SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

TUKE NASIIB UU CAANO KU HELO WUU LEEYAHAY, LAAKIIN NASIIB UU KU CALFADO MA LEH!!!!!!! 

Ilaah baa mahad leh, nabadgalyo iyo naxariisina nabigiisii Muxamad

korkiisa ha ahaato. Intaa ka dib:

Sida la wada ogsoon yahay ka dib burburkii dowladdii Soomaaliya sannadkii 1991dii, ummadda Soomaaliyeed waxay macruuf ku noqotay dagaal sokeeye, bubur, fowdo, dowlad la’aan iyo dhammaan inta qaamuuska dhibaato ku taalla, waxaana jiray isku dayo farabadan oo lagu baadigoobay sidii wixii la waayay loo soo celin lahaa kuwaasoo dhammaantood lagu guuldarraystay, waxayna sababsadeen faragalin shisheeye iyo qaaciddo la yiraahdo (LOOMA DHAMMA) oo hadba qoladii danteeda ka dhex arki waydaa cuskan jirtay.

Isku dayadaas oo tiradoodu gaarayso 15, waxaa u danbeeyay midka hadda miiska saaran, kaasoo sida aan ka warqabno markan fursaddu saamaxday in markii ugu horreysay culumada diintu ay awood ku yeeshaan loollanka siyaasadda Soomaaliya kuna soo baxaan! waana markii ugu horraysay ee ay maskaxda dadka Soomaaliyeed iyo adduunwaynahaba ka dhaadhacdo inuu WADAAD talada dalkiisa wax ku yeelan karo waxna xukumi karo!!! arrintaas oo aan u arko bisayl la gaaray iyo guul u soo hoyatay dhammaan ummadaha muslimka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana noqon karta waddo u furanta dhammaan dhaqdhaqaaqyada xaq u dirirka ah ee ka jira caalamka islaamka; taasoo ay ku gaari karaan himiladooda ah inay iyagu hogaanka u qabtaan masiirka iyo hoggaanka shucuubtooda.

Guushaasna waxaa gallad ku leh Allah subxaana watacaala, ka dibna shacabka iyo kacdoonkiisii difaaca diinta, dadka iyo dalka.

Haddii aan usoo daadago dulucda maqaalkayga:

Waxaa laga joogaa muddo 18 sano ah markii noogu danbaysay nidaam dowladeed iyo kala danbeyn, waxaana dadka Soomaaliyeed shallaay ka joogaan burburintii laga wada qaybqaatay ee dowladdii diktatoorka aheyd balse wax dhaama la waayay! waxayna dadka qaarkood ku ooyaan haddii la iska dayn lahaa oo aan duqa lagu dideen 5sano ka dib Maxamed siyaad wuu iska dhiman lahaa!!! sidoo kale haddii dowladdii Cali Mahdi ee Jabbuuti lagu doortay 1991 iyo kuwii ka danbeeyayba la siin lahaa fursadahoodii laysna garab istaagi lahaa maanta waxaan joogi laheyn maqaam wanaagsan oo aan wax ka sixi karno! haddii….haddii… iwm..

Taariikhdu waxay u baahan tahay in lagu cibro qaato, waxaana nasiib darro ah in wali aan diyaar u nahay in aan sii shallayno ilaa waqti aan la garanaynayn! waxaana nasiib darro kala ah in markan cidda cuskanaysa qodobkii LOOMA DHAMMA ahaa ay tahay wadaadadii guushan dhaliyay oo kala jabay, tan oo noqon karta masiibo waji cusub leh oo la soo darista shacabka Soomaaliyeed ee nafla caariga ah, iyo dagaal aan dawo laheyn oo ka dhex dillaaca dad ay horay u naafeeyeen dagaalladii ahliga iyo qabiilka ku dhisnaa, taasoo noqon karta HADDII DAWADII BUKOOTAY MAXAA LAGU DABIIBAA?!

Sidaas darteed anigoo ah gabar Soomaaliyeed qaxooti ku ah waddan qurba ah ayna aad ii xanuujisay duruufaha aan ka warqabo ee dadka Soomaaliyeed meel walba oy joogaan ku noolyihiin, isla markaana rajadii soo ifbaxdaba laga dilayo; waxaan maqaalkaygan kula hadlayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan culumaa’udiinka iyo dhammaan mujaahidiinta Soomaaliyeed ee uu masiirka ummadda Soomaaliyeed hortooda yaallo, waxaanan leeyahay sidatan:

  1. Waxaad gacanta ku haysaan guul weyn oo aad ka soo hoyseen kacdoonkii aad qaaddeen, waxaana markii ugu horreysay la isla ogolaaday inaanan dowrkiinna la inkiri karin, waxaana la isku raacay in Soomaaliya diinta islaamka lagu dhaqo, taasoo lagu saxiixay magaalada Asmara ka dib aasaasiddii isbahaysigii dib u xoreynta, oo intiinna badan aad ku midaysnaydeen.
  2. Waxaa maanta raalli ka wada ah in Soomaaliya dhibka haysta ay ka baxdo dhammaan qabiilladii Soomaaliyeed iyo kooxihii horay u naafayn jiray dowladihii ka horreeyay dowladdan hortiinna taalla.
  3. Waxaa dantu quusisay hogaamiye kooxeedyadii horay u dilay dowladihii Carta iyo Embagathi.
  4. Waxaa maanta diyaar u ah inay taageeraan dowladdan cusub caalamkii daalimka ahaa ee horay noo jillaafayn jiray, (dantuu rabo ha ka yeeshee, waxaase run ah in haddii aan anagu heshiinno cidina na soo dhexgali karin).
  5. Waxaa idin taageeray golaha culumaa’udiinka muslimiinta caalamka, shucuubta muslimiinta iyo dhammaan inta jecel wanaagga ummadda Soomaaliyeed, kuwaasoo ku farxay in Soomaaliya ay heshay fursaddii ay dhibka uga bixi laheyd.
  6. Waxaad haysataan taageerada shacbiga Soomaaliyeed oo daallan, kaasoo waayay hoggaan uu aammino, balse tijaabiyay waxqabadkiinnii iyo daacadnimadiinnii mudadii 6da bilood aheyd, isla markaana taageero hiil iyo hooba leh idiinla diyaar ah, kuna kalsoon inaad diifta haysata ka saari kartiin.
  7. Waxaa madaxweyne loo doortay nin idinka mid ah oo SALAFI ah, kaasoo aad is fahmi kartaan, wixii aad ka tabanaysaanna wada hadal ku dhammaysan kartaan, dhammaan qaybaha aan kor ku soo xusay oo dhanna ku wada raalli noqdeen!!!
  8. Taariikhdu dib ayay isku qortaa, xaalkuna wuxuu aad u shabbahaa kii ay nabiga iyo asaxaabtiisu ku sugnaayeen maalintii  Xudaybiya lagu celiyay, ka dibna uu nabigu la saxiixday gaaladii Qureysheed heshiis sida uu markaas u muuqday muslimiinta aad ugu qallafsanaa, balse xaqiiqadii ahaa fat-xi sida uu Allahba ku tilmaamay mirihiisiina dib loo gurtay! sidaas darteed ummadda Soomaaliyeed waxay u baahan tahay inay heshiiskaas iyo duruufihiisii dib u daraaseeyaan iyagoo u eegaya duruufahooda taasoo laga yaabo inay dhaliso in laysku garaabo layskuna cudurdaaro.
  9. Diinteenna xaniifka ahi waxay na faraysaa in madaxda la addeeco warkoodana la yeelo, xitaa haddii ay faajiriin yihiin! sida ku cad axaadiista nabiga ee saxiixa ahna nabigu csw, wuxuu diiday in madaxda laga horyimaado, lagu kaco, xukunkana lagu qabsado, illaa ay kala imaanayaan gaalnimo cad amaba ay salaadda ka tagayaan, sidaas darteed; haddii ujeedada muqaawamadu ahayd in shareecada islaamka dalka lagu dhaqo, waa arrinta shacabka Soomaaliyeed u soo halgamay, waana midda looga fadhiyo hoggaanka cusub, balse waa in la siiyaa fursaddii uu arrintaas ku hirgalin lahaa.
  10. Sidoo kale, haddii la arko waxyaabo la inkiro oo ay ku tallaabsadeen madaxda cusubi, waxaa habboon in laga munaaqashoodo dabadeedna la isla saxo wixii qaldan iyadoo usluubka la ilaalinayo, qolo walibana ay maqaamkeeda aqoonsanayso!
  11. Waxaa loo baahan yahay in aan haanta gunta ka tolno oo aan yeelanno cid noo ilaalisa mabaadii’da aan dhowranayno, waana in la helaa marjic culumo oo iyagu cid walba ka sarraysa, noona tilmaanta ciddii khaldantay iyo sidii laga yeeli lahaa.
  12. Waxaan ka digayaa inaan ka waantoowno dadka inta qoorta la qabto diinta dibadda looga tuurayo, waxaanan ku baaqayaa in arrintaas loo daayo hal qolo oo buuxin karta shuruudaha looga baahan yahay in qof xukun sharci ah lagu rido (Golaha Marjica Culumada Soomaaliyeed).
  13. Mujaahidiinta iyo Culumada ushu dhankooda soo jirto waxaan ugu nasteexaynayaa inaysan fursadda khasaarin oo aysan lumin rajada qura ee u hartay shacabka Soomaaliyeed, taasoo haddii lagu fashilmo uu shacabku iska dhaadhicin karo in aan mabda’ loo dagaallamin xaalkuna kii hogaamiye kooxeedyadii waxba ka duwaneyn!
  14. Hoggaanka cusub waxaan ku baraarujinayaa mid ka mid ah  waxyaabihii ay ka socon waayeen dowladihii hore inay aheyd rabitaanka shacabka oo la iska indha tiray, waxaanan ku boorrinayaa inay u rumeeyaan rajada shacabku ay ka quuddaraynayaan xaggooda oo ah inay wax walba oo ay soo qaadeenba usoo qaadeen maslaxadda shacabka Soomaaliyeed ayna ka tajumayso danta iyo rabitaanka shacabweynaha.
  15. Dhammaanteen waxaa nagu waajib ah inaan u ducayno madaxdeenna, Allahna ka barinno inuu noo islaaxiyo, kheyrka waafajiyo, diintana ku sugo, ka badbaadiyo hagardaamooyinka gaalada, kana dhigo kuwo ummadda samata bixiya, kheyrkana nagu hogaamiya. aamiin………
  16. Maahmaah ayaa aheyd (ABEESO KU RUUGTAY AFKA IYO QALBIGABA UMA ROONA ), sidaas darteed, dadka Soomaaliyeed ee xilkaska ah, madaxda, culumada, abwaaniinta, qorayaasha, bahda saxaafadda iyo dhammaan intii hadlaysaba waxaan u soo jeedinayaa inay maslaxadda iyo midnimada ka hadlaan amaba iska aammusaan, oo aanay damqin quluubta rajabeelka ah ee shacabka Soomaaliyeed.
  17. Ugu danbayntii waxaan ummadda Soomaaliyeed uga digayaa inaan ku sifowno maahmaahda aan cinwaanka uga dhigay maqaalkaygan oo aynaan noqon tukihii caanaha helay ee inta qarka uga istaagay iska daadiyay!!

Waxaanan inta ay arrintani khusayso ku waaninayaa inay arrintan Allahooda uga baqaan, oo ay indhahooda u leexiyaan shacabka diifaysan, oo aysan is hortaagin tallaabo dadka Soomaaliyeed horay u qaadi lahaayeen, waxaan ugu nasteexaynayaa inay isku yimaadaan waxna iska dhaadhiciyaan waayo iyaga ayaa dadka isugu dhow iskuna fahmi og! waxaan ku dhaarinayaa wax walba oo naga dhexeeya waxaanan ka codsanayaa ragga Soomaaliyeed inay wax maqlaan!  
 

Waxaan Allah uga baryayaa inuu Soomaali wanaagga tuso. aamiin… aamiin… aamiin. 
 

Waxaa Diyaarisay:

Firdowsa C/qaadir Cabdi

Ummu Yaasir

E-mail: firdowsabdi@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS