SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

Qaybtii koowaad waxaan kaga sheekeyney Martabadda Dawladda Islaamku ku leedahay shareecada Islaamka. Qaybtaana waxaan kaga sheekeyneynaa xuquuqda qofku ku leeyahay Dawladda Islaamka ah.

QAYBTII  LABAAD

XUQUUQDA QOFKU KU LEEYAHAY DAWLADDA ISLAAMKA AH

Qof kasta wuxuu Dawlaadda Islaamka ku leeyahay xaq, isagana waxay Dawladdu ku leedahay xaq, sidaas darteed mid walba waxaa laga doonayaa inuu dhawro xuquuqdaas oo uusan ku xad gudbin. Waayo ilaalinta ay labada dhinacba ay ilaalinayaan xuquuqda ka dhaxeysa waxay kaalmeyneysaa jiritaankooda iyo ku socoshada wixii u dana labada dhinac. Waxayna meesha ka saareysaa is af garansha waa iyo iska hor imaad ka dhasha dhexdooda. Haddii aad aragtid Dawladda iyo ruux amaba koox is haya waxaan shaki ku jirin in labada dhinac midkood gees marsan yahay dariiqa Islaamka ee toosan. Sidaas darteeed ayaa ruuxa ku dhex nool Dawlad Islaam ah u yahay mid hela xuquuqda ay shareecado siisay. Waayo sidaan la socono wixii shareecadu saleysay waa inay ogolaato Dawladdu haddii ay tahay dawlad Islaam ah.

Teeda kale helitaanka ruuxu uu helaayo xuquuqdiisa oo idil waa waxa ugu weyn ee damiin u noqon kara inay Dawladdaas waarto, noqotana mid dhidibadu u aasan yihiin ee aan heehaabeyn, awoodna u leh inay gaarto himilooyinkeeda. Runtiina wax maslaxad ah oo Dawladda Islaamka ugu jira inay dadka ka xayuubiso xuquuqdooda ma jirto. Bil caksi Dawladda ayey danu ugu jirtaa  inay ruux walba oo raciyaddeeda ka mid ah u ogalaato xuquuqdiisa. Waayo markuu ruuxu arko in xaqiisa loo ogol yahay, wuxuu jeclaanayaa ku dhaqanka nolosha Islaamka iyo Dawladdiisaba.

Haddii aan ka soo gudubno horo dhacaas, waxaan u qaybineynaa xuquuqda ruuxu ku leeyahay Dawladda laba qaybood oo kala ah xuquuqda siyaasadeed iyo xuquuqda guud:

   A.  Xuquuqda Siyaasadeed:

Sida ay u arkaan sharciyo yaaqaanadu waxaa loola jeedaa xuquuqda uu ruuxu yeesho ku jiritan uu ku jiro gole Siyaasadeed, sida xaqa doorashada, isa sharaxidda,  iyo kan noqoshada shaqaale dawladeed. (kitaabka Usuul Alqur’aan ee DR. Sanhuuri iyo Xashmat Ibnu shiit, bogga 268).

Xuquuqda Siyaasadeed waxaa ka mid ah:

Xaqa 1aad: Doorashada Madaxweynaha:

Dadku xaq ayey u leeyihiin inay doortaan Madaxweynaha. Ruuxii ay doortaana wuxuu noqonayaa Madaxwynaha sharciga ah. Sidaas darteed waxay caddeeyeen culumada Fiquhu in ruuxii Muslimiintu ku heshiiyaan Iimaamnimadiisa iyo doorashadiisa ay tahay  waajib in gacan la siiyo oo lala shaqeeyo. (Kitaabka Ibnu Qaddama AlXanbali juskiisa 8aad bogga 106).

Sidaas daraadeed Madaxweynahu waa nin Ummaddu soo dooratay, raalina ka noqdeen. Markaas awoodda Madaxweynuhu waxay cuskan tahay Ummadda dooratay raalinimadeeda. Haddaba mar haddii Ummaddu xaq u  leedahay inay doorato Madaxweynaha, muxuu noqon karaa aasaaska xaqaasi?

Wuxuu noqon karaa aasaaska xaqaasi mid ku dhisan wada tashi (Ash-Shuuraa) iyo mabda’a qiraya in Ummaddu mas’uul ka tahay fulinta axkaamta sharciga iyo u maamulka amuuraha Ummadda si waafqsan sharciga Islaamka. 

Qodobka Kowaad : Mabda’ Ash-Shuuraa (wada tashi):

Mabd’aas qur’aanka ayaa Ilaaahay ku sheegay wuxuuna yiri:

‘’ Wa amruhum shuuraa beynahum’’ 42: 38.

Yacni amarkooduna wada tashi yahay dhexdooda. Aayaddaas waxay si cad u sheegtay in arrimaha Muslimiinta, khaasatan kuwa muhimkaa lagu maamulo hab wada tashi ah ee aan lagu amar ku taagleyn. Waxaan shaki ku  jirin in jagada Madaxweynanimadu tahay arrimaha khatarta ah ee waajibku yahay in lagu maamulo wada tashi. Waayo waa arrin khuseysa Ummadda oo idil, saameysana Ummadda danahooda. Sidaas darteed waa inay Ummaddu ra’yi ku yeelato ruuxa la doonayo in uu Madaxweyne u noqdo.

Qodobka labaad: Mas’uuliyadda Ummadda ka saaran fulinta sharciga:

Ummadda waxaa ka saaran mas’uuliyad inay fuliso axkaamta sharciga Islaamka, una maamusho arrimaheeda si waafaqsan axkaamtaas. Mas’uuliyaddaas waxaa lagala soo dhexbaxay aayado qur’aan ah iyo dhacdooyin taariikheed ee horey u dhacay. Halkaas oo meelo badan qur’aanka ku arkeyso Aayado Ilaahay Ummaddiisa kula hadlaayo sida ((Yaa Ayuha laziina aamanuu kuunuu qawaamiina bilqisdi, shuhadaa’a lillaahay wa law calaa anfusikum awel waalideyni wal aqrabiina)) 4:135. Yacni kuwa xaqa rumeeyow noqda kuwo u istaaga caddaalad oo ah marag Ilaahay, naftiinaba ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraabo.

Sidoo kale meel kale wuxuu Ilaahay ku yiri: ‘’Yaa ayuha laziina aamanuu awfuu bilcuquud’’ (5:1). Yacni kuwa  xaqa rumeeyow oofiya  ballanka/heshiiska.

Meel kalana wuxuu ku yiri: ‘’Itabicuu maa unsila ilaykum mi  rabbikum’ (7:3). 

Yacni raaca waxa la idiinka soo dejiyey xagga Eebe.

Ayaadahaas iyo kuwa kaloo badanba waxay daliil cad u yihiin mas’uuliyadda Ummadda ka saaran fulinta axkaamta sharciga.

Haddaba mas’uuliyadda ballaaran ee garbaha ka saaran Ummadda, waxay abuurtay in awooddu noqoto miday ayadu iska leedahay, isla markaasna waafaqsan  axkaamta shareecada. 

Laakiin midda jirta waxaa weeye awoodda Ummadda suurta gali meyso inay iyadu naf ahaanteeda fuliso axkaamtaas ee waa inay wakiilatu ruux uga wakiil noqda fulinta axkaamtaas. Wakiilnimadaasna waa xaq Ummadda u khaalis ah, waayo ruuxa  mulkilaha ah wuxuu xaq u leeyahay in uu wakiil u suubsado wuxuu mulkiyo. Markaas Ummaddu waxay mulkidaa awoodda, waxayna xaq u leedahay inay ruuxay doonto wakiilato. Sidaas ayeyna ku noqotay inay kaligeed doorato Madaxweynaha.

Meeshaas waxaa nooga cad in madaxweynuhu yahay mid matalaya wakiilna ka ah Ummadda, waayo iyadaa dooratay si uu u maamulo danahooda si waafaqsan shareecada Islaamka. Waxaana laga wariyey Al-Maaruudi:  ((Haddii ninka Amiirka ahi uu yahay nin khaliif (Iimaam) doortay, lagu casili mahayo amiirkaas dhimashada Khaliifka. Waayo khaliifku markuu Amiirkaas dooranayey wuxuu matalayey Ummadda wakiilatey. Laakiin haddii uu amiirkaasi yahay mid uu doortay Wasiir waa la casilayaa Amiirkaas haddii uu dhinto Wasiirkii doortay.

Waayo Wasiirku doorasho Ummadda meesha kuma imaan ee waxaa doortay Khaliif (Madaxweynaha).

Xaqa labaad: xaqa wada tashiga (Ash-Shuuraa):

Run ahaantii xaqaani wuxuu raacsan yahay xaqa Ummaaddu leeday si ay u doortaan Madaxweyne. Waayo maadaama ay  Ummaddu xaq u leedahay inay doortaan Madaxweyne waxay xaq ugu leedahay Madaxweynaha in uu  wixii khuseeya daneeheeda kala tashado.

Waxaa dhici karta in la is weydiiyo oo la yiraahdo, maadaama Ummaddu dooratay Madaxweyne ay ku kalsoon tahay, maxaa loogu khasbahayaa in uu la tashado Ummadda maa loo daayo hawsha kaligiis?.

Jawaabtu waxay noqon kartaa labada waji ee soo socda:

Fadlan la soco jawaabta  

Wajiga 1aad:

Madaxweynaha si kastoo loogu kalsoon yahay haddana Ummaddu ayaadaa dooratay waxaana dhici karta in uu ku tilaabsado (ula kas iyo ula kas la’aan tay doonto ha ahaatee) arrimo Ummadda dhib u keenaya, lagana daba tagi Karin mar haddii dhibkaaso dhaco, sidaas darteed waa in Ummaddu ka gaashaamataa dhibkaas, sidaas ayey ugu waajibtay in Madaxweynuhu la tashado Ummadda.

Wajiga 2aad:

Madaxweynuhu wakiil ayuu ka yahay Ummadda, laakiin wakiilnimadaasi waa mid ku xiran shuruudo, shuruudahaas waxaa ka mid ah in uu la tashado Ummadda. Waayo la tashigu waa wax ku soo arooray shareecada Islaamka , mana mulkido Ummaddu inay ka tanaasusho wax shareecadu goysay.  Wey jirtaa in isla aayadda Ash-shuuraa Ilaahay ku yiri ((Fa’idaa casamta fatawakal calallaahay)). 3:159. Yacni haddaad wax goosatana Ilaahay talo saaro kuna dhaqaaq.

Waa maxay waxa u baahan (la tashiga)?

Waa wax kasta  oo la xariira arrimaha Dawladda khuseeya, kuna saabsan arrimaha ijtihaadka ah ee aan aayad qur’aan ah iyo xaddiis toona ku soo aroorin. Waxaa ku xusan tafsiirka Aljasaas ((Wada tashadku wuxuu galaa amuuraha  dunida  khuseeya iyo kuwa diinta ee aan waxyiga lagu hayn)) Axkaamul Qur’aan juska 2aad bogga 40 .

Wax yaalaha laga shawrayo ee amuuraha dunida khuseeya waxaa weeye arrimaha muhimka ah, sida siyaasadda guud ee Dawladda, dumidda (qumidda) ciidamada, dagaal ku dhawaaqa, heshiis kala saxiixadka I.W.M.

Runtii ma ahan in wax walba xitaa arrimaha yar yar la yiraahdo ha laga shawro, waayo caqli ma ahan mana suurto galeyso loomana baahna.

Waa kuwee dadka la doonayo in Madaxweynuhu  la shawro? Ma Ummadda oo idil baa?  Mise waa qaarkeed ?  habkeese loola shawrayaa?

Sida la ogsoon yahay Rasuulkii suubanaa - Nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee - wuxuu jamhuurka Muslimiinta kala shawri jirey wixii toos u khuseeya arrimahooda, sida dhacdadii dagaalkii Uxud. Halkaas oo uu la tashaday Jamhuurkii joogay

Magaalada Madiina , Wuxuuna ku yiri ila taliya (kitaabka Amtaac Alasmaac bogga 116).

Sidoo kale dhacdadii xoolihii laga qabsaday Qabiilkii Hawaasin. Halkaas oo Nabigu oo jecleystay in uu ogaado ra’yiga dhammaan muslimiintii ka qayb gashay dagaalkii reer  Hawaasin ay ka qabeen  xoolaha laga soo qabsaday reer Hawaasin.

Mararka qaarkood Rasuulku wuxuu la tashan jirey asxaabtiisa qaar ka mid ah, sidii Maxaabiistii dagaalkii Badar lagu soo qabsaday oo uu kala tashaday asxaabtiisa qaar ka mid ah sidii laga yeeli lahaa Maxaabiistaas.

Wuxuu kaloo kala tashaday heshiiskii reer Qadfaan ee ahaa inay qaatan saddex meelood meel miraha Madiina, kana noqdaan dagaalkii hogga (Macrakatul AlKhanddaq) labadii Saxaabi ee la kala oran jirey Sacad bin Mucaad iyo Sacad bin Cibaadah. Halkaas oo labadaas saxaabi ku yiraahdeen Rasuulka: Haddii amarkaan uu yahay amar samada lagaa soo faray fuli, sidoo kale haddii uu yahay amar aan lagu farin laakiin aad adigu garatay fuli anaguna waan kugu garab taaganahay, haddiise uu yahay ra’yi qaadasho iyo wada tashi waxaan kuu sheegaynaa in anaga iyo reer Qadfaan waxaan seef ahayn noo dhaxayn.  R’ayigoodiii ayuu Rasuulku yeelay oo waa iska dhaafay heshiiskii uu la waday reer Qadfaan. (Kitaabka Amtaac Alasmaac  bogga 236).

Halkaas waxaa laga fahmi karaa in dadka lala tashanayo marna yihiin Jamhuurka Ummadda sida Maalintii dagaalkii Badar loo baxayey, marna inay yihiin dadka lala tashanayo dhammaan muslimiinta joogta goobtaas ee arrinta laga shirayo khuseyso, mararka qaarkoodna dadka lala tashanayo inay yihiin muslimiinta qaarkeed. Marar kale waxay noqon karaan dadka lala tashanayo dad la raacsan yahay (Kaaba qabiilada), sida labadaas saxaabi ee aan soo sheegnay oo iyagu ahaa odayaasha reer Ansaar lana raacsanaa.

Arrimahaas aan soo sheegnay oo idil waxay kuu caddeynayaan inay waajib tahay in madxaweynuhu la tashado ummaddiisa. Dadka lala tashanayana sidaan u sheegnay waxay ku xiran tahay kolba arrinta meesha taal siday tahay,, haddii ay khuseyso matalan diin waa in lala tashado culumada diinta, haddii ay tahay cilmi kalana dadka ku xeel dheer cilmigaas waa in lala tashado oo ay soo galayaan Wasiirada iyo dadka maamulka haya. Sidoo kale waa in lala tashado dadka loo yaqaan (Ahlu Xal walcaqdi), ahna kuwa Ummaddu raacsan tahay ee ay ku kalsoon tahay, raalina ka tahay taladooda, laguna yaqaan Ikhiyaarnimo, toosnaan, Alle ka cabsi, caddaalad, ra’yi wanaagsanaan iyo dhawrista maslaxadda Ummadda.

Maxaa la sameyn haddii ay Madaxweynaha iyo gudiga wada tashigu (shuuradu) isku khilaafaan arrinta laga shawrayo?

Markii arrintaas oo kale ay dhacdo waa in loo noqdaa kitaabka Ilaahay iyo sunnada Rasuulka ((Yaa Ayuha ladiina Aamanuu adiicullaaha wa adiicurasuula wa Ulilamri minkum, fa’in tanaasactum fii shey’in farudduuhu Ila laahi wa Rasuuli, inkuntum tu’minuuna bil laahi wal yawmil Aakhiri daalika khayrun wa axsanu ta’wiila)) 4:59. Kuwa xaqa rumeeyow addeeca Ilaahay oo adeeca Rasuulka iyo kuwa amarka leh (hoggank idiiin haya) ee idin ka mid ka ah, haddaad ku doodaan (Isku qabataan) arrin u celiya Ilaahay iyo Rasuulka haddaad tihiin kuwa rumeeyey Ilaahay iyo maalinta dambe (Qiyaamada) saasaana khayr roon oo wanaag badan xagga abaalmarinta. Waana sida tafsiirka Ad-Dabari , kan AlQurqdubi iyo kan AlJasaas dhammaantood ku xusan. Halkaas ooy yiraahdeen: (haddii arrinta la isku hayo xukunkeeda oo cad laga helo kitaabka ama sunnada uma baahna shawr iyo tala kale toona ee waa in iyada la raaco, haddiise xukun cad aan labadaas toona  

laga helin waa in la raaco ra’yiga shabbaha kitaabka iyo sunnada). Tafsiir ad-Dabari juska 5 aad bogga 87, tafsiirka AlQurdubi juska 5aad bogga 261 , Axkaamul qur’aan ee AlJasaas juska 2 aad bogga 170.

Haddaba sidee la yeelayaa haddii la waayo xitaa ra’yi shabbaha kitaabka iyo sunada toona?.

Markey arrintaas oo kale dhacdo waxaa la raacayaa saddexdaan arrimood midkood:

Arrinta kowaad:

Habka wax loo xukumayo:

Waa in la doorto guddi khaas ah oo ka kooban Culimada fiqaha taqaan iyo kuwa ra’yiga toosan lagu yaqaan iyo kuwa ku xeel dheer arrimaha Dawladnimo, deedna dadkaas la siiyo dammaanad buuxda si ay hawshaas u gutaan iyada oo aan la fara galin, lana qalin daarin. Kuwaas ayaa wax ka oranaya khilaafkaas u dhexeeya Madaxweynaha iyo gudiga wada tashiga (shuurada). Ra’yigii ay soo guddoonshaana waa khasab in la fusho.

Waxaa loo maleynayaa in laga qaatay arrintaan, qiso laga wariyey Khaliifadii caadilka ahaa ee Cumar Ibnu AlKhaddaab oo la yiri wuxuu mar u safray Shaam (Dalka Suurya iya agagaarkiisa), markuu meel dhexe sii marayo ayaa waxaa loo sheegay in Shaam cudur khatar ah ku fiday, markaas ayuu kala  tashaday  Ikhyaartii la socotay intoodii Muhaajiriinta ahayd inay soo noqdaan iyo inay iska socdaan. Hase yeeshee Muhaajiriintii wey isku khilaafeen arrintaas . Markaas ayuu la tashaday Ansaar wixii kala socday markaas ayey iyana is khilaafeen. Markaas ayuu u yeeray wixii odayo kala socday reer Qureysh oo iyagu ahaa Muhaajiriinta kuwii ugu horeeyey, ka dibna la tashaday. Markaasey kula taliyeen in uu safarka ka noqdo. Ugu dambeyntiina ra’yigii Odayada reer Qureysh ayuu qaatay, dib ayuuna ula soo noqday wixii la socday oo idil.

Arrinta labaad:

Waa in la qaato ra’yiga loo badan yahay:

Waa in Madaxweynuhu qaato ra’yiga loo badan yahay  xitaa haddii u ka gadisan yahay ra’yigiisa. Arintaas waxaa loo daliilsadaa in Rasuulku qaatay ra’yigii loo badnaa markii laga tashanayey bixitaankii dagaalkii Badar ee gaalada lagula dagaalamayey. Rasuulkuna maalintaas wuxuu u janjeeray inaan la bixin (Siirada Ibnu Hishaam juska 2aad bogga 6aad). Waayo badnaantu waxay u dhawdahay sida saxa ah iyo wanaagga walaw aysan ahayn in ra’yiga loo badan yahay saxsan yahay mar walba ee uu khalad noqon karo, ra’yiga inta yarna sax noqon karo.

Arrinta 3aad:

Waa in la qaato ra’yiga Madaxweynaha hadal la’aan :

Madaxweynuhu ka dib markuu la tashado dadka shuurada u saaxiibka ah, wuxuu awood u leeyahay in uu qaato ra’yigii isaga u soo baxa isaga oo aan isku xirin

ra’yiga loo badan yahay iyo ra’yiga kale toona. Arrintaas waxaa loo cuskiyaa tafaaasiirta qaarkeed oo u fasirtay qawlka Ilaahay (Wa shaawirhum fil’amri fa’idaa casamta fatawakal cala lalaahi) 3:159. yacni Nabi Moxamadow Ummaddaada kala tasho Amarka, haddaad wax goosatana Ilaahay talo saaro, kuna dhaqaaq.

Waxaana sii xoojinaya arrintaan Madaxweynaha oo ah mas’uul, lagulana xisaabtamayo hawshiisa, markaas waa in la siiyo xoriyad uu ku guto hawshiisa maadaama arrinta laga shawrayo ay tahay mid ijtihaad ah ee aan khilaafsaneyn shareecada Islaamka. Waayo waxa yaraha adag  in ruux lagu khasbo in uu fuliyo ra’yi uusan lahayn ee ruux kale ka yimid , deedna lagula xisaabtamo wixii ka yimaada fulinta ra’yigaas.

Sidaan aayadda ka fahmeyno waxaa lala hadlaayaa Nabi Moxamed – Nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee – oo  aan ognahay sharaftiisa iyo meekhaankiisa weyn isagii ayaa la leeyahay la shawr Ummaddaada marka xaggee joogaan dadka kale ee xukunka haya. Iyaga ayaa waajib midkkaas ka weyn saaran yahay  siday ula tashan lahaayeen Ummadda hogaanka u dhiibatay.

Midda kale Sidaan u soo sheegnayba wada tashigu waa ka mid xeerarka shareecada, markaas ruuxii xukun loo dhiibto ee aan la tashan Ummaadda , khaasatan culumada diinta, wax garadka iyo kuwa aqoonta leh, waxaa waajib ah in la casilo, waayo Dawlad Islaam ah ma ahan  in uu ka taliyo xaakim kaligiis tashada ah.

Xaqa saddexaad : Ilaalinta xaqa iyo arrimaha daba yaal:

Ummaddu wadar iyo waaxidba waxay xaq u leeyihiin ilaalinta siday Madaxweynaha iyo dhammaan dadka uu maamulka u dhiibtay u gudanayaan hawlahooda , waayo dee ummaaddu iyadaa u dhiibatay Madaxweynaha hawshaas, ayadaana u wakiilatay siduu uga shaqeeyo danahooda, ruuxii wax wakiishana waa in uu la la xisaabtamo lana socdo ruuxu wakiishay siduu shaqada u fulinayo.

Waxaa looga jeedaa ilaalintaas in Madaxweynaha la toosiyo haddii xukunkiisu ka beyro waddada toosan iyo dariiqa Islaamka. Toosintaas oo ay ka horeyso in lala taliyo loona sheego meesha wax ka khalddan yihiin. Haddii uusan talada qaadan Ummaddu waxay xaq u leedahay inay xoog isticmaasho si ay u toosiso, ugana hor joogsato dulmiga iyo qalooca.

Arrintaas waxaa loo daliilsadaa xaddiis Nabiga laga wariyey ee oranaya (‘inna Naasa Idaa ra’aw Ad-dalima falam ya’khuduu cala yad-deyhi Awshaka an yacumahumullahu tacaalaa biciqaab minhu) Riyaadul Saalixiin bogga 113.

Yacni haddii dadku arko daalim asii aysan ka qaban dulmiga  waxaa dhici karta in Ilaahay ku baahiyo dhammaantood ciqaabtiisa.

Xaqa ummaddu u leedahay inay ilaaliso Madaxweynaha horey ayey u soo jirtay waqtiyadii hore ee Islaamka. Xukaamtii Dawladdii Islaamkana aad ayey u daryeeli jireen xaqaas. Raaciyaddana waxay ka codsan jireen inay toosiyaan hadday waddada toosan ka leexdaan. Waxaana arrintaas u daliil ah khudbadii caanka ahayd ee uu akhriyey Khaliifkii 1aad ee Abu Bakar – Ilaahay raali ha ka noqdee – halkaas oo uu yiri: (……. War haddii aan fiicnaado i kaalmeeya , haddii aan qaloocdana i toosiya) kitaabka dabaqaatul kubraa ee Ibnu Sacad juska 3aad bogga 183.

Sidoo kale khudbadii Khaliifadii 2aad ee Cumar Ibnu Al Khaddaab - Ilaahay raali ha ka noqdee - waxaa ku jirey: war ruuxii idin ka mid ah ee igu arka qalooc ha I toosiyo, markaas ayuu yiri nin ka mid ah dadkii meesha joogay: Wallahay haddii aan qalooc kugu aragno seefahayaga ayaan kugu toosineynaa. Markaas ayuu yiri Iimaam Cumar Ibnu Al Khaddaab: Ilaahayga ummaadda Nabi Moxamed ka yeelay mid  seeftiisa ku toosiya Cumar ayaa mahad leh.

Xaqa afraad:  Casilidda Madaxweynaha:

Waxaan horey u soo sheegnay in Madaxweynuhu yahay wakiil ay Ummaddu dooratay, markaas waa caadi inay ummaddu casisho haddii uu ka baxo xuduudii u dhigneyd wakiilnimadiisa ama uu gabo hawshiisa amaba dayaco. Waayo ruuxii awood u leh inuu wax doorto , awoodna waa u leeyahay inuu wax casilo. Laakiin waxaa la doonayaa in loo isticmaalo xaqaas si sharciga waafaqsan.

Habkii lagu casilayaa Madaxweynaha ?

Haddii ay dhacdo Ummaddu inay casisho Madaxweynaha waa inay u marto dadka iyada matalaya ee loo yaqaan (Ahlu xal walcuqad) yacni Culumada diinta, indheergaratada iyo Odayada Ikhyaarta ah IWM., halkaas oo ay kalsoonida kala noqonayaan Madaxweynaha , go’aanna ku gaarayaan inay casilaan.  Laakiin waxaa dhici karta in uu Madaxweynuhu diido go’aankaas. Markii taasi dhacdo waxaa u bannaan Ummadda inay isticmaalaan xoog si ay xukunka uga tuuraan, dabcan waa haddii ay jirto sabab sharci ah , sida isaga oo si xun uga baxay dariiqii Islaamka iyo axkaamtiisii, gaareyna heer kufrinimo.

Xaddiis saxiixa oo laga wariyey Saxaabigii Cibaadah bin .As-Saamit baa oranayey: (Dacaanaa An-Nabiyo sallalaahu caleyhi wa sallam fabaayacnaahu calaa As-samca wad-daacah fii manshadanaa wa makrahanaa wa cusrinaa wa yusrinaa wa assrata (athrata) caleynaa wa a’n laa tanaasacuu Alamra ‘ilaa an taraw kufran bawaaxan cinddakum minalahi fiihi burhaan).AlBukhaari juska 9aad bogga 85. Yacni Rasuulka ayaa noo yeeray markaasaan gacan saar  kula yeelaynay  inaan maqalno oo aan wax walba ku addeecno ,  waxaan jecel nahay iyo waxaan neceb nahay labadaba,  xataa haddii ruux kale nala ka fadli yeelo oo la siiyo xaqayaga iyo inaanu amarna ku khilaafin ilaa aan ku aragno kufrinimo cad oo aan xag Ilaah burhaan (xujjo) uga haysano. Xaddiiskaan wuxuu tilmaamayaa inay waajib tahay in mar walba la addeeco ninka hogaanka haya xitaa haddii arrintaas culeys ruuxa ku tahay mararka qaarkood ama xuquuqdiisa qaar kaga lumaayo addeeciddaas isaga  oo ka hor marinaya maslaxadda guud tan gaarka ah.

Dabcan ninna lagu addeeci mahayo macsida Ilaahay.

Xoog ku casilaadda Madaxweynaha waxay ku xiran tahay shuruud adag oo ay ka mid tahay in la hubo in lagu guuleysanayo casilaadda Madaxweynaha, haddii aan la hubin ma bannaana in cunfi (dagaal) meesha la keeno, waayo taasi waxay ka hor imaaneysaa xeerarka u dhigan in la is faro waxa wanaagsan, lana iska reebo waxa xun. Xeerarkaas oo oranaya lama rabo in munkarka (waxa xun) lagu baab’iyo wax ka sii munkarsan (ka xun). Waxaan shaki ku jirin haddii aan la hayn xoog looga qaado Madaxweynaha xukunka , asii la gudoonsho in lala dagaalamo, inay ka dhalaneyso meeshaas dhiig daata, dil iyo in waddankii burburo, Dawlaadiina daciifto. Waxaas oo dhanna waa munkar aan loo baahneyn in sababtiisa lala yimaado. 

Xaqa shanaad:  Isa sharaxidda:

Xaqaas waxaa laga wadaa xaqa ruuxu u leeyahay in uu naf ahaantiisa isagu   sharaxo in uu qabto jagooyinka Dawladda iyo shaqooyinka guud.

Waxaa quman in la isa su’aalo in Dawladda Islaamka ah uu ruuxu yeelan karo xaqaas iyo in kale?

Sida muuqata guud ahaan ruuxu ma yeelan karo xaqaas. Waayo waxaa jira xaddiis saxiixa ee laga wariyey saxaabigii Cabdulraxmaan binu Samurah – Raali Ilaahay ha ka noqdee – ee uu ku yiri Nabigu – Nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee – :( Yaa Cabdaraxamaan binu Samurah laa tas’ali Al’imaarah fa’in ucdiytuhaa cani mas’alah wukilta ‘ileyhaa. Wa ‘in ucdiytahaa can qeyri mas’alah ucinta caleyhaa) Albukhaari juska 9aad bogga 114.

Yacni war Cabdulraxmaanow ha dalban Amiirnimo (madaxnimo) waayo haddii intaad dalbatid lagu siiyo waad la jiifsan oo  u gargaari maysid, haddiise adigoon dalban laguu dhiibo Ilaahay wuxuu kugu kaalmeyn jidka toosan waana ku waafajin sida roon. Wuxuu xaddiiskaani in tusayaa inaysan bannaaneyn in la dalbado mansab (Jago). Laakiin ay  bannaan tahay in qof kale ku sharaxo , waayo taasi dalbasho ma ahan ee waa doorasho Ummaddu ay ruux ka bixi kara jaggadaas u dooratay.

Xukunka doorashada waqtigaan xaadirka ah:

Sidaan horey u soo sheegnayba guud ahaan ma bannaana in ruuxu isagu isa soo sharaxo, laakiin haddii ay daruuf jirta awgeed iyo maslaxadda guud darteed uu isku sharaxo waa bannaan tahay. Waayo waxaan shaki ku jirin oo lawada ogsoon yahay in waqtigaan xaadirka ah wax walba is baddaleen oo arrimihii is dhex galeen, ballaarteena, ayna sahlaneyn si Ummaddu u garato ruuxa ku habboon jagada. Qabashada mansabka Dawladduna ahmiyad weyn ayuu u leeyahay ka qayb galka maamulka iyo arrimaha Dawladda si waafaqsan shareecada Islaamka, sidaas darteed in ruuxa is leh waad ka bixi kartaa hawshaas is sharaxo wax ku jaban ma jiraan, khaasatan markuu doonayo in uu khayr u horseedo Ummadda. Waxaa arrintaas loo daliilsadaa qawlkii Nabi Yuusuf – Nabadi korkiisa ha ahaatee – ee Ilaahay qur’aankiisa ku sheegay: ((Qaala ijcalnii calaa khasaa’inil Ardi ‘innii xafiidun caliim)) 12:55.Yacni Nabi Yuusuf ayaa yiri iga yeel mas’uulka khasnadaha dhulka waxaan ahay Aamin cilmi lehe. Loo maleyn mahayo in Nabi yuusuf mansabkaas u dalbaday mansab iyoxukun jaceyl ee wuxuu u dalbaday si uu fursad ugu helo in uu gaaro ujeedooyin Ilaahay raali ka yahay.

Doorashada ma loo suubin karaa xayeysiin?

Haddiiba waqtigaan xaadirkaa daruufa jira darteed loo banneeyey doorashada, uma bannaana ruuxa isa sharaxaya in uu qaado olole xayeysiin, halkaas oo uu tiriyo wanaagiisa, isla markaasna fidiyo xumaanta musharaxiinta kale ee la tartamaya. Waxaa u bannaan oo  kaliya  in ruuxa isa sharaxayaa naf ahaantiisa is baro dadka dooranaya, isla mar kaasna u caddeeyo fikradihiisa iyo barnaamijkiisa oo kaliya.  

Xaqa lixaad :Galidda jagooyinka guud (Shaqada Dawladda):

Shareecada Islaamku waxay qabtaa in galidda jagooyinka guud ay ku timaaddo in Dawladdu shaqadaas u qorto ruuxa ka bixi kara ee aysan noqon in loo arko in ruuxu Dawladda xaq ugu leeyhay inay shaqaaleyso.

Arrintaasi waxaa loo cuskiyaa xaddiis laga wariyey Abi Muusa Al Ashcari oo uu yiri: (Waxaan u soo galay Nabiga – Salalahu Caleyhi wasallam – aniga iyo laba nin oo kale oo ilma adeertaya, markaas ayuu mid ka mid ah yiri: Rasuulkii Ilaahayow walaayadahaan Ilaahay ku siiyey qaar nooga dhiib si aan waali uga noqono. Kii kale ayaa isna yiri sidaas oo kale. Markaas ayuu yiri Rasuulku annagu wallahay uma dhiibnu shaqadaas ruux dalbaday ama u ololeeyey in uu qabto). Kitaabka taysiir Alwasuul juska 1aad bogga 18.

Xaddiiskaas waxaan ka fahmi karnaa in galidda jagooyinka guud aysan ahayn xaq uu iska leeyahay ruuxu, waayo haddii uu xaq u leeyahay yahay asuu dalbado, xaqiisa looma diideen.

Haddaba su’aasha meesha ku jirta waxaa weeye haddii sida shareecadu qabto ruuxii dalbada in uu jago qabto la ogoleyn, sidee ayaa loo qoranayaa shaqooyinka Dawladda ?

Arrintaasi waa waajib saaran Madaxweynaha iyo wakiiladiisa, waana inay aad uga fiirsadaan , raadshaanna ruuxa ku habboon una qalma jagada bannaan, mana bannaana inay ruuxaan u qalmin geeyaan jagadaas iyaga oo u eegaya qaraabo, saaxiibnimo ama isku xisbi I.W.M. Rasuulkuna wuxuu yiri: (Man wallaa min amri Almuslimiin shey’an fawallaa rajulan wa huwa yajidu man huwa aslax lilmuslimiin minhu faqad khaana laaha wa Rasuulihi) kitaabka As-siyaasah Alsharciyah ee Ibnu Taymiya bogga 4aad.

Yacni ruuxii umuurta Muslimiinta wax looga dhiibo ee u dhiiba mas’uuliyadaas ruux isagoo Muslimiinta ka dhex heli kara ruux uga wanaagsan ruuxaas uu jagada u dhiibay, wuxuu khiyaaney Ilaahay iyo Rasuulkiisa.

Waxaa dhici karta in Madaxweynaha iyo mas’uuliinta Dawladda ee kale ay waayaan ruux u qalma jago ka mid ah jagooyinka Dawladda, markaas oo kale waa inay  intii awooddoodu tahay ku dadaalaan siday u dooran lahaayeen ruuxa ugu wanaagsan dadkaas soo codsaday jagadaas.

Waa maxay miisaanka toosan (Salaaxnimada)  ee lagu kala saarayo galitaanka shaqooyinka guud:

Waxaa la doonayaa in Madaxweynaha iyo wakiiladiisu ogsoon yihiin inuu  yahay miisaanka salaaxnimadu (wanaagsnaantu) : Xoogga iyo Aaminimada.

Weynaha Ilaah wuxuu yiri: (Qaalat ixdaahumaa yaa abati ist’ajirhu inna khayra mani ista’jarta alqawiyul ‘amiin)). 28: 26.  Yacni waxayna tiri middood Aabbow noo ijaar, illeen waxaa u khayr roon cid la ijaarto mid xoog badan oo Aamin ah. Xoogga waxaa looga jeedaa awoodda iyo wax u dhiganka yanci in ruuxu ka bixi karo jagadaas. Sidaan la soconana shaqooyinku isma leh oo arrintaas waa ku kala gadisan yihiin. Amaanada iyada waxaa looga jeedaa in hawsha aad qabaneysid si daacad ah oo alle ka cabsi ku jiro aad u qabatid ee aadan u qaban ka baqid aad  madax ka baqeysid ama dooneyso inaad dad raali galeyso. Aayadduna waxay ka sheekeyneysaa qisadii Nabi Muuse – Caleyhi Salaam.

Habka qoridda jagooyinka guud waqtigaan xaadirka ah:

Haddii la yiri shareecadu ma ogola in ruux dalbado shaqooyinkaas, lana yiri ninka waliyu amriga ahi ha doorto dadkii shaqadaas qaban lahaa, aadna ha uga fiirsado xulashada dad u qalma jagooyinkaas, sidee arimahaas loo fulin karaa waqtigaan xaadirka ah?

Waa su’aal meesha ku jirta , jawaabteeduna waa sida tan:-

Jagooyinka Dawladda ee muhimka ah sida Wasaaradaha , hogaanka ciidanka iyo madaxda qaybaha maamulka dhammaantood waxaa waajib ku ah Madaxweynaha in uu u doorto dad uu soo xulay, kuna og yahay  wanaagsanaan iyo toosnaan. Waana in uu xulashadiisa ku dabbaqo xeerarka shareecada iyo miisaanka salaaxnimada (toosnaanta) ee aan horey u soo sheegnay. Wixii intaas ka soo hara ee jagooyin ah looma baahana inay kala hufkeeda isku shuqliyaan Madaxweynaha iyo mas’uuliinta kale toona ee waxay u dajin karaan shuruud go’an oo dadka araajida u soo qortay jagooyinkaas lagu kala sooco, deedna la qoro ruuxii shaqa walba dadka soo qortay ugu fiican, iyada oo aan loo eegin saaxiib, qaraabo iyo qabiil toona. Lana dhawrayo amaanada iyo hufnaanta ruuxa. Rasulkuna wuxuu yiri: ((idaa duyicati Alamanatu fantadiri As-saacah. Qiila wa kayfa idaacatuhaa? Qaala: idaa wosida Alamro ilaa qeyr ahlahi)). Kitaabka teysiir Alwasuul juska 1aad bogga 32. Yacni haddii Aamaanada la dayaco waxaad sugtaa qiyaamaha, waxaa la yiri oo sidee loo dayacaa? Wuxuu yiri waa haddii amarka loo dhiibo nimaan ehelkiis ahayn (U qalmin).

Fadlan la soco qaybta soo socota (Xuquuqda khaaska ah ee ruuxu leeyahay)…..

Afeef: Wixii saxa maqaaladaan waa Ilaahay fadligiis iyo galladdiis, wixii khalddanna waa nafteyda iyo sheyddaan ee fadlan wixii dhaliil ah cinwaankaan igala soo xariir. 

DIYARIYE:

Said Hashi Warsame (Master – Islamic Banking&Finance)

Birmingham - UK

shwarsama@hotmail.com

 

 

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS