SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaliyeey Garashadu ha shaqeyso

Dalka Soomaaliya 18 kii sano ee la soo dhaafay waxaa ka jiray musiibooyin dabeeci ah iyo kuwo aan dabeeci ahayn ee ay Soomaalidu gacmaheeda ku abuurtay.Waxaana ka soo ifbaxay wax aan horey taariikhda basharka loogu arag oo xambaarsan nooc kasta oo xumaan ah caqli saliin ahna uusan qaadan karin iyo taariikh xumo laga sheekeyn doono, buugaagtana lagu qori doono mustaqbalka danbe sida: Dilka, dhac, kufsi, barakac, burbur,afduub, isbaaro, gaajo, cuduro, xaalifun dhireed, iyo wax kasta oo xumaan lagu sifeyn karo.Gabi ahaan Soomaaliya mahan bulsho docina u fayowdahay xiligaan xaadirka ah.Waxayna u muuqataa inay fursada ka sii baxeyso oo maalinba maalinta ka danbeysa ay sii milmeyso jiritaan keeduna khatar sii galayo.

Markaan dib u yara jaleecno marxaladihii ugu danbeeyay iyo isbadaladii ka dhacayey Somalia maalmahaan, la mood noqonse weyday iyo filan waaga qolyaha beesha caalamka isku magaacaba ay kala kulmeen duulaankii qaawana ee loogu cudurdaaray ciidamadii Itoobiya ee Soomaliya kal hore ku soo duulay oo quus ka taagan weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah iyo kuwa bareerka ah ee ay kala kulmaan kooxaha is diidan isla markaasna ka mideysan la dagaalanka ciidamada itoobiya,waxaa maanta muuqata oo aan shaki ku jirin inuu soo xirmay hankii laga qabay in dadka Soomaaliyeed lagu sanduleeyo shaqsiyaad damiir laawayaal ah oo gabood fal iyo xad gudub aadanaha ka dhan ah ka geystay dalkooda, danta laga lahaana ay aheyd oo kaliya in laga dhigto dariiqii lagu gaari lahaa ahdaafta iyo danaha guracan ee lagu doonayay burburinta shacabka Somalia.

Sidaan la socono inta la baxday magaca beesha caalamka oo ah inta ummada Soomaaliyeed noloshaba u diidan waxay si toos ah ugu fashilmeen inay socodsiiyaan oo ay shaqeyso DFK taasoo markii horaba ay ku soo dhoodhoobay dalka Kenya laguna soo galbiyay Taangiyadii ciidamada Itoobiya oo xamar lagu soo gashay, sidoo kale waxay ku fashilmeen inay cirib tiraan oo ay ka suuliyaan Soomaaliya dagaal yahandii islaamiyiinta ahaa ee dagaalka culus kala hor yimid oo ka koobnaa kooxo tiro badan oo ujeedada kaliya ee ay ka mideysaaneen ay aheyd la dagaalanka ciidamada Itoobiya. In kastoo laga itaal roonaaday kooxahaas markii hore hadana waxay si lama filaan ah isugu soo abaabuleen mudo aad u gaaban oo ay dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah la galeen ciidamadii Itoobiya iyo FKMG waxayna la soo baxeen awood dheeraad ah taasoo ciidamadii Itoobiya khaasaaro lixaad leh oo maal iyo nafba ah loogu geystay kuna khasabtay markii danbe inay xeryahooda kaliya isku ilaaliyaan inta xaal isbadalayo.

Sida dad badan la socdeen waxaa jiray wixii ka danbeeyey magacaabidii Nuur Cade in qolada beesha caalamku isku dayayeen inay xaalada dajiyaan si loo yareeyo dagaaladii isa soo tarayay iyo awoodii ay la soo baxeen shacabka Somaliyeed ee ay kaga jawaabayeen tacadiyadii ay ku hayeen ciidamada Itoobiya. Ayadoo dadka maskaxdooda lagu shubayo inay lagama maar maan tahay in la isu keeno dowlada iyo qolihii ka soo horjeeday ee mucaaradka ku ahaa si loo gaaro dib u heshiinsiin dhab ah iyo in la soo dhiso dowlad qaran oo lagu mideysan yahay, ciidamada Itoobiyana laga saarayo dalka laakiin ujeedada dhabta aheyd sidii la isaga hor keeni lahaa xoogaga ka soo hordeeday joogitaanka ciidamada Itoobiya ayaa wadanka Jibouti waxaa lagu qabtay shirkii ugu horeeyay la isku soo hor fariisiyay FKMG iyo Isbaheysigii dib u xoreynta ee uu hogaamineyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waftigii ka qayb galay shirkaas waxaa kala hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Axmed C/salaam oo kala ah hogaamiyaha isbaheysiga dib u xoreynta ee garabka Jibouti iyo Ra'isul wasaare ku xigeenka DFKM ah. Waxaa iska cadeyd shirkaan ujeedooyinka laga lahaa inay kala duwanaayeen ayna ka mid ahaayeen kuw Somalia xal loogu raadinyo iyo kuwo ka soo horjeeday oo lagu sii fogeynayay Soomaaliya xalkeeda. Intii shirkuba uusan bilaaban oo aan meelna la isla gaarin qolyihii isbaheysiga dib u xoreynta ayaa dhowr gabar u kala jabay.Garab uu hogaaminayay Sheekh Xassan Daahir Aweys oo fadhigoodu ahaa Asmara kana biyo diiday sida wax u socdeen ama danahoodii ka dhex arki waayay shirkii loogu magac daray dib u heshiisiinta ee ka ee la damacsanaa inuu ka dhaco Jibouti waxayna bilaabeen inay afkooda furtaan oo dadka dhagahooda gaarsiiyaan in waxa meesha ka socdaa yihiin baadhil aan la aqbali karin dagaalkana la sii wadi doono. Qolooyin kale oo Somalia joogayna waxay sii noqdeen garab sedexaad oo markii horaba dhaliilsanaa isbaheysiga dib u xoreynta oo saldhigooda ahaa Asmara kuna eedeynayay inay markii horaba heshiisyo la galeen qolooyin ay ugu yeereen cilmaaniyiin, sal dhigna ay ka dhigteen wadan aan diin ahaan waxba ka duwaneyn midka ay hada la dirirayaan.

Intii shirku socday Isbaheysgiga dib u xoreynta garabka Shariifku waxay iclaamiyeen kuna adkeysteen in ciidamada Itoobiya ay baxayaan mudo la cayimay oo hada wixii ka danbeeya aysan shacabka Soomaaliyeed dagaal danbe u baahneyn sidoo kale waxay ku dhaawaaqeen xabad joojin rasmi ah. Waxayna labada garab isla gaareen heshiis gundhigiisu ahaa awood qaybsi u dhexeeya Dowlada iyo qolyaha ka soo horjeeda kaas oo qodabadii lagu heshiiyay ay ka mid ahaayeen: Awood qaybsi dhex mara labada garab ayadoo ugu horeyn lagu siyaadinayo tiradii baalamaanka tiro la mid ah (275+275=550) ayna labada garab soo wada dhistaan dowlad ay u dhanyihiin labo sano oo horlehna ay sii shaqeyso. Waxaa kale oo heshiiska ka mid aheyd in ciidamada Itoobiya baxaan badalkoodana la keeno ciidamo ka socda aduunka oo buuxiya booska ay baneyn doonaan kuwa Itoobiya.

Ra'isul wasaaraha FKMG Nuur Cade oo u muuqday inuu kasbanyo taageerada ay u hayaan beesha caalamka lana soo baxay siyaasad wax ka badashay hab dhaqankii Dowlada uu ra'isul wasaaraha ka yahay ayaa waxaa markiiba qoonsaday kana biyo diiday arimahii uu waday ee dib u heshiisiinta hogaamiyihii Jamhada FKMG.Waxaana cirka isku sii shareeray khilaafkii u dhexeeyay odey C/llaahi iyo Nuur Cade oo gaarey heerkiisii ugu xumaa ilaa uu C/llaahi Yusuf ku gacan seyray heshiiskii lagu kala saxiixday Jibouti kuna tilmaamay mid u daneynaya reero gaar ah oo aan marnaba ka soo fulin rabitaanka DKMG. Maalintaas wixii ka danbeeyay waxaa afka kala furtay qolyihii beesha caalamka iyo Igad oo soo saaray hanjabaadyo ka dhan ah qolyo ay ku tilmaameen inay diidanyihiin dib u heshiisiinta ayna carqalad ku yihiin nabad ka islaaxda Soomaliya.

Ciyaartii ugu danbeysay ayaa ka dhex bilaabatay C/llaahi Yusuf oo u muuqday inuu ka sii go'doomayo aduunka iyo Nuur Cade oo ku faraxsan taageerada ay la garab taagan yihiin beesha caalamku. Muranka ugu badan meeshuu ka yimid oo xaajadu ka quruntay waxay ahayd kadib markii Nuur Cade uu jagadii ka casilay gudoomiyihii hore ee gobolka Banadir Maxamed Dheere iyo wasiiro is casilay oo C/llaahi Yusuf ku dooday in lagu soo celiyo booskoodii, Nuur Cadde oo kalsooni buuxda caalamka ka heystana ku dhaartay inuusan soo celin doonin badalkeediina uu magacaabay wasiiro cusub balse C/llaahi Yusuf ka biyo diiday. Ciyaartii waxay sii kululaatay markii C/llaahi shaki galiyay jiritaankii dowlada nuur cade oo uu ku dhawaaqay inuuba ra'iisul wasaaraha eryay oo ka casilay jagadii, maalmo yar kadibna wuxuu ku dhawaaqay ra'iisul wasaare macamal ah, isagoo uga dan jaahwareerin iyo sii fogeyn arimahii muranka dhaliyay laakiinse markii danbe isagiina xilkii iska casilay. Maalintaas wixii ka danbeeyay waxay noqotay nin walbow geedkaad gaarto miraha ka guro. Odey C/llaahi markiiba waxaa si toos ah uga hor yimid talaabada uu qaaday beesha caalamka iyo baarlamaank FKMG. Nuur Cade wuxuu taageero ka helay beesha caalamka oo u muuqatay inay ku hongooyday odey C/llaahi Yusuf oo ah nin da' ah oo aan gudan karin shaqadiisa. Ciyaartii waxay ku soo afjarantay 2-0 oo kooxda Nuur Cade ayaa ku badisay labada goal waxaana la sugayaa maalmaha nagu soo socda inay ciyaaro kale oo ka duwna kuwee hore bilowdaan kadib markii odey C/llaahi ku dhawaaqay inuu iska casilay hogaankii DKMG kuna laabtay deegaankii asal ahaan uu ka soo jeeday isgoo gacmo maran.

Mar hadii ay soo xirantay ciyaartii oo meesha uu ka baxay odey C/llaahi Yusuf waxaan sugeynaa bilow cusub oo hor leh iyo mid ka mid ah marxaladihii ugu khatarta badnaa ee ay Somalia gasho laga soo bilaabo 1990.

Hadaba maxaa la gudboon Soomaalida iyo qolyaha maanta horboodaya Siyaasada Soomaliya dhamaantood? Afar qodob ayaa midba koox la gudboon: Odey C/llaahi Yusuf waxaa cadaatay inuu meesha ka baxay Soomaalina eed badan ayuu ka galay fursad kale oo maanta u furan ma jirto oo aan ka ahayn inuu ummada Soomaaliyeed cafis ka weydiisto wixii uu galay sababtoo ah waa dayax sii dhacaya oo maanta ayuu cafis u baahan yahay. Taas waxay u suurgo galin doontaa in taariikhdiisa wax yar oo wanaag ah lagu xusuusto oo la yiraahdo waa ninkii maalintaas ummadiisa cafiska ka dalbaday kolay wanaag kale oo lagu xasuusan doono anigu garan maayo.Hadii uu sidaas yeeli waayo wuxuu noqon doonaa mid lagu soo xusuusto xumaantii iyo khayaamdii uu u geystay qarankii Soomaaliyed iyo shacabkaba.

Ethipoia

Ethipoia Waxaan leeyahay Soomaaliya way ku fashilantay wayna ogaatay inaysan sahlaneyn inay shacabka Soomaaliyeed ka yeelaan siday rabaan. Shacabka Soomaalyeed ma ahan mid aqbali kara inay fiirsadaan hagar-daamada aad la maagan tihiin had jeer. Idiin mana suurgo galeyso inaad shacabka Soomaaliyeed gumeysi galisaan,taasna waad aragteen oo waa idiin cadaatay waana tan idin ku khasabtay inaad raadisaan dariiq saliim ah oo aad ciidamadiina kula baxdaan. Waxaan idin leenahay balankaad qaadeen fuliya oo ciidamadiina kala baxa Soomaaliya oo geeya xuduudeenii.Hadii aad sidaas yeeli weydaan kama nabad galeysaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan, wayna idin la dagaalamayaan hadiise aad fulisaan go'aankiina waad nabad gali doontaan.

Beesha caalamaka

Aduunku Soomaaliya waa dayaceen oo waliba waxay ka adeejiyeen cawaam wax ma garato ah si aysan waligeed u soo kaban ummada Soomaaliyeed. Caalamku wuxuu ahaa kan kaliya ee hortaagan inay Soomaaliya dib danbe isugu timaado waxayna ceel dheer ku rideen furihii nabada ee dalka Soomaliya. Markii ugu danbeysayna waxay ku soo fasaxeen kuna fiirsadeen wuxuushta itoobiyaanka ee Millions of Somalis ka barakiciyay guryahooda kumanaan kuna dilay oo wax ay galabsadeen aysan jirin, balse waxay wali hor taaganyihiin in nabad ka dhalato Soomaaliya. Hadaba maanta waxaa la gudboon caalamka inay ummada Soomaaliyeed u daayaan iyagu inay aayahadooda ka tashadaan ayna yeeshaan go'aan ka gaarida masiirkooda ummadeed iyo dowladeedba. Waxaa kale oo la gudboon inay taageero u fidiyaan malaayiin shacab Soomaaliyeed ah oo gaajo iyo cuduro kula il daran geedaha hoostooda iyo xeryaha qaxootiga oo aan heysan wax gargaar ah, iyo inaad taageero dhaqaale u fidisaan shacabka Soomaaliyeed si uu lugihiisa isugu taago mar labaad.


Alshabaab

Alshabaab, waxaa la gubdoon iyo inta ku fkirka ah hal arin: Inay ka waan toobaan ficilada arxan darada ah ee ka dhanka ah ibnu aadanimada iyo leynta ay u geysanayaa dadka aan waxba galabsan gaar ahaan dadka wax galka ah, waana inay joojiyaan hadiiba ay ku lug leeyihiin ficiliada ugubku ku ah Soomaaliya dhexdeeda ee ismiidaaminta iyo is qarxinta. Ficilaadaas waa kuwo diinta Islaamka ka soo horjeeda sida culimada islaamku isku raacsan yihiin waana wax xadgudub ku ah xurmeynta nafta qofka ibn aadamka ah iyo diinta islaamkaba.Kitaabka Quraanka ah, sunnada Nabigeena suuban iyo ijmaacul culamaa intaba midna laguma hayo meel ay ku baneeyeen ficilada noocaas ah bal waaba xaaraan tinimeyeen inuu qofka muslimka ah is qarxiyo naftiisana dilo. Sidaas darteed kooxdaan waa inay ka waantoobaan arimahaas oo ay u soo jeestaan siday uga qeyb qaadan lahaayeen dib u heshiisiinta iyo nabad ku soo dabaalida dalkooda ayagoo tanaasul ka sameynaya fikradahooda ku saleysan diidmada iyo qush iyo qash maleh hadaan teena la soo raacin, ayna la midoobaan kooxaha kale ee u halgamaya xoreynta dalkooda iyo shacabkooda, xal guudna loo wada raadiyo arimaha murugsan ee ka taagan Soomaaliya. Hadii kale waxaa loo arki doonaa inay cadow ku yihiin ummada Soomaaliyeed ayna u adeegayaan dano dad gaar ah ama kooxo gaar ah oo wax dan iyo xaajo ah ka lahayn inay ummadaan baaba'do in kale. Soomaalina arintaas raali kama noqon doonto waligeed. Sidoo kale Alshabaab waa inay ka waantoobaan dagaalada iyo hurinta colaadaha dadka Soomaaliyeed ee Islaamka ah dhexdiisa kuwaas oo maalin walba ay ku naf waayaan tiro shacab ah oo aan waxba galabsan.

Shariifku

Shariifku waxay u muuqataa inuu yahay ninka beesha caalamku jalmatay.Waa nin shacbiyad badan ku dhex leh Soomaalida, suuro galna ay tahay inuu muujiyo karto iyo wax qabad muuqda oo lagu qanci karo, waase hadii loo madax baneeyo howlihiisa shaqo. Mudadii yareyd ee isaga iyo kooxdiisu xamar ka talinayeen ayaa aduunku waxay markhaati ka noqdeen inay wax la taaban karo ka sameeyeen magaalada Muqdisho oo in ka badan 16 sano u kala gooba goobeysneyd hogaamiyaalkii dagaalka ee looga itaal roonaaday dagaaladii 2006 ku dhex maray ayaga iyo maxkamadaha magaalada mugadisho.Taas ayagoo ka duulaya iyo taageerada uu ku leeyahay Soomaalida dhexdeeda ayay waxay beesha caalamku maleynayaan inuu yahay ninka kaliya ee wax ka badali kara sida hada wax yihiin.

Hadaba waxaa la gudboon shariifka oo u muuqda nin dabin loo dhigay labo arimood: ugu horeyn waxaa la gudboon inuu fahmo dabinka u yaal oo ah in hogaanka uu u qabto koox cusub oo la doonayo in la abuuro hada si ay fuliyaan dano siyaasadeed guracan oo lagu dhibaateynayo ummada Soomaaliyeed oo ka soo daashay dagaalada sokeeya,taas badalkeedana uu isticmaalo maskax furfuran oo la jaanqaadi karta danaha is diidan ee laga leehaya dalka Soomaaliya iyo hagar-daamada cadowgu la maagan yahay,waana inuu ka shaqeeeyo siduu isugu keeno lahaa dhamaan qeybaha is diidan oo ku loolamaya talada dalka dhamaantood. Caqliga shariifku waa inuu shaqeeyaa oo si dhab ah ugu guur galaa xaalada dhabta ah ee Soomaaliya ku sugan tahay iyo waxa lala maagan yahay.Waa in laga badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed in la iska horkeeno iyo dhiig ka dhex daata,waana in laga faa'iideysto fursada imaan doonta. Hadiise xaalku xumaado oo uu arko inaysan waxba gacan ugu jirin uuna dareemo inuusan u madax danaaneyn howlihiisa shaqo ileyn gacmo sheesheeye kama dhamaan doonaane waa inuu isaga baxaa howlaha gacanta loo galin doono oo uusan dadka Soomaliyeed godob ka galin sida odey C/llaahi oo hada noqday shaqsi dantii laga lahaa laga gaaray. Hadii kale waxaad mari doontaa meeshay mareen kuwo badan oo la daggay (siray) kaana horeeyay oo odey C/llaahi ugu danbeeyo Ummada Soomaaliyeedna nacalad iyo taariikh xumo ayay kugu soo xusuusan doontaa.

Soomali oo dhana waxaa la gudboon inay xaqa fahmaan una hiiliyaan ayagoo ka gudbaya Qabiilka iyo Qabyaalada ileyn waxaan dar xumo aheyn kama aanan dhaxline.Waana inay walaaloobaan oo xoogooda iyo caqligooda isu geeyaan si ay u soo ceshadaan sharaftoodii iyo qaranimadoodii ay dayaceen.

Guul iyo Midnimo

Ahmed Ali Diriye

guled22@gmail.com

Afee: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS