SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Caqabadaha hortaagan dowladda Sh Shariif Sh Axmed

W/Q: Maxamed Cilmi Dhicisow

Nairobi - Kenya

Email: elmi_0@hotmail.com

Markii lagu dhawaaqay in madaxwaynaha umaadda soomaaliyeed loo doortay Sheikh Sharif Sheikh Ahmed waxaa isla markiiba soo baxay mucaaradad xooggan iyo hanjabaado ka imaanaaya madaxda xoogagga muqaawamada Soomaaliyeed qaar ka mid ah oo wacad ku maray iney la dagaalamayaan dawladda Sheikh Shariif iyo in ay dagaal sii wadi doonaan.

Hadaba dadku waxay ka war sugayeen Jawaabta uu ka bixinaayo madaxwaynuhu in kastoo uusan ku bilaabin hanjabaado iyo afla gaadooyin sida looga bartay madaxdii dawladii hore hadana muusan muujin wax muuqda oo la dhihi karo way dajin karaan xasaraddaha taagan sida dadka qaar ay aaminsan yihiin, isagoo mudan in lagu amaano in uu ilaalada madaxtooyada ugu baaqay iney wax jawaab ah ka bixin duqeyn loo geystay xilli uu ku sugnaa Madaxtooyada.

Sheikh Sharif wuxuu sheegay iney dawladdiisu ku dhaqmayso diinta islaamka, haddana dastuurkii lama badalin,taas bay dadka qaar waxey u baahan yihiin in loo sharaxo, wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uusan ciidamo shisheeye keenayn kuwa hadda joogana uu saaraayo, taas waxaa been ka dhigay midowga afrika oo sheegay in ay ciidamo soo wadaan iyo markabka hubka sida ee kusoo xirtay dekadda Muqdisho.

Dadku waxay aad u quud daraynayeen in madaxwaynuhu la kulmi doono mucaaradkiisa ama la xiriiri doono, inkastoo uu balanqaaday inuu la hadlayo kooxaha hubeysan ee mucaaradka ku ah xukuumadiisa,hadana

waxaa wali meesha ka muuqda in aysan jiran wax isku soo dhawaad ah iyo heshiis la taaban karo oo dadka reer muqdisho ee qax kasoo daalka ah ka baajin kara qax kale.

Dadka qaarna waxey niyad jab ka muujinayaan sii kala fogaashaha Sh, Shariif Sh Axmed iyo saaxiibadiis horey ay usoo wada halgameyn siddii maxkamadaha ay dalka u maamulilahaayeen, waxaa dadka qaarkiis dhaliileen kuna tilmaameen waxaan dhici karin isku dhafka muqaawamada iyo ciidanka dawladda iyada oo aan la hayn ama aan lala hishiin hogaankii sare ee muqaawamada, inkastoo ay maxkamaduhu faracyo bateyn islamrkaasna garabka Shariifka taageersan ay la midoobeyn ciidamada Dowladda.

Markii la eego caqabadaha hortaagan iyo dadaalkiisa oo ay dadka qaar ku sheegeyn inuu yahay mid daalan, Dawladda Sheikh Shariif inkastoo ay ku shaqaynayso dastuurkii hore, hadana waxaa ku jira aqoonyahano farabadan iyo dad badan oo aqoon u leh dawladd iyo maamulkeed, waxaa ku jira rag badan oo diinta aqoon u leh, waxay ka yimaadeen qabiilladda soomaaliyeed oo dhan, iyadoo la ogsoon yahay inuu heysto taageerada in badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.

Hadaba isagoo ka faa’iidaysanaaya fursaddahaan waxaa looga baahanyahay inuu xoogga saaro si uu xal ugu heli lahaa caqabadahan, iskuna dayaa inuu ka dhaadhiciyo Baarlamaanka iney

dastuurka ku baddalaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, magaca Jamhuuriyaddana ka dhigo JAMHUURIYADDA ISLAAMIGA SOOMAALIYEED.

Waxaa hubaal ah inuu helaayo taageerada shacabka Soomaaliyeed oo dhamaystiran, sidoo kale waxaa khasab ahaan doonta in madaxda muqaawada oo hadda laf dhuun gashay ku ah dawladdiisa in ay nabad qaadanayaan, haddii xitaa aysan nabad qaadan waxaa markaas meesha ka baxaysa mawqifkoodii ahaa ku dhaqanka shareecada Islaamka ee lagu taageeray, waxeyna luminayaan taageerada shacabka ay iminka ka heystaan.

Haddiise uu Shariifku ku adkaysto in dastuur lagu dhaqmo iyo inuu ku ekaado saaxiibadiisa cusub ee dawladda uu madaxda u yahay, waxaa taagnaan doona mucaaradada hadda lagu hayo, waxaana imaandoona in qaniinyada cadowga dawladdu badan doono Dal iyo dibadba.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS