SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Bilataye Maxaa Dan ah?

W.Q: Mohamed Omar Halane..

31 kii bishii janaayo ee sanadkaaan aynu ku jirno waxay ahayd maalin weyn oo soo martey umadda soomaaliyeed ayadoo dhamaan idaacadaha caalamku wararka ugu waa weyn ka dhigeen baarlamaanka soomaalia oo madaweynaha DKMG u doortey Shariif sh Axmed, doorashadaas oo ka dhalatey wada hadaladii iyo dib u heshiisinti muddada ka sacotey dalka jabuuti ee u dhaxeysay DKMG ah iyo Isbahaysiga dib u xoraynta soomaaliya. Guud ahaan jawiga doorasahada ayaa ahaa mid aad u dagan waxaana muuqatey baahida loo qabey in mar uun la maqlo ninka soomaalia hogaamin doono waqtigan adag.

Hadabada waxaan jeclahay inaan Qormadan ku eego Doorashada Madaxweynaha kadib maxaa dan ah? Shacabku muxuu uga fadhiyaa madaxwaynaha cusub? waa tee Dowlada aan dooneyno?maxaa la gudboon Wadaadada soomaaliyeed xilligan iyo arimo kale.

Inkastoo ay adagtahay in faalo sugan oo dhab ah laga bixiyo Xaalada Dalku hada ku jiro oo ay bateen Isbabadellada Siyaasadeed, haddana waxaan shaki ku jirin in maalmaha soo socda ay xanbaarsan yihiin wax badan oo cusub. Aad looma saadaaalin karo maxey yihiin waxaas nagu cusub ee soo socda muxuuse la imam doona Waaga cusub ee baryey?

Si kastaba ha noqotee dadka soomaaliyeed wuxuu ka daaley dhibaatooyinka faraha badan ee muddada dheer Dalka ka jirey,wuxuuna u baahan yahay dowlad wax ka qabata arimaha murugsan ee hadda taagan.

Soomaalia in Dowlad loo dhiso waxey noqotey wax caadi ah laakiin waxaase wax adag noqotey in Dowladaasi Dalka ay ku soo dabaasho Nabad galyo.

Dowladdan ka hor waxaa la dhisay Nidaamyo kala duwan dhamaantoodna waxaa wiiqay arrimo badan oo ay ka mid yihiin khilaafaadka aan dhamaan , shacabka Soomaaliyeed oo an sidii la rabey ula duuban,faragalin dibadeed iyo arrimo kale.

Dowladan cusub waxaad moodaa inay ka duwan tahay kuwii hore ayadoo heysata Taageerada Caalamka ayadoo ah Dolwlada ay ku mideysan yihiin Mucaardakii iyo muxaafidkii, ayadoo timid xili baahi badan ay jirto oo dhiig badan oo Soomaaliyeed daatey,meesha lagu doortey oo ah jabuuti oo micno qiimo badan leh,Madaxweynaha uu lagu tilmaamey inuu yahay nin Munaasib ah waqti ku Haboona yimid ,arimahaas iy o kuwa kale yaaa guulo u noqon kara maamulkaan cusub.

Caado cajiib ah ayey lahayeen Hogaamiyaasha kooxuhu oo ahayd iney yiraahdaan haddaan aniga ley dooran ha lagu kala tago ama aan qabiilkeyga xubintaas la siin..waa Siyaad khaldan sida ay cadeeyeen raggi ku shaqeyn jirey, mana ahan in ay maanto bilaabato hadii aynaan ku jirin ha lagu kala tago iyo waliba wajiyo cusub. Taas ulama jeedo in la helo Dowlad aan Mucaarad lahayn mana dhici karto arintaas laakiin waxaan rabaa inaan bilowno waji cusub oo aan ku macaaradi karno nidaamka jira oo aan ahayn ( Hoobiye).

Hadda ka dib waxaa muhiim ah inaan hal dhag wax lagu maqal waana in la muujiyo Tanaazul iyo wadaniyad.xabbadda aan isku rideyno iyo Hoobiyaha waxaan u baahanhay inaan ku wajahno Cadowgeena ,wiilasha tababaran ee loo carbiyey dagaalka aad ayaa loogu baahan yahay si xuduudaha Soomalia looga ilaaliyo damaca cadowgeena. Hadii aad wax tabaneyso Shariif ayaa Madaxweyne ah oo ah nin lagu sheego inuu yahay mid qanciya cid kasta uma baahnid inaad isticmasho qori, Cod ayaad ku heli kartaa Xuquuqdaada.

Soomaalia waxay ubaahan tahay badbaado Aduunyaduna nooma howl la'a xiligii aan kooxo noqon lahayn lama joogo ,isku duubni ayaan u baahanahay , Nabad ayaan u baahanahay Tacliin ayaan u baahanahay, Magaceenii iyo Sharafteenii inan soo celinno ayaa muhiim ah. Waana inaan ka gudubnaa Hebel ayaa sidaan ah iyo Hebal ayaan rabaa. Waxaan dooneynaa talo ,talo suuragal ka dhigta in dib loo dhiso Qaranka dagaal waan ka daalney, taageero aan u heyno hogaamiyaasha aan isku heybta nahay waan ka daalney , waxaa dan ah in loo gudbo Qaran waxaa dan ah in la heshiiyo oo aan daaweyno hibashada.

Shacabku waa inuu garab istaagaa Dowlad kasta oo loo arko iney Dalka Cadaalad iyo Horumar kusoo dabaaleyso,waxaa dabiici ah dagaalo iyo inuu bur bur dhaco laakiin wali lama arag mushkilad aan Dawo lahayn,waxaana jirta meesha ay dagaaladu ku dhamaadaan ayey Xadaarada iyo Horumar Bulshadeedku ka bilowdaan.

Dowladda Cusub:

Tilmaan uma baahna lakiin waa inay qaaddaa tubta dib u heshiisiinta oo ah sida uu shariif ku yimid xilka uu maanta u hayo shacabka.

Dowladdu waa inay ballan qaaddaa in aysan cidna la dagaaleyn, Hadii in ay shacabka dhibaatada ka saarto loo doortey waa inay ku dadaashaa inaan dhib danbe gaarin shacabka.

Dowladda Shariif waxaa looga fadhiyaa inay noqoto dowlad shacabka aan uga sii darin ,dowlad gudaha wax weyn ka badasha dibadana Aqoonsi leh.

Madaxweynaha cusub waa inuu ogaadaa inaysan Soomaalia deeqin kuraas loo qeybiyo xataa haddii golaha Wasiirada laga dhigo 100, cid baa ku qadeysa baarlamaanka haddii tiradiisa laga dhigo 1000 cidbaa ku qadeysa shacabka soomaaliyeed kuraas ma deeqdo laakiin caddaalada ayaa deeqda , Madaxweynuhu waa inuu ogaada inay soomaalia ku dhex jirto badweyn Hirarkeedu kacsan yihiin waxaana laga doonayaa inuu noqdo Doontii Badbaadada oo seebab lagu dabaasho leh si loo samata bixiyo dalka iyo dadka.

Waano

Waxaan u soo jeedinayaa mucaaradka gaar ahaan xoogagii ka qeyb qaatey in Dalka dib loogu soo celiyo xuriyadiisa inay fahmaan arimahan:

1-Nidaamkan hada curtey waxaa hogaan ka ah nin wadaad ah oo fahmaya danaha diinta iyo dalka sheegeyna inuu doonayo inuu sharciga Islaamka manhaj ka dhigto , shariifku wuxuu ku yimid ayadoo la ogaadey inaan la hareer mari Karin kaalinta maanta ay wadaadadu ku leeyihiin bulshada dhexdeeda ,hadiise aan dhamaan dooneyno kursiga madaxnimo(Darmo Hagar Sagaare ah isku deysta mooyeee is dul buuxsha laga wacan)waxey ila tahay inaan fursadaan la dayicin.

2-waxaa loo baahan yahay inaan gaarno biseyl Siyaasadeed oo waaqici ah mana ahan inaan isku ekeysiino sidii dad ku nool (Mariikha),waana in la ilaaliyo dhex dhexaadnimo iyo dareenka Masuuliyada Ilaahey hortii.

3- Gafka uu wadaadku galo wuu ka duwan yahay kan qofka caadiga ah , asagaa laga rabaa inuu wax saxo maahan inuu isagu hormuud u noqdo Kharbudaada.

4-hadii diinta iyo Dowladnimada aan ku Midoobi weyno waxay ay ka dhigan tahay inaan Soomaalia oo dhan ku dukano Salaadii Janaazada.

Gaba gabadii waxaa muhiim ah inuu shacabka Soomaaliyeed Aayihiisa fahmo , Dowladda la'aanteena ma jirto wax ugu xumaanaya shucuubta kale ee aduunka.Anagaa u baahan inaan Dowlad ahaano,waa inaan u guntana sidii Qaranka aan Dhidibada ugu Aasi lahayn, soomaalidu waa inay aduunyada u muujiyaan inay Nidaam Dowladeed hanan karaan..

Waxaa Qoray:

Max'ed Cumar Xalane

Oo Wax ka qora Arimaha Siyaasada Iyo Dhaqanka

Waxaa soo tebiyey:

liibaan cabdi cali <hayaan_8@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS