SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Beesha Ismaciil Saleebaan: Waa lagu xadgudbay Sharcigii lagu soo xulayey Xildhibaanada Puntland

Waxaa si cad halkan ugu sheegaynaa hadaanu nahay Beesha Ismaciil Saleebaan, Waxgaradkeeda, Cuqaasheeda, Dhalinyaradeeda iyo Samadoonadooda in lagu xadgudbay Sharcigii lagu soo xulayey Xildhibaanada Puntland oo aheyd in soo xulida ay iska leeyihiin Isimadda Beesha, taasoo la hareermaray Go'aankii Beeldaajaha Beesha Ismaaciil Saleebaan Xildhibaanadii uu qorayna la tuuray qoraalkoodii kuwo uusan qorina lagu daray Liiska Xildhibaanada.

Haddaba, waxaan Isimadda Puntland, waxgaradka Aqoonyahanka iyo Samadoonada Puntland ugu baaqaynaa in masuuliyadda Qiyaanada iyo dulmiga lagu sameeyey Isimka Beesha ay qaadayaan Guddiga Ansixinta, waxayna si bareer ah ugu been abuurteen Beeldaajaha oo qadaf iyo xadgudub ku ah wuxuusan qorin in lagu muujiyo qoraalka.

Waxaan haddaba, si cad u canbaareynaynaa in aanay aqoonsaneen una arkin in ay matalaayaan beesha ragga lagu qoray liiska Xildhibaanada madaama uusan qorin Beeldaajaha Beesha Ismaaciil Saleebaan Beeldaaje Cabaas Beeldaaje Cali Binjaceyl, masuuliyada waxa ka yimaadana ay qaadayaan Guddiga Ansixinta Xildhibaanada Puntland oo sameeyey musuqmaasuq iyo iska horkeen Qabiileed.

Haddaba, waxaan ka digaynaa in aan la aqbalin waxaas, si cadna looga hor-yimaado, waxa ka soo baxana aan la qaadan madaama musuqmaasuqu dhaliyo Colaad, cadaalad daro iyo bur-bur Dowladeed.

Waxaan ugu dambeyntii ugu baaqeynaa Bulshadda Puntland inay maskaxda ku hayaan in Doorashada soo socotana ay noqon doonto Musuqmaasuqa guddiga hordhaca ku soo xulay Xildhibaanada Puntland.

Waxaad kala xiriiri kartaan Beeldaajaha Beesha Ismaciil Saleebaan
wixii xaqiiq ah ee lagu sameeyey qoraalka Guddiga ku been abuuray inuu soo xulay Xildhibaanada Guddiga soo saaray
Telefoonkan
00251913884331
Adis ababa Itoobiya

Soo tebintii: shaqiib Muuse
mmzone2010@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS