SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sh Shariif labada lugood ma ku dhagnaa? Sideenii?

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alxamdu Lilaah wassalaatu wassalaamu calaa rasuuli-laah.

Maqaalkeyga waxaan ku bilaabayaa su'aal tass oo ah Horta Soomaalidu sideedaba Dowlad ma rabaan? Waxaan filayaa in tahay sua'aal sahlan laakiin jawaabteedu ay adag tahay. Suaashaas Jawaabta qura oo aan u helay waxay tahay Soomaalidu Dowlad waa rabaan mana rabaan.
Dowlad waa rabaan oo markay maqlaan waxbaa la soo dhisay sawaxan, isu soo bax & xabbado kor loo rido ayaa la isku daraa Soo dhawoow & Mudane Madaxeyne waa kalmadaha ugu horeeya. Dowlad ma rabaan oo markii maalmo jirto oo xiisuhu dhaco Madaxweynuhuna magiciisa & sawirkiisu naga badbato cadaawad ayaan u qaadnaa meel ay ka timid aan la gareneyn. Markii Dowlad la dhiso xaflado kharash badan ku baxo ayaan qabanaa haba ugu weynaadaan kuwa caalamka lagu qabto habeenkaa waa mashxarad boodbood & Soomaaliyeey toosooy toosooy isku tiirsada hadba kiinii tag daran taageera weligiin , laakiin markii xafladdu dhammaato intaan guryahaba la gaarin, ma u jeeday hebel kaas caadifad qabiil ayaa ka buuxda aniga caawa ayaanba tufay Madaxweynaha markii uu hebel taageeray, waxan dowlad maaha, & in ay shaqeyneyso uma maleynayo & kuwo kale oo faro badan ayaa jidka lagu sii maraa, subixii haddii lagaarana falanqeynta xafladdii xalay ayaa lagu shaaheeyaa.

Markii Dowladdii Cali Mahdi ee Jabbuuti la soo dhisay sanadkii 1991-dii, waxaan goob joog u ahaa iyadoo boorka laga jafay wasaaradihii Soomaaliyeed, nin walba wuxuu habeenkaa ku seexday subixii ayaad shaqo tegi iyo halkee wax ka bilowdaa. Iskuuladda caruurta ma u kalihi saaka? & su'aalo intaa ka badan ayaa la is weydiiyay. Inteyan Jabuutiba soo dhaafin waxaa weeraro ka dhaceen xaafado Muqdisho ka tirsan, reer habel ayaa meeshaa la wareegay ayaa noo xigtay, la arag inaysan waxba ka soo naasa cadeyn markii daryanka madaafiicdu meel walba oo Muqdisho ah ka yeertay qof walbana candhuuftii ayuu dib u liqay,. Waxaa xigtay tii Carta caalamka oo dhan ayaa la isaga yimid ma u maleynayo inta waagaa cida is laheyd Dowladdan ma shaqeyn doonto ay toban ka badnaayeen, culumo, & caamo cidi kama maqneyn, sii soco & soo soco safar ma yareyn, waqtiga halkaa lagu lumiyay & kharashaka ku baxay waxaanba is-oran karnaa gobolo waa dhisi lahaayeen, Soomaalida iska daaye caalamka ayaa ku haminayay in Soomaalida Fowdada ka baxayso hadda. Dabadeed Wixii dhacay dhagahaa faraha la gashaday.

Shir-ba shir ka darane waxaa ka dambeeyay kii Embagathi & Eldoret muddo ka badan labo sano ayaa shirkaa loo fadhiyay, lacagta baxday malaayiin Doolar wey aheyd hadii aysanba balaayiin gaarin , cid walba oo meeshaa fadhiday ama dibadda kala socotay waxaa la saadaalinayay cidda ku guuleysaneysa halkaa oo ahaa Madaxweynihii is -casilay. dadku waxay sidaa ugu odorasayeen isagaa wax maamul soo dhisay meesha ka fadhiyay, waxaana la is lahaa kanna wuu habeyn.

waa iska rajo adduune raggii halkaa isugu tagay ee xukun raadiska ahaa waxay doorteen qofkii awalba la filayay. Markii doorashadii dhammaatay meel walba damaashaadku is qabsaday, adduunkana xaflado lagu soo dhaweeyay Soomaaliyana qoryaha darandooriga u dhaca & Zuu loogu ololeeyay illeyn hoolal ay xafladu ku qabtaan ma heystaane, yaase ku dhaca in habeen la damaashaado Soomaaliya gudaheeda. Waxaysan dadku is weydiin Dadkii awalba kuwii hore ka shaqeyn weyday ma dhamaadeen? Waxaaba noo xigtay xaggee Dolwaddaasi sal dhigan, & hebeloow adigu soo dhawee oo Magaaladaada u firaash. Sow tii shalay loo mashxaraday maxaa is badalay amakaag & yaab ayay noqotay. Show Soomaalida aqoon fiicanba isuma laha..

Shalay waxay aheyd Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maanta waxaa noo cusub Dowladda Midnimo qaran sida magac loo doorto ama loo sameeyo alle waa na baray waxa nooga sii hooseeyana waa eber. Magicii Federaalka ma laga tanaasulay , yaase u codeeyay in laga tanasulo sowtii shalay la isku raacay maamul Federaal ah? goormaa dowladdii jirtay burburtay waxaan ogeyn in Madaxweynihii is casilay oo kaliya haddiiba dowladdii burburtay sow in la sheego ma aheyn? Wuxuse goormay sharci noqdaan? Dowladse ma la dhisi karaa iyadoo mid jirto waxaaba aday kula weyn yihiin. Annagase waxba nooma aha.
Haddiiba sharciyadaa gadaal laga tuuray oo Madaxweyne cusub la magacabay, weli arini fari kama qodna dabaysha cadaawadduna waxay bilaabataa marka Raiisal wasaare la doorto, dabeedna uu Raiisalwasaarahu wasiirada dhiso, cidi annaga ma nooga jirtaa wasiiradan?see reer hebel intaa ku heleen annagana hal wasiir naloo siiyay waxaas macquul maaha, wasaaradda Maaliyadda reerkee la siiyay? Waxaas oo dhan waa dhiman yihiin. Burburkana waa ka koow.

Maalmahaan waxaa socday damaashaadyo & xaflado meel walba oo caalamka ah oo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Sh Shariif, niyaddu fiicanaa haddii hoos loo sii daadago-na xumaa, dadka qurbaha u qaxay qoloba qolada kale yeysan kaa xaflad wanaagsanaan ayay sheekadu u muuqataa. Sidaan horey u sheegeyna habeenkaa nalama dhaafto. Haddaba Soomaali waa Soomaaliye dowlad in aan helnana waa rabnaa mana rabnee, waa rabnaa oo caalamka oo dhan dowlado ayaa ka jira nidaam & kala dambeyn markaan aragno niyaddaa na dhaqdhaqaaqda mana rabno oo sida Dowlad loo noqdo waxba kama naqaan awalba reer guuraa ayaan iska aheyn addunkana waa nalaga yaqaan. Xitaa kuwa qurbaha yimid oo nidaam & kala dambeyn ku hoos nool in ay waddan ka soo qaxeen maba oga, ama in uu waddan ka maqan yahay & in kale adaaba og. wuxuu u yahay oo keliya meel loo dalxiis tago marka jeebka xoogaa laga dareemo. Qoralkeyga caawa waxaan ku soo gabagabeynayaa shinbiro barde kama quustaan annaguna siyaasadda Soomaalida kama quusanno waxaan sugnaaba waa Sh Shariif oo lugaha lagu dhago illaa aakhirkii meeshii ay kuwii ka horeeyay mareen uu maro haddan Alle naga soo gaarin, illeyn caqli kale meesha kuma heynee.

Farah Warsame
Melbourne Australia
Bile1971@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS