SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Melas Zenawi hadaladiisa aad moodo inuu jahwareer iyo walaac ka qaaday jabkii ciidamadiisa dagaalka Soomaaliya.

Raisal wasaaraha dowlada Ethopia Eto Melas Zenawi ayaa asbuucyadii la soo dhaafay ka sii daayay ideecadaha gudaha iyo dibadaba wareysiyo kale duwan uu kaga hadlaayay xaalada dalka Soomaaliya ku sheegay hadalo badan oo is diidan isla markaana aanan ku hadli karin qof miirkiisa jooga oo hadana sheeganaya inuu yahay hogaamiyaha dal.

Melas Zenawi oo aan hore uga baranay inuu saxaafada u sheego warar aan sax ahayn, hadalada aan hore uga baranay waxaa ka mid ahaa waayadii hore sidatan:
Ciidamada Ethopia gudaha Soomaaliya kuma jiraan biloowgii 2006, markaas oo ay Baydhabo ku sugnaayeen sida uu wariyaha BBC- da ku sheegay ideecadaha caalamka mar ay booqasho ku tageen Wafdigii Midoowga Yurub ee uu hogaaminayay Luis Micheal.

Ciidamadeena todobaadyo gudahood ayay dalka Soomaaliya ugala soo baxaynaa.

Ciidamadeena waan kala baxaynaa degdeg mana suugayno inta ciidamada kale imanayaan.

Ciidamadeena waxay dalka ku soo galeen inay gacan siiyaan dowlada ku meel gaarka ah.

Ciidamadeena waxay dalka u soo galeen inay dalka Ethopia ka daafacaan qatarta kaga imaanaysa kooxaha argagaxisada ah.

Ciidamadeena sababihii ay dalka Soomaaliya u galeen way ka guul gaareen haaatana waxaa la joogaa xiligii aan dalka Soomaaliya kala bixi lahayn ciidamada qaranka Ethopia.

Weli qatartii way jirtaa oo argagixisadii waynu cirib tiri waynay madaama beesha caalamka ka gaabisay balamihii ay hore u balan qaadeen, marka ciidamadeena ma sii joogi karaan dalka Soomaaliya.

Hadaba markaan hore uga soo baranay in Melas Zenawi inuusan aqoonin wax run ah ayaa hadane waxa u bilaabay inuu ka hadlo arimaha Soomaaliya, isagoo ujeedada uu ka leeyahay arinkaasina ay tahay inuu dadka Soomaaliyeed ku jahwareeriyo isla markaana ka sii kala qaybiyo hadalo aan micno badan samaynin oo uu ka sheegay ideecadaha, si hadaladiisa raqiiska ah ay u qaataan kuwa wax walbo u sameeya marmarsiiyo aan qiil lahayn, madaama uu doonaya in dalka Soomaaliya ka dhalan Dowlad isla markaana aysan soo noqonin nidaamkii iyo kala dambayntii dalkeena lagu yaqiin 20 sanadood ka hor, xiligaas oo uu Melas Zenawi Soomaaliya ku ahaa Qaxooti maantana u ka shaqaynaayo in dalka Soomaaliya uusan degin helina dowlad.

Melas Zenawi waxa u yiri dhawaan '' Sheekh Shariif waa saxiibkey waana la shaqaynayaa'' taas dadka wax magarata ah ay u fasirteen mid sax ah laakinse ujeedada Zenawi ka leeyahay ay tahay inuu ka hor keeno Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed dadka Soomaaliyeed, si aysan u hirgalin dowlada cusub.

Melas Zenawi waxa uu kale yiri waxaan caawinaynaa qabaailka dagaalada kala dhaxeeyo xoogaga Al-Shabaab, kuwaas uu ku tilmaamay kuwa markii hore ka soo horjeeday siyaasada Ethopia, isagoo hadane cadeeyay inuu hubaynaayo isla markaana gacan ka siin doono dagaalada ay kula jiraan Islaamiyiinta waa sida hadalkiisa uu ku cadeeyay, taas oo ku tusaysa sida uu kaga soo horjeedo in dalka Soomaaliya ay ka dhalato dowlad, madaama uu si cad u sheegtay inuu hubaynaayo qabaailka.

Dhanka kale waxaa muhiim ah in aynu ogaano inaysan sax ahayn hadalka ah in Melas Zenawi iyo madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya ay saaxiibo yihiin isla markaana wada shaqayn ka dhaxayso, balse waxaa sax ah oo aan run ku tilmaami karnaa in Melas Zenawi ka go'an tahay inuu hubeeyo isla markaana ka shaqeeyo inuu dadka Soomaaliyeed hub iskugu dhiibo si shacabka Soomaaliyeed loo sii kale fogayn lahaa, ujeedada ka dambaysa hadalada is diidan ee ka soo burqanaya gacan dhiiglaha maatadii Soomaaliyeed ku laayay isla markaana ku dumiyay aqaladoodii inay yihiin kuwa lagu jahwareerinaayo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii waxaa muhiim in shacabka Soomaaliyeed ka hor tagaan shirqoolada iyo dabinada ay dhigayaan Melas Zenawi iyo kuwa camiilada u ah ee hubka iskugu dhiibayo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in dowlada Soomaaliyeed lagu fashiliyo dagaalo iyo abuurid colaado aan jirin.

Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Raisal Wasaaraha cusub wax xiriir ah ama saaxiibtinimo ah oo kala dhaxaysa Ethopia iyo Melas Zenawi ma jirto, laakinse waa inaan saas u garanaa oo ka hor imaanaa dabinada iyo hagar daamooyinka Zenawi nala maagan yahay, isagoo adeegsanaya kuwa muuqa ka ah Soomaali balse qalbiga iyo maskxada laga xaday oo iimaan la.

Dowlada Soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa inay ka jawabaan hadalada Melas Zenawi ka sheegay ideecadaha ee uu ku cadeeyay inuu hubayn doono Qabaailka Soomaalida si ay ula diriraan Muqaawamadii ka xoreysay dalka Soomaaliya ciidamadiisa, isla markaana uu weli faraha kale bixin qarbudaada xaalada dalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha cusub Sheekh Shariif waxaa la gudboon inuu jawaabo ka bixiyo hadalka ah inuu saaxiib la yahay Melas Zenawi isla markaana wada shaqayn kale dhaxayso iyo hubaynta Qabaailka dagaalka kala soo horjeedo xoogaga Muqaawamada sida AlShabaab sida uu sheegay Melas Zenawi, hadii kale waxay shaki badan galinaysaa shacabka Soomaaliyeed ka aamusnaanta iyo ka jawaabid la'aanta hadalada qaabka daran ee ka soo yeeraya gacan ku dhiigle Melas Zenawi, waayo markii horeba waa uu ka hadli jirey hadaladaan oo kale marka uu ka soo yeero Zenawi in maanta in Sheekh Shariif oo ah masuulka ugu sareeya dowlada Soomaaliya hogaamiya inuu ka jawaabi waayo waxay noqonayaa in shacabka Soomaaliyeed ay u qaataan sax hadalka Melas Zenawi.

Aniga aragtidayda waxay ila tahay Zenawi inuu la mid yahay shaqsi ku jahwareeray isla markaana ka walaacsan xaalada dalka Soomaaliya kadib markii ay meesha ka baxeen qabqablayaashii dagaalka ee Melas ka soo amar qaadan jirey iyo jabkii Ciidamadiisa ka soo gaarey dagaalkii dhax marey ciidamadiisa iyo xoogaga muqaawamada hubaysan ee ugu dambayntii ku qasabtey inuu ciidamadiisa ka soo saaro dalka Soomaaliya.

W/Q: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS