SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WADAAD, WARANLE IYO WADANI 
 

Maxamad Bukhaari Axmad

Bukhaari14@hotmail.com 
 

Hadii aad si qoto dheer u akhriso taariikhda dhaqan/dhaqaale iyo siyaasadeed ee qaaruunta Soomaalida waxaad heli kartaa iney jiraan sadax Nidaam ama hab-nololeed oo ka dhisan dhulka.  Siyaabo iyo qaabab kala duwana u saameeya nolosha guud iyo tan gaar ahaaneed ee dadka. Si fasir loogu helo sawirka iyo muuqaalada ka taagan geeska afrika, loona garto afkaaraha dhaqaajiyay dhacdooyinkaas, ayey haboontahay in la iftiimiyo mid kasta oo kamid ah sadaxda Nidaam. 

Wadaad, Waranle iyo Wadani ma ahan oo kaliya sadax tilmaamood ee waa sadax hab nololeed oo ka tarjumaya heyb iyo ahaan falsafadeed oo u gaar ah mid kasta oo kamid ah sadaxda Nidaam, taas oo ku dhisan sida loo arkayo Caalamka, Nolosha, Bulshada, Dowalada iyo Qaanunka. 

Nidaamka waranle: Waa xariir ama xaq dabiici ah oo ku dhisan dhiig iyo u dhalasho issir ama qabiil gaar ah. 

Nidaamka Wadani: Waa falsafad dhinaca nolosha ah, kuna dhisan in dhulku yahay lahaan wadareed oo ey wadaagaan dhamaan dadka ku dhaqan dhulkaas, iyada oon la eegeyn Issirka iyo Diinta qofka. Sidoo kale in dalka "Wadanka" gundhig iyo asaas u yahay Xuquuqda iyo Waajibaadka wadaniga ah, aragtidaasna waxaa marjic iyo tixraac u ah laba meelood oo kala ah: 

    1. Saxiifadii madiina: taas oo aheyd hashiis qoraal ah oo ey kala dhigteen dadkii kuwada dhaqnaa magaalada barakeysan ee Madiina iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo issir ahaan iyo diin ahaanba si weyn u kala duwanaa.  Miithaqan oo ey kala qorteen Ansaar, Muhaajiriin iyo Yuhuud waxaa hindisihiisa iyo kormeerkiisaba lahaa Nabi Maxamad nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato. qodobada ku qorana waxaa kamid ahaa in:
  • Sadaxdaas qolo yihiin hal Umad, oo isaga sokeeya inta kale.
  • Loo simanyahay xuquuqda iyo waajibaadka.
  • Si siman looga difaaco dhulka cadow kasta oo ka soo weeraro dibada.
  • Si siman loo bixiyo kharashaadka ku baxa howlahaas. Iyo qodobo kale.

    Heshiiskaas oo ey diiwaan galiyeen kutubta taariikhda, waxa uu dhagax dhig u yahay in dadka ku wada dhaqan dhul iyo dagmo gaar ah ey kala qoran karaan {dastuur} nidaamiya Nolosha Siyaasadeed, Nabad galyo, Dhaqaale iyo Difaac.

    1. Baaqa Caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo   Miithaaqa qaramada midoobay: kaas oo aqoonsi buuxa siiyay qaranimada iyo madaxbanaanida dal kasta. Waana falsafad iyo hal abuur ey curisay ilbaxnimada reer galbeedka, taas oo ku dhisan in xeerarka iyo qawaaniinta la xiriira Jinsiyadda iyo wadaniyada ey noqdaan kuwo ku dhisan Xuquuq iyo Waajibaad wadani ah, oo ey u simanyihiin dhamaan dadka ku wada dhaqan hal wadan.

    Labadan marjic ayaa ku kala abtirsada laba Ilbaxnimo oo inta qoran ka mideysan in la aqoonsado kala duwanaanta baaxada leh ee u dhaxeysa Aadanaha. Iyo in la barto, lagana faa"iideysto keydka taariikheed ee shucuubta iyo qaaruumaha kala gadisan, hadey ahaan lahaayeen kuwo ku wada dhaqan hal wadan, ama ey yihiin kuwo ku kala nool cirifyada dunida. Taas oo fududeyn karta in dhaqan kasta iyo bulsha kasta si nabad ah u suuq geyso afkaarta iyo aqoonta wax tarka u leh guud ahaan aadanaha, Xikmadana tahay baadi ka maqan qof/bulsha kasta oo u howl gasha iney goob-joog noqdaan, waxna ku biiriyaan ilbaxnimada caalamka.  
     

    Marka aan hoos ugu dagno duruufaha u gaarka ah qaaruunta Soomalida, Nidaamka “WADANI” waa mid ku cusub fagaaraha Siyaasadeed ee Soomaalida, sababtoo ah waxey aheyd fikrad aan ka dheehanay gumeysigii reer yurub. Intii ka horeysayna Soomaalida waxey ahaayeen kuwo u qaabeysan Beelo si siman isu garab Dagan, oo aan laheyn Maamul iyo Nidaam mideeya, sidoo kalana aan laheyn seero iyo xuduud reebta. 
     

    Garashada iyo Fahanka Soomaalida ee ku aadan “Wadani iyo Wadaniyad” waxa uu yeeshay laba waji oo aad isaga hor jeeda, taas oo la dhihi karo waxaa saameyn ku leh biseylka wacyiga Dowladnimo. In la diido, Lana dafiro xuduudaha iyo juquraafiga Siyaasadeed ee laga dhaxlay gumeysiga reer Yurub {Ingiriis, Talyaani iyo Faransiis} ayaa laga gurtay mire aad u kharaar iyo cawaaqib xumo baaxad leh. Arinkaas oo Soomaalida gayeysiisay in dib loo akhriyo taariikhda, isla markaana la aqbalo Juquraafiga Siyaasadeed ee Caalamka. Waana xujada iyo dooda ey cuskadaan hogaamiyaasha Siyaadadeed ee jamhuuriyada Soomaaliland.   
     

Nidaamka wadaad :

Waa afkaar iyo xiriir ka guntama maskaxda iyo maanka dadka, Waa fahan iyo matalaad dhinaca Diinta ah oo ey isla qaataan dad ku kala dhaqan dhul iyo qaarado aad u kala fog. Waxaa jiray laba qaab oo gundhig iyo asaas u ahaa nidaamka “Wadaadka”  
 

      1. wadaanimo ku dhisan “ Reer ” taas oo macnaheedu yahay in qolo ama Qabiil gooni ah la siiyo tilmaanta  “     Ow“ oo u taagan Sheekh, Caalim ama Faqiih.
      2. Dariiqo ku dhisan aragtida Tasawufka: kuwaas oo bulshada ku hadasha AF- Soomaaliga u dhagax dhigay arima ey kamid yihiin Faafinta diinta islaamka, dhisida xarumo tacliin oo lagu dhigto fiqhiga iyo diinta iyo sidoo kale Tarjumida afka Carabiga iyo xoojinta af- Soomaaliga.
 Hadii aan dib u milicsano sooyaalka taariikheed ee “Wadaad Wadani iyo Waranle” intii ka horeysay isticmaarka reer Yurub Kama dhax jirin khilaaf horseedi karay dagaal iyo colaad dhex Marta labada nidaam. Waxaa lagu doodi karaa in uu jiray wax u eg awood qeybsi ku saleysan in:
  • Nidaamka Wadaadka looga dambeeyo arimaha la xiriira Tacliinta, Hanuuninta bulshada iyo ka tala bixinta xeerarka qoyska.
  • Meesha Nidaamka Waranlahu ahaa mid gacanta sare ku leh talada dhabta ah ee bulshada. Sida go,aan ka gaarida arimaha la xiriira Nabada iyo Colaada, bixinta iyo kala noqoshada Jinsiyada {Deyro ama Sheegad} iyo talada la xiriirta Dhaqashada. 

Dhulka ey ku dhaqanyihiin Soomaalida Itoobiya waxaa ka dhisnaa hanaan ey ku bahoobeen labada nidaam ee Wadaad iyo Waranle, kaas oo lagu magacaabi jiray “Ow iyo Ogaadeen” kuna dhisnaa is-kaashi iyo is-qadarin.  Sida ku cad magaca waxaa dhinaca Waranlaha u matali jiray is-baheysigaas qabiilka Ogadeenka oo bixin jiray dhaqaale lixaad leh, si nidaamka Wadaadka u joogteeyo gudashada howlihiisa.

Dhanka kale gobolka Hiiraan waxaa ka dhisnaa Nidaam dhinaca Wadaadka ah oo loo yaqaanay “Shanta Culimo“kaas oo aqoonsi buuxa ka helay beelaha kale ee ku dhaqan gobolkaas.

Labada dhulba Nidaamka Wadaadka waxaa hor-jooge ka ahaa Beesha Reer Ow-xassan, oo xarumo dhinaca tacliinta ah ka dhistay dhulka loo yaqaanay {Gal cusbo iyo Asharaaf} oo hoos tagta dagmada Feerfeer ee Dowlad Degaanka Somalida Itoobiya. Xarumahaas oo ey ka qalin jabiyeen hogaamiyaal dhinaca sharciga ah, kuwaas oo markii danbe kamid noqday hogaanka sare ee Nidaamka Wadaadka “Daraawiish” sababna u noqday in magaalada Balad/weyne ee gobolka Hiiraan noqoto xarunta labaad ee Nidaamka Daraawiishta. Sayid Maxamad C/lle Xassan ayaa Suugaan ku xusay ragaas mar uu ka calaacalay khilaaf dhinaca fikirka iyo Siyaasada ah oo dhex maray isaga iyo hogaankiisa dhinaca sharciga iyo diinta, {Axmad fiqi, Cabdille qoriyow, sheesh Cali guuxaa iyo kuwa kale} waxa uuna yiri:

  • Axmad Fiqi sawaab ugama helin sadaqadeydiiye.
  • Waxa saatan ii galayna waa seedigey run ahe.
  • Sugi meynin Qoriyow inuu suuqyo ii tumane.

.

Darawiishta waxa ey aheyd nidaam ku taagan sadax tiir oo kala ah:

  • -Hogaan dhinaca Siyaasada ah, Sayid Maxax, d C/lle Xassan oo loo heystay in uu yahay hogaamiye barakeysan.
  • Hogaan dhinaca fikirka iyo sharciga ah “Khusuusi” oo ey hormuud ka ahaayeen Culimada kor ku xusan.
  • Cudud Milatari oo aheyd gaashaanka iyo awooda ciidan oo ey tiir dhaxaad u ahaayen beesha dagta Buuhoodle.

Xilligii uu isticmarka reer Yurub ku soo biiray nolosha dadka ku dhaqan dagmada geeska afrika, waxaa dhacay isbadal weyn, kaas oo murjiyay, ragaadiyeyna xiriirka u dhaxeeya "Wadaadka iyo Waranlaha" Kadib markii qaar kamid ah Waranlaha ey si buuxda u aqbaleen iney noqdaan maxmiyad hoos tagta maamulkii isticmaarka, isla markaana gacan Saar iyo is-kaashi buuxa la yeesheen gumeysiga reer Yurub. Arrintaas oo caro iyo cabsiba galisay Darawiishta oo iskood isaga dhigay iney yihiin sumada iyo astaanta Wadaadka.

Waxaa jiray laba arimood oo ku cusbaa nolosha Soomaalida, dhaliyeyna iney aad u kala fogaadaan Wadaadka iyo Waranlaha:

    • Mowqifka iyo go,aanka laga qaadanayo gumeysiga reer Yurub {Gobanimo}.
    • Qaabka iyo Tilmaanta siyaasadeed ee Qaranka cusub iyo astaanta Dowlada.

Arimahaas waxaa si weyn looga akhrisan karaa Taariikhda iyo Suugaanta xilligaas ey ka tageen labada nidaam, taas oo  laga fahmi karo in khilaafka u dhaxeya Wadaadka iyo Waranlaha yahay mid Siyaasadeed, ee uusan aheyn mid diimeed.

Cali dhuux oo ahaa Abwaan iyo Feylasuf ku hadla magaca nidaamka Waranlaha, ayaa si cad u qeexay khariidhada afkaarta waranlaha ee ku aadan arimahaas.  Issaga oo si cad u qeexay fahanka uu ka heysto:

  1. Shacabka oo uu ka dhigay, kuna saleyey issir iyo qabiil gaar ah.
  2. Si wadar ahaaned loo kala qorto Wacad iyo Axdi nidaamiiya nolosha Siyaasadeed ee tolka.
  3. Asteeynta Caasimada dowlad uu ka dhistay khayaalkiisa.
  4. Calaamadinta xuduudaha qaranka, iyo xiriirka arimaha dibada.

Dhankooda Nidaamka Wadaadka Ayaa si mugdi ku jiro uga hadlay aragtida Qaran iyo Dowlad {dalkaba adinkaa lehe Dowlad maad u noqotaan?} {hadaan waayey Calan ley nashiro tan iyo Nayrobi. Miyaan waayay howd oo naq leh iyo inaan Nugaal daaqo? }

Gacansaar iyo is-kaashi dhex maray Nidaamka Waranlaha iyo Isticmarka ayaa horseeday in hardan dheer kadib si buuxda loo jabiyo Nidaamka Wadaadka, isla mar ahaantaana laga fogeeyo nolosha Dhaqan/Dhaqaale iyo Siyasadeed ee guud ahaan dagmada geeska afrika. 

Qaar ka tirsan nidaamka Wadaadka ayaa ku dooda in Isticmaarka uu adeegsaday xeelad iyo xirfado aad u sareysa, isaga oo si cilmiyeysan u falkiyay in guusha la dhaxalsiiyo taageerayaasha isticmaarka, si ey u dhameys tiraan mashaariicda qabyada ka ah gumeysiga, eyna ugu horeyso in Nidaamka Siyaasada, Sharciga, Dhaqaalaha iyo Tacliinta dhamaantood noqdaan kuwo laga soo min-guuriyay galbeedka.

Jabka gaaray nidaamka Wadaadka waxey horseeday iney galaan hurdo dheer, waxeyna soo baraarugeen xilli furayasha cilmiga iyo awooda ey si dhab ah u hanteen dad kale. Arrinkaas ayaa qaar kamid ah nidaamka wadaadka ka dhigtay kuwo afkaartooda ku dhisantahay ciil iyo colaad loo hayo Bulshada, Dowlada iyo guud ahaan Caalamka, iyaga oo nolosha ku fiiriyay ookiyaal mugdi ah oo wax kasta u tusay shar iyo kheyr darro.

Dhinac kale Wadaadka ey afkaartiisa qabowdahay ayaa qaba aragti ka gadisan taas hore, kuna dhisan in Aadanaha ku wada nolaadaan Nabad, Cadaalad iyo Barwaaqo. Taas oo ah baadida ka maqan bulshada ku wada dhaqan dagmada geeska Afrika. Waana arrin bilow iyo yididiilo fiican u noqon karta dadka ku dhaqan dagmadaas, Laakiin waxaa caqabad ku ah laba arimood:

  • Afkaar iyo aragti ku dhisan Aqoon yari iyo Xikmad gaabni.
  • Culeyska taariikhda laga dhaxlay aabayashii hore, hadey ahaan laheyd Xiriirka gudaha iyo Kan dibada.
 
 

Duruufo heer gobol iyo heer Caalami ah oo isbadalay darteed, iyo afkaarta iyo facillida ey dhaliyeen duruufahaas ayaa dhamaan Soomalida Wadaad, Waranle iyo Wadaniba hor dhigay xaqiiq cusub oo ah in:

  1. Afkaarihii lixdamaadkii qarnigii tagay eysan ka gadmi Karin Caalamka maanta, isla mar ahaantaana eysan Buuxin Karin himilada Soomaalida cusub.
  2. Nabad iyo Xasilooni ka aslaaxda dagmada Geska Afrikana tahay mas, uuliyad wadareed oo si siman u saran dhamaan shucuubta ku dhaqan dagmadaas.
  3. Dadka ku hadla af- Soomaaliga la galiyo sadax khaanadood oo kala ah:
  • Dad Soomaali ah oo kaligood ku dhaqan dhul iyo wadan u gaar ah, Arrinka ugu weyn ee haystana yahay sidii ey ku kala badbaadi lahaayeen, una dhisan lahaayeen Maamul iyo Nidaam mideysan. {Jamhuuriyada Soomaaliya }
  • Dad Soomaali ah oo la nool dad kale, laakiin leh sarreeynta, heystana talada iyo maamulka dalka { Jabuuti }
  • Dad Soomaali ah oo la Nool qaaruumo kale oo ka tiro badan, lagana heysto sarreeynta iyo talada dalka, {Soomaalida Kenya iyo Itoobiya }

Hadii aan isticmaalno Sadaxda Soomaaliya, qolo kasta waxaa hor yaala arimo ey tahay iney xal u helaan, si dhab ahna wax uga qabtaan.

Wax- garadka, Aqoonyahanka iyo Abwaanka Soomaalida ku jirta khaanada kowaad waxaa horyaala sidii ey ku dhisan lahaayeen hanaan iyo nidaam kala badbaadiya, mideeyana dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada “Wadaad, Waranle iyo Wadaniba”. Sababtoo ah waxaa jira hardan iyo loolan dhex maray labada Nidaam “Wadaad iyo Waranle” kaas oo ku saleysnaa hanashada Maamulka iyo talada dalka. Gobolada manta loo yaqaan Puntland waxaa dhamaadkii qarnigii tagay ka dhacay dagaalo lagu qubay dhiig tiro badan, kuwaas oo ku dhamaaday in la wiiqay awoodii milatari ee Wadaadka uu ku lahaa dhulkaas. Isamada oo ka duulayay xaqiiqda ka jirta dhulka oo ah in la jabiyay nidaamka Wadaadka ayaa qabtay sanadkii 1998ka shirweyne lagu gorfeeyay sidii loo dhisi lahaa Maamul sharciyad Siyaasadeed ka heysta dadweynaha. Kaas oo Wadaadka siinaya xuquuq ku siman in uu gar u leeyahay raadeynta nolosha, marka laga reebo tan Siyaasadeed.

Doorashadii sadaxaad ee ka dhacday Is-Maamul goboleedka Puntland, ayaa u dhacday si ku dhisan Nabad iyo Cadaalad. Taas oo dadka ku dhaqan goboladaas ka dhigtay kuwo ku talaabsaday Nabad iyo Xasilooni u horseedi karta Horumar. Waa tusaale iyo tijaabo la xiriirta loolanka iyo xarig jiidka u dhaxeeya Wadaadka iyo Waranlaha oo ku dhamaaday in la shiiqiyay doorka Siyaasadeed ee Wadaadka, oo si toos ah u gudoonsaday in uu ku hoos noolaado nidaamka Waranlaha, si loo badbaadiyo Nabada, Sharafka iyo Maamuuska dadka ku dhaqan dhulkaas. 
 

Dhanka kale Is-diiwaan galinta ka socota Jamhuuriyada la magac baxday Soomaaliland oo lagu hubsanayo heybta iyo jinsiyada wadaniga ayaa astaan cad u ah is-badal qoto dheer oo ku dhacay hab dhisanka bulshada. Cod bixinta iyo kala xulashada Barnaamijka Siyaasadeed ee axsaabta Soomaaliland, iyo sidoo kale kala doorashada dadka u tartamaya buuxinta xilalka heyadaha dastuuriga ee qaranka ayaa muujineysa yididiilo ah in is-badal dhinaca Siyaasada iyo Arimaha bulshada ah ka hanaqaaday dhulkaas. Sababtoo doorashada ayaa ah hanaan xaqiijin Kara “Ijmaac” dhinaca Xukunka iyo talada dalka ah, oo ku dhisan Talo-wadaag, Xukun wanaag iyo Xisaabtan. Taas oo dhalin karta in dadweynaha oo ah asaaska sharciyada Siyaasadeed, raali ka noqdaan, islamar ahaantaana adeecaan hogaanka dalka iyo dadka.  
 

Waana meelaha dhab ahaan ey ku kala gadisanyihiin Wadaadka iyo Wadaniga. Sababtoo ah falsafada iyo aragtida wadaadka ayaa inta muuqata ku dhisan laba qaab oo kala ah: 
 

  1. In uu Sharciyad Siyaasadeed ka heysto xaga Ilaahay, cid kula tartami karta ama ka xanyuubin kartana eysan jirin.
  2. In Sharciyada laga dhigo mid ku jaan go,an hubka iyo ciidanka ku jira gacanta Wadaadka.
 
 

Waana gaf weyn oo dhinaca Siyaasada iyo garaadka xaga Sharciga ah, kaas oo ku daabacan fikirka Siyaasiga ah ee nidaamka Wadaadka, iyo fahanka ey ka heystaan macnaha “Dastuur/Miithaaq” oo ah qodobo iyo xeerar nidaamiya nolosha Siyaasadeed ee bulshada, kuwaas oo yeelan Kara sax iyo khalad.  Aragtida Islaamka ee ku aadan Siyaasada waxey jeexday dariiq furan oo ah in wada tashiga [Shuura} iyo cadaalada Islaamka gun dhig iyo tiir dhaxaad looga dhigo talada iyo hogaanka bulshada. Waana wax u furan ijtihaadka sharciga, hal abuurka caqliga iyo tijaabada Aadanaha iyo Umadaha kale. Hadii aad akhriso dhaxalka iyo keydka Siyaasadeed ee Muslimkii hore waxaad heli kartaa in khibrado badan oo dhinaca Maamulka iyo Siyaasada ey ka kororsadeen dowladihii ku harereysnaa, gaar ahaan Yurub iyo Iiraan oo laga bartay arimo ey kamid yihiin Diiwaanka, Wasaarada iyo maamulka Dhaqaalaha.

Nidaamka Wadaadka waxaa isaga qasmay erayada “Garsoor iyo Dastuur” oo u baahan in si qoto dheer loo saaro fasir iyo fahan dhinaca sharciga iyo qaanuunka ah. Sidoo kale waxaa mudan in la kala saaro waxa lagu darsan karo, ama lala wadaagi karo dad kale “Siyaasad“, iyo waxa aan marna la yeeli Karin in lala wadaago dadka kale “Cibaadada”. Waana tan uu ku fashilmay nidaamka Wadaadka oo ku guul dareystay qaabeynta Miithaaq dhinaca Siyaasada ah oo laga dheehday ‘Waxyiga, Caqliga iyo Tijaabada Umadaha kale” una noqda marjic loo laabto marka uu dhaco khilaaf iyo ismaan dhaaf dhinaca Siyaasada ah. Taas oo meesha ka saari karta in mar kasta loo gar dhigto qaraxa baaruuda iyo qoriga.

 

Hadii aan daraasad iyo qiimeyn ku sameyno nidaamkii T.F.G waxaa lama huraan ah in la kala garto laba arimood:

  1. Heyadaha Dastuuriga iyo Axdi qarameedka oo ah gunta iyo asaaska qaranimada.
  2. Dadka buuxiyey xilalka ugu sareeya qaranka oo aan inta badan sharciyada Siyaasadeed oo dhameystiran ka heysan dadweynaha.

    In kastoo Waranlaha buuxiyey xilalka sarsare uu ku tilmaanaa fasaad iyo qalooc, hadana waxa uu dhistay sharci iyo xeerar nidaamiya xiriirka u dhaxeeya golayaasha qaranka. Khilaafkii dhex maray qaar kamid ah madaxda sare ee T.F.Gda ayaa muujiyey iney si dhab ah ugu gar dhigteen Axdiga Qaranka iyo Golaha Baarlamaanka, isaga oo qaf kasta uu doodiisa ku xoojiyey qodab ku xusan axdiga ama go,aan ey meel mariyeen golaha Baarlamaanka, taas oo ah qiraal cadeynaya in Sharciga iyo Bulshada leeyihiin sareynta.  
     

    Dhanka kale Soomaalida ku jirta khaanada sadaxaad Culimo iyo Caamaba waxaa hor taala sidii ey isu waafajin lahaayeen heybta ey ka s oo jeedaan Issir ahaan { Soomaali} iyo jinsiyadda ey yihiin Wadani ahaan { Kenya/ Itoobiya },  taas oo siineysa, isla mar ahaantaana saareysa xuquuq iyo waajibaad wadani ah.

    Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya si “Ijmaac” ah oo aan kala har laheyn ayey u aqbaleen iney yihiin Wadani Kenyan ah. Dhamaadkii qarnigii tagay oo Kenya ey qaadatay nidaamka axsaabta badan, ayaa dhalisay in Soomaalida Kenya kaalin mug leh ku yeeshaan Siyaasada iyo dhaqaalaha Wadanka. Waxey qeyb libaax ka qaateen diidmada Dastuurkii loo bixiyay "Bomas/ kaliifi" kaas oo ka hor imaanayay danaha iyo masaalixda Somalida ku dhaqan dalka Kenya, iyagoo u codeyay calaamada Oranjiga oo astaan u aheyd diidmada Dastuurka. Sidoo kale waxey hab Dastuuri ah u hor joogsadeen "Xeerka la dagaalanka Argagixisada" kaas oo la hor geeyay Baarlamaanka dalka Kenya si loo meel mariyo.

    Doorashadii ugu danbeysay 2007ka ayey Somalida Kenya muujiyeen karti iyo galangal Siyaasadeed, iyaga oo codkooda ka dhigay wadiiqo iyo buundo ey ku xaqiijiyaan danaha iyo maslaxada Soomaalida Kenya, isla markaana ey ku gaaraan goloyasha Dastuuriga ah ee Dalka Kenya. 

    Maanta waxey si weyn uga muuqdan Heyadaha Amniga, Golaha sharci dajinta, iyo fagaaraha ganacsiga iyo dhaqaalaha. “Guddiga ganacsatada Islii” oo ah Dallad mideysa ganacsatad Soamalida Kenya, gaar ahaan xaafada Islii ee dagmada Kamankuji ayaa la dhihi karaa waa natiijo ka dhalatay u furfurnaanta axsaabta Siyaasadeed ee dalka iyo Dimuqraadiyada ka hana qaaday Kenya .

    Daadka ku Dhaqan Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiiya ayaa sidoo kale aqbalay, raalina ka noqday Dastuurka Fadaraalka Itoobiya. Kaas oo qiray in qoomiyad kasta dhisato Dowlad Deegaan u taagan horumarinta dhaqanka, Afka iyo Dhaqaalaha, lehna dhamaan kaabayaasha Nolosha Siyaasiga ah, sida Baarlamaan, Xukuumad, Garsoor iyo Boolis hanan Kara Nabada iyo Xasiloonida Dowlada Deegaanka Somalida Itobiya. Arrinkaasna ma ahan hadiyad si fudud lagu helay, ee waa mirihii laga gurtay halgan iyo dadaal  dheer oo naf iyo hanti badan loo huray, kaas oo hormuud ey ka ahaayeen qowmiyadaha Somalida iyo Tigreega, oo dal weynaha Itoobiya u horseeday is-badal dhinacyo badan taabtay. 

    Dagaalkii dhax maray dalalka Itoobiya iyo Ereteriya sanadkii 97/98kii qarnigii tagay ayaa muujiyay in Dowlad Deegaanka Somalida kaalin mug leh uga jirto difaaca dalka, taas oo adkeeysay heybta iyo ahaanta wadaniyadadeed ee dadkaas. Isla mar ahaantaana muujisay in dadka ku dhaqan Dowlad Deegaanka Soomaalida gundhig iyo asaas u noqon karaan Nabad ballaran oo ka aslaaxda dagmada geeska Afrika.  Waxaa is-badalay fikradihii ku dhisnaa is-moodsiiska, taas oo Soomalidii hore ka dhigtay kuwa aan aqoon xeel dheer u laheyn hab-dhismeedka iyo khariidada Dimuqraafi ahaan u kala daganyihiin qowmiyadaha iyo issirada ku dhaqan dalalka Itoobiya iyo Kenya.  
     

Waxaa jira sadax arimood oo Somalida Itobiya dhigay halka ey maanta yaalaan:

  • Xukunkii hore ee Itoobiya oo cadawnimo qorsheysan iyo Issir sifeyn kula dhaqmay Soomaalida.
  • Maamuladii jamhuuriyada Soomaaliya oo siyaasado iyo afkaar guracan ka lahaa dhulkaas, taas oo ka dhigtay goob milatari iyo xero jabhadeed.
  • Garaadka dowladnimo iyo wacyiga wadani oo ku yaraa dadka ku dhaqan dhulkaas, taas oo ey sii adkeysay duruufaha dhaqan/dhaqaale.
 
 

    Arimahaas oo isbiirsaday ayaa horseeday in Wax-garadka, aqoonyahanka, abwaanka iyo culimada si ula kac ah u badalaan heybta iyo jinsiyada, si xilal iyo jagooyin sare uga qabtaan dowlada kale. 
     

    Hadii aan ilelys badan ku ifino Dowlad Degaanka Somalida Itobiya {Somali Reginal State} waxaan heli karnaa in lagu jiro xilli kala guur ah, oo laga guurayo xaalad ku tilmaansan nidaam xumo iyo kala danbeyn la,aan, loona guurayo Sharci, Nidaam iyo kala danbeyn.  Xaalada hore waxaa hor jooge ka ahaa Nidaamka waranlaha kaas oo:

    • Xiriirka bulshada ka dhigay mid ku dhisan cabsi iyo walbahaar.
    • Dhaqashada iyo lahaantana ka dhigay mid ku qotonta muruq iyo awood.
    • Garta iyo Cadaaladana galiyay waranka caaradiisa.

       Laakiin xilligan danbe ayaa la dhagax dhigay xaalad ka gadisan taas hore. Iyada oo laga shidaal qaadanayo is-badalka Dhaqan/Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee ka curtay Itoobiya ayaa laga guuray falsafada nidaamka Waranlaha, loona guuray nidaam Wadani ah, oo ku dhisan Xuquuq iyo Waajibaad loo simanyahay, oo ey wadaagaan dad isku dal ah, laakiin ku kala duwan Afka, Issirka iyo Diinta. Waa markii kowaad ee taariikhda Siyaasiga ah Somalida Itoobiya si wadar-ahaaneed u yeeshaan maamul mideysan, oo hab iyo hanaan casri ah u maareeya Dhaqaalaha, Nabadgalyada iyo Cadaalada bulshada. Waxaa dhisan:

      1. Gole sharci dajin oo sameeya xeerarka, Lana xisaabtama xukuumada. 
      2. Gole garsoor oo u taagan hir galinta iyo adkeynta cadaalada bulshada.
      3. Xukuumad u dhisan fulinta qorshayaasha Dhaqan/Dhaqaale ee bulshada.
      4. Laamaha Nabadgalyada {Boolis} oo u taagan ilaalinta iyo hanashada Nabada iyo Xasiloonida dalka iyo dadka.
 
 

Waxaa socda hirgalinta mashaariic dhinaca horumarka ah, sida Jidadka, Biyaha, Is-gaarsiinta iyo tamarta korantada. Kuwaas oo qeyb laxaad leh ka qaadan Kara is-badal dhinaca nolosha ah oo ka hanaqaada dhulkaas.

Inkasta oo falsafada iyo afkaarta Waranlaha turanturo iyo caqabad ku tahay horumarka uu tiigsanayo nidaamka Wadaniga, eyna jiraan loolan iyo xarig jiid dhinaca awooda ah oo u dhaxeeya labada nidaam, hadana waxaa la garwaaqsaday in laga gudbo xaaladihii laga dhaxlay nidaamka Waranlaha.

Hirgalinta mashaariicda istiraatiiji ah ee dhinaca dhaqaalaha sida biyo xireenka gobolka Godey oo ah mashruuc laga dhalin karo tamarta iyo awood dhinaca korantada ah oo aad u baaxad weyn, loogana faa; iideysan wax soo saarka dhinaca beeraha ayaa horseedi kara isbadal dhinaca aragtida iyo afkaarta ah, oo la xiriirta danaha dhaqaale iyo wax dheefka bulshada. Taasna waxaa sii xoojin karo in la helo farsamo iyo qaab la isugu dheeli tiri Karo:

  • Sugida iyo adkeynta Nabada oo daruuri u ah bulshada, waajib saarana ah dadka haya xukunka iyo talada.
  • Dhawrista xuquuqda iyo xoriyadaha madaniga ah oo daruuri u ah bulshada rayidka.

Arinkaas ayaa waayo cusub u horseedi Kara bulshada ku dhaqan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Hadii ey bulshada tahay dhariga lagu bisleeyo aqoonta iyo afkaaraha, isla mar ahaantaana tahay xididka laga soo dhiraandhiriyo nidaamka dhaqan/dhaqaale ee dadka, waxaa hubaal ah in caqiidada ijtimaaciga ah ee bulshada ku hadasha AF- Soomaaliga tahay danta iyo wax dheefka tolka, taas oo adkeyn karta in la gaaro gobanimo dhinaca bulshada iyo barwaaqo dhinaca dhaqaalaha. Fogaantaas oo lagu soo dhaweyn karo in sharafka iyo maamuuska qofka lagu falkiyo, gundhigna looga dhigo nabada sokeeye ee bulshada.

Arimahaas oo dhan waxa ey dhaliyeen is-badal dhinaca aragtida iyo aqoonta loo yeeshay macnaha “Xoriyad, Cadaalad iyo Xuquuq “. Tusaale ahaan Xoriyad waa qiime aad u weyn, uuna tiigsanayo qof kasta oo ku dhaqan dunida, Taas oo lagu gaari karo in dadka ku wada dhaqan hal wadan ey si heshiis ah u kala qortaan “Dastuur” nidaamiya nolosha dadka, Kaas oo horseedaya in si cadaalad ah loo wadaago Talada dalka, loona qeybiyo Hantida qaranka.

Hadii qaamuuska Siyaasada laga baaro erayga Xoriyadna waxaan filayaa in uusan la ekeyn goosasho iyo madaxbaanani, ee waxa uu la egyahay in  si siman loo wadaago talada iyo kheyraadka qaranka, loona sinaado Xuquuqda iyo Waajibaadka wadanka, iyadoo si weyn loo dhowrayo xoriyadaha madaniga ah ee qofka, sida Rumeynta, Lahaanta , Hadalka iyo wixii lamid ah. Mar hadii la yahay Afrikan ma jirta cid ku doodi karta in uu heysto xuquuq iyo xoriyad dhameystiran, ee waxaa haboon in loo howl galo sidii loo yareyn lahaa masaafada u dhaxeysay waxa qoran iyo waxa la qabtay.

Waxaa si caalami ah isu badal dareenka iyo baahida dadka ku dhaqan guud ahaan dunida. Haadii xilligii lagu jiray dagaalka qabow ereyga Awood uu ahaa midka leh mudnaanta kowaad, hada waxaa mudnaanta kowaad leh ereyga Barwaaqo. Waana laba aragti oo ka tarjumaya is-badal laxaad leh oo dhinaca falsafada nolosha. Handadaada ugu weyn ee heysata dadka ku dhaqan Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya waa faqriga, gaajada, jahliga iyo jirooyinka, taas oo looga bixi karo oo kaliya in la gaaro barwaaqo sooran.

Arimahaas ayaa dhaliyay biseyl ah inaan laga tallaabsan Karin xaqiiqda taalla dhulka, taas oo ah iney adagtahay in wax laga badalo khariidada iyo juquraafiga siyaasadeed ee Caalamka. Saas darteedna ey waajib wadani tahay in laga gudbo Colaadaha iyo Mashaakilka jira, hadey ahaan laheyeen kuwa ka dhax taagan hal Dowlad gudaheed, ama ey ahaan lahaayeen kuwa heer gobol ah.  
 

Gunaanadka iyo gabagabadii nidaamka Wadani waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay xariiqa iyo diilinta u dhaxeysa labada nidaam ee kale, isla mar ahaantaana yahay tijaabo siyaasadeed oo ku dhisan caqli iyo cilmi, kana fog caadifad qabiil, qomiyad iyo mid kalaba. 

Sidoo kale Faaladadan waxey xambaarsantahay fariin ah in Wadanku yahay lahaansho wadareed oo ey wadaagaan dhamaan dadka ku wada dhaqan dhulkaas, waajib iyo masuuliyad akhlaaq iyo qaanuni ahna kawada saarantahay sidii loo wada dhisan lahaa Nabad, Cadaalad, Dhaqaale iyo Maamul suuban. Khilaafka iyo kala duwanaantana lagu maareeyo wada hadal iyo is-qancin. Iyo sidoo kale in laga gudbo adoonsiga taariikhda, oo la gaaro biseyl ah in la dhagax dhigo afkaaro xal waara u noqon Kara dhibaatada maanta iyo tan mustaqbalka fog.

Maxamad Bukhaari Axmad

Bukhaari14@hotmail.com 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: