rasuulka Alle dushiisa ha ahaatee ee gaarsiiyay dadka kitaabka Rabbigii ee yidhi “Ciddii fasha waxaan amarkanaga ahayn waa lagu celin” (Xadiis) 

Intaas kaddib Soomaaliya dal xeebeed istaraatiiji ah oo ku qoolaaba mandiqadda Geeska Afrika isagoo dacal kaga dherersan Badwaynta Indiya, dacalna dhinac kaga haya Badda Cas, iyadoo dacallada u furanna uu xuduud kala leeyahay waddamada Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, ayaa tan iyo xorriyad qaadashadiisii ku jiray mowjado qulqulatooyin siyaasadeed isku qasan, huwanna jahwareer nololeed oo aakhiritaankii kala shaki siyaasadeed gelisay shucuubta ku wada noolayd! Markii ay awoodi waayeen helidda dastuur rasmiya oo aas-aas u noqon kara wada jiridda, is walaalaysiga iyo wada noolaanshihii u dhexeeyay Mujtamaca dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah! 

Haddaba is khilaafka siyasadeed ee ka oogan dhul weynaha bulsho weynta Soomaaliyeed ayaa soo maray sooyaal taariikheed oo marxalado kala duwan leh: 
1- Xilligii ay talinaysy jaahiliyaddii ku dhisneyd dana reer guuraanimo ee qabaa’illada umadda Soomaaliyeed. 
2- Waagii gumeystayaasha reer Yurub iyo Xabashada Itoobiya qaybsadeen, kuna amar ku taaglaynayeen 1884-1960-kii.
3- Waqtigii Neecaw helidda xorriyadd iyo Midowga israacii gobollada Waqooyi iyo koonfur iyo xukuumaddii masuqmaasuqa ka talinayeen ciidda Soomaaliya 1960-1969-kii. 
4- Waayihii Taliska Militariga ka arriminayay min Raas-casayr ilaa Raas-kamboni 1969-1991-dii. 
5- Xilligii Jabhadaha seddax xarafka oo lagu biiriyay Maamulada Somaliland iyo Puntland, TNG-Carte, TFG-Embaghathi ilaa ARS-Asmara iyo Jabuuti isku dhaaf-dhaafayeen kala agaasimidda arrimaha siyaasadeed ee loo caal waayay 1991-2009-ka. 

Sidaas awgeed waa u ayaan darro siyaasadeed oo aad u wayn oo ku habsatay Mujtamaca dadka Soomaaliyeede Muslimka in siyaasiyiintoodii hindisi waayeen xal xambaarsan macno buuxa oo siyaasadeed oo dib u heshiisiin qaranna inay ka hirgeliyaan ciidda Soomaaliyeed muddo 125 sano! 

Haddaba maxaa u sabab ah qaran jabka siyaasadeed eek u dhacay Qaranimada ummadda Soomaaliyeed?! Aan u kala qaadno labo qodob: 
1- Faragelin siyaasadeed oo ka timid waddamada beesha calamka 
2- Is faham darro siyaasadeed oo u dhaxaysa siyaasiyiinta qabaa’ilka Soomaaliyeed? 

Jawaabo: 

1- Dabayaaqadii qarnigii 20aad waxaa soo gabagaboobay dagaalkii qaboobaa ee ka jiray dunnida, isla markaana dawladda Maraykanka waxay u gacan banaanaatay dhiraandhirinta siyaasadda caalamiga iyadoo la kaashanaysa waddamada jaalka dhow la ah ee reer Yurub oo ka doonaya dhulka Soomaaliya gurashada khayraadka dabiiciga ah sida noocyada kala duwan ee shidaalka, macaadinta, dalagyada kala duwan ee ka soo go’a dhul beereedkeena, kalluunka ceegaaga badahaneena iyo ka samaysashada saldhigyo militari si ay uga duulaan haddii ciriiri la geliyo maraakiibtooda ganacsi sida ay haatanba inoogu soo marmarsiyoodeen la dagaalamidooda burcadbadeedda Somaalida, balse ujeedadoodu waa ay ka qaro weyn tahay oo ay tahay sii hurinta colaadda sokeeye, rarista iyo dib u dejinta qaxootiga, baadiyeyntooda iyo diin ka beddelidooda iyo aakhirtaankii ka dhisidda dalka Soomaaliya dwlad daba dhilif ah oo ka shaqeysa danaha reer galbeedka iyo Maraykanka. 
2- Kadib burburintii dowaladdii Militariga waxa luntay kala sareyntii siyaasadeed iyo is aaminaaddii bulshada, waxaa batay isku af naqa siyaasiyiinta, isla sheegashada masuuliyadda, iska hor imaadyada qabaa’ilka, banaysashada dhiigga shacbiga, is dilidda bareerkaa, is dhicidda, is bililiqaysiga, is kufsiga, is barakicinta, is gaadgaadka qabaa’ilka oo ay u wehelisay u kala qixidda qof waliba halka uu is dhihi karay isir ahaan deegaankani awoowayaashaa waa ay ku noolaan jireen. 

Haddaba, iyadoo laga quustay helidda aragti siyaasadeed dhexdhexaad ah oo ay mar kale isku aamini kraan beelaha Soomaaliyed kaddib markii beesha caalamka u qabatay 14 shir dagaal oogayaashii qabqablayaasha qabaa’ilada Soomaaliyeed ayaa waxaa si fudud shaashadda u soo fuulay maxkamado magacyo sumado qabiil huwan oo ku midoobay Ururka Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed, wada shaqayntoodii muddo gaaban kaddib waxaa u suurto gashay inay gacmahooda soo galaan amniga guud ee gobolka BAnaadir, labada shbeele, Jubbooyinka, qaybo ka mid ah gobollada Bay & Bakool, gobollada dhexe ilaa Tuulada Bandiiradley, kaddib qabqablayaashii kooxda Mbaghathi oo garabsanaya ciidamada macatab u dirirka Itoobiya oo caawimaad siyaasadeed iyo saanad militari ka helaya Saliibiyiinta waawayn iyo sahyuuniyadda caalamiga ah iyo waxaa is fara saaray ciidamada Mujaahidiinta Maxkamadaha, guulihii billowga ay gaareen maxaysatada gumeystaha Tigreega waxaa ku kala jabay hoggaankii sare ee Muqaawamada, sababtuna awood militari ha lagu saaro gaalo madowda Tigreega iyo af-luuqad siyaasadeed ha la adeegsado.

Kooxda Al-jabuuti heshiis ay ugu magac dareen ‘Xudaybiya Soomaali” oo aakhiritaankii Hoggaanka talada dawladnimada ummadda Soomaaliyeed ugula wareegeen kooxda Mbaghathi ayay ku gaareen caasimadda dalka Jabuuti, iyadoo isla markaa loo doortay Madaxweyne Mudane Sheekh Shariif Sheekh 31/01/2009.

Ka hor waxaa is khilaafay garwadeenkii iyo kabtankii kooxda Mbaghathi si lama filaan ah oo ay ku dheehan tahay xirfad siyaasadeed hal dheeriya ayu kabtan Nuur ugu xiray oday C/laahi garbaduub siyaasadeed oo uu u soo qotomiyay xarunta ADC Baydhabo oo ay xildhibaanadii ku gadan jireen dhiigga shacabka Soomaaliyeed, halkaasuu odaygu isaga oo ay ku habsatay guul darro culus oo siyaasadeed isugu geystay is casilaad siyaasadeed, kagalana caraabay taariikh madow geedi socodka siyaasadda Soomaaliya! Balse garabyada kale ee Muqaawimada oo rumaysan in awood iyo dagaallo kulul oo shudano badani ku baxday lagaga hortagay dardartii gumeysatada cadowga Zenawi oo doonayay dadka iyo diinta Islaamka inuu ku ciribtiro dalka Soomaaliya sida is maamulka Soomaali Galbeed, balse waa laga hortagay laguna dhigay jab iyo halaag culus iyo iyadoo qudha looga jaray xbashiada Abasiiniya gowrac siyaasadeed oo aysan ka soo waaqsan doonin ilaa iyo Yowmu diin! 

Haddaba is waydiini ma xumee istaraatiijiyadee ugu suurto galsan oo dib u heshiisiin siyaasadeed u dhex mari kartaa mar kale Hoggaankii sare ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed?!! Waxaa cad in madaxda Midowga Maxkamadaha Islaamiga ballan Eebe ku galeen inay tadbiiqiyaan ku dhaqanka kitaabka Qur’aanka kariimka iyo Sunnada Rasuulka (SCW), kuna ballantameen inayan dhaartooda burrineynin, isnana dhagraynin, Xaqa Allana siduu yahay isula ilaalinayaan maadaama beelo is khilaafay oo siyaasadda ku kala tagay ay ka soo kala jeedaa, wadajirna u hanteen lixdii bilood ee kheyrka inoo horseeday, haddaba haddi uu heshiiskoodu ahaa sidan, culimaduna ay yihiin dhaxalkii ambiyadii Alle (SW) ha inooga jawaabo is khilaafkooda aayadaha 90, 91, 92, 92 ee Suurada Al-naxli 

(Eebe wuxuu fari caddaalad iyo samfal iyo wax siinta Qaraabada, wuxuuna reebi xumaan, Munkar iyo gardarro, wuxuuna idiin waanin inaad wax xasuusataan, oofiya ballanta Eebe markaad ballantantaan hana burburrinina dhaartiinii intaad adkayseen ood uga yeesheen Eebe korkiina kafiil (Ilaaliye), Eebe wuxuu og yahay waxaad falaysaan, ha noqonina sidii tii burisay (furfurtay) soohidii xoog kadib furfurid idiinka oo ka yeelan dhaartiina dhabar dhexdiina ah, inay ahaatay ummad mid ka badan ummad kale, Eebe wuu idinku imtixaami amarkaas iyo inuu idiin cadeeyo maalinta Qiyaame waxaad isku diidanaydeen, Hadduu doono Eebe wuxuu idinka yeeli lahaa ummad kaliya wuxuuse dhumiyaa ciddii uu doono, wuuna hanuuniyaa ciddii uu doono, waana laydin warsan waxaad camal falaysaan) Nabigana (CSW) sida uu ka warinayo Jaabir bin C/laahi wuxuu yidhi: (Iska jira xaq darrada maalinta qiyaamo, xaq darrada waxay noqon oo isku beddeli gudcuro badan oo madow iyo mugdi badan, kana ilaalsha naftiina oo iska jira Mudulanimada iyo naf jacaylka (Maal iyo madaxnimo jacayl) naf jecleysi iyo mudulnimo waxay rogtay qoomamkii idinka horeeyay oo ku kalliftay inay dhiigga iska qubaan oo wixii ka xaaraansanaa xalaashadeen) 

Waxaan idiin rajaynayaa Masuuliyiintii Maxkamadahow in masuuliyadda idin saaran aad Alle (SW) uga cabsataan, daysaana (Annagaa nala doortay iyo Kooxdii Mbaghathi ayaad ku biirteen) oo mubaayaco cusub aad gashaan sidii shalayba aad u gasheen! 

Dalka Soomaaliya waxaa soohdimo u kala qaybsaday qabaa’ilo qaba maamulo siyaasadeed oo kala aaminsan kala aragti duwanaan siyaasadeed! Shacbiguna wuxuu ka dhaxlay siyaasiyiintoodaas karti darro hoggaamineed, burbur siyasadeed, hoos u dhac dhaqaale, shaqo la’aan baahsan, sare u kac maciishiyadeed, dagaallo qabaa’il oo aan dhammad lahayn, nabad gelyo iyo xasilooni la’aan joogto ah, wal wal iyo cabsi siyaasadeed oo ay u sii dheer tahay shaki gelinta mustaqbalka nololeed ee dalka Soomaaliya! 

Haddaba madaxda dawladda Midnimada Qaran hoggaamisa qaasatan Golaha wasiirrada oo uu u taliyo ra’iisul wasaare Md. Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo dibadda uga yimid samatabixinta Qaranimada ummadda Soomaaliyeed, waa ay ansixiyeen 10/03/2009 in dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka, Madaxweyne Sheekh Shariif waa siyaasi jecel hirgelinta shareecada Islaamka, madaxa Mucaaradka waa Sheekh Xasan Daahir oo u ololeeya ku dhaqanka Shareecada Islaamka, haddii ay daacad ka wada tahay shareecadu cidna uu eexan mayso! Alle (SW) waa kula qidaabayaa madaxda aayadda 29-aad ee suuratu Anfaal inay u hogaansamaan shareecada Islaamka, (Haddii aad Alle ka cabsataan oo xilka iyo waajibka uu idiin saaray gudataan wuxuu idiin siinayaa iftiin aad ku kaal saartaan Xaqa iyo baadilka, wuxuuna asturayaa xumaanihiina, wuuna idiin dambi dhaafayaa, Allaa Dambi dhaafe deeq badane ah) 

19 sano aragti kasta oo siyaasadeed oo la isku dayo in lagu dabaqo geedi socodka siyaasadda Soomaaliya waxaa ka hor yimaada danaha la isku maandhaafsan yahay ee qabyaaladeed ee ay isku khilaafeen qabaa’illada ay ka kooban tahay ummadda Soomaaliyeed, haddaba qabaa’illadaas is qoonsaday isna quursanaya yaa ka dhigi kra Qaran siyaasadeed Islaamiya?!! Allaha ina abuuray is qoonsiga iyo is quursiga inoo dhexeeya ha inooga jawaabo aayadaha 10, 11 ee Suurat Al-xujuraat:
(Muslimiintu waa uun walaalo ee wanaajiya walaalihiina dhexdooda, Eebana ka dhowrsada wax aad u dhowdihiin inuu idiin naxariisto, kuwa xaqa rumeeyayow yuuna yasin ragna rag kale, waxay u dhow dahay inuu ka khayr badan yahay… dhamaadka) 

Haddaba Soomaaliyeey idinkoo isku af, isku dhaqan, isku jinsi, isku diin ayaad kalamadda qabiilka oo ka kooban “QAB” (Kibir) iyo “IIL” isugu colaadinaysaan, isuguna caasinaysaan, quruxdii dhul waynaa Soomaaliyeedna uga dhigteen istiraatiijiyaddii lama degaanka. Alle (SW) sida uu ula jeedo kalimadda Qabiilka ha noogu sharraxo aayadda 13aad ee Suuratu Xujuraat (Dadow waxaan idiinka abuurnay lab iyo dheddig, waxaan idiinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isugu aqoonsataan… dhammaad) Rasuulkeena Muxammad (NNKH) wuxuu yiri (Ruuxa Muslimka ah wa ka xaraan Muslimka kale xoolihiisa, sharaftiisa iyo dhiiggiisaba, waxaana shar ugu filan ruux inuu xaqiro walaalkiisa Muslimka ah) waxaa wariyay Abu Dawud iyo Tirmidi. 

Maanta culimadii Soomaaliyeed sidii hoggaamiye kooxeedyadii ayay kooxo u kala noqdeen iyagoo doonaya inay ku sii hayaan shacbiga Soomaaliyeed halaag siyaasadeed! Alle (SW) horay ayuu u yiri Rasuulkiisa (SCW) aayadda 159aad ee Al-ancaam (Kuwa ku kala tagay diintooda oo noqday kooxo ka mid ma tihid amarkoodana Eebaa iska leh… dhamaadka). 

Alle Mahaddiis Itoobiya dhulka Soomaaliya waa laga xoreeyay, culumadiina dhulkii way dhaxleen iyagoo ku kala sareeya darajooyinka siyaasadeed sida uu Alle inoogu faah-faahinayo aayadda 165aad ee Ancaam (Eebe waa kan idinka yeelay kuwo dhulka u hadhay qaarkiina qaar ka sare mariyay darajooyin, inuu idiinku imtixaano wuxuu diin siiyay… dhamaadka) 

Haddaba intaysan xeero iyo fandhaal kala dhicin maxaa la gudboon culimada isku haysato madaxtinimada siyaasadeed? Alle (SW) wuxuu ku yiri aayadda 72 ee Suuratu Axzaab (Annagaa u bandhignay amaanada (cibaadada) samooyinka iyo dhulka iyo buuraha wayna diideen inay xambaaraan wayna ka cabsadeen xaggeeda, waxaase xambaaray dadka wuxuuna noqday dulmi badane jahli badan) madaxda Culimada waxaan ugu baaqayaa raacidda talo soo jeedintii siyaasadeed ee ka timid 20/02/2009 Culimada Musaalaxada kaddibna Mashaa’ikh iyo siyaasiyiin lagu soo xulay aqoontooda iyo damiirkooda waddaniyadeed ay ka saaraan axdiga KMG qodobada gefka ku ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka, kaddibna culimada Musaalixada qaban qaabiyaan kulan is af cafin guud ah oo dhex mara garabyada kala duwan ee isku haysta siyaasadda Soomaaliya, axdi iyo mubaayaco cusubna halkaa halagu wada galo, kaddibna lagu soo biiriyo Dawladda Midnimada Qaran labada garab ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam, haddii aysan manab jagooyin siyaasadeed sare iyo fowdo iska sii socoto doonahayn, oo aysan sidaa u soo dagaalamin ha loo magacaabo Madaxdooda hogaamisa jagooyinka Maxkamadaha Madaxa bannaan ee caddaaladda iyo Hirgelinta Shareecada Islaamka: 

1- Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Xuduudda iyo Qisaasta
2- Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Xuduudda iyo Qisaasta. 
3- Maxkamadda dabagalka iyo la xisaabtanka xafiisyada siyaasadeed ee Maamulka dawliga, kaddibna guddiyo laga soo dhiraandhiriyay Golayaasha kala duwan ee Dawladda Midnimada Qaran ay diiwaan geliyaan: 
a) Hantida gaarka u ah madaxda dawladd 
b) Dejinta Miisaaniyadda guud ee Qaranka 
c) Jaangoynta mushaaradka Madaxda iyo Shaqaalaha Dawladda. 

Intaas kaddib madaxda iyo Shacbigaba ha u sinnaadeen sharciga Islaamka oo barax la’.

Gunaanudkii Madaxda dawladda Midnimada Qaran muddo gaaban ayay ku gaari kartaa markii ay u hoggaansanto Amarka Alle 
1) Dib-u-dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha dalka 
2) Dib-u-dayactiridda qalabaynta xafiisyada siyaasadeed ee dawliga ah. 
3) Ku baahinta Maamulka siyaasadeed ee dawladda Midnimada Qaran gobollada dalka Soomaaliya.
4) Tirakoobka dadwaynaha iyo qorshyasha siyaaadeed ee Qaranka. 
5) Isku xirka danaha siyaasadeed ee bulshada Soomaaliyeed iyo midda ay inoo qabto beesha caalamka.
6) Albaab u furista axsaab siyaasadeed, tiro waafaqsan danaha Qaranimada Soomaaliyeed.
7) Diiwaan gelinta iyo u dareeridda goobaha codaynta shacbiga Soomaaliyeed si ay u soo doortaan masuuliyiintii ay ku aamini lahaayeen Hoggaaminta Qaranimada ummadda Soomaliyeed. 

Aragtiyada siyaasadeed ee Islaamiga ee ay dhaqan gelisay Dawladda Midnimada Qaran waa Muslinimo ku toosnaa, Eebe ka yaabid, xaq raacid, xalaal cunid, wanaag ugu yeerid, xumaan ka reebid, kud haqanka dhabta ah ee ay amrayso Diinta Islaamka,, sidaas awgeed waxay ka badbaaday inay fadhiid noqoto sida dawladihii hore oo xafiisyadooda oo kaliya ku ekaa, xilalka Qaranka ku buuxsan jiray taariikh nololeedkooda siyaasadeed! Waxayna dib u soo celin kartaa Midnimada Muqaddaska u ah Soomaali-weyn haddii ay amniga guud ee koonfurta Soomaaliya gacanteeda soo geliso oo ay gacanshiiyana ka muujiso gefka siyaasadeed ee lagula kacay Walaalaha Somaliland, kaddibna guddiyo siyaasadeed oo labo geesood ah in ay qaabeeyaan, islana meel dhigaan hannaan siyaasadeed guud oo saami qaybsi siyaasadeed, laguna wadaagi karo xilalka jagooyinka Dawladda Midnimada Qaran oo la filayo mustaqbalka dhow inay soo gabagabayso, xalna u hesho kala shakiga siyaasadeed ee soo kala dhex galay beelaha Soomaaliyeed xilliyadii ay colaadaha sokeeye ka jireen dalka Soomaaliya, dhulka Soomaaliyana uu u noqon lahaa mar kale Istaraatiijiyaddii Naf iyo Nolol wadaaga! 

Wabillaahi Towfiiq 

Waxaa qoray Siyasiga da’da yare e Is beddel doonka ah ahna Musharrax madax bannaan oo u taagan inuu qabto Hadduu Alle (SW) yiraah mid ka mid ah labadan jago: (1) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ama (2) Qoraaga madaxweynaha ahna la taliyihiisa arrimaha siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta.

 Premier Saciid Axmed Isxaaq (Saciid Islaami) 

Tel: 229901 ama 5149590 ama E-mail: islaami@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: