SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Martabadda ay Dawlad-NIMADU ku leedahay Shareecada Islaamka

Maadaama in dhaweydba Soomaali lagu ibtileeyey Dawlad la’aan isla markaasna ay badatay soo noqnoqoshada erayada dawlada iyo shareecada, loona kala baxay kooxo aaminsan in shareecada Islaamka la qaato iyo kuwa kale oo doonaya in la kala saaro diinta iyo dawladnimada. Waxaan jecleystay inaan mar labaad bal tooshka ku ifiyo qaymaha ay dawladnimadu leedahay iyo shareecadu waxay ka qabto dawladnimada iyo sidaysan isku diidsaneyn. Annigoo fatwo bixineyn waayo ehelkeed ma ahi isla markaasna wixii saxa maqaaladaan waa Ilaahay fadligiis iyo galladdiis, wixii khalddanna waa nafteyda iyo sheyddaan ee fadlan wixii dhaliil iyo saxida igala soo xariir cinwaankayga

Dadka qaarkiis waxay u qaban in shareecada Islaamku ay tahay dacwad diini ah oo khuseysa alkhlaaqda iyo xiriirka ruuxa iyo Ilaahiis ka dhaxeeya oo kaliya ee aysan shaqo ku lahayn wax intaas dhaafsan oo ruuxa noloshiisa  khuseeya ama la xariira Dawladda iyo xukuna. 

Dadka fikraddaas aamisan way qaldan yihiin, waayo fikrad shareecadu diidan tahay sida nooga  caddaan doontoa halkaa:-

    1. Shareecadu waxay na fareysaa in la dhiso Dawlad:

    Waxaa lagu yaqaan shareecada Islaamka inay tahay mid wax walba u haysa xukun waxay dhaaftayna ma jiro ha ahaato xagga cibaadooyinka, xagga Akhlaaqda , xagga caqiidada iyo xagga macaamilka kale oo u ka mid yahay nadaaminta xiriirka ka dhexeeya bulshada  qof ahaan iyo wadar ahaannba, Ilaahayna wuxuu quraankiisa noogu sheegay inuusan Kitaabkiisa waxba kaga tagin ee wax walba noogu sheegay: ‘’MAA FARRADNAA FILKITAABI MIN SHEY’IN’’. (6:38).

    1. Axkaam si loo fuliyo ay adag tahay haddii aan la dhisin Dawlad :

      Shareecada Islaamka waxaa jira axkaam, sida ciqaabta, jihaadka Ilaahay dartiis loo jihaado, iyo dadkoo wixii Ilaahay soo dejiyey loogu kala xukun qaado. Arimahaas oo idil si loo fuliyo waxay u baahan tahay in la helo Dawlad awood buuxda leh  Waayo qofna naf ahaantiisa kaligiis ma fulin karo arimahaas. Arrintaas  isagoo ka hadlaya  Imaam Ibnu Taymiya, Ilaahay ha u naxariistee: ‘’Qaadista xilka walaayadda  arrimaha dadka waa waajibaadka ugu waaweyn ee diinta Islaamka, waliba  diintu istaagi mayso la’aanteed.  Waayo Ilaahay wuxuu waajibiyey in la is amro waxa fiican, lana iska reebo waxa xun, loona hiiliyo ruuxa dulman iyo dhamaan wixii Ilaahay waajibiyey oo kale  sida jihaadka, cadaaladda iyo xad ku oogidda ruuxii muteystay. Arimahaas oo idilna sidaan la socono fulintoodu waxay u baahan yihiin xoog iyo xukun. Sidaas darteed in la helo Dawlad Islaama oo fulisa axkaamta shareecada waa lagama maarmaan’’. (kitaab As-siyaasha wa ash-shareecah).

    1. Si  loo guto cibaadada Ilaahay waxaa loo baahan in la helo Dawlad Islaam ah:

      Weynaha Ilaah wuxuu ummadiisa Jinni iyo Insiba u abuurey kaliya, inay caabudaan, wuxuuna ku yiri quraankiisa: ‘’WAMAA Khalaqtul Jinna wal’insa Ilaa liyacbuduun’’ (51:56).

      Marka cibaadadu waa magac kulmiya dhammaan wixii Ilaahay jecel yahay oo idil ha ahaato qawl ama ficil mid daahir ah oo muuqda iyo mid qarsoonba.

      Si loo gaaro ujeedadaas ballaaran ee ay huwan tahay cibaadadu waxaa lagama maarmaan ah in ruuxu noloshiisa qawl iyo ficilba iyo xiriirka dadka kale uu la leeyahay dhammaan  waafaqsan yihiin shareecada Islaamka. Ruuxu ma awoodi karo in uu noloshiisa dariiqaas toosan  mariyo haddii aysan bulshada uu la nool yahay u fududeyn oo aysan ahayn bulsho nadiif ah . Waayo ruuxa way ky adag tahay inuu u noolaado sidii shareecada Islaamku u dajisay, mana dhisi karo xiriirka asaga iyo bulshada ka dhexeeya haddii aysan bulshada uu la noo yahay ahayn mid ku dhisan shareecada Islaamka , una suurta galeneysa in ruuxu guto cibaadadiisa oo idil. Markaas dhisidda bulsho nadiif ah ku imaan kari mayso wacdi iyo wax u sheeg kaliya ee waxay ku imaan kartaa dhisid dawlad Islaam ah oo fulisa axkaamta Ilaahay, una horseedda  bulshada tubta wanaagsan, una dhafarta ilaalinta bulshada, kana hortagta wixii kharibaad iyo fasaad wada. Waana in ujeedooyinka Dawladdu ku koobnaan sugidda nabad galyada bulshada iyo difaaca dalka ee ay ujeedooyinkeeda ka mid noqdaan fulinta axkaamta Islaamka iyo u adeega dacwada Islaamka iyo kaalmeynteeda iyo la dagaalanka afkaarta  iyo qawaaniinta ka soo horjeedda shareecada Islaamka ee aadanuhu dajiyey. Ilaahayna wuxuu yiri: ‘’AllaZiinA iN makkannaahum filardi aqaamuu salaata wa aatuzakaata wa amaruu bilmacruufi wa nahAw canilmunkar)’’ (22:41). Kuwa haddii aan makansiino arlada salaadda ooga oo sakada bixiya oo waxa fiican dadka fara waxa xunna ka reeba.

DIYARIYE:

Said Hashi Warsame (Master – Islamic Banking&Finance)

Birmingham - UK

shwarsama@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS