SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed " waxaan dooneynaa inaan u sheegno, duruufta jirta iyo waxaan waxa lagu soo dhisey, gef hadii uu jiro, waa jiraahe waxaan diyaar u nahay inaan saxno " khudbad xasaasi ah oo u jeediyey Baarlamaanka
  • Waraaqo Lagu Daadiyey Hoolka Baarlamaanka Dhexdiisa oo Looga Soo Horjeedo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan

Warbixintii: Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed " waxaan dooneynaa inaan u sheegno, duruufta jirta iyo waxaan waxa lagu soo dhisey, gef hadii uu jiro, waa jiraahe waxaan diyaar u nahay inaan saxno " khudbad xasaasi ah oo u jeediyey Baarlamaanka


 

Wasiirada









Wasiirada
 

Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdullaahi Omaar
Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdullaahi Oomaar


Wasiirka Cilmibaarista iyo Teknoloojiyada Maxamed Cali Xagaa
Wasiirka Cilmibaarista iyo Teknoloojiyada Maxamed Cali Xagaa


Wasiirka Dhaqan celinta iyo Naafada Dr. Maxamed Cali Ibraahim
Wasiirka Dhaqan celinta iyo Naafada Dr. Maxamed Cali Ibraahim


Wasiirka Gaashaandhiga Prof. Maxamed Cabdi Gaandi
Wasiirka Gaashaandhiga Prof. Maxamed Cabdi Gaandi


Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Maxamed Cabdi Yuusuf
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Maxamed Cabdi Yuusuf


Wasiirka Wax-barashada iyo Barbaarinta Axmed Cabdullaahi Waayeel
Wasiirka Wax-barashada iyo Barbaarinta Axmed Cabdullaahi Waayeel


Wasiirka Xanaanada Xoolaha Abuukar Cabdi Cismaan
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Abuukar Cabdi Cismaan

Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed oo Baarlamaanka Soomaaliya ujeediyey khudbad isugu jirtey tusaalooyin muujinaya baahid guud ee dalka Soomaaliya ka jirta dhinaca degenaansho la'aanta siyaasadeed iyo codsi lagu ansixinayo Xukuumada cusub ee uu soo dhisey Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabey "mudadii halkaan la joogey waxaa la gaarey guulo fara badan, ilaahay baana ku mahadsan, marxalada dalka uu marayana waan ka wada dheregsanahay, Ummada Soomaaliyeed meel ay joogaanba waxay soo eegayaan halkaan, waxaadna la socoteen in Ra'iisul Wasaaraha laga dalbey in uu soo dhiso Xukuumad oo borogaraamkeeduna la idiin soo gudbiyey, waqtiga wax lagu dhisaayey aad buu u gaabnaa, Ruuxa Bani'aadamka ah hadii mas'uul laga dhigo, wuxuu wax ku qaadanayaa mac-luumaad iyo Caliga ilaahay siiyey, rog rogid kadib waxaa la idiin soo bandhigey Barnaamijka Xukuumada iyo Xukuumadii, camalka Bani'aadamku mar kasta wax baa dhiman, waxaan qirsanahay gefaf iney imaaneyso, laakiin waxaan ku shaqeyneyno waa kalsoonida aad na siiseen iyo niyad wanaag, waxaan idiinku imid kalsoonidaas iney socoto si Ummada loogu adeego " ayuu ku yiri Sheekh Shariif khudbadiisa, isagoo khudbadiisa sii wata ayaa intaa ku darey

"Waxaad la socotaan marxalada dalka Soomaaliya uu ku jiro, waxa keeney 4.5 in wax lagu qaybiyo , waxa keeney Baarlamaanka 550 inuu gaaro, waxa keeney 36 Wasaaradood in la dhiso walina aysan waxba inoo xalisneyn, waxaan dooneynaa wixii xal u baahan inaan xalino, waqtigeeda inaan siino anagoo walaalo ah oo is qadarineyna, laakiin aysan dhicin wixii hore caadada u noqdey, anagoo dhan waxaan halkaan u joognaa mashaakil inaan xalino ee ma ahan inaan mashaakil abuurno, taasina waxay inooga baahan tahay inaan gacan isa siino oo aan wada helno farsamadii gacanta aan isa siin lahayn, waxay ila tahay Baarlamaanka doorkiisa shariifka ah inuu qaato, go'aankiisa isagaa iska leh, laakiin waxaan dooneynaa inaan u sheegno, duruufta jirta iyo waxaan waxa lagu soo dhisey, gef hadii uu jiro, waa jiraahe waxaan diyaar u nahay inaan saxno, waxaan rabaa inaan idiin sheego cid la magacaabey oo qabaa'ilka Soomaalida ah oo tiri waa qanacsanahay oo leh waa mahadsan tihiin ma'arkin, laakiin waxaan arkeyney mar walba kuwa cabanaya, taasina waan jecel nahay inaan aragno, waxaana jecelnahay intii aan ka jawaabi karno waan ka jawaabeynaa, waxaana idiin sheegayaa inay jiraan isku deyo walina ay socdaan oo meel fiicana ay marayaan ".

Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa kale uu yiri " waxaan codsaneynaa habka Baarlamaanka uu wax u saxaayo inuu noqdo hab wax dhisa ee uusan noqon hab wax dumiya, maanta meesha aan fadhino waxaan ku mataleynaa Ummada Soomaaliyeed ee Qabiil kuma mataleyno, kharashka ku baxa shirkaan waxaa bixiya dadd Ajnabi ah, waxaana loo bixinayaa dadka Soomaaliyeed iney dantooda gaaraan, taasna waxay ku xiran tahay inaan garano mas'uuliyada nasaaran, waana hubaa inaan garaney, waxaan jecel nahay in la gaaro marxalad wasiirkii la magacaabo uu cid waliba qanciyo oo aan lays weydiin halka uu ka yimid iyo cida uu u dhashey, waxaana ku gaarikarnaa inaan noqono dadd wada shaqeeya oo isku xiran, marka hadii Baarlamaanka, Xukuumadii iyo Madaxdii midba meel uu ka soo jeesto, waxaa imaanaya wixii lagu bur burey, walaallayaal xaalada dalkeena ka jirta wax badan ayaan ku cel celiyey, hadana waan ku celinayaa waxay nooga baahan tahay inaan wajahno, intii aan wax ku bixin lahayn inaan wax fashilino aan ku bixino inaan wax dhisno, waxaan idiin kaga baahanahay oo aan idiinka codsaneynaa, in Xukuumadaas iyo barnaamijkeeda aad ogolaatiin, fursadna aad noo siisaan cidii wax tabaneysa inaan xalino waad mahadsan tihiin " ayuu khudbadiisa ku soo gebagebeeyey Madaxweyne Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Waraaqo Lagu Daadiyey Hoolka Baarlamaanka Dhexdiisa oo Looga Soo Horjeedo Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ku ansixiyey Xukuumada cusub ee Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke, kadib kulan ay soo xaadireen 375 mudane oo lagu qabtey Guriga Ummada ee caasimada dalka Jabuuti 22/02/2009-ka.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo ku xigeenadiisa oo ay shir-gudoominayeen kulankii lagu qabtey guriga Ummada ee dalka Jabuuti, gudoomiye Aadan Madoobe oo ku dhawaaqey codeyntii Baarlamaanka ayaa wuxuu yiri "16 ayaa diidey, 2 xildhibaan wey ka aamuseen, 357 Xildhibaana way ogolaatey, sidaas darteed Xukuumadii waa ansax, shirkiina waa inoo xiran yahay ".

Tirada Xildhibaanada Baarlalmaanka ee soo xaadirtey ayaa muujineysa sida ay ugu kala aragti duwan yihiin duwan ansixinta Xukuumada cusub, waxaana jirey guux aad u weyn Xildhibaanada dhexdooda ah.

Waxaa kale oo jirey waraaqo lagu daadiyey hoolka Baarlamaanka dhexdiisa oo lagu weerarayey Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, sida ay ii sheegeen daadinta waraaqahaan waxaa ka dabeeyo qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka ee ay isku haybta yihiin oo ka soo horjeeda qabashada Xilallka loo magacaabey iyo Xildhibaano kale oo ka soo jeeda Beelaha Soomaalida qaarkood.

Sidoo kale waxaa Baarlamaanku uu hor is-taagey mooshin ay soo gudbiyeen 51 Xildhibaan oo lagu doonayey in codeynta Xukuumada laga dhigo qarsoodi, dhamaan arimahaan soo ifbaxay waxay muujinayaan mustaqbalka Xukuumada cusub iyo qaabka ay u shaqeyneyso in ay caqabad ku noqonkaraan habsami u socodka Xukuumada cusub iyadoo ay u dheer tahay kooxaha ka soo horjeeda Xukuumada oo maalinba maalinta ka dambeysa sameynaya is-bedelo kala duduwan.

Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa Wasiirkii loo magacaabey durba iska casiley xilkii, kadib markii uu cadaadis daran uu kaga yimid dhinaca Beesha uu isagu ka soo jeedo, anitan ayaa iyaduna waxay muujineysaa in Beelaha Soomaaliyeed xalka Soomaaliya uu kala weyn yahay Xil ay qabtaan oo aan nabadgelyadeeda lahayn.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 22, 2009


 

cumarBaarlamaanka oo ka doodaya Qorshe Hawleedka Xukuumada cusub, tirada Golaha Wasiirada magacyadooda oo dhameystiran iyo Qorshe Hawleedka xukuumada oo dhameystiran... Akhri...

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS