Ahmedou Ould Abdullah “Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadkiinaan qurba-joogta ah
in aad la hadashaan…”
Warqad kusocota Qurbo joogta Soomaaliyeed
Wakiilka Qarammadda Middobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya Ahmedou
Ould Abdullah Warqad qoraal ah oo aan ka helney oo fadhigoodu yahay Magaalada
Nayroobi oo uu kula hadlayo soomaalida qurbo joogta ayaa waxaa uu ku sheegey
qoraalkiisa. Xafiiska Qarammadda Middobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya
Warqad ku socota Jaaliyadda Somaliyeed ee Qurbaha Ku nool
Addis Ababa, 4 Febrayo 2009 Salama Calaykum Saaxibayaal, Tani waa warqaddi labaad ee aan idin soo dirayo usbuuc gudihiis bacadama is-bedelo
xawli badan ay dalka ka socdaan, waxaana dareen-sanahay in ay aad muhim u tahay
in aan idinla socodsiiyo marxaladaha is-bedbedelaya. Maanta Soomaaliya waxay leedahay Barlamaan la balaariyey iyo Madaxwene cusub,
kaas oo si xaq ah oo furan loo dortay. Waxaan hubaa in dad badan oo idiinka mid
ah ay si hoose warbaahinta ugala socdeen dhacdooyinkii usbuucii hore. Waxaa aad
dhirrigelin u laheyd in aan aragno isla markii Sheikh Sharif Sheikh Ahmed loo
doortay madaxweynaha cusub, in dhammaan musharaxiintii kale ay balan qadeen in
ay tagerayaan, lana shaqeynayaan Madaxweynaha cusub, dhiniciisana Madaxweynahu
wuxuu ballan qaaday in uu si hoose ula xiriiri doono raggii asaga la tartamaayey
inta suurta gal ah. Dhammaan musharaxiinta waxay tageersan yahiin
dib-uheshiisiinta iyo baahida loo-qabo soo celinta sharafta iyo karamada ummadda
Soomaaliyeed. “Mid-kiina ma lahaanayo cidaado saxiix ah haddii usan la jeclaan walaalkiisa
muslimka ah waxa uu la jecelyahay naftiisa”. “Xadiithkaan waxaa soo weriyey Anas
Ibnu Malik, wxuuna ku jira Bukhaari iyo Muslimkuba”. Waxaan ku jirna waa cusub – mana jirayso fikradii aheyd in ninkii gulaysto uu
wax walba qaato. Haddana xooganna waxaa la saarayaa in madaxda Soomaaliyeed ay
iskaashi yeelato. Waana sidaas sida Rass’ul Wassare Nuur Cadde iyo ku-
xigeenadiisa ay uga mid noqdeen wafdiga madaweynaha ee aaday Addis Abbaba, kana
qeyb galayaan kulan-madaxeedka Ururka Middowga Afrika. Tani waxay tusaale u
tahay baahida loo qabo in helo dawlad loo dhanyahay sida ugu dhaqsi badan,
horeyna loogu dhigo-dib-uheshiisiinta iyo xasilinta dalka. Dhab ahaantii bulshada caalamku waxay si buuxda u ogolaatay wixii ka dhacay
Jabuuti, khaasantan shir-weynihii kulam madaxeedka Afrika ee ka dhacay Addis
Ababa. Madaxweyne Sharif iyo wafdigiisa waxay u safreen Addis Ababa ayagoo
raacay dayaaradii qaaska u aheyd Madaxweynaha Dalka Jabuuti, waxaana si aad u
sareysa loogu soo dhaweyey Addis Ababa sida loo dhaweyey madaxda kaleba, waxaana
halkaan ka muuqaatay in soo dhaweeyn diiran loo yahayo madaxweynaha ugu cusub ee
Afrika. Jabuuti iyo Addis Ababa, Madaxweyne Sharif wuxuu la kulmay wakiilo ka
soocda Middowga Afrika, Middowga Yurub, Jamacadda Carabta, Australia,
Fransiiska, Talyaaniga, Ingiriiska iyo Dowladda Mareykanka, iyo Waddama kale.
Addis Ababana, Madaxweynahu wuxuu kula-kulmay madaxweynayaal Afrikaan ah iyo
wafuud kale oo carabeed ee halka booqasho ku joogtay aadna waa logu sacbiyey.
Madaxweynahu wuxuu ka qeyb-galay shir ay yeesheen Madaxda Urur-Gobaleedka IGAD,
kaas oo balam qaaday kalmadiisa joogta ah. IGAD waxay la mid tahay urur
gobaleedyada kale ee waa-weyn sida Urur Gobaleedka ka jira Koonfurta Afrika ee
SADEC iyo kan ka jira galbeedka Afrika, ECOWAS. Soomaali badan iyo saaxibadood ayaa rajeynaya in xiriirkii ku dhisna
is-kharbudaada ee Soomaaliya iyo wadamada deris-keeda ah uu hadda hagaagi doono,
ayna bedeli-doonto saaxibnimo dhexmarta dawladaha, kuna dhisan is-xurmeen iyo
ilaalinta maslaxada wadanwalba leeyahay. Taariikhda haddii dib loo eego, waxaa
arkeynaa wadamo fara-badan oo xaliyey khilaafyadoodii taariikhiga aha. Tusaale
aahaan Fransiiska iyo Jarmalka ayaa hadda ah saaxibada ugu weyn ee heer Yurub.
Sida oo kale, Mareykanka iyo Shiinaha oo xaliyey khilaafkii xuma ee ka dhexjiray
waqtiyadii dagaalka qabooba, haddana ah wadamo xiriir weyn ee ganacsi ka
dhexeeyo. Wadamdu ma dooran karaan derisyadooda, awoodna uma leh in ay bedelaan.
Soomaaliya, Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya, ma jirto wadakale oo u furan oo aan
aheyn in ay wada noolaadaan wadana shaqeeyaan. Samanka, garashada fayow iyo
maslaxada wadajirka ah ee dhaqaale iyo ban’aadanimo oo isbiirsaday ayaa ku
hagaya dadka Soomaaliyeed dhinaca noolasha wanaagsan ay jirto.
Talaabada kale ee hadda ka dhiman geedi-socodka waxay tahay xulitaanka Raii’sul
Wasaare iyo dawlad midnimo qaran leh ee cusub. Rajado waxay tahay in
baarlamaanka Soomaaliyeed, xukuumada cusub iyo dhammaan taageera-yaashu ay ku
noqon doonaan Soomaaliya usbuuca soo socda. Xubnaha baarlamaanka ee hadda
Jabuuti jooga waxay ka qeyb galayaan tababaro ay si hoose arrimmaha muhim ah ugu
wadahadlayaan. Ruuxkasta haddii uu yahay ganacsade, indheer-garad, NGO iyo
ciddii kale ee uu ahaa-daba waxaa la doonaya in uu taageero xukuumada si loo soo
celiyo sharaftii Ummadda Soomaliyeed. Arrimahaan waa in ay wadada u xaaraan
sidii lagu heli lahaa Soomaaliya oo wadan caadi ah, degan, nabaddana laga jecel
yahay. Bulshada caalamku waxay diyaar u tahay in dadka Soomaaliyeed dib ugu soo
dhoweeyso bahweeynta dawladnimo ee aduunka. Waxaan ugu baaqaya kuwa aan weli geedi-socodka nabadda ku soo biirin in ay ku
soo biiraan fursadaan taarikhiga ah. Dowr ayana u banana. Saaxibadeyda iyo anigu
UN-ta ka mid ah, waxaan diyaar u nahay in aan arrintaani wixii fududeyn ah oo
suurtagale ah ka geeysano. Taageerayaasha nabadda waxay heystaan sababa badan oo ku kalifaaya in ay sii
wadaan shaqadooda wanaagsan. Kuwa qaska sii-wada waxay oon dilayaan dadkooda iyo
Soomaali kale. Ma jirto sababkale ee dagaal loo sii wado oo aan ka aheyn in si
sharci daro ah looga qaado dadka canshuur, baad, madax- furasho ama isbaarooyin
ku-dhisan awood ayada oo la ogyahay in nabadu u keeni karto shakhsiyaadka iyo
wadankaba dhaqaale farabadan oo sharci ah. Waxaa jira muran ku saabsan shilkii dhacay Isniintii la soo dhaafay Muqdishu,
kaas oo hadda baaritaankii su uu socdo, oo si nasiib-daro ahna ay ugu dhinteen
dad Soomaaliyeed. Naf-gowyntu waa arrin aad looga xummaado, Aniguna waxaa tacsi
u dirayaa qoysaskii iyo qaraabiddii ay ka baxeen dadkaasi. Dad badan oo
goob-joogayaal ah ayaa ku qanacsan in shilka looga danlahaay in ay leexiso
dareenka kulan madaxeydka Midowga Afrika, hase ahaatee arrintu sida ma noqon.
Madax badan oo Carab iyo Afrikaan-ba leh ayaa si isa soo tareeysa shaki u
gelinaaya xaqiiqnimada ku saabsan sida ay war-baahinta qaarkeed wax uga
sheegayaan dhacdadaan. Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadkiinaan qorba-joogta ah in aad la hadashaan
saaxibadiina iyo dadk taabacsan-ba sii loo sii daayo dhammaan dadka
madax-furashada loo heysto Soomaali ama ajnabi ha ahaadeene, haddii yihiin
Australiyaan, Belgium, Britain, Bulgariya, Canada, France, Itali, Kenya iyo
wadama kaleba. Dadkaan sabab la’aan aya madax-furasho loogu qabsaday aygaa oo
fulinaaya shaqo la xiriirta arrimaha ban’aadinimo. Waxaa jira fursad cusub ee dib loogu soo celinaayo magaca Soomaaliyeed, dhammaan
soomaalida waxaa looga baahan yahay in ka faa’iideystaan frusadaan, ayna ka
dhigaan mid shaqeeysa. Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu jira gacmaha dadka
Soomaaliyeed. Waa in ay ku bedelaan dagaalka wada-hadal, iskala saarista
isu-keenis, isdilkana noolal, is-duleyntana sharaf iyo karaamo. Walaalkiin Ahmedou Ould Abdullah.
Waxaa soo tebiyey:
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
UN-ka kala xiriir:
Susannah Price
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office - 254 20 7621192
Mobile - 254 733 902020
Email: Susannah.Price@unon.org
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2009
|