SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Mawaaqifta Culimada iyo marxaladdan kala Guurka. Qore: C/kariim Xirsi Salaad

Ummad kala didsan oo wada damqanaysa, dhaqtarkii daweyn ahaa xitaa way dagaalaysaa.

Anigu Culimada mid baan ku dhaliilayey laakiin waa mid ka duwan tan in badan dadku ku eedaeeyaan iyo in ay cid u xagliyaan.

Laakiin waxaan leeyahay ummaddu way u hanweyn tahay cid muctabar ah oo dowrkooda ku haysataana maanta ma jirto ee arrin iyaga looga marti yahay yaysan cid marti uga noqon.
Waxaan qabaa maanta waa marxalad taariikhi ah, Ummaddana fursad baa hor taalla, haddaan maanta laga faaideynna barri jiri mayso. Waxaan muuqata in aad jeceshihiin in waqti lasiiyo waxan jbuti lagu soo sameeyey. Dhanka kalena waxa iyana sidaasoo kale qaba in alla iyo intii inoo cadoga ahayd, ahaaftuna waa inoo kala duwan tahay.

Waxay inaqu dayeen xoog iyo awood, Ilaah baana inoo hiilliyey. Hadda tani waa qorshahoodii 2aad ama plan B. Hadafkuna waa isla kii ay qoriga iyo awoodda ku waayeen.

Dhanka kale inaguna hadaf iyo ujeeddo ayeynu u dagaallameynay muqaabil u ah midkaas ay doonayaan. Haddii kale waxay noqonaysaa in aynu isku meel wax ku wanay laakii aynu isla fahmi weynay haddana aynu isku soo dhacnay, taasina dabcan waalli iyo miyir qab toona sax kuma ahan. Waxaa haray oo kaliya in aan dhahno waxaas oo dhan waan ognahqay, laakiin maxaa inoo diidaya in aan danteenni iyo hadafkeennii ku gaarno sida iyaguba ay doonayaan"nimba dhan u badi".

Waxaan filayaa fikirkan ayaa ugu dhow in mawaaqif fara badan oo saaxada ka muuqataa ay salka ku hayaan, waxaanan is leeyahay Culimaduna fikir ahaan kama foga (FG. ma qabo in Shariif, Janaqow iyo Daahir M. Geelle ay leeyihiin maslaxad tan reerka iyo qabiilka sidaa uga durugsan, doodahooda iyo fagaare ka hadalkooda ayeyna in badan ku cabireen). Si kastaba ha ahaatee, waxaa la oron karaa fikirkani maahan mid ku salysan dhab iyo waxa jira, sababtuna waxay tahay:)

1- Labadii hadaf ee lakala lahaa waxaa nidaamka shariif u dhow yahay kii Itoobiyaanka iyo xulafadoodu doonayeen, waana nidaam calmaani ah oo laakiin shareecada la ina maqashiinayo in ay ugu dambaynta "markaan miyir sanno ku gaarayno" waxaad mooddaa in ay ina leeyihiin Maraykanka iyo Itoobiya "hadda xayraan ayaad tihiin oo haddii shareecada aad ka bilowdaan waad ku xad gudbaysaan samaaxada shareecada, dadkana in aad nacsiisaan baan idiinka baqaynnaa" waana waxan jirin. dastuurka sheekhu ku dhaartay in uu dhowrayona waa kii uun C/hi Yuusuf aynu ku diidnay, hebellana ilama ahan in ay macno kala leeyihiin maadaama Sharcigoodu mid yahay.

2- Qolada kale waxay haysataa awood iyo imkaaniyaad dhaqaale, aqooneed iyo mid millateri iyo waliba doonitaan dhab ah oo u saamaxaya in ay ku hirgashadaan barnaamijkooda keennana ku baabi'iyaan. dhanka kale innagu intaa midna ma haysanno, xittaa doonitaankeennu marka kooda loo eego waa tamanni iyo lab lakac aan sii qoto dheerayn, waxyaalo badan oo tilmaamayana waa muuqdaan. Intaa waxaa dheer, taariikhda muqaawamaadka ee casriga ah, mar kasta oo ay guushu (caskariyan) soo muuqataba dagaalka siyaasadda ayaa kar-kaarka lagu wedaariyaa oo lagaga taqallusaa.
3- Khaladka kale ee uu fikirkaasi salka ku hayo waxaa weeye: innagu waxaan u dagaallamaynay in aan xabashida dalka ka saarno iyo in sharciga Ilaahay dalka laga hir galiyo, haddii kale been baynu waligeen sheegaynay, khalqiga intaa le'egna dhibka soo gaaray waa in la inaga xisaabiyaa oo Heeg iyo xero hoog la ina horgeeyaa. Maadaama aysan sidaa wx u jirinna hadafkii shareecaduna uu maanta ugu dhow yahay labadii sano ee u dambaysay in la ij-haadiyo oo la dhiciseeyo ma ahan dowgeennu.

Mararka qaarkood talada iyo go'aammadu waxay ka dhashaan saamaynta xaalad markaa jirta, daruurina ma ahan in taladaasi ama go'aankaasi sax yahay.

Waxaa jira falsafad la sheegi jirey laguna eedayn jirey Al-qaacida in ay aaminsan tahay in aanay maanta suurto gal ahayn in dowlad Islaam ah caalamka ka hirgasho inta Maraykan ku amar ku taaglaynayo, tusaalana waxay u soo qaataan dowladdii Taalibaan iyo sidii loo riday. Sidaa awgeed baa falsafaddaasi ku qotontaa in aan dowlad dhalin la isku mashquulin ee maraykan daalin la wado. Isla fikirkii ayaa waxaa si cagsi ah u qaatay Janaqow iyo raggiisa oo waxay leeyihiin maraykan wax uusan raalli ka ahayn maanta lama hir galin karo, sidaa awgeed waa in aan yeelno waxa uu rabo si aan u jirno. Nasiib xumana waa falsafadda uu ku qotomo fikirkii aan kor kaga soo dooodnay. Shakina kuma jiro in labada dacalba ay khaldanyihiin. Waayo waxay labaduba khilaafsan yihiin sunnada allah ee kowniga ah iyo tan sharciga ahba. Shuruudaha Allaah uu u dajiyey in uu addoomadiisa ugu gargaarayona midna kuma salaysna. Walibana garta looma sinna e, labada qolo waxaa fasafad khatarsan kuwa dambe oo iyagu oo ogaal iyo ogaal la'aanba safka maraykanka ku biiray.

Haddaba maxaa inala gudboon:)
Waxay iigu muuqataa in culimadu dowr intaa ka weyn oo u bannan baa jiree ay soo buuxiyaan.
In ay arrinta ookiyaalo kuwa ay hadda xiran yihiin ka waaweyn ku eegaan.
In Bulshada gaar ahaan muqaawamuna ay u dhego nuglaadaan culimada daacadnimo iyo nasiixana aysan kala bakhaylin.
Culimada iyo Muqawamada oo wada jirana ay diyaariyaan barnaamijkii ay ummadda iyo dalkaba ay ku hagi lahaayeen. Taa oo micnaheedu yahay in ay dhisaan dowladdii dalka hoggaamin lahayd xitaa iyaga oo aan xafisyo lahayn amaba aan meelna haysan.
Kalsooni iyo mabaadii' cad cadna lala soo shirt ago.
ugu dambayntana in Allaah la talo saarto.


Waxaa qoray:
C/kariim Xirsi Salaad
abduulkaariim67@gmail.com

    Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: