SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Wasiirka Kowaad Hambalyo Iyo Ninki Yimaadaba Eed Looma Waayo

Magacaabisti Ina Cabdirashid ka hor ,Madaxweyne wasiirka koowaad ha ka dhigin nin ay ay qaraabi yihiin Col Cabdullahi Yusuf, wasiirka koowaad ha ka dhigin nin ay reer woqooyiga ka caroonayaan sidi ina Siyaad,wasiirka koowaad ha ka dhigin nin waqtigan adag aanan wax la wadaagi Karin xoogagi muqaawamada.wasiirka koowaad hadii la magacaabay keddib, weli waxaa socdo eed looma waayo nin Soomaliya. hadalki waa meesheesi iyo ninkan sow maahan reer hebel.

War yaa laga dhigaa wasiirka koowaaad intaaba haddii aanan laga dhigin,waa su'aal ka jawaabayso inta badan kooxaha ,shaqsiyaadka iyo talo soo jeediyayaasha guud ahaan in aynan daacad ka ahayn soo dhoweynta madaxweynaha gacanta midigna ugu fidiyay shareecada Islaamka ayaan wax ku wadaagaynaa ,gacanta bidixna ugu fidiyay nabad ayaan idiin sidaa ,ama dhinaca kale haddii aan u dhigno dhamaan dadkan intooda badan talooyinka nuucan ah u soo jeediyay madaxweynaha, waxaad is-leedahay waxaynan fahamsanayn dowladnima iyada maxay tahay iyo maaanta maxaan kaga kori karnaa dhibatadi waddankeena ka aloosnayd labaatan sano oo gadaal inoo dhaaftay.

Inti aanan dhisin ayaan duminta ka hormarinaa ,saxaafadi badankeeda in wax la dhisa ma ogolo,odayaashi dhaqanka maba fahansano maxaa loo heshiiyay iyo maxaa laga heshiiyay haddii aan howsheenaba ka bilaabayno annaga teena ha la yeelo,waxgaradki badankooda waxay ku howlan yihiin mansabkee ayaad ka helysaa qeybinta qaalinta dandaraysan gawraceeda keddib.culamadi waa laba nuuc, mid gartay dhibka in looga gudbi karo iyada oo la-iskaashado, gacmahana la is-qabsado iyo mid ka careysan in uunan isaga noqon ninka talada dalka iyo dadka Somaaliyeed laga weydiinayo.

Sidee wax naga yihiin, war ummadyaheey aan isu caqli celino ,ka kaalaya isku dayida nin walba in uu isaga ahaado mid taladiisa lagu shaqeeyo ,aan isu qeybino koox taliso ,koox taladaas ku shaqeyso samcan wadaaca iyo koox ku seexato in ay danaheeda guud ka shaqeyntooda ku aaminaan labada koox ee hore.

War adiga miyaadan is xasuuqin ,war naga daaya aniga oo kaliya ayaa wax xisaabinaya,annaga danbigeeni xalay dhalay ha laga yeelo.dadka kalana ha ahaado eed kaama harto.

Soomaali weyn ma isweydiinay, miyaanan u sinayn Barakicin, dandaro, dhiig u daado macna la'aan, dumin, dagaal aan dhamaan. Dulmi joogto ah ,boob aanan xad lahayn, gef aanan loo-meel dayin,hogaamiya xun, oday jeeblaa,culimo caamigooda la tashato, aqoonyahan hunguri ku jin ah iwm waxaa xun oo dhan.

Hanbalyo ayaan ku leenahay wasiirka kowaad ,waxaana ku leenahay horay u tilaabso, ammaan aad heshana afkaada iyo adinkaada kaagama horeeyso, aakhira wacana waa camal wanaagsan sida aad ula timaado, iyadana haddii uu jiro nin Soomaaliya oo denbi tirsanaayo, waxay ahayd in aan adigana kuugu baaqno, iska ilaw wixi horay denbi uga dhacay wadankeena. ilayn dhib innogama horeyn dilki gardarada ahaa ee Aabahaa loo geystay.

Danbigaa Yaa geystay ha weydiin waqtigan xaadirkaa , maantana yaa isheysto gadaal ha ugu noqon ,howl badan ayaa lagaa sugayaa ,waxaa lagaa rabaa sidi aad u raali gelin lahayd nin rabo in uu kuugu xisaabiyo denbi nin kale geystay ,haddana rabo in aadan wax ka weydiin denbigi uu isaga geystay iyo mid rabo in aad ahaato gacantiisa midig ee uu kaga aarsan lahaa nin uu isaga denbi ka galay ,denbigi uu isaga galayna aanan doonayn in wax laga weydiiyo. war iyo dhamaantiis dadka laguu doortay u adeegidooda waa wax is-maandhaanto doonayso in ay hore u socoto markay hadlayaan, haddana ficilkooda yahay yaanan horay loo socon gadaal maahine . Mudane cilmiga aad baratay iyo khibradaada ku howl gal ,garabna ka dhigo dadka aad ku tuhmayso doonista in dalkeena iyo dadkeena mar kale lugahooda dib ugu istaagaan.

Mudane Cumar Cabdirashid, eed ha ka gelin ummaddan maanta kuu doortay wasiirkooda koowaad ,hana ku seexan in iyaga ay eed kuu weynayaan ,balsa ku seexo samir iyo maamul wanaag in aad la timaado,taa ayaadna kaga korayso xumaan ,waddankan iyo dadkiisana kaga qaadaysaa ilaahey idinkiis meel siloon oo aan annagga isgaarsiinay.

Waxaan safxadaha Soomaalida midkooda ka aqriyay maanta nin maqaalkiisa cinwaan uga dhigay "-"Kuwii Maatadeenna Xasuuqay in aan Xamar ku soo Dhaweeyo Xabaal baan ka Xigaa, Xabbad baa inaga dhexeysa Duulkaas " warkaan hoos u fiiri, keddibna isweydii ninka yuu la dagaalsanayahay ,jawaabta waa sahlantahay markaad dhanka caqligaa ka fiiriso ,wuxuu la dagaalsan-yahay siduu isagaba sheegay kuwii dadkiisi xasuuqay. Haddana mar kale u noqo hadalka, adiga oo dhanka kale ka fiirinayo, waayo iyaga kuwa uu ku sheegay in ay dadkiisa xasuuqeen, wuxuu ula jeddaa taageerayaashi Col Cabdullahi Yusuf oo iyaga kaashanayay Tigree" haddaba aan isweydiino taageerayaasha Col Cabdullahi Yusuf goormay yimaadeen Muqdisho, Tigreedasa ma isaga kaliya ayaa soo horkacay, ka horsa yaa dadka Muqdisho xasuuqa u geysan jiray. Jawaabta iyo isu caqli celinba waxaan u daynayaa Aqristayaasha Soomaaliyeed ee qoraalkan,waayo ninkan waa iga yaabiyay mar wuxuu leeyahay soo dhoweysan maayo kuwi dadkayga xasuuqay ,marna kama hadlaayo kuwa uu haddaba baalka ku haysto oo dadkiisa xasuuqay ,waxaasa wax walba ka daran dadkan uu leeyahay ama ula jeedo in ay dadkiisa xasuuqeen ,horta iyaga miyaynan ahayn dadkiisa ama Soomaaliba waa su'aal kale.

Mudane qoraalkayga wuxuu ku aadan yahay in aan kuugu Hanbalyeyno iyo in aan kuu sheegnaba kuwa kuugu riixayo denbi aadan weli gelin iyo kuwa kuugu soo dhoweynayo ina addeernimo in ay labada kooxba ka buuxaaan kuwi Soomaaliweyn libaax mudda qaajeysnaa afka u geliyay, kolki afka libaax laga soo celiyayna weli u heelan Soomaali in ay ka yeelaan dad lagu maadeysto, wixi xun oo dhanna looga dhigo mathal aanan na qaban.

Mudane mar kale waxaan ku leenahay dowlad iyo dad isku duuban ayaa wax dhiso ,dad isu sabro ayaa waxaa dhiso ,dad doqonkooda wacyi geliyo ayaa wax dhiso ,dad adeegooda cadaalad iyo sinaan ku saleeyo ayaa wax dhiso ,intaa iyo in kalaba waa la idinka sugayaa adiga ,dowladaada iyo madaxweynahaadaba.14/02/2009.

Abadallah Moallim Mahamud.(Cabdullahi Siyaasi).

Moallem10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS