SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Burcad Badeed: Ma Siideynayno Markabka Masaarida Dhawaan...
  • Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabakii Sacuudiga

Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin...

  • Idaacadda SBC Boosaaso oo Waraysatay Burcad Badeedda Haysata Markabka 'Xiddigta Buluugga' (Blue Star)

    SomaliTalk.com | Febraayo 2009

    Dhegeyso: Hadalkii Burcad badeedda ama soo rogo (mp3) - Radio SBC Bosaso

Jimcadii February 6, 2009 ayaa waxaa soo baxay warar sheegayey in burcad badeedda Soomaaliya ay aqbaleen in ay siidaayaan markabka MV Blue Star, iyo shaqaalaha saaran iyo xamuulkiisa kaddib markii la isku af-gartay lacagta madax furashada ah. Markabkaas oo laga leeyhay dalka Masar waxaa in ka badan bil lagu haystaa xeebaha Soomaaliya.

Waxaa jirey warar kala duwan oo ka soo baxay siideynta Markabkaas. Jariidadda International Herald Tribune oo soo xiganeysey mulkiilaha markabka Abdel Rahman Awwa ayaa sheegtay in mulkiilahu uu rajaaynayo in markabka la sii deynayo "muddo saacado gudahood ah". Halka jariidadda Herald Sun ee Melbourne oo soo xiganeysey Abderrahman el-Awwa ay sheegtay in mulkiiluhu uu rajaynayo in markabka la siidayn doono "afar maalmood ka dib". Waxaa jariddadu intaas raacisay in burcaaddu ay aqbaleen in la siiyo $1.5 million. Abderrahman el-Awwa waxa uu yiri "waxaan burcad badeeda isku afgaraanay in ay qaataan lacag dhan hal million oo doolar oo madax furasho ah, waxayna sugayaan meel ammaan ah oo aan lacagta ku siino". Jariidadda Herald Tribune waxay warka ka soo xigatey hay'adda Reuters, halka Herald Sun ay soo xigatey AFP.

Wararkaas kuwo u dhigma ayaa laga sii daayey warbaahinta maxalliga ah ee Puntland oo ah aagga loo malaynayo in markabkaas lagu haysto.

Burcad badeedkii Soomaaliya markii ay wararkaas maqleen ayey furka tuureen, waxayna sheegeen in warkaasi aan waxba ka jirin oo aysan makabkaas siideyn doonin saacado gudahaad.

Nin magaciisa lagu sheegay "Siciid Badda Cagaha Geli" oo la xiriiray Idaacadda SBC ee Boosaaso ayaa sheegay warka la xiriira in markabkaas la sii daynayo uusan ayaga (burcadda) ka iman, waxana uu yiri "Waxaan kuu cadaynayaa warkaas isaga ah in uusan ahayn war annaga naga soo baxay, oo uu yahay war ku tiri kuteen ah oo meelahaas magaalada ka soo baxay in uu yahay, ma garatay."

Markii la weydiiyey in wax xiriir ah dhex maray iyaga (buracadda) iyo dadka leh markabka, "Siciid Badda Cagaha Geli" waxa uu  qiray in xiriir dhex maray "Xiriir waa dhex maray, waana noo socdaa, ma garatay!", ayuu yiri "Badda Lugaha geli".

Markii la weydiiyey in loo ballan qaaday in la siinayo lacag gaareysa $3 million oo loogu keenayo markab kale waayo Masar waxay sheegtay in aysan heli karin diyaarad lacagta loogu soo tuuro. "Siciid Badda Cagaha Geli" waxa uu yiri: "Wax heshiis ah oo go'aan ah oo aan gaarney markan iyada ah oo aan diidney ma jirto, laakiin wada hadalkii waa noo socdaa, ma garatay!".

Markabka xaggee ka soo qabsateen markii la weydiiyey waxa uu markii hore ku jawaabey "GACANKA, GACANKA!". Sababtee u qabtateen, waxa uu kag ajawaabey "Waxaan u qabsanay wixii maraakiibta lagu qabsan jirey oo kale."

Weriye Maxamed Deeq Cabdalla C/Qaadir oo waraysiga qaadayey ayaa weydiiyey "ma arrin fiican ayaad u aragtaan markab badda caalamiga ah maraya in aad soo qabsataan oo lacag dalbataan".

qaddaafi(Burcad-badeedka Soomaaliya) "Waxay jawaab u tahay Cir-waynaanta Reer Galbeedka, kuwaas oo soo weeraray oo weliba si ku dul-noolaansho ah u adeegsadey khayraadka badda Soomaaliya si sharci darro ah," ayuu yiri.

"Ma aha Burcad-badeed, waa is-difaacid. Waa difaacid cuntada carruurta Soomaaliyeed," ayuu yiri Col Gaddafi.

Akhri qoraalkii Qaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya.. Akhri...

"Siciid Badda Cagaha Geli" waxa uu ku jawaabey "Ninyohoow arrintaasi waxa weeye annagu Bahalkaan biyaha Soomaaliya ayaannu ka qabsanay, ma garatay, waxaanuna u aragnaa in ay tahay xad gudub lagu soo xad gudbey biyahayagii, ma garatay, xad gudubkaasna mana qaadaneyno mana qaadan doono, ma garatay!", isaga oo sheegay in uu markabka dushiisa saaran yahay, waxana uu intaas raaciyey "Cid kasta oo biyahayaga ku xad gudubaysana hadda iyo wixii ka dambeeya iyo markasta in aanu wax ka qabanno ayaan diyaar u nahay, ma garatay!"

Deegaankee ama xaggee la tagteen markabka markii aad gacanka ka soo kaxaysataan, markii la weydiiyey "Siciid Badda Cagaha Geli" waxa uu ku jawaabey "Walaal anagu Gacanka kama soo kaxayn, anagu waxaanu ka soo kaxaysanay biyaha Soomaaliya, ma garatay!"

Sidee ula dhaqanteen shaqaalihii saarnaa markaabka, ma qol ayaad ku xirtaan mase katiinado ayaad ku xirtaan, "taas ma aha mid idaacadaha looga hadlo, waa in iyaga warka laga helaa," ayuu ku jawaabey.

Sidee ku dhacday markab halkaas iska maaraya oo aanjariif ahayn inaad qafaalataan, arrintaas dawladda ma la socodsiisee, ma wax ka qabasho la'aan ayaa jirta, waxa uu ku jawaabey "Annagu dawladda ma khilaafsanin, maana diidanin, magaratay!, waxaanuna u aragnaa in anagu aanu dawladda la shaqyneyno."

Markii la xasuusiyey in caalamkaoo dhammi ka qaylinayo, oo ayceeb u soo jiideen Soomaaliya, gaarahaan Puntland, miyasan taasi fadeexad ku ahayn Puntland "Badda Cagaha Geli" waxa uu ku jawaabey "Walaal wax kasta oo ay tahayba, Annagu Maamulka ma dafirsanin, mana xaqirsanin, ma garatay!. Annagu waxaanu nahay maamulka shacabkiisii ee hanaga dhigin dad ka baxsan, ma garatay!"

Idaacada SBC oo weydiisey in ay ka tanaasulayaan burcad badeed nimada, ayaa waxa uu "Siciid Badda Cagaha Geli" ku jawaabey "Waxkasta xilligeeda iyo waqtigeeda ayey leeyihiin, xilligii tanaasul keeda la gaaro, annagu waxaani wax sii socon doona ma aha, dalku maamul iyo dawlado ayuu leeyahay,  dhallinyaradu waxyaalo ay markii hore burcad badeednimada ku bilowday ayaa jira, haddii maamulku waa isbedelay ee dhallinyarada shaqooyin iyo camallo loo sameeyo wax badan ayaa is bedelaya.. ma garatay!.. (taasi) waa wax laaga tanaasulo".

Markii la xasuusiyey in beesha caalamku soo saareen in burcad-badeedda lagula dagaalamo bad iyo berriba, oo la weydiiyey arrintaas sidee ka burcad ahaan u aragtaan, waxa uu "Siciid Badda Cagaha Geli" ku jawaabey "Qaramada Midoobey marna ma ka hadashay xaalaadda Soomaaliya oo wax ma ka qabatay inta ay leedahay burcad badeed ayaa berri iyo bad lagula dagaalamayaa, xaaladda Soomaaliya oo ka sii saraysa ama ka fara-weyn xaaladda burcad badeednimada marna (maka hadashay) Qaraamada Midooobey".

Goorta ay sii deyn doonaan markabka oo lacagta qaadaanayaan waxa uu "Siciid Badda Cagaha Geli"  ku jawaabey "Waqtigii iyo Xilligii Hawshiisu Dhammaato oo Ilaahay idmo ayuuu markabkani tegeya, ma garatay!

Dawladda Masar oo Beenisey inay Wadahadal La gashay Burcadda...

Dhanka kale, Dawladda Masar ayaa Axadii (Feb 8, 2009) waxay beenisey in ay wax wada hadal ah la yeelatay burcad badeedda Soomaaliya ee muddo ka badan bil haysta markabka Masaarida ee 'Blue Star' oo aysaaran yihiin 28 baxaari Masaari ah.

Sarkaal u hadlayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Ambassador Hossam Zaki, oo magaalada Qaahira kula hadlayey warbaahinta, Axad Feb 8, ayaa sheegay in dawladda Masar aysan la xaajoon, lana xaajoon doonin burcad badeedda. Waxana uu intaas raaciyey sharaxaad uu ka bixiyey hawsha Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Masaaridu in ay ahayd in ay sahasho sidii ay u wada xiriiri lahaayeen Burcad-Badeedda iyo mulkiilaha Markabka.

Janaayo 1, 2009 ayey ahayd  markii markabka 'Blue Star' la qafaashay, afhayeen xilligaas u hadlay dawladda Masar ayaa sheegay in "Qiyaastii 15 burcad badeed Soomaaliyeed ay afduubeen markabka xamuulka qaada ee reer Masar, ayna saaran yihiin 28 shaqaale ah, markabkaas oo lagu magacaabo Blue Star waxa uu sidey xamuul gaaraya 6000 tons," sidaas waxaa yiri Ahmed Rizq oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibada Masar. Markabka waxaa la sheegay in laga qafaashay aagga Baab-al-Mandab.

Sida lagu faafiyey EgyptianChronicles, markabka Blue Star waxaa leh shirkadda Alfa Marine, mulkiilaheeduna waa Abd El-Rahman El-Awa. Warbixintaas oo la daabacay Feb 1, 2009 waxa ay sheegtay in jariidadda Al Wafd ay qortay in burcadda markabkaas haysta loo soo bandhigay in la siinayo $1 million oo madax furasho ah si ay markabka u sii daayaan.

Burcad Badeedda Soomaaliya Waxay ku bilaabatay Difaacidda Kallumaysatada

Warbixin dheer oo January 29, 2009 ay qortay FPIF (Foreign Policy In Focus) ayaa waxay sheegtay "Sababta ay Burcad badeedka Soomaaliya ku bilaabatay in ay ahayd kaddib markii habkii caadiga ahaa ee kalluumaysatadu uu ku adkaaday kaddib markii markiibta shisheeyuhu ay xaalufiyeen kalluunkii."

Qoraalka FPIF waxa uu intaas ku daray "Kalluumaysatadii markii ay caal waayeen waxay bilaabeen in ay weeraraan Maraakiibta (Shisheeye) ee kalluumaysaneysa, markaas ayaa shaqaalihii maraakiibtaasi waxay bilaabeen in ay adeegsadaan hub xoog weyn oo ay kula dagaalamayaan kalluumaysatada (Soomaaliyeed), taas oo kalluumaysatadii degaanku ay markaas ku jeesteen maraakiibta ganacsiga. Burcad badeedu waxay jecel yihiin in ay isku magacaabaan 'Difaacayaashii xeebta' iyaga oo sheegay ka hor intii aan burcaddu faraha ka bixin, inay iyagu isu abaabuleen sidii ay dadka degaanka uga difaaci lahaayeen kuwa sida xad dhaafka ah u kalluumaysana, iyadoo qaarkood ay rumaysanyiihiin in ay xeebaha Soomaaliya ka difaacayaan sunta halista ah ee ay duugayaan maraakiibta shisheeye."

Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad Badeedii Haystey Markabkii Sucuudiga


(Bidix) Burcadda oo dhex socda markabka. (Midig) baarashuudkii lacagta loogu soo tuuray.. Sawirka: sundaymail.co.uk

Qoraal ay Feb 1, 2009 daabacday Jariidada Sudany Mail ee ka soo baxdadalka Ingiriiska ayaa soo bandhigay sawiro iyo Xasuuq-Qor uu qoray nin ka mid ahaa shaqaalahii markabkii Sacuudiga (Sirius Star) ee burcad badeeddu ku haysteen xeebaha Soomaaliya muddo 57 maalmood ah.

James Grady, oo 52-jir ah, waxa uu meel ku qarsaday sawir-qaade (Camera) iyo Computer ah Laptop. Maalin kasta oo kamid ah 57-dii maalmood ee la haystey waxa uu si qarsoodi ah iyo dhuulaysi ah computer-ka ugu qorayey wixii uu kala kulmo burcadda maalin kasta. Sidoo kale waxa uu si qarsoodi ah burcadda uga qaadayey Sawirro (oo ay ka mid yihiin sawirada sare.) Taas oo jariidadu ku tilmaantay inuu naftiisa halis geliyey haddii ay burcaddu ogaan lahaayeen waxa uu samaynayey.

Ninkaasi waxa uu qoraalkiisa ku soo bandhigay in Burcad-Badeedda Soomaaliya ee markabkaas haystey:

  • in ay had iyo jeer ruugayeen Qaadka oo ah daroogada maskada bedesha
  • in ay sagxadda maarkabka rasaas ka furayeen iyagoo adeegsanaya qoryaha Kalashnikov (AK)
  • in ay adeegsadeen computero markabka saarnaa oo ay ku galeen Internetka iyagoo booqday website-yo ku saabsan aflaamta jinsiga
  • in ay nal xeebta ka daaran u maleeyeen markab soo weraraya oo ay isku dhex yaaceen

Markabkii Sucuudiga oo burcadda loo soo tuurayo lacagtii oo saara baarashuut.


Markabka MV Faina ee burcaddu qabsatay

Waxa kale oo uu ninkaasi Xuquus-qorka ka qoray Burcaddu uu sheegay in markii markabka la siidaayey ay maqleen in burcaddii oo sitay lacagtii la siiyey ay qaarkood baddu laqdey oo dhinteen, taas oo uu sheegay in aysan ka xumaan (oo ay gaws dambeedka ka qosleen).

10-kii January 2009 ayey ahayd markii burcad badeedda Soomaalya sii daayeen markabka Sacuudiga ee MV Sirius Star, kaddib markii shirkadda markaabkaas leh ee Saudi Aramco ay burcadda siisay lacag dhan $3 million oo doolar. Markabkaas waxaa November 15, 2008 laga qafaashay meel 500 miles u jirta xeebta Kenya, waxana uu sidey laba (2) million oo foosto oo ah batroolka ceyriin oo qiimahiisa lagu qiyaasay $100 million. Waxaa markaas burcaddu geysteen xeebta ku beegan magaalada Xarardheere. Markabkaas waxa uu shidaalka ka soo qaaday Sucuudiga waxan uu u wadey Maraykanka.

Shan (5) ka mid ah burcad badeedda ayaa waxay ku qaraqmeen badda kaddib markii ay siidaayeen markabka Sucuudiga. Waxaana Janaayo 12, 2009 xeebta ku soo caariyey meydka mid kamid ah burcaddii oo ay jeebka ugu jirtey bac ay ku jirto lacag dhan $153,000, taas oo ah lacagtii uu qaybta u helay.

"Burcad Badeedda Soomaalidu Waa Kuwo Cirwayn, Laakiin ma Dejiyaan Maraakabka.."

Urur ay ku midaysan yihiin Bad-Maaxiinta Filibiin oo loo yaqaan UFS (United Filipino Seafarers) oo xaruntiisu tahay magaalada MANILA ee dalka Philippines ayaa sheegay in burcadda Soomaaliyeed ee dadka u dhashay reer Filibiin ku haysta Geeska Afrika ay dhici karto in ay yihiin kuwo cirweyn oo hubaysan, laakiin uma badna in ay dajiyaan marakabka, sida ay February 6, 2009 werisey GMANews.TV.

Madaxa ururka Bad-maaxiinta Filibiin oo magaciisa yahay Nelson Ramirez ayaa yiri "Burcad-badeedka hab-dhaqan uma laha in ay wax yeeleeyaan markabka iyo shaqaalahiisa".

Hadalkaasi waxa uu yimid kaddib markii GMANews.TV ay sheegtay in ay heshay warqad ku taariikhsan February 3, 2009 oo ay soo direen shaqaalaha reer Filibiin ee saaran markabka MV Chemstar ee lagu haysto xeebaha Soomaaliya, markabkaas oo ay saaran yihiin 18 Filipino iyo 5 South Korean. Waxaana badmaaxiinta reer Filibiin ay madaxweynahooda, Gloria Macapagal Arroyo, weydiisteen in ay wax ka qabto muddada go'an ee burcaddu ay markabkaas u qabteen oo ah shan maalmood, haddii kale ay burcaddu markabkaas dajin doonaan ama xeebta u jiidi doonaan (Haddaan madax furasho la siin). Warqaddu ma caddayn in shantii beri la dhaafay. Waxaana warqaddaas ku qornaa magacyada 18-ka reer Filibiin ee markabka saaran.

Booqashadii Mareero ee Dr. Faroole iyo Burcadda

Madaxweynaha DGPL, Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole oo February 11, 2009 booqday Mareero oo bariga kaga aadan magaalada Boosaaso ayaa la kulmay goob ay deganaayen dad lagu tuhmey burcad badeed. Kuwaas oo dooni (laash) ku cararay, qaar kale buuraha u cararay. Waxaa goobtii loogu tegey laba sixiimadood iyo qalab loo malay nayo in ay u adeegsataad burcad badeednimada, sida jirigaano gaas ah, jaranjarada lagu fuulo doonyahay iyo sahay kale. Madaxweynaha DGPL waxa uu warbaahinta u sheegay in aysan dagaalmarkaas u socon ee ay goobta booqasho ku tageen. Dhegeyso Hadalkii Faroole (mp3).

Doon Kalluumaysi oo Laga leeyahay Shiinaha oo la siidaayey kaddib markii laga qaatay $1.7 million

Feb 8, 2009 ayaa burcad badeedka Soomaaliya waxay sii daayeen doon kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo muddo la haystey. Wasaarada Arrimaha Dibada ee Shiinuhu waxay sheegtay in shaqaalaha doontaas saaran oo ah 24 ay dhammaantood bed qabaan. Doontaas oo magaceedu yahay TIANYU 8 waxaa la qafaashay Nov. 13/14, 2008. Waxaana laga qafaashay aag ku aadan Kenya, sida la sheegay. Shaqaalaha saaraan waxay isugu jiraan 15 Chinese, 1 Taiwanese, 1 Japanese, 3 Filipinos iyo 4 Vietnamese. Waxaa wararku tibaaxeen in doontaas kalluumaysiga laga qaatay $1.7 million oo madax furasho ah, sida laga soo xigtey burcad badeed ku sugan aagga magaalada Eyl.

Hore waxaa jirey Maraakiib kalluumaysi oo burcad badeedo lacag madax furasho ah ka qaateen. Sida, Markabka kalluumiysiga Tuunada ee laga leeyahay dalka Spain oo ay saarnaayeen 26 shaqaale ah oo laga afduubay xeebaha Soomaaliya ayaa la siidaayey Sabti April 26, 2008 kaddib markii laga bixiyey lacag madax furasho ah oo dhan $1.2 million doolar, sida laga soo xigtey madax Soomaaliyeed. (Eeg halkan)

Markab Hub/Taangiyo Siday oo laga Qaatay Lacag badan oo Maxad Fursho ah

Feb 5, 2009 ayaa Burcad Badeedda Soomaaliya waxay sii daayeen markab laga leeyahay dalka Ukrainian oo sidey taangiyo, kaddib markii laga bixiyey lacag madax furasho ah oo gaareysa $3.2 million oo doolar. Markabkaas oo lagu magacaabo MV Faina waxaa la qafaashay Sept. 24, 2008, waxana uu sidey Taangiyo gaaraya 33 oo ah nooca loo yaqaan T-72, baasuukayaal iyo rasaas. Maran weyn ayaa ka jira halka uu markabkaasi hubka u sidey oo loo kala garan waayey Kenya iyo Suudan (dhanka dagaaladu ka socdaan).


Markabkii oo gaarey Mombsas oo lagag dejiyey Taangiyada - AP

Maraakiib lagu Haysto Xeebaha Soomaaliya

Maraakiibta kale ee loo malaynayo in ilaa hadda (Feb 2009) lagu haysto xeebaha Soomaaliya waxaa ka mid ah:

STOLT STRENGTH: La qafaashay Nov. 10, 2008. Markabkan oo ah kuwa qaada Kimiikada waxa saarnaa 23 shaqaale ah oo ah Filipino. Waxana uu sidey 23,818 tonnes oo ah maadooyin loo isticmaalo Oil-ka.

CHEMSTAR VENUS: La Qafaashay Nov. 15, 2008. Markabkani waxa uu ka soo dhoofay magaalada Dumai ee dalka Indonesia waxana uu ku socdey Ukraine. Shaqaalaha saaran waa 18 Filipino iyo 5 South Korean. (Markabkaas oo laga leeyahay dalka Japan waxaa la sii daayey February 12, 2009, lama caddayn inta lacag madax furasho ee laga qaatay)

DOONYO LAGA LEEYAHAY YEMEN: La qafaashay Dec. 10, 2008. Burcad badeed ayaa Gacanka cadmeed waxay ka qafaasheen laba doonyood oo kuwa kalluumaysatada ah oo laga leeyahay Yemen, waxaa saarnaa 22 shaqaale ah. Waxaa lagu soo waramay in shan ka mid ah shaqaalaahaasi ay fakadeen.

walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri...

DOON AAN MAGACEEDA LA SHEEGIN: La qafaashay Dec. 16, 2008. Doon yar oo ay saaran yihiin laba qof, oo laga leeyahay dalka Indonesia, doontaas oo ah kuwa wax jiida oo ay adeegsanayeen shirkadda Faransiiska ee shidaalka ee Total.  Waxa kale oo burcaddu afduubeen markab kalluumaysi oo lagaleeyahay Shiinaha, markabkaas oo la yiraahdo Zhenhua-4 oo saarnaayeen shaqaale gaaraya 30 Chinese ah, laakiin markabkaas waxaa la sii daayey maalintii xigtey.

BLUE STAR: La qafaashay Jan. 1, 2009. Markabkan oo laga leeyahay dalka Masar, waxa uu sidey xamuul gaaraya 6,000 tonnes oo ah maadada loo yaqaan "urea" oo loo adeegsado bacrinta. Waxaa saaran shaqaale gaaraya 28 Masaari ah.

LONGCHAMP: La qafaashay Jan. 29, 2009. Markabkan oo qaada gaaska, waxaa saaran shaqaale gaaraya 13 isugu jira 12 Filipinos iyo hal Indonesian. Markabkaasi waxa uu qaadaa xamuul gaaraya 3,415 tonnes.

Markabkii Hubka sidey oo Gaarey Mombasa, hubkiina laga dejiyey

Markabka MV Faina ee hubka sidey oo ay sii daayeen burcad badeedda Soomaaliyeed kaddib markii ay ka qaateen $3.2 million oo madax furasho ah ayaa gaarey dekeda Mombasa Kenya. Waxaana halkaas lagaga  dejiyey hubkii uu sidey oo ay ka mid ahaayeen Taangiyada dagaalka, sida ka muuqata sawirka hoose. Waxaaan hubkaas la dejiyey Feb 15, 2009. Markabkaas waxaa burcad badeedu qabsadeen Sept 24, 2008



Taangiyada oo lagu dejiyey Mombasa, Feb 15, 2009

Xigasho:  inquirer.net, SBC, AP, AFP, REUTERS, GoogleImages,  IHT, Herald Sun, EgyptianChronicles, www.fpif.org, www.sundaymail.co.uk iyo tarjumadii SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2009 | Updated: Feb 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: