SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Goorma ayeynu baraneynaa ama fahmeynaa Micnaha ay Dowladnimo Leedahay

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan aqristayaasha sharafta lahow iga gudooma salaanta islaamka (A. C.W.W).

kadib bur burkii Dowladdii dhexe ee 1991, Soomaaliya waxaa soo maray fursdado baddan oo lagu doonayey bal in Soomaali loo soo celiyo qaranimadeedii, iyadoo siyaalo kala duwan leysugu dayayey. Qaab walboo leysugu dayo in wax lagu soo dhiso waxaa mar walba ka hor imaanayey shaqsiyaad iyagu dano gaar ah iska lahaa, oo mar walba soo gashanayey shaarar ama soo qaadanay kaarar kala duwan. Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa, tii Cali Mahdi, Kulankii Qaahira, Tii Cabdiqaasim, tii Cabdullaahi Yuusuf iyo weliba middan hadda cusub ee Shiikh Shariif.

Adduunka oo idil mid waynu ula mid aheyn,  oo ah in waddan uu isbadal ka dhaco ama dagaal sokeeye. Laakiin mar walba waxaa waddanka ay arimahaas ku dhacaan, u kaca bulshadiisa inta wanaaga jecel, oo isku daya bal inay sharcigii iyo kala danbeyntii waddanka soo celiyaan.  Marna caqligooda ma galiyaan haddii dowlad la dhiso reer hebel ayaa faa’iido ku qabta iyo sidee ayuu nin reer fulaan ah noo hogaamiyaa. Mar walba waxa ay ka duulaan danta guud ee waddanka, haddii la doono yaanay danahooda qaaska ah ku jirin. Tusaale wanaagsan waxaan u soo qaadan karnaa dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Yugaandha, Ruwaanda, Zair iyo qaar kaloo fara baddan oo Afrikaan iyo dunida kaleba ah.

Tusaale kaloo cajiib ah waxaan u soo qaadan karnaa, Yugaandha markii uu ka dhacay Dagaalada sokeeye in ay jabhadihii isula baxeen magaalooyinka bannaankooda, oo ay halkaas dhibkooda la aadeen, halka waxgaradkii waddanka, aqoonyahanadii iyo weliba inta damiirka waddaniyada ah iska leh ay gacan bir ah ku qabteen hantidii gaarka aheyd ee uu Qaranka iska lehaa, sida agabkii ay ku shaqeyn laheyd dowlad iyo weliba dokumentiga qaaliga ah ee uu waddan leeyahay. Markii lakala adkaaday oo ay meesha maamul qura uu u haray ayeey ku wareejiyeen. Alla nasiib badanaa kuwaasi tolow malaha Soomaali waxba uma galin.

Annaga Soomaali ah waxa mar walba lala yaabaa waxgaradkeenii iyo aqoonyahanadeenii oo uu qabiil ka guuxayo, oo mar walba si khaldan u taageeraya qabiilkooda. Waa yaabee war waxaad sheeganaysaa aqoonyahan, oo system kasta oo shaqeeya waxaad tahay qof loo baahan yahay, maxaa kugu kalifay caqliyaddan hooseysa ee ah in uu qabiilkaadu wax noqdo ama aad ka hor timaado maamulka markaas jira. Maxaa kaa qaaday isku kalsoonaantii lagu yiqiin aqoonyahanada.

Soomaaliyeey qof qabiil lagu soo dhaweeyo ama qabiil lagu fogeeyo ina ay ku baabi’iso mooyee wallaan horumar lagu gaareyn. Immisaa kula qabiil ah oo ay dhici karto in ay noloshaada ka xun yihiin. Sidoo kale immisaan kula qabiil aheyn haddana wax baddan kuu ogol. Shaqsiga hogaamiyaha ah marna haka maleysan in uu wanaaga ka helo qabiilka uu yahay ama uu xumaanta kula yimaado qabiilka uu yahay. Ogow mar walba wanaaga iyo xumaanta waa hibo uu Allaah bixiyo, oo qabiil wax laga dhexlo ayaa iska yar.

Soomaaliyeey marna ma jiriiricootaan markaad aragto waddamadii nala midka ahaa ama aynu annaga ka hormarsaneyn oo ku haminaya horumar dhinac walba ah. Maku fakartay waxa halkaa na dhigay mise doqonta iyadaa isu muuqata, oo weli waxaad joogtaa reer fulaan maxay saakay u quraacdeen ama u qadeeyeen. Waxaan xasuustaa innagoo ka tilmaaman waddamada dariska oo dhinac walba uga horeyna. Waxaan xasuustaa Jabuuti markey xurriyadda qaadaneysay in shaqaalihii badali lahaa kuwa caddaanka,  oo Soomaalida ahaa  oo loogu tababarayo  machadkii Sidam. Waxaan xasuustaa Soomaali oo adduunka deeqo gaarsiisay sida deeqdii aynu u fidinay Ciraaq markay dagaalka ku jirtay, tii aynu geynay mar uu dhul gariir ka dhacay Yaman. Waxaan xasuustaa sidi aynu illaa heer xorriyaded u soo gaarsiinay waddanka Eritaria.

Haddaba ma oran karnaa Soomaalidii waqtigaa joogtay ayaa ka wanaagsaneyd kuwa hadda jooga mise odayaashii nin karameedka wada ahaa wey naga dhamaadeen. Runtii wax ay ka wanaagsan tahay ma jirto Soomaaliyeey in aynu xisaabtanno, oo aynu dib u qaadano qalin iyo waraaq, oo aynu bal eegno maxaa inaga qaldan. Soomaaliyeey wax baddan qoraaladeyda waan ku sheegay, sidoo kale rag baddan oo iga kheyr iyo aqoonba baddan wey noo tilmaameen dhibaatooyinka uu qabiilku  na baday.

Soomaaliyeey innagaa fursadda siinay waddamadan dariska nala ah ama waxa loogu yeero Beesha Caalamka, oo maanta gaarsiiyay heer farta loogu yeero siyaasiyiin ku sheega na hor booda.  Soomaaliyeey haddeynu is aamino, oo ku kalsoonaano waddankeena, wax walba weynu heysanaa oo allaah dhulkeena qani ayuu nooga dhigay, ee bal aynu wax isu ogolaano, oo aynu ka harno qabiilkan faraha looga gubtay.

Waxaan hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa Soomaaliyeey weynu lawada soconaa, waxa caalamka naga damacsan yahay, weynu la soconaa inaanan noola ogoleyn in ay Soomaali oo mida soo noqoto, weynu la soconaa sida mar walba siyaasiyiinta maanta na hor booda loo kala gadanayo, haddana waxaa la yiri see xeego loo xagtaa ilkona ku nabad galaan, Soomaaliyeey aynu bal fursad siino dowladan lagu soo dhoodhoobay Jabuuti, oo aan ogahay inaanay aheyn middii Soomaali ay doonaysay, laakiin dowlad xun dowlad la’aan bay dhaantaa, ee aynu isku dayno inaynu la shaqeyno oo wax baddan ka saxno. Soomaalidu waxey tiraahdaa haddii aad weysid sidi aad rabtay, sida aad ka badin weyso ayaa la yeelaa. Soomaaliyeey haddii xitaa aynaan la shaqeynayn aynu ka dayno mucaaradnimada iyo hadal heynta ceebaalkeed.

Sidoo kalre waxaan leeyahay Shiikh Shariif, inta aad la tashato dad wanaagsan oo wanaaga iyo kheyrka la saaxiibka ah, ayeey mar walba dowladdaadu ay yeelanaysaa tayo, ee haddii aad ag fariisato afar qabiil googooyey ama aanan diyaar u aheyn inay dowlad Soomaaliyeed oo macno leh hana qaado, ogow mar walba halkii ayaa la taagnaanayaa, oo jidkii ay maraan raggi kaa horeeyay ayaad qaadeysaa. Maanta meel walba wey joogaan rag wanaagaaga jecel oo doonayaa inaad noqoto hogaamiye daacad ah ee horseed u noqda soomaali  meel walboo ay joogto, ee raadi qolyaha, kuwa kuu soo kala ordaya ogow mar walba inta shar wadeenka ah ayaa ku baddan. Shiikh Shariifow Malaga yaabaa inaad qaado jidkii laguugu yiqiin ee waagii maxkamadaha, oo runtii Soomaali baddan ay weli halkaa kugu tirinayaan, mise waxaa noo soo noqonaya Shiikh shariif kale.

Soomaaliyeey haloo duceeyo dowladdan cusub, oo allaah aynu ka barino inuu kheyrkeed na waafajiyo Sharteedana allaha naga xijaabo.

Hadalkeygai waa iga intaas, wixii wanaag ah oo aan asiibay waxey u sugnaatay Allaah, wixii xumaan iyo khaladdad ahna waa nafteyda iyo Sheydaan.

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social development Adviser

saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS