SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dowlada sheekh shariif : istiraatiijiyad cusub ee Maraykanku kaga howlgalayo somalia

ka hor intaan u gudbin dulucda maqaalkayga aan ka hormariyo hor dhacan kooban.

Maatna dunida waxaa ka socdo dagaal loogu magacdaray " la dagaalanka argagixisada" laakiin macnahiisu yahay la dagaalanka dad islaamnimada si dhaba u heysta, dagaalkaas dowlada Mareeykanka ayaa ku qaaday wadamo badan oo muslim ah waxaaana ku taageeray dalalka reer Yurub iyo wadamo kale oo fara badan,dagaalkaas waxa uu ka socdaa dhowr furin oo ku kala yaala daafaha caalamka

Gobalka geeska afrika waa meelaha ay dowlada mareykanku ka howlgashay iyadoo wadata magaca "la dagaalanka argagixisada" isla markaasna xarun wayn ka furatay geeska afrika.gaar ahaan dalka jabuuti. somalia oo ka mida wadamada geeska afrika waxay ku lug yeelatay dagaalkaas ka dib markii ay dowlada mareykanka soo fara galisay arimaha somalia si toos iyo si dadban labadaba, .ciidamada loo unkay dagaalka waxaa ka mid ah guutada loogu magac daray CJTF-HOA( combined joint task force horn of africa) oo ka howlgalayay wadamada jabuuti, ethiopia, kenya, iyo biyaha somalia howlgalkii ay ku guuldarreysteen dagaal oogayaashii somalia sanadii 2006 ee lagu bar tilmaameedsanayay culimada soomaaliyeed waxa uu qeyb ka ahaa dagaalka Mareykanka.

Ka dib markii ay maxkamadaha la wareegeen koofurta somalia, Mareykanku waxa uu Ethiopia ka dhaadhiciyay in maxkamadaha oo ay ku jiraan rag badan oo horay uga tirsanaa ururkii AIAI(al itixaad al islaami) ay weerari doonaan isla markaasna halis ku yihiin Ethiopia sidaas darteedna ay lagama maarman tahay in ay ka hortagto,. tallaabadaas ay Ethiopia qaaday waxaa ku taageeray millitari ahaa Mareykanka waxaa meesha ka laga saaray maxkamadihii,

ka dib Ethiopia oo horay usii gashay gudaha somalia waxba waa ay ka qaban wayday howsha culus ee uu Mareykanka uga diray soamlia taasoo ah inay la dirirto qolyaha xag jirka, waxaa marba marka ka dambeysa soo xoogeysanayay xoogagga wax iska caabinta iyo dagaalyahannada maxaakimta, dowlada kmg ahina waa ay sal dhigan wayday halkaasna waxaa ku guuldarreystay qorshihii loo keenay Ethiopia

Istaraatiijiyad cusub

iyadoo uu xaalku ku cakiranyahay ciidamada gumaysiga Ethiopia isla markaasna ay sii xoogaysanayaan xoogaggii muqaawamada ayaa dhanka kalena dalka dibadiisa waxaa galaangal siyaasadeed ka waday madaxda iyo hogaanka maxkamadaha ee dalka ka cararay oo fadhigoodu ahaa Asmara Eritrea, isu tag ay sameeyen qeybaha soomaalida ee qurbaha ku nool ayay ku dhawaaqeen isbahaysiga dib u xoraynta somalia ARS , dowlada Mareykanku marnaba kama marnayn siyaasada somalia iyadoo mar walba isha ku haysay halka wax marayaan,

cilmi baaris ay samaysay hay'ada RAND CORPORATION ee nabadsugidda qaranka iyo la dagaalanka argagixisada kala talisa wasaaradda gaashaandhigga mareykanka (THE PENTAGON) war bixin dheer oo ay ka diyaarisay arrintaan ayay cinwaan uga dhigtay "RADICAL ISLAM IN EAST AFRICA" oo macnaheedu yahay islaamnimada xagjirka ah ee geeska africa.. war bixintu waxa ay leedahay : duulaankii ay Ethioppia ku qabsatay mogadishu waxa uu ahaa qadal istaraatiiji. hay'adu waxa ay ku talisay in wax laga badalo qaabka ay wax u socdaan si looga hortago xag jirnimada kasoo socota geeska afrika , cilmibaaris dheer oo ay samaysay waxa ay kula talisay madaxda gaashaan dhiga qodobo ay ka mid yihiin :

- xoojinta hay'adaha dowlada iyo bulshada rayidka ah iyadoo la hormrinayo adeega guud dhisida ciidamada qalabka sida iyo police-ka iyo taageerida hay'adaha ajnabiga iyo kuga NGOs-ka

- dhisida iyo maalgelinta ciidamada wadamada gobalka geeska afrika iyo tababaridooda si ay u ilaaliyaan xuduudaha ayna u wada shaqeeyaan

-in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu heshiisiinayo kooxaha siyaasada somalia si ay ciidamada Ethiopia uga baxaan somalia. taas waxa lagu wajahayaa in dadaal weyn loo galaa si isbahaysiga dib u xoraynta ee asmara ARS lakala jabiyo oo laga soo xusho qolyaha iyo wadaadada qunyar socodka ah (LESS RADICAL) lalana heshiisiiyo dowlada kmg ah si loo dhiso dowlad midnimo qaran

- ka baaraandagista aqoonsi diplomaasiyadeed oo Somaliland la siiyo si loogu adeegsado dal dagan oo demoqoraadi ah kalana qeybqaadan kara dagaalka iyadoo la eegayo muhiimada juquraafi ee somaliland iyo isticmaalka dekedda BerBera millitari ahaan

qorshahan malagu guuleeysan doonaa?

iyadoo laga shidaalqaadanayo talooyinka hay'ada RAND ayaa waxaa la qaaday tallaabooyin is xig xiga oo degdeg, maadaama Somalia mushkilada ka jirtaa ay tahay in lagala xaajoodo ama ay kawada dhaxayso dhamaan qolyaha siyaasada ama awooda ku leh gudaha somalia si loo helo nidaam xasila oo caadil ah bulshada oo dhanna ka kooban ayaa sida qorshuba yahay waxaa lagu koobay dowlda kmg ah iyo ARS garabka jabuuti illeen ujeedadu maaha xal somalia ay yeelato'e. dowlada kmg ayaa lagu qasbay inay si degdeg ah wadaxaajood ula furto ARS-ta garabka jabuuti , wada hadaladaas oo ujeedka ugu dambeeya ahaa in ARS-ta lagu biiriyo dowlada wax kasta oo ay qaadatana la sameeyo si loo mideeyo

ugu dambentii waxaa iska cad oo an shaki ku jirin in dowlada midnimada qaran ee jabuuti lagu doortay ay tahay istaraatiijiyad iyo taatiko cusub oo lagu wajahayo somalia ka dib markii ay ethiopia waxba ka qaban wayday ujeedkii loo keenay somalia, soomali badan oo la jilbeysan wadaninimo oona la ildaran dowlad la'aan 19 sano ayaa aad u soo dhaweeyay dowladaan rabana inay ku diirsadaan iyagoo rajaynaya inay noqoto dowladaan mid dalka dib u dhista hase ahaatee su'aasha meesha taalla ayaa ah beesha caalamka ama mareykanka daacad maka yahay inuu dalka somalia faraha kala baxo si cdaacad ahna u taageera rabitaankooda?

somalia waxa ay baadigoobaysay dib u hanashada qaran buuxa tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe sanadii 1991iyadoo in ka badan 14 shir dib u heshiisiineed loogu qabtay soomaalida dalka dibadiisa shirarkaasoo dhammaantood ku dhamaaday guuldarro sababta ugu wayna ay tahay iyadoo beesha caalamka aysan daacad ka noqonin arimaha somalia! dal walibana u dano gara ah ka lahaa somalia,

shirka jabuuti oo ah kii ugu dambeeyay ee soomalida loo qabto sanadkan 2009 lama saadaalin karo haduu la mid noqon doono kuwii hore iyo in kale...

wabillaahi towfiiq

c/laahi cilmi
wadani2@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS