SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QADDAAFI

Madaxweynaha Liibiya oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya....

Qaddaafi: Burcadda-Badeedda Soomaaliya waa hab la isaga difaacayo cir-weynida Wadamada Reer Galbeedka...

Madaxweynaha dalka Liibiya, ee dhowaanta loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika ee sannadkan, Muammar Qaddaafi, ayaa sheegay in Burcad-Badeedda Soomaaliyeed aysan ahayn "fal-dembiyeed". Waxana uu yiri "Ma aha Burcad-badeed, waa is-difaacid. Waa difaacid cuntada carruurta Soomaaliyeed." Waxa kale uu sheegay in Burcad badeedda Soomaaliya ay "jawaab u tahay Cirwaynaanta Reer Galbeedka, kuwaas oo soo weeraray oo weliba si ku dul-noolaansho ah u adeegsadey khayraadka badda Soomaaliya si sharci darro ah."

Qaddaafi oo la hadlayey saraakiisha iyo shaqaalaha Midowga Afrika ee uu madaxda u yahay, waxa kale oo uu sheegay in la soo gaarey xilligii lacag Qaan ah la weydiisan lahaa reer Galbeedka tacadiyadii ay u geysteen Qaarada Afrika xilligii gumeysiga. Waxana uu shaaca ka qaaday in Talyaanigu uu Liibiya siinayo lacag qaan ah oo gaareysa rubuc billion doolar (250 million) sanandkiiba muddo 20 sano ah, taas oo uu ansixiyey baarlamaanka Talyaanigu, sida uu sheegay madaxweynaha Liibiya Qaddaafi.

Arrimahaas waxaa qoraal dheer ka qortay Jariidadda Daily Nation ee ka soo baxda dalka Kenya. Tarjumadii qoraalkii jariidadda hoos ka akhri..

Qaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya....

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Isha: Daily Nation, Nairobi, Kenya

Col Qaddaafi oo ka qayb galay shirkii 12aad ee Midowga Afrika ee Addis Ababa, Feb 2, 2009. Waxana uu difaacay Burcad Badeeda Soomaaliya..

Feb 5, 2009: Burcad Badeed Soomaaliyeed oo sii daayey Markab reer Ukraine ee MV Faina, kaas oo sidey Hub ay ka mid yihiin Taangiyo, kaddib markii burcad-baddeda la siiyey $3.2 million


Markabka MV Faina ee burcaddu qabsatay

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Ukraine, Viktor Yushchenko, waxaa la siidaayey markabkii reer Ukrain ee sidey hubka iyo shaqaalahiisii oo gaarayey 20 qof.

Afhayeen u hadlayey mulkiilaha markabka, Mikhail Voitenko, ayaa sheegay in lacag madax furasho la siiyey burcad badeed markabka saarnaa oo tiradooda lagu qiyaasay 100 burcad ah. Warbaahinta Ruushku waxay sheegeen in lacagta la siiyey burcadda ay tahay $3.2 million oo doolar.

Waxaa lacag taas u dhiganta sannadkan 2009 sidoo kale ay Burcad Badeeda Soomaalidu ka qaateen markabkii Sacuudiga ee Sirius Star ee sidey shidaalka, waxaana  sida wararku tibaaxeen burcadda la siiyey ilaa $3 million oo doola,  waxaan amarkabkaas la siidaayey Janaayo 10, 2009.

Shan (5) ka mid ah burcad badeedda ayaa waxay ku qaraqmeen badda kaddib markii ay siidaayeen markabka Sucuudiga. Waxaana Janaayo 12, 2009 xeebta ku soo caariyey meydka mid kamid ah burcaddii oo ay jeebka ugu jirtey bac ay ku jirto lacag dhan $153,000, taas oo ah lacagtii uu qaybta u helay.


Markabkii Sucuudiga oo burcadda loo soo tuurayo lacagtii oo saara baarashuut.

Waxaa la qiyaasay sannadkii 2008  in xeebaha Soomaaliya ay burcad badeedu ku qafaasheen ilaa 42 markab.

Addis Ababa, Khamiis Feb 5, 2009

Guddoomiyaha Midowga Africa, Muammar Qaddaafi ayaa sheegay in ahmiyaddiisa koowaad ay ahaan doonto siidii Qaan looga dalban lahaa Wadamada Reer Galbeedka iyo sidii loo xaddidi lahaa awoodda wadamada reer Galbeedka.

Hoggaamiyaha Liibiya waxa kale oo uu sheegay in uu aaminsan yahay in burcaddu ay tahay hab la isaga difaacayo cir-weynida Wadamada Reer Galbeedka.

Subaxnimadii Khamiistii (Feb. 5, 2009) Col Gaddafi waxa uu muujiyey dareenkiisa markii uu maalintii koowaad ee booqashada rasmiga ahayd uu ku tegey xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa. Waxana uu la hadlay saraakiisha iyo shaqaalaha Midowga Afrika.

Col Gaddafi waxa uu ku lebisnaa shaati lagu xardhay magacyada madax hore ee Afrika oo uu ka mid yahay madaxweynahii Tanzania Julius Nyerere, Ethiopian Haile Selassie, Kenyan Jomo Kenyatta, iyo Ghanaian Kwame Nkrumah.

Intii ay socotey booqashadii munaasabadii caleemasaarka (ee loogu doortay hoggaanka Midowga Afrika), Col Gaddafi waxa uu shaaca ka qaaday qorshahiisa xilliga soo socda, isaga oo sheegay in uusan rumaysnayn in Burcad-Badeedda Soomaaliya aysan ahayn fal-dembiyeed.

(Burcad-badeedka Soomaaliya) "Waxay jawaab u tahay Cir-waynaanta Reer Galbeedka, kuwaas oo soo weeraray oo weliba si ku dul-noolaansho ah u adeegsadey khayraadka badda Soomaaliya si sharci darro ah," ayuu yiri.

"Ma aha Burcad-badeed, waa is-difaacid. Waa difaacid cuntada carruurta Soomaaliyeed," ayuu yiri Col Gaddafi.

Waxa uu farta ku fiiqay in waddamo, gaar ahaan dalalka reer Galbeedka, ay ku xad gudbeen xornimadda badda Soomaaliya, si aan waafaqsanayn sharciga caalamiga ah.

Maraakiibta Yurub, Maraykanka iyo Shiinaha waxa ay galaan dhulka xorta ah ee Soomaaliya, sababtoo ah Afrika ma leh difaac xoog leh oo casri ah oo dib u celin kara (ama waabin kare), ayuu yiri , Col Gaddafi.

Maalmahan, dadka Soomaaliyeed waxay ficil qaadanayaan (gilgilasho) iyaga oo caddaalad raadinaya, islamarkaasna isku deyaya in ay dalkooda ka difaacdaan sida aan caddaalada ku dhisnayn ee loogu takrifalayo (oo loo adeegsanayo) khaayraadkooda, laakiin wadamada Reer Galbeedku waxay taas ku macneeyeen Burcad, ayuu yiri Gaddafi oo sharaxaad bixinayey.

Hoggaamiyaha waqtiga dheer ka talinayey Liibiya waxa uu sheegay in ay u qorshaysan tahay sidii uu hoggaamiyaasha kale ee Afrika ugu qancin laha in ay Qaan ku sheegtaan kuwii gumeystey falal-debiyeedkoodii iyo takrifalkoodii xilligii gumeysiga.

Waxa uu shaaca ka qaaday in Liibiya ay toddobaadkan ku sheegan doonto dalka Talyaaniga lacag Qaan ah oo gaareysa rubuc billion doolar sannadkiiba, lacagtaas oo socon doonta muddada 20-ka sano soo socota.

Waxa uu yiri waxaa la soo gaarey waqtigii Dunida reer Galbeedku ay bixin lahaayeen tacadiyadii iyo taakrifalkii ay u geysteen Africa.

Baarlamaanka Talyaanigu waa ogolaaday in lacagtaas ay siiyaan Liibiya, ayuu yiri.

40-kii sano ee la soo dhaafay Col Gaddafi  waxa uu diidanaa in uu tago Talyaaniga mar kasta oo casumaad rasmi ay u fidiyaan Talyaanigu, diidmadiisa ujeedadeedu waxay ahayd in uu Talyaaniga ku tuso mudaharaad iyo in uu Qaan ku sheeganayo.

Inta aan hoggaanka u hayo Midowga Africa, waxaan bilaabi doonaa in si nidaambsan ay Afrika u dalbato Qaanta laga qabo, waxaana u dagaalami doona sidii cod weyn ay Afrika ugu yeelan lahayd Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

"Haddi iyagu (wadamada reer Galbeedka) aysan doonayn in ay si caddaalad ah noola noolaadaan, waa dhulkayagii ee waa in ay iyagu aadaan dhul kale," ayuu yiri Gaddafi.

Col Gaddafi waxa uu taageero iyo "xigmad" weydiistey madaxweynaha Tanzania, Jakaya Mrisho Kikwete, oo xilka Midowga Afrika uga horeeyey,  si uu u maareeyo hawl maalmeedka 53-da dal ee ka tirsan ururka.

Col Gaddafi, oo Guddoomiyaha halka sano ee Midowga Afrika loo doortay Isniintii (Feb. 2, 2009), markii uu dhammaaday kulankii 12aad ee Midowga Afrika waxa uu yiri: "Waxaan u baahnahay taageerada wiilkayga Kikwete oo leh khibrad ballaaran oo ku saabsan maaraynta hawlaha Midowga Afrika."

Madaxweyne Kikwete, oo Isniintii ka degey jagada guddoomiyenimada Midowga Afrika, waxa uu AU hoggaaminayey xilli ay la soo deristey carqalado, waxana uu ka qayb qaatay xallintii iyo dhexdhexaadintii khilaafkii ka dhashay Doorashadii Kenya iyo murankii Doorashadii Zimbabwe.

Isla markaas waxa kale oo Col. Gaddafi sheegay in talo ku saabsan maaraynta arrimaha Qaarada uu weydiisanayo madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo. Col Gaddafi waxa uu sheegay in Obasanjo uu joogey Addis Ababa si uu isaga ula kulmo.

Jean Ping oo kamida madaxda Afrika waxa uu hore u sheegay in madaxweynihii hore ee Koonfur Africa Thabo Mbeki ay Midowga Afrika u xusheen in uu isku dubarido arrimaha xagga sharicga, sida arrintii ay ICC dacwadda ugu oogeen madaxweynaha Suudaan Cumar al-Bashiir.

Intii uu socdey shirka jaraa'id waxaa Mr Ping ay weriyaashu weydiiyeen sida uu u arko Col Gaddafi, oo awooda madaxweynanimo inqilaab ku qabsaday 40 sano ka hor, sida uu u hoggaamin karo qaarada ay ku badan yihiin inqilaabyadu.

Mr Ping waxa uu yiri Col Gaddafi waxaa "loo doortay si dimoqraadiyad ah isagoo ka socdey Waqooyiga Afrika, waana go'aanka golaha (Midowga Afrika)."

Halkaas waxaa ku dhan Tarjumadii SomaliTalk.com ee qormadii Jariidadda Daily Nation ee Kenya.

###

Qaddaafi waxa uu dhashay 7-dii June, 1942, waxana uu dalka Liibiya madax u noqday kaddib markii 1969 uu ku qabsaday inqilaab. (Akhri Waa Kuna Qaddaafi)

Tixraac: Gaddafi defends Somali pirates

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2009


mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: