“Xasunal Amru” Mar Haddii Sheekh Xasan Xamar Yimid
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
GaroonKa diyaaraddu ku soo xiray waxaa la soo xigtay inuu yahay kii
Kiilomitir 50 laga xaarxaaray. Xabashi meesha ma joogin iyo Amisom-ta la
soo xawilay . Sidoo kale Ashahaado-la-dirir ma soo xaadirin.
Muusikaaleey lama soo xulin ee keliya Xisbul Islaam baa sheekh Xasan
meesha ku marxabbeeyey. Xabbadkey isa saarayeen iyagoo leh:
XAYAAKALLAAH.
Waagii Sheekh Shariif Xamar soo gaaray, howsha soo xerogelintiisa
waxaa loo xilsaaray Amisom. Waxaa booliiskii Soomaalida ee wax ka soo
dhoweeyey xukumay Cabdi Qeybdiid. Ma hubo in muusika la garaacay laakiin
waxaa dhici karta in la qaaday:
- Soomaaliyeey toosoo toosoo iska tiirsada ee
- Hadba kiinna taag daraneey tuuryeeya weligiineey
Ilaahay hortii, labada imaansho ee sheekh Xasan iyo sheekh Shariif kala
hagaagsan. Sawirka Ammiin Caamir marka sheekh Shariif gaariga qufulan
rabo inuu galo booqashadii Turkiga, dib u fiiri. Waxaan garoonka
Aadan-cadde Shariifka looga qaaday baabuur qafilan iyadoo la geeyey
Hotel Lafweyn! Gaalaa weerdiyeyneysay! Yaa laga waardiyeynaa?
Muqaawamada ama shacabka midkood! Halka sheekh Xasan ay raggiisii ay
dagaalka kuwada jiri jireen iyo madaxda Xisbi Islaam soo dhoweeyeen.
Gabyaa u shaqeyn jiray wasaaraddii waxbarashada oonan magaciis xasuusan
baa lahaa:
- Dal Ilaahay kala qaboow deeqna kala roone
Hor Ilaahay labada nin qaabkey Xamar ku soo galeen kala fiican.
Maalmahan waxaan ka bixi weynay: oday hebel baa saas yiri! C/Raxiim
Ciise Caddoow baa yiri: Ash-Shabaab baa dadkii soo halgamay leyneysa.
Aadan-madoobaa Ash-Shabaab eedeeyey! Bal ka warran haddii Aadan-madoobe
iyo C/Raxiim Caddow ay Shabaab wada eedeynayaan?!
Haaruun Ar-Rashiid oo Makka Xaj u yimid oo dadkii dul dhooban yihiin
baa waxa meeshii soo maray Cabdullaahi Binu Mubaarak. Dadkii markay
Imaamkaas arkeen ayey kulligood ku yaaceen imaamka iyagoo dabogalay.
Haweeney “umu walad” u ahayd Haaruun Ar-Rashiid baa Haaruun ku tiri:
kugu aabbahaaye! Wataas madaxnimo! Waa Haaruun Ar-Rashiid oo Amiirul
Muuminiin ah! Waa Haaruun oo Haashimi ah! Insha Allaahu waan ka
raysaneynaa oday hebel, Aadan-madoobe iyo C/Raxiim Ciise Caddoow. Waxaan
filayaa in Muqaawamada, Dumarka iyo carruurtu caleemo qoyan ku soo
dhoweyn doonaan isku-soo-baxa berri ah haddii Ilaah idmo. Sheekhu waa
halgamaa rug-caddaa ah. Marka yaa Xamar jooga oo isku dheririn kara?
Haddii iyagoo Xajka la joogoo Amiirkii Muuminiinta ee Haashimiga ahaa
dadkii iskaga yaacay yaa sheekh Xasan arkaya oo ku haraya niman Amisom
iyo Ashahaado-la-dirir ehel ka dhigtay?
Ma filayo iney jirto maalin looga baahi badan yahay maanta sheekha.
Waa maalin ay gaalo iyo gaalo-raacyo damceen in shacabka la isku diro.
Waa maalin qabiilooyinka iyo shacabka Xamar muujiyeen samir iyo dulqaad
si aan loogu jilin filimaan Maraykanku ka soo dhigay Ciraaq iyo
Afganistaan – Mujaahidiintii iyo shacabkii oo la isku diray.
Waxaa jira Xaddiis uu Bukhaari callaqay oo dhahaya: Arwaaxdu waa
ciidamo duman oo kale. Wixii ay isla gartaan waa iskaga dunmaan; wixii
ay iska inkiraanna wey isku khilaafaan. Yaa kheyr isku khilaafi kara?
Shaki ma leh in Muqaawamadii la isku diray oo qaar la hoos geeyey gaalo
iyo gaalo-raacyo. Waxaan filayaa in wixii Maxkamadaha ahaa ee kheyr ku
haray soo haleeli doonaan sheekh Xasan. Waa sidii magnad iyo bir oo kale
oo isa soo jiidanaya. Marka mu’aamaradii ahayd in sheekhba maalin la
dilo si la iskugu diro Muqaawamadu meeshay ka baxaysaa Insha Allaah.
Marka wiilasha kheyrku ku haray ee Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan jooga
waa la maqli doonnaa iyagoo soo dhoweynaya libaaxoodii halganka.
Waxaa sheekh Xasan Xamar yimid maalin ay caddaatay jeesjeeskii
Shareecada Islaamka. Cumar C/Rashiid kaddib waxaa markhaati shacabku ka
yahay in weli Aadan-madoobe sheeganayo inuu “ilaah” yahay! Soow
baarlamaanku maanta oo bisha miilaaddigu tahay 23/04/09 kama hadlayaan
miisaaniyadda dowladda? Haddii Shareeco Islaam la isku xukumayo yaa
jaahil Aadan-madoobe oo kale siiyey xeer uu noogu qoondeeyo
dhaqaalaheenna? Soow jiliddii iyo heestii Janaqoow been ma noqon? Teeda
kale, Musaalixadii qaarkeed soo dhoweynayey jeesjeeskaas miyeyna iyagu
wax ku lahayn miisaaniyad-dejin? Mise Shareecadaa qabta in kuweenna
noogu jaahilsan ay miisaanka noo qabtaan?
Sheekh Xasan sidii nimanka qaarkood ma soo cararin. Sheekh Xasan
wuxuu Soomaaliya ka tagay markii gaaladii waxay dili kareen dileen.
Dagaalladii Koonfureed marka Muqdisho laga reebo wuu joogay. Markuu
waddanka ka soo tagayey Muqaawamadu waxay yimaadeen Kismaayo agteeda,
qaarna Xamar beyba soo galeen. Marka shirkii Asmara dartiis buu waddanka
uga tagay. Sheekh Xasan-Turki iyo isagu waxay isla joogeen Kismaayo
agteeda
Marka Ilaah idankii amarku waa wanaagsanaaday. Yaa isa siisan kara
“Xasaneyn” waa sheekh Xasan Daahir iyo sheekh Xasan-Turki iyo
“Shariifeyn” waa sheekh Shariif iyo Shariif Xasan? Mid macangag ah
mooyee, Muqaawamada oo dhami waa isu imaan. Waxaa xididdada loo siibayaa
dhagarta gaalada ee ah in Muqaawamada la isku diro. Gaala-raac badan baa
sidii milix lagu dhex riday biyo dhalaalaya markay sheekh Xasan maqlaan
ama arkaan. Qabiil baa korneyl C/hi raacay oo qaakrood maanta Xamar
looga cararay. Qaar baa sheekh Shariif oo gaalo wadato iska dabo-ordaya.
Marka waa nasiibdarro qolo sheekh Xasan oo kale heysata oo cid kale uga
ordeysa. Marka Muqaawamada, carruurta, cirroolaha iyo dumarkuba waxay
sheekha leeyihiin: muusiko kuu tumi meynno, Amisomna kuguma aamineyno ee
waxaan ku leennahay: MARXABAN BIKA YAA ABAL MUJAAHIDDIIN.