SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jaamacada Carabta oo quursatey Dowlada cusub isla markaana meel uga dhacday sharaftii dalka iyo dadka Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Ururka Jaamacada Carabta ee xaruuntiisu tahay magaalada madaxda dalka Masar ee Qaahira ayaa lagu sheegay in ay ugu deeqeen Dowlada cusub ee Soomaaliya lacag dhan Hal Milyan oo Doolar, isla markaana ay garab taagan yihiin dowlada cusub, waxaana saxaafada hadal uu siiyay Samir Xusni oo u qaabilsan Jaamacada Carabta ee arimaha Soomaaliya ku cadeeyay arinkaasi.

Hadaba waxaan isa su'aalay ujeedada ka dambaysa hadalka ka soo yeeray ururwaynaha dalalka Carabta ama aan iraahdo Jaamacada Carabta oo aan u arkay mid meel ka dhac ku ah sharafta iyo jiritaanka qaranka Soomaaliya, madaama arinku tahay mid quursi ah isla markaana lagu bahdilaayo shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda cusub inay yiraahdaan Jaamacada Carabta waxaan Dowlada cusub ee Soomaaliyeed ugu deeqnay lacag dhan Hal Milyan oo Doolar.

Sideedaba Dalka Soomaaliya waxay xubin buuxda ka tahay dalalka ku midoobay ururka jaamacada Carabta mudo laga joogo 35 sanadood ka hor, waagii ay jirtay dowlada Soomaaliyeed waxaan ku lahayn tixgalin iyo qadarin isla markaana dowladii Soomaaliyeed waxay calanside ka ahayd daafaca iyo ka hadalka qadiyada carabta sida ku cad qoraal ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada dalka Mareykanka, isla markaana waxay Dowlada Soomaaliyeed mar kasta hormoodka kowaad ka ahayd sidii loo xoreyn lahaa dalalka isticmaarka gacantooda ku jira ee la gumaysto, Soomaaliya waxay si cad oo aan leex leexad lahayn u garab taagnayd dalalkii Carbeed iyo kuwii Afrikaanka ee dowlada awooda leh gacantooda ku jirey, iyadoo aan nina uga gabanaynin isla markaana aan wadan ay isku halaynayso aysan jirin.

Waxaa dadka Soomaaliyeed loo kala qaybiyay oo shan looga dhigay kadib markii ay gumaystayaashii reer Yurub ay arkeen markii ay damceen inay dhulka Soomaaliya xoog ku qabsadeen in dadka Soomaaliyeed ay si cad uga soo wada horjeesteen ayaa la go'aansaday arinkaas, hadane markii dalka xornimadiisa uu qaatey waxa u dadaal dheer u galay sidii uu u garabsiin lahaa dalalka gacanta gumaystaha ku jirey, ha ahaadeen Carab iyo Afrikaan, arinkaas waxay sababtey in dowladaha waaweyn ay dadajiyaan inay dowlad Soomaaliyeed burburiyaan, iyagoo u soo adeegsaday dalka Ethopia iyo Shaqsiyaad aan damiir Soomaalinimo lahayn, kuwaas oo darajo iyo lacag raadin siistey dadkooda, dalkooda iyo diintoodaba, iyagoo Qarankii Soomaaliyeed u kala qayb qaybiyay Moorooyin Qabiil muda ku dhaw 20 sanadood.

Dhanka kale dalalka Carabta wax naxariis ah kama galin xaalada uu dalka Soomaaliya ku sugnaa 19 sanadood ee la soo dhaafay, isla markaana waxa ay gacan weyn ku siiyeen in dalka Soomaaliya ciidamada Ethopia qabsadaan oo ay weliba ku taageereen oo ay misane ka aamuseen xasuuqii shacabka iyo culimada Soomaaliyeed loogu gaystey gobalada koonfurta Soomaaliya.

Waxaa wax lagu qoslo ah in sanduuqa Carabta budget ku jira oo ay bixiyaan dalalka xubnaha ka ah Jaamacada Carabta oo sharciyan ah in lagu saacido dalkii ay dhibaato la soo gudboonaato oo ka mid ah dalalka ku midoobay ururwaynaha Jaamacada Carabta in marka ay noqoto in wax laga qabto dalka Soomaaliya ama la saacido shacabka dhibaataysan ee Soomaaliyeed in aan laga soo qaadin waxaan qiimo lahayn oo aad moodo in cadaawad gaar ah loo muujiyo.

Tusaale ahaan magaalada Gaza waxay go'aamiyeen inay ku saacidaan Malaayiin Doolar iyadoo loo marinaayo Dowlada uu hogaamiyo Mohamud Cabaas inkastoo ay taasi keentay in la isku khilaafo, madaama dalalka qaar sida Libiya, Lubnaan , Suuriya, iyo Qatar ay ka soo horjeesteen, arinkaasi oo keentay in aan loo gargaarin dadka masaakiinta ee reer Falastiin, marka waxaan is waydiiyay sababta keentay in dalka Soomaaliya oo dhibaato iyo xaalad bini'aadanimo oo liidata ka jirta in Jaamacada Carabta soo saarto in Dowlada cusub ee Soomaaliyeed ugu deeqdo lacag aan wax ay u tareyso aysan jirin balse la rabo in lagu qalbi jabiyo shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ee dhalatey.

Hadaba waxaa iga dardaaran ah in lacagtaas aan laga qaadanin Jaamacada Carabta isla markaana loo sheego in aynan lacag uga baahnayn Jaamacada Carabta balse looga fadhiyay inay shacabka Soomaaliyeed garab istaagan xiligii dalka iyo dadkaba ay ku jireen dhibaatada iyo dagaalada, maanta oo uu dalkeeni ka xoroobay qabqable iyo Ethopia.

Waxaa xusid mudan in Dowlada Mareykanka ay ugu deeqeen lacag dhan 5 Milayn oo Doolar dhismaha ciidanka Amaanka magaalada Muqdisho ee gaaraya 10.000 oo askari ee Dowlada Cusub, halka Midoowga Yurub ay sanad walbo ugu deeqaan gargaar gaaraya Malaayiin Doolar, arinkaas oo aad ka garan karto farqiga u dhaxeeya dalalka Jaamacada Carabta iyo kuwa reer Galbeedka marka ay noqoto wax u qabashada iyo gacan siinta dalka Soomaaliya, balse waxaa nasiib xumo in shacabka Soomaaliyeed ay had goor ay iska dhaadhiciyaan in dalalka Carabta ay ka mid yihiin isla markaana ay walaalo yihiin taageerina doonaan, halka dalalka Carabta iyo shacabkooda aad moodo inaysan xisaabta ugu jirin ka hadalka iyo taageerida dalka Soomaaliya, taas oo ka garan karto hadalka ka soo yeeray Jaamacada Carabta ee ah in dalka Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag dhan hal Malyan oo Doolarka Mareykanka, isla markaana wadan yiraahdo waxaan caqli ma ahan oo dood ka keenayna aysanba jirin, hadaba maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda?.

Dalalka Yurub iyo North Amerika waxaa ku nool Soomaali gaareysa Hal Malyan oo qof hadii aan iska qaadno qofkiiba 10 Dolar waxay noqonaysaa 10 Malyan oo Doolarka Mareykanka, marka maxaan uga baahan nahay Halka Malyan ee ay Jaamacada Carabta ay noogu deeqday anagoo waxba waydiisan balse ujeedada ay u samaynayaan ay tahay in beesha caalamka aysan waxbo u qabanin Dowlada cusub isla markaana taageerin shacabka Soomaaliyeed, balse waxaan u arkaa in falka ay ku dhaqaaqday Jaamacada Carabta inuu yahay mid lagu niyad jabinaayo dadka Soomaaliyeed ee aaminay in gargaar shisheeye in dal iyo dad wax loogu qaban karo.

Waxaan u soo jeedinayaa Madaxwaynaha cusub Sheekh Shariif iyo Raisal wasaare Cumar Cabdi rashiid inaysan aqbalin isla markaana aysan qaadanin lacagta Jaamacada Carabta ugu yaboohday Dowlada ay hogaamiyaan balse ay u furaan Sanduuq lacag loogu soo shubo Dowlada iyo shacabka dhibaataysan si dadka Soomaaliyeed ugu gargaraan isla markaana u garab istagaan Dowladooda iyo dadkooda dhibaataysan, waayo Hal Malyan iyo 10 Malyan muwaadiniinta iyo wadaniyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Galbeedka sida Yurub iyo North Amerika way bixin karaan iyadoo aan la baryin shisheeye naxariis aan u hayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed, laakiinse waxaas oo dhan waxaa ka horeeya inaa la imadaan wax qabad muuqda si shacabka Soomaaliyeed idin aaminaan, waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa dhar aadan lahayn dhaxan kama celiyo iyo tuugmo bini'aadam tuur bay ku yeeshaa.

Ugu dambayntii Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay u tashadaan dalkooda iyo dadkooda isla markaana iska hilmaaman khilafaadka shisheeyaha dhaxdooda dhigay si ay cududooda u kala jabiyaan dalkooda u dhacaan dadka Soomaaliyeed-na ay noqdaan kuwa gaajo iyo xabad dalkooda ku disho, kuwa badaha ku daata iyo kuwa qurbaha ama dalalka galbeedka ku dhax milma hadhoowna dalkooda ay qaataan.

Miyaydan arkaynin xaalufinta lagu hayo badaheena iyo sida loo sii kala fogaynaayo dadka Soomaaliyeed iyo dalalkii aad is lahaydeen diin iyo wada dhalasho ayaa idin ka dhaxaysa sida ay u bahdilayaan hadii ay noqon lahayd wax u qabasho iyo gargaarid.

Soomaalidu waxay tiraahdaa Mana ............ warna i raac marka Hal Malyan intaa qaadan lahayd adoo ka jawaabin dalabkooda oo aamusnaan ku soo dhaweeya ayaa idin kaga qayr badan, waan garan karnaa sababta ay saas u yeelayaan wadamada Carabta waxay kala kulmeen dowladihii hore ayay ka cabsi qabaan waayo niman sheeganaya madax oo lacago ay jeebka ku shubtaan raba ayay hore wax u siiyeen waana mid ay hada ka baqayaan laakinse mala aqbali karo in dowlada Sacuudiga ay 32 Milyan oo Doolar ugu deeqday shir Benaadkii Ali Geedi iyo C/laahi Yusuf ku qabteen garaashka Police , halka Dowlad rajo badan laga qabo lagu soo dhisay dalka Jabuuti ay maanta Carab intay shirtay ku go.aansadeen in Hal Malyan oo Doolar lagu taageero Dowlad la rabo inay gargaarto Hal Milyan oo qof oo ku barakacay duqayntii Tigree ka gaysteen magaalada Muqdisho.

Soomaalidu waxay maahmaahdeeda ku tiri Cad quureed lama qaato marka waxaa waajib ah in cadkaas quureed ee Carabta ka yimid inaa la qaadanin oo la aqbalin, sababta aan saas u leeyahay waxbo nooma anfacayso magacna waa ku raacayaa, hada ka hor ayaa waxaa shirkii wasiiradii Ganacsiga dalalka Carabta lagu qabtey dalka Qatar, dalka Soomaaliya waxaa uga qayb galay oo markaas Wasiirka Ganacsiga dowladii hore ahaa Alxaaji Muse Suudi Yalaxow, oo markii ugu horeysay ka qayb galay shir caalami ah oo hadana lagu qabto dalalka Carabta ee dhaqaalaha leh maanta halka dalka Soomaaliya la islahaa magac ahaan ayay uga soo qayb galaysaa waxa laga doodaayo maba ka hadli karaan, madaama dalkiiba dagaalo ka socdaan, ninkii la socday wasiir Yalaxow ayaan magaalada London isku aragnay oo iga sheekayay mar aan ka wada sheekaysanay deeqda Dowlada cusub ay dalalka Carabta ugu yabooheen, waxana uu ii sheegay in ay shir kaga qayb galeen Dalka Qatar isla markaana markii la gaarey in dalka Soomaaliya ka hadlaan goobta si aragtidooda loo maqlo ayaa waxaa istaagay Alxaaji Muse Yalaxoow , waxana u yiri Anagu Soomaaliya hadaan nahay shirkaan ugama aanan soo qayb galin inaan idin barino ama idin tuugsano oo wax idin waydiisano balse waxaan idin sheegayaa in Soomaaliya tahay dal taajir ah lehna xoolo badan, dhul bereed dihin ah iyo Bad aad u barwaaqaysan sidaa daraadeedna waxaan idinka doonaynaa inaa noo furtaan ganacsigiina oo aan kala faaidaysano, qudbada Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Alxaaji Muse Yalaxoow ayaa noqotey mid ay la fajacaan dadkii ka soo qayb galay ee lacagta lahaa iyo madaxdii dalalka Carabta, marka waxaa la joogaa waqtigii aan dalkeena iyo dadkeena u horumarin lahayn isla markaana kaalmada iyo baryada shisheeyaha aan ka tashan lahayn madaama aan waxbo in lagu qabto diyaarba loo ahayn adigana aadan diyaar u ahayn inaad wax qabto.

Dowlada Cusub waa in ay wax qabsato cidina ha isku halaynina oo iskaa wax u qabso dalka iyo dadka ku horumariya, waxa la idin kaga fadhiyaa waa inaa Amniga sugtaan isla markaa dadka Soomaaliyeed dib u heshisiintooda ka shaqaysaan, raadkii kuwii laga soo maamuli jirey Addis Ababa isla markaana caalamka magaca Soomaaliyeed uga shaxaad doonan jirey ha noqonina Insha Allah, madaama Isbadal la rabo inaa la timadaan ku duwan duqaydii dalkaan faciiis ka reebtay.

Dal waxaa horumariya waa dhalinyaradiisa marka waxaa la joogaa xili cusub iyo mustaqbal cusub oo rajo soo celin leh ka faaidaysta fursadatan jirta ee dahabiga ah

Mahadsanidiin

W/Q: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
London

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS