dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabkii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...

Maxaa hortaagan dawladda madaxweyne Shariif?

      Madaxweyne Shariif waxaa la doortay xilli baahi weyn loo qabo hoggaan leh karti iyo daacadnimo uu wax kaga qabto dhibaatada raagtay ee ku habsatay Soomaaliya dal iyo dadba. Qof walba oo leh wax uun cilmi ama caqli ah, ama leh dareen diimeed iyo dadnimo wuxuu arkayaa halka ay ku hoobatay bulshadii Soomaaliyeed, wuuna ka danqanayaa, fakar iyo dadaalna u yaraysan maayo sidii waxaas wax looga qaban lahaa. Iyada oo taasi ay jirto ayaa ninba waxqabadka dhinac ka arkaa ama jid gaar ah u maraa. Dhismihii dawladdii Carte waxaa la door biday in aan laga qeybgalin qabqablayaasha iyo kuwa sababay halaagga bulshada, iyaguna waxay wacad ku mareen inay majaxaabiyaan dawladdaas iyagoo kaashanaya Xabashida, wayna ka dhabeeyeen. Dawladdii lagu soo dhisay Kenya-na waxaa la goostay in qabqablayaasha iyo ciddii ay keensadaan mudnaanta la siiyo, iyadana  isla markiiba waxay u qalab qaateen sidii ay u wanjali lahaayeen, ugu dambayna waxay ku guulaysteen in ay magaceeda ummaddii ku xasuuqaan, iyadiina ay ka dhigaan naf ka dhawr.

      Haddaba madaxweyne Shariif oo isagu doortay inuu ka qeybgalo dawlad nooc seddexaad ah oo la isugu keenay qabqablayaashii iyo dad kaloo quman ayaa waxaa horyaal dhammaan caqabooyinkii ay la kulmi jireen madaxweynayaashii ka horreeyay iyo kuwo ka dheeraad ah. Caqabooyinkaas waxay isugu jiraan kuwo dibadda kaga imaanaya iyo kuwo dadkiisa iyo dalkiisa dhexyaal. Maqaalkaana waxaynu kaga hadlaynaa qaar ka mid ah kuwa ugu muuqaalka dheer caqabadahaas:

Caqabadaha gudaha:

  1. Dalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay 18 gobol. Toddobo iyo bar ka mid ah waxay hoos yimaadaan maamulada S/land iyo P/land oo labaduba sheegay inaysan khusayn waxa ka socda Jibbuuti, lixda gobol ee koonfur ka xiga Muqdisho waxaa haysta kooxaha muqaawamada ee ka soo horjeeda DKMG, inta soo hartay ayay dawladdu la wadaagtaa kooxaha muqaawamada ee kala duwan. Kala maqnaanta dalku waa mushkilad weyn oo aysan marna madaxweynayaashii hore ku guulaysan xalkeeda, madaxweyne Shrariifna wali sugaysa.
  2. Dawladda uu madaxda ka yahay madaxweyne Shariif waxaa xubno ka ah raggii soo fashiliyay dhammaan dawladihii hore, tusaale ahaan: Qanyare, Yalaxow, Caato, Moorgan, Hiiraale, X/kunaax, Shaatiguduud, Qaybdiid iwm, colaadda ay u qabaan madaxweyne Shariif  ayaana ka badan tay u hayeen madaxweynayaashii ka horreeyay isaga; maxaa yeelay waa ninkii ka xayuubiyay awooddii ay ku lahaayeen Muqdisho xilligii maxkamadaha. Waxaa isna madax ka ah baarlamaanka Aadan Madoobe oo si gaar ah ugu xiran Xabashida, ayna u adeegsan karto fashilinta qorshayaasha madaxweyne Shariif siday ugu adeegsatay C/laahi Yuusuf oo kale. Tan kale waxaa maamul ka ah magaalada Muqdisho oo ah halka ay dawladdu ka ambaqaadi lahayd raggii sida xun ula diriray muqaawamada iyo shacbiga magaaladaba oo ay ugu horreeyaan Dh/tuur iyo Nuur daqle iwm, kuwaas oo iyana caqabad gooni ah noqon kara, laguna tuhunsan yahay inay xiriir gaar ah la leeyihiin Xabashida. Xallinta mushkiladaani waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu culus ee horyaal madaxweynaha.
  3. Madaxweyne Shariif wuxuu dhaxlay tarikadii fooshaxumayd ee dawladdii madaxweyne C/laahi Yuusuf dad ahaan iyo nidaam ahaanba, taas oo taariikhda Soomaaliyeed baal madaw kaga jirta. Muuqaalka xun ee dawladdaas wuxuu caqabad ku yahay maamulka madaxweyne Shariif, inuu soo celiyo sumcadda dawladdana waxay uga baahantahay dadaal, waxaase caawinaya madaxweyne Shariif : Soomaalida oo dawladda u taqaan ninka madaxda ka ah oo kaliya.
  4. Caqabadaha waaweyn waxaa lagu dari karaa sidii loo heli lahaa xarun aamin ah oo dawladdu cagadhigato, ha ahaato golaha xildhibaanada ama golaha xukuumadda; maxaa yeelay ma sahlana dad garabrarato ah inay wax weyn qabtaan. Madaxweyne Shariif ma aha madaxweynhii ugu horreeyay ee mushkiladaan la soo daristo ee way la wadaageen dhammaan madaxweynyaashii la doortay burburkii ka dib, haba ugu nasiib darraado madaxweyne C/laahi’e.
  5. Dawladda wadaagga ah waxay ku istaagi kartaa in la dhiso ciidan isku dhaf ah iyo hay’ado dawladeed oo garabyada ku bohoobay iyo aqoonyahanka kaleba ka qaybqaataan, waxaase caqabad noqonaya sida wadaado dhawrsoon oo shaqadoodu ahayd sama faris iyo xumo reebis ay ula jaanqaadaan maleeshiyo indhaha ku kala qaaday dil, boob iyo dhac. Haddii isku dhafka ciidanku socon waayana waxay ka go’an tahay caga isku taagga dawladda. Taas waxay madaxweynaha uga baahan tahay xal si wacan loo darsay.
  6. Dadka dawladda ku jira ama taageeraya waxay u arkaan dawladnimada meel laga cooto; sidaa darteed haddaanu madaxweynhu helin xoolo aad u farabadan oo uu dadkaas ku quudiyo, kuna kala jiheeyo iyaga laftooda ayaa isu badalaya caqabad kale.

Caqabadaha dibadda:

  1. Beesha caalamka waxaynu uga baranay in ay taakayso dawlad kastoo Soomaali soo dhisato, ha ahaato taageeradii ay heli lahayd oo laga hor istaago ama ha ahaato in lagu furo mashaakil kale. Waxay mucaaradeen dawladdii madaxweyne C/qaasim iyo R/wasaare Galayr oo loo arkayay dawlad dimoqraadi ah oo si cilmiyaysan islaamka ula diriri karta, waxay kaloo taakeeyeen dawladdii madaxweyne C/laahi iyo R/wasaare Geeddi oo loo arkayay dawlad qabqable oo si bareer ah ula diriri karta islaamka. Taas waxay ina tusaysaa in aanu madaxweyne Shariif ahayn ninka ugu nasiibka badan taageerada beesha caalamka; maxaa yeelay waa Sheekh ina Sheekh ah oo ka soo jeeda usro diini ah, isla markaana hoggaamiyay kacdoon islaami ah oo gaalada la galay dagaallo waaweyn, ka horna Xamar ku jabiyay wakiiladoodii. Waxaa kaloo tusaya in aan madaxweyne Shariif ka nabadgalayn hagardaamada gaalada in ay la dagaalameen Xabashi iyo Maraykan isagoo aan ahayn madaxweyne Soomaaliyeed ee ah hoggamiye urur diimeed oo dalkiisa ka wada islaax iyo nabadayn, mana sahalana in ay u sugaan inta uu kaga guulaysanayo hanashada maamulka Soomaaliyeed.
  2. Xabashidu waxay caado ka dhigatay inay uruursato qabqablayaal ay ku burburiso dawlad kastoo loo soo dhiso Soomaaliya, ayna u tababarto maleeshiyo ay kula diriraan, haddana Itoobiya ma badalin caadadeedii ee waxay horay u sii kaxaysatay qabqablayaal waliba qaarkood ku jiraan baarlamaanka, waxaana ka mid ah: Barre hiiraale, Xaabsade, Max’ed dheere, Dabageed iyo guddoomiyihii gobolka Baay.
  3. Ciidamada shisheeye ee jooga dalka bad iyo berriba waxay dalka iyo dadkaba ku hayaan dhibaatooyin muuqda oo ay ugu horrayso xasuuqa dadweynaha iyo burburinta hantidooda oo ay caadaysteen, walina waxaa muuqata in kuwo kale la soo wado ha noqdeen African ama UN’e , taasina waxay ka hor imaanaysaa madaxbanaanida dalka iyo qaraarka masuuliyiintiisa, mana muuqato in talo badan laga weydiinayo Soomaalida arrintaas.
  4. Waxaan meesha ka marnayn inay jiraan dawlado ka urinaya inay dawladda madaxweyne Shariif xiriir la leedahay Itoobiya oo iyaguna fashilinteeda dan moodaya.
  5. Waxaasoo dhan waxaa isku fuuqsanaya inuu madaxweyne Shariif dhaxley mashaakil gaamurey oo 30kii sanoo ugu dambeeyay is dhalayey oo xataa haddii Soomaali oo dhan isku duuban tahay xallinteedu ku adkaan lahayd. Haddana waxaa muuqata inay dawladda kula jiraan raggii mashaakilkaan keenay, xal kastana hor istaagi jiray, isla markaana ay raggiisii dawladdaan isku aragati ka noqon waayeen oo aanu badankooda hiil ka haysan. Tan kale waqtiga ku meelgaarka ah ee la siiyay wuxuusan ku filnayn nin aan mushkiladi haysan iska daa nin waxaasoo qodxa ahi horyaalaane.

Maxaa la gudboon madaxweyne Shariif:

   Madaxweyne Shariif si uu wax uun uga hagaajiyo mushkiladda Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay inuu qaado tillaabooyin ay ka mid yihiin kuwaani:

    1. Inuu hadaf ka dhigto suu sharka jira u joojin lahaa ama u kala yarayn lahaa, ugana hortagi lahaa shar cusub, isla markaana in uusan isagu sabab u noqon keenista shar aan hadda jirin.
    2. Inuu saasoo kale ugu dadaalo kordhinta khayrka hadda jira iyo soo kordhinta khayr cusub, isla markaana uusan sabab u noqon joojinta ama yaraynta khayr horay u jiray.
    3. Inuu danta guud ee diinta iyo ummadda mar walba ka horraysiiyo danihiisa qof ahaaneed iyo danaha kooxdiisa ama reerkiisa, isla markaana uusan masaalixda istiraatiijiga ah ee diinta iyo ummadda ka dooran masaalix dhaw; maxaa yeelay dantiisa iyo tan xigtadiisu waxay ku dhex jirtaa danta guud, masaalixda dhaw ee ka hor imaanaysa tan guudna waa kabuubyo dhab ahaan dhibka sii kordhinaysa.
    4. Inuusan marna ka tanaasulin wax ka mid ah mabaadi’dii iyo ahdaaftii uu u halgamayay oo ay ugu horraysay hirgalinta shareecada oo ah waxa Soomaali ku aamintay oo ku raacday, uuna xoojiyo dadaalkii uu ku bixin jiray arrintaas, mana aha khasab inuu ku wada guulaysto hirgalinta ujeeddooyinkiisa oo dhan inta uu madaxweynaha yahay ama uu noolyahay ee haddii uu qaarna fuliyo, qaarna uu soo dhaweeyo masaafadii ay jirtay oo ay dadka ka dambeeya dhammaystiraan waa khayr.
    5. inuusan tarikadii xumayd ee uu ka dhaxlay madaxda Soomaaliyeed ku sii darin xumaan kale oo sunna noqota, sida: in magaca diinta dadka loogu kala sooco kacaan iyo kacaan diid ama reer hebel iyo reer hebel; maxaa yeelay madaxweyne faajir ah ama qabali ah dadku xumaan oo dhan way ka fishaan, nin magac diimeed xambaarsanse looga qaadan maayo. Dhinaca kale ninka sumacddiisa iyo aakhiradiisa ayaa uga muhiimsan inuu maalmo ahaado madax la nicibyahay oo habaar iyo haydaarto aan ka harin la isugu daro.
    6. Inuu iska fogeeyo Xabashida (khayrkeeda ha isu qabtee) ; maxaa yeelay waxna u tari mayso adduun iyo aakhirona way seejinaysaa ciddii dabinkeeda ku dhacda, madaxweyne C/laahina tusaale ku filan. Midda kale bulshada Soomaaliyeed marna kahyr ka fialan mayso, il kalsoonina ku eegi mayso wixii xagga Adisababa uga yimaada, kan ka soo qaaday haba noqdo mid tukada ama ha ka keeno salaam 114ka Qur’aanka ah!. 
    7. In uusan saaxiibadiisii daacadda u ahaa ka dooran saaxiibo cusub oo shalay cadaw u ahaa, walina aan la hubin inay daacad u yihiin, uuna u tanaasulo, awooddiisana isugu geeyo siduu ula heshiin lahaa oo waxa ay gansadeen uga saari lahaa; maxaa yeelay iyagaa doortay oo soo hormariyay. Tan kale mushkiladda Soomaaliyeed ma xallin karaan dad aan daacad ahayn oo aan isku kalsoonayn, madaxweyne Shariifna heli maayo raggaas oo kale. Waxaa intaa dheer inay yihiin awood taagan oo aan la dhaafi Karin. Heshiiska dadka ay is hayaana uma baahna Ilaahay ka baqa oo isu sabra kaliya ee wuxuu u baahan yahay in dadka ay masaa’ilka diinta ah isku hayaana culimo dhexgasho oo labada dhinacba u hoggaansamaan xaqqa, kuwa ay jagooyinka isku hayaana ay barqo cad la qaybsadaan!.
    8. In madaxweynaha iyo kuwa la jaalka ah ay joojiyaan erayada iyo falalka isaga iyo saaxiibadi ka dhex abuuraya colaadda iyo kala shakiga, sida: xagjirka iyo nabad diidka. Taa macneheedu ma aha in aan tuhmada gaalada ee dulmiga ah la iska difaacin ee waxa weeye in uu ogaado inay erayadaan ahaayeen wixii uu kula diriray kooxdii Ashahaada la dirirka. Tan kale dadka hadalkaan loo jeedinayo (waa gaalada iyo waxa la afkaarta ahe) iyagaa ka diin xun kuwa la leeyahay waxbaa laga qabanayaa, waxaana dhici karta in saaxiibadi u qaataan in uu hadalkaas ku raalligalinayo gaalada ama uu qandaraasba ku soo qaatay sidii uu iyaga u dhibaatayn lahaa. Waxaa kaloo xusid mudan inay muqaawamadu (kooxeheeda kala duwan) sugtay nabadgalyada dhulka ay ka hawlgasho oo dhan oo aysan mudnayn in lagu tilmaamo nabad diid, madaxweynuhuna wuu ogyahay inay dawladdiisa ku jiraan dad badan oo la isku raacsan yahay inay nabad dile yihiin.
    9. In uu u hawlgalo saarista gaalada joogta dalka, sababna aanu u noqon keenista kuwo kale oo isa sii raaciya wixii ka haray xasuuqii Xabashida iyo ku meelgaarkii isaga ka horreeyay.
    10. In aanu horseedin, kana qeybqaadan colaad sokeeye oo leh magac diimeed ama magac beeleed, awooddiisana uu isugu geeyo siduu uga hortagi lahaa iyada iyo asbaabteedaba, sida: in beelnimo lagu takooro qaar ka mid ah ragga ay is hayaan, raggaas oo maalintii xaalku xumaa aad loo jeclaa!. Tan kale madaxweyne Shariif kuma qumana inuu ka hoosdhoco madaxweyne C/qaasim oo halkudhig ka dhigtay inaanu colaad daakhili ah hurin, kana dhabeeyay.

Qoraalka xiga: Xabashi maxay inooga adkaatay?

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS