SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu

Bismillaahi-Raxmaani-Raxiim

Ujeedo: Dawladdii Federaalka Ku Meel Gaarka Ahayd ee Soomaaliya oo loo Adeegsaday Burburinteeda Shaqada loo Yaqaan Sama Falka


Sidaan ognahay Nuur Xassan Xuseen wuxuu la shaqaynayay mudo dheer qolooyinka isku magacaaba Sama Falka. Qolooyinkaasi waxay ku shaqeeyaan sadaqooyin laga soo ururiyo waddama kala duwan. Wadamadaas waxaa ka mid ah kuwo dadka dagani gaalo u badan yihiin, xukunkana gaalo u hayso. Sidaan ognahay sadaqada gaaladu bixiso iyo tan muslimiintu bixiyaan magacay wadaagaan laakiin isku ujeedo lagama leh. Gaalada sadaqadeeda dhagar wayn baa daba taal, oo dana qarsoon bay ka leeyihiin, danahaasi ama waa inay diintooda badalaan oo gaalaysiiyaan dadka ay wax siinayaan ama waa maslaxado siyaasadeed oo lagu maldaho magac SAMA FAL.

Waxaa caadi ah in marka dad muddo wada shaqeeyaan is dabeecado bartaan oo saaxiibnimo iyo isku kalsooniyi dhex marto, is barashada iyo saaxiibnimada ama waa lagu faa'iida ama waa lagu khasaara. Haddaba saaxiibnimadii iyo is barashadii Nuur Xassan Xusseen iyo dadkuu kala shaqayn jiray SAMA FALKA (AY KU QARSOONTAHAY SHAR FALKU) Soomaaliya waa ku khasaartay, oo waxaa lagu fuliyay dhagar wayn oo siyaasadeed.

Runtu waxay tahay haddaan is aqoon iyo saaxiibnimo u horayseen wakhti dheer bay ka qaadan lahayd labada dhinacba inay is aaminaan oo qalad sidaas u wayn isku raacaan. Waxaa la yaab leh sida aan isku daaha lahayn oo uu Nuur Xassan ugu guulaystay inuu burburiyo Dawladdii 5-ta sano; 2-na loo fadhiyay dhismeheeda 3-na lala rafanayay inay cagaha isku taagto.

Waxaa shacabka loogu sheekeeyaa heshiis baa la gaaray oo Itoobiya waa baxaysaa, Itoobiya bixi mayso ee habkeedii hore oo ay dalka ku maamuli jirtay iyo hab ka sii xun bay bilaabaysaa. Markay Soomaalidu arrin ku guul daraystaanba Itoobiya guul bay u tahay, waxayna ku dadaalaysaa inay gobol gobol u xukunto Soomaaliya, sidaasaana iyada u faa'iido badan una khasaaro yar.

Waxaan ku kalsoonahay marka dhagartay maleegayaan sii waynaataba guushu waa soo dhawaanaysa, Allaah baa qur'aankiisa kariimka ah ku yiri macnaha (dhagar bay maleegayaan Allaahna qorshuu dajinayaa Allaah baana ugu khayr badan cid qorsha dajisa) in shaa Allaah guushu waa dhawdahay.

Dhibaatooyinka Soomaalida haysta oo waawayn waxaa ka mid ah, wax ma rog-rogaan, wax ma odorosaan, wax kama baaraan dagaan ka dibna inta Allaah tala saartaan kuma dhaqaaqaan, wax walba waxaa ka indha tira wax miisaamid la'aan, nin jeclaysi, nin necmaysi iwm. Diinteennu waxay ina faraysaa markii laba arrimood oo labaduba dhib leh inasoo food saaraan inaan doorano tan dhibteedu ka yartahay tan kale (akhafal-dararayn), kama muuqato qorshaha Nuur Xassan inuu isa su'aalay haddii Dawladdu dhacdo maxaa ka dambayn doona!

Waxaan leeyahay Nuur Xassan Xusseen Cabdullaahi Yuusuf shar iyo khayr wuxuu lahaaba iska casil madaxwaynanimadii Soomaaliya wuxuuna dib ugu laabtay guriguu ku dhashay, waxaan kaa sugnaaba waa nabaddii aad tiri Cabdullaahi baa caqabad ku ah oo aad horay u dhaqaajisid.

Gunaanad

Waxaan aaminsanahay inaan Soomaaliya xasilayn illaa lagu xukumo Shareecada Islaamka, laakiin hoogaankii ku xukumi lahaa Shareecada hadda kama muuqdo goobta siyaasadda, Shareecaduna inta qof noqoto xukunka qaban mayso oo Allaah dadkuu u soo dajiyay inay isku xukumaan.

Waxaan rumaysnahay inuu ahaa Cabdullaahi Yuusuf shaqsiga ugu dhabar adag, dadka ka muuqda goobta siyaasadda Soomaaliya maanta, inuu la lagdamo arrimaha murugsan oo ka taagan Soomaaliya hadda. Taasi waa shalay oo waa tagtay ee maantaa loo baahanyahay hogaan!

Aragtidaydu waxaa weeye yaan shacabka masaakiinta ah lagu qaldin dhalanteed iyo dhaan daba gaale, Nuur Xassan Xusseen Soomaali waa kala diraye qola walboy waxaa ku sugaya sidaad gurigaad ku dhalatay u nabadayn lahayd. Dil, dhac, taariikh been ah oo shacabka loo kala sheego, waxaas oo dhan wakhtigoodii waa dhammaaday ee inta laga waantoobo, dagsiima walbaa ha ku dadaasho siday ula imaan lahayd wax wanaagsan oo ay ku darsato dagsiimooyinka kale, inta ka horaysana dad walba meeshii Allaah ku abuuray ha lagu nabad galiyo.

Soomaaliyey Allaha ina garansiiyo wanaagga walaalnimadu leedahay, Nabiga CSS waxaa laga wariyay, qofkiin iimaan ma leh illaa uu la jeclaado walaalki waxa uu naftiisa la jecelyahay, xaggee bulshadeennu ka taagantahay arrintaas?

Walaalayaal wax ka sheegiinna iyo wax u sheegiinnaba waa soo dhawaynayaa


Allaha Xaqqa ina waafajiyo

cabda cabdullaahi

cabda12@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2009


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS