SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ninkii Ma Hudho Kugu Dhiga, Ma Hadhaa Lagu Dhigaa!! "Sheeko Murti Fog Xambaarsan".

Libaax iyo nin ayaa beri axdi dhex maray, axdigaasoo gundhigiisu ahaa midkoodna midka kale in uusan waxba ka dib dhigan haduu uga soo baahdo. Maalintii dambe ayaa libaaxii oo socda ninkii u yimi una sheegay in uu u socday isaga oo uu wax doona ka yahay. Ninkii waa soo dhaweeyay libaaxii isagoo markaasi heshiiskii tix gelinaya dabadeedna libaaxii wuxuu u sheegay in uu ugu socday inuu siiyo wiilkiisa yar ee uu dhalay, awlaadna ninkaani wax ku abtirsada dunida guudkeeda wiilkaas 4-sano jirka ah ee uu libaaxu ka dalbaday ayuu ka lahaa maadaama isagu uu axdi adag la galay maantana looga soo ardaa fariistay!! Yaab badanaa oo naxdin weynaa! Ninkii talaa ku cadaatay arrintaasina waxay ku noqotay wuxuusan u fadhin weligiis, in qaddar ah dabadeed wuxuu bilaabay in uu isku dayo bal inuu furto wiilkiisa isaga oo marba nooc xoolihiisa ku himilaya in uu siiyo libaaxa, laakiinse nasiib darro libaaxii wax kasta oo uu ninka u hibeeyay waa uu diiday, wuxuuna libaaxu soo xusuusiyay ninka axdigii ay wada galeen isagoo oranaya "Saaxiib hadii Axdigii aynu wada galnay daacad kaa ahaa ii soo hibee wiilka aan ku weydiistay, haduuse dhagar kaa ahaana ii sheeg!!".

Muddo fakar ah dabadeed waxay talo uga soo idlaatay ninkii inuu siiyo wiilkii maadaama wax uu sameeyo garan waayay haduu u diidana laga adag yahay axdigii uu la galayna isagu jebiyay. Ayaan darro weynaayeey! Libaaxii lama uusan tagin wiilkiiye isla illinka hortiisa ayuu wiilkii oo booyaya aaboowdana ku haya marba gacan goostay, markuu ku hor dhameystay inta karriinkii cawska iskaga tiray ku yiri " Soo bari saaxiib waa sii soconayaaye!!".

Ninkii talo waa ku baraahsatay, wuxuu yeelana waa garan waayay, haduu dhinaca dhulka dhigo oo seexo is yiraahdana wiilkii cabaadkiisa iyo libaaxii oo hiiganaya ayaa hor yimaada. Habeen baas oo soo jeed, feker iyo dhafoora hays ku abuuray ka dib ayaa waxaa u soo baxday talo uu is yiri waad kaga aar goosan kartaa libaaxa.

Kolkii uu waaga u dilaacay ayuu wadada cagta saaray, wuxuu baadi goobaba waxa uu dul tagay libaaxii oo barqadii kayntiisa barqo-libaaxyeeynaya isla markaasna aysan ka qasnayn. Ninkii oo ciil darani hayo ayaa ku yiri libaaxii, " Libaax waa kuu socday". Saaxiib soo dhawoow, ma wax daran baa jiran ayaa libaaxii ku yiri ninkii? Kolkaasuu ninkii oo geesinimo ka muuqato una soo tafo xaytay dhib kasta ayaa ku yiri libaaxii, "Libaax waxaan u socday oo aan rabaa inaan kaala baxo haragaaga!!". Libaaxii markiisa yaab iyo amakaag ayaa ku dhacay, talo ayaa ku bariiqatay, wax uu sameeyana wuu garan waayay, wuxuuna bilaabay bal inuu saaxiibkiis xal qanciya u helo isagoo leh, libaax kale aan halkaan kaaga soo qabto, naagteyda haragga kala bax iyo ereyo kale. Balse, ninkii markiisa wuu ka diiday wax kasta uu u soo jeediyay libaaxa. In door ah ka dib, libaaxii wuu ogalaaday inuu haragga kala baxo ninkii, hadaba, ninkii uma jixin jixine, wuxuu ku dhaqaaqay inuu haragga kala baxo dabadeedna wuxuu ku yiri, "Libaax nabad Allaha ku yeelo oo barqo wanaagsan!!".

Intaa ka dib, waxaa dhacday in mar kaliya haadkii duulayay ay ku soo degaan libaaxii oogadiisa hilibka noqday, wuxuuna bilaabay inuu hadba geed ka hoos galo haadka ceyrsanaya, isagoo markaasi balawga iyo hiigada ka baxaysa ay ugu sii darsameen inuu ka baxsan waayo qodaxda keymaha ka baxaysa, duqsiga iyo quraanjada kuwaasoo iyana nuqda ka saaray.

Isagoo harsan waayay oo duhurkii ordaya, qorraxda iyo haadkuna ka daba degayo ayaa dad ka hor yimid, waxayna ku yiraahdeen, "Libaax maxaa kugu dhacay oo sidan kuu galay!!". Isagoo is ciil kaambaya quusna ka taagan noloshiisa eersadayna wixii uu ku kacay ayaa ugu jawaabay, " Nin Aan Ma Hudho Ku Dhigay, Ayaa Ma Hadho Igu Dhigay !!".

Haddaba, nuxurka ka dambeysa oraahdaan ayaa noqotay maah maah Soomaaliyeed oo caan ah taasoo loo cuskado mararka qaarkood ifafaalooyin ka dhex dhaca bulshada dhexdeeda.

F.G. Xusuusta sheekadaan murtidu ka dambeyso ayaa iminka waxa ay ka soo maaxatay maskaxda mid ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed oo ku nool qurbaha, waa abwaan Maxamed Xuseen Ciid (M. Faysal).

W/Q: Wariye C/raxmaan "Helos"

helos69@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS