SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabkii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...

MADAXWEYNANIMADA SHEEKH SHARIIF WAA FURSAD QAALI AH.!

                               W/Q: Daahir Faarax Afdheere: 

Tan iyo 1991 markii ay meesha ka baxday Dawladii dhexe, ee uu hogaaminayay Marxuum Gen:- Maxamed Siyaad Barre ayaa dalka soomaaliya wuxuu ku jiray burbur baahsan iyo dagaalo sokeeye oo aan dhamaad lahayn, iyadoo mudadaas waxii ka dambeeyay aan la helin dawlad dhexe oo soo celisa nidaamkii iyo kala dambeeyntii luntay.

Waxaana bulsho-weynta soomaaliyeed soo martay taariikh madoow oo buugga lagu qorey baalashiisu dhiig yahiin. 

Masiibada halakaysay dalka iyo dadka soomaaliyeed waa mid ay dadka soomaalidu gacmahooda ku keensadeen, waxaana ay si wada-jira ay qaranimadoodii ugu rideen ceel gundheer oo aan la gaari Karin. 

Waloow ay soomaalidu isku-day iyo dadaal badan u gashay sidii loo heli lahaa Dawlad soomaaliyeed, ayaa haddana waxaa nasiib-daradda ugu weyn ay ahayd iyadoo shirarkii hore ee soomaalida lagu soo dooran jiray hogaamiye ku-sheegyo cilmaani ah oo diinta ka maran, kuwaasoo qaarkood ahaa dagaal-ogayaal arxan-daran oo ku shaqeeya qabyaalad, waana arinta loo aanaynayo inay xaaladdu sii murugto mar walba. 

Waxaase ilaahay mahaddiis ah isla markaana ah guul usoo hoyatay shacabka soomaaliyeed in haatan Madaxweyne loo doortay mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Kaasoo aan rumays-nahay inuu wax ka bedeli karo xaaladda murugsan ee soomaaliya. 

Hadaba shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa la gudboon inay taageero buuxda siiyaan madaxweyne sheekh shariif si ay asagana ugu fududaato hawsha culus ee loo xilsaartay. 

Madaxweyne Sheekh shariif ayaa horey u kasbadey kalsoonida shacabka intiisa badan mudadii ay maxkamaduhu ka talinayeen qaybo kamida dalka, waxaana ay dad fara badan ku tilmaameen waqtigaas in madaxweyne shariif uu ahaa hogaamiyihii ugu macquulsanaa ee abid soo maray soomaaliya, waxaana mudadii maxkamadaha ee uu hogaanka hayay sheekh shariif ay shacabku dareemeen neecoow dawladnimo ,taasoo shacabka intiisa badan ku noqotay xusuus aan go,ayn oo lagu qoray baal dahabi ah oon duugoobin.

Inkasta oo dad fara badan oo aan anigu kamid ahay ay rajo-xumo ka qabeen in ay ciidamada xabashidu bixi waayaan,ayaa hadana waxaa mar labaad cirka isku shareeray kalsoonida iyo taageerada loo hayo mudane madaxweyne shariif kadib markii ay ciidamada xabashidu baxeen, taasoo uu sheekh shariif ku cel-celiyay inuu hayo cadaymo muujinayo in mar aan dheerayn itoobiya na dhaafi doonto. GUUL. 

Waxaa hadaba shacabka soomaaliyeed ee xalaasha ah la gudboon inay ka faa,iidaystaan fursadaan qaaliga ee ay heleen, taasoo ah inay maanta yeesheen hogaamiye soomaaliyeed oo da,yar oo aqoon sare u leh caqiidadda islaamka isla markaana ay ka go,antahay inuu wax u qabto dalka iyo dadka kaasoo waliba haysta aqoonsi caalami ah. 

Waxaa shacabka soomaaliyeed la gudboon inay gacmaha is qabsadaan oo ilaahay talo saartaan, kana gudbaan qabyaaladda iyo colaadaha sokeeye ee aan hadafka lahayn, isla markaana ka faaiddaystaan dhulkooda barwaaqada ah. 

Shaki kumo jiro in dhibka laga bixi karo haddii aynu isu naxariisano,iskana qabano cid walba oo nabadda caqabku ah oo dulmi wada, Isla markaana ku dadaalno ilaalinta midnimada iyo wadajirka. 

Eebe lagama quusto naxariistiisuna waa mid furan, maxaa wacay eebe isagaa quraankiisa kariimka ah ku yiri “ INA MACAL CUSRI YUSRAN”. 

Ugu dambayntii waxaan madaxweyne sheekh shariif ugu hambalyeeynayaa xilka iyo masuuliyada loo magacaabay, waxaana ilaahay ka codsanayaa inuu u fududeeyo oo uu noqdo midkii samatabixin lahaa dalka iyo dadka mashaqadu haraysay. 

Waxaana hadalkayga kusoo gunaanadayaa oo aan leeyahay madaxwene shariif:- KU CALEEMA SAARNAYE CAAFIMAAD KU NOOLOOW. 

Daahir Faarax Afdheere.

Email: gulan1969@yahooo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS