SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabakii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

 Madaxweyen Shariif" Ethiopia Nabad Ayeey Nagala Shaqayn , Ereteria Arimaha Somalia Faraha Hakala baxdo
Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarkaatuhu
Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Mudo todoba bari ah ayuu shariif magacaabanyahay waxaan runtii kasoo gaaray dhirbaaxo siyaasadeed safarkiisi dalka ethiopia ku tagay waxaan meesha kamuuqday tuhun badan oo ay umada somaliyeed kaqabeen shariifka oo badalay cabdulhi yuusuf oo ay soo doorteen parlamnkii empakathi lagusoo dhisay kaas oo had iyo jeer maxkamadaha islaamku u arkayeen mid u shaqeeya danaha cadowga fasaxna u siiyey inay ethiopia dalka soo gasho kana gaysato xasuuq kii ugu xumaa oo somalia ka dhaca,

Iyadoo doodaas ku dhaxwereegaysay dhamaan shacabka somaliyeed iyo culumo udiinkiisa iyagoo kabixinayey aragtiyo kaladuwan ayaa arinkaas waxaa uu si toos ah daaha uga qaadmay kadib markii madaxweyne Sharif kulan laqaatay Malez Zanawi oo had iyo jeer ku faani jiray inay ciidnkiisu dagaal kula jiraan xogag diidan joogitaankooda, halka shariifkuna idaacadaha kasheegi jiray iyadoon gabasho lahayn in Ethiopia tahay cadowga kaliya oo ay somalia leedahay, waana arin dadbadan soo jiitay laguna taageeray shariifka inuu had iyo jeer tilaami jiray inaan marnaba lasoo dhaweysan cadowga ayaa hada waxaa soobaxaya sawir kaduwan kii hore.

waxaase dad abdna is weydiinayaan goorma cadowgeenii noqday mid kashaqaynaya nabada iyo sidii xal loogu soo dabaali lahaa soomaalia, goormay noqtay Erteria cadwogeena iyadoo la ogyahay taageerada balaaran oo ay siinaysay xoogaga muqaawamada iyo iyadoo waliba siisay saldhig madaxdii hogaaminaysay maxkamdaha oo Shariif akmid ahaa kadib markii Ethiopia iyo TFG oo isakaashanaya kasareen dalka.

su'asha meesha taal waxay tahay cadowgii oo wali dalkii ku jira waxaan ogayna shalay ka gaystay dalka iyagoo dakii dhintay mooyee kuwii barkacay iyo kuwii dhaawacmay ay la ildaranyihiin dhibaatoyin kala duwan ayaa Madxweyne Sharif kulan aan qarsoodi ahayn layeeshay ninkii dhiiga somaliyeed farahiisa kasii qoyaneyeen, in Males lala kulmo ayaa mid qaldan maxaa yeelay waxaa weeye cadow dagaal xun na dhexmaray mana jiraan wax wada xaajood ah oo lagu xalinayo arinkaas oo kadhacay meel kaxasan somalia iyo ethiopia iy cid samaysan dhexdhexaadin labada dhinac ah, waxaa intaas kasiidarn shariifku waxaa uu sheegay in ethiopia nagala shaqaynayso nabada Somalia taariikh cusubna ubilaamayso labada dhinac, waxaa taa kasii daran iyadoo ethiopia kujirto wali dalkii oo dhibaatoyin ku hayso dadka kudhqan gobolka hiiraan ayaa shariifku Ereteria oo la ogyahay qaybtay ka qaadatay saarida ethiopia siyaasad kasta haka lahaatee inuu canbaareeyo Shariifku isagoo canbaaraynta usii marinaya warbahinta ethiopia xili uu iyaga dalkooda kusugan yahay.

gababadii hadalkaygu waxaa weeye Madaxweynhu waa kabayray jihaadkii uu iclaamiyey 2006 kaas oo dalka looga saarayey cadowga waxaana uu doortay inay u caleema saaraan kuna caana shubaan kuwii keenay cadowga dalka firkradihii ay ku shaqaynayeen ku shaqeeyo isagoo meel cidla ah kaga tagay muqaawamadii jihaadka soo gashay.

wabilaahi towfiiq
Ahmed Farah
Dhoodi22@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS