SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Yemen

Yemen: C/laahi Yuusuf oo Booqday Qabrigii Ismaaciil Jabarti...

Madaxweynihii hore ee DFKMG ee Somaliya oo hadda ku sugan dalka Yemen ayaa boqday qabrigii ismaaciil jabarti, ayadoo la sheegay in uu booqasha ku maraya deegaano badan oo ay dagaan reer jabarti isxaaq asagoo lakulmyaya odayaasha iyo cuqaasha.

Cabdulaahi Yuusuf waxa uu booqday qabri qadiimiga ah oo uu ku aasanyahay jabarti isxaaq (isamacil jabarti), sida ka muuqata sawirka hoose. Waxaana taas lagu macneeyey in ka dhabaynayo war uu horay usiiyay idacadaha dalka yemen oo uu sheegay inuu kasoo jeedo dalka yemen, isagoo laga soo xigtey in uu yiri Yemen waxaa ku aasan odaygii ay ka soo jeedaan beelo dega Soomaaliya oo c/laahi Yusuf ka soo jeedo, oo odaygii dhalay uu tegey ka wadanka yemen magaalada XATRAMUUT aadeyna Soomaaliya.

Waxaa soo tebiyey: Rooble Cabdulahi

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 28, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS