SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano

Halkan ka akhri (pdf)



Maxaa Loogu Isticmaalay Qabiilka Si Khaldan? Daraasad Naqi-Daati ah! 

marka hore waa ku mahdsan yahay Ustaad Adan Colujoog inuu noqdo hormuudka ilaa hada la arko ee Tanwiirinta iyo wacyigalinta Ummadaan u haysata in Tiih ama Qaniinyo Dabiici ah ay kusoo habsatay! sidoo kale dhalinta isu xilqaantay bal inay wax ifiyaan oo ay shacabkooda mugdiga ku jira wax ka tusaan si waxaan ay garan la yihiin meel u saaraan oo ay maslaxada mujtamacooda ka shaqeeyaan. waxaan marnaba la hilmaami karin in Dowladihii hore ee Soomaaliya soo maray ay isku dayeen inay bal waxa ummadaan gadaal u wada waxay tahay? laakiin nasib wanaag nin walba sida ay la ahayd ayuu ku dayay.

tusaale Sayid Maxamed wuxuu ku dayay Takuwanaadkii Ijtimaaciga ahaa ee Taagnaa ayuu isticmaalay saa muusan ogeyne, oo wuxuu is yiri bal lafteeda usoo mar, adigoo ku dhex daaynaya Saalixiyadii "Dariiqad Suufiyad ah " oo iyada laftigeeda ka mid ahayd Dhismayaasha Caado-Wateenka ah ee sababay in ay wasakhowdo Caqiiqadii Xaniifka ahayd ee Islaamka!  taasna waa fashilisay, inkastoo magaca uu ku dagaalamayay ee uu dartiis u sameysmay uu ku dhisan yahay magaciisa, si kastaba soomaalidu ha ugu muhiimsanaatee qaniinyada kala daadisay. waxaana uu ugu danbeyntii kala tagay Dardaaran isagoo laga daba aqriyay "Gabaygii Digadhada ahaa ee Cali dhuux" ee Waa Lagu Digtaa Duul Haduu kuu Daraan Jiraye....!!!@ ee Bal Dayoow waakaa Sii Danbayshadaye!!!........

waxaa soo labeeyay, oo wax la xusi karo ah Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre (AUN) isaguna wuu isku dayay oo wuxuuba is yiri duug isagoo dhan!!?? ugu danebyntii wuu ku fashilmay oo isagoo wax walba ku hubaysan soona xoogaystay ayuu qabriga ka soo baxay?? sidii isagoo ula Yaaban oo leh "War Dadku Maxay Rabaan" dadkuna ay leeyihiin "War Madaxweynuhu Muxuu Rabaa" sida ilo ku dhow dhow ay soo wariyeen ayaa waqtigii uu ku dhamaaday??

todobaatan iyo Sagaalkii ayaa waxaa soo baxay Jabhado isaga human yacni qabiilkii wata oo kala goy'goynaya intii yareyd ee Soomaaliya ilaa laga soo gaaro kuwaan hada TFG-da oo iyagu, sida qaacidada Caafimaadka ah ee qabto "Cudur, Cudur kale ku daawee" ayay  waxay dib ugu noqdeen sheekooyinkii 1900-1921 ee Sayid Maxamed, iyagoo balaayada Noqotay sida uu ugu yeeri jiray Kacaankii "Cadawga Gudaha" oo uu ka waday Qabiilka. sidaa darteed iyaguna waxayba dhasheen iyagoo Meyd ah?

marka walaalayaal maxaa xal ah, sideese dhibka daawo loogu badali kara?

Ra'yi ahaan aniga ka Saadaat Ahaan waxan qabaa in ay Fududahay, marka aan cilmi ahaan u darsino  ee bal aanu woxogaa dibb u noqono? oon fiirino eegnana Mujtamaca Soomaaliyeed Waxa uu ka sameysan yahay

1- Qiyamkiisa 2-Dhaqanka 3-Caqiidada 4-Caadada iyo cida sameysay ee ay ka soo unkameen intaas aan soo sheegnay oo ah Dabeecada ama Juqraafiga ama bay'adda loo baadan yahay

waa Su'aal aad iyo aad muhiim u ah, oo mudo badan la isweydiinayay keentayna "Tiiha" Ummadanada Haysta. Si Kastaba waxaan isugu dayaynaa inaan uga jawaabno si Shafaaf ah oo Cilimiyaysan.

marka Hore Ummadanadu waa Ummad ka Reer Guuraa ah intooda badan qiyaas ahaan 60 % sidaa darteed ayaa ay Guurguuraan oo ay daba Taagnaadaan Daruur hadba meesha ay ka soo curato, marka maadaama halkaas ay ka imaanayso isku dhac laga dhaxlayo tartanka ka imanaya Maamulida Biyaha Iyo Baadka hadana aysan jirin Xoolo ama Maal lagu aruuriyo Xoolo "Raacatanimada" dhihi mayno Soomaalidu waa Xoolo Dhaqato, saa dalal badan oo afrikaan ama carab ah oo xoolo dhaqato ah ayaa jira oo ka faa'iida xoolahooda sidaa darteed ayaa aysan Soomaalildu uga faaiidin Xoolohooda!

Hadaanu usoo noqono Mowduucanagii, waxaa halkaas ka dhacaya Marka ay Guurguuridi la kulanto Tartan sababo ka imaanaya yaraanta Ilaha Biyaha iyo Daaqsinta Tartan iska hor'imaad dhaliya hadana ayan jirin Lacag Ururin ama Hanti ka sameyn Xoolaahaas la daajinayo ka imaanaya ayaa waxaa iyada meesha marnaba aan soo galayn in lahelo Degaano toos ah "yacni la sameysto Magaalooyin Rasmi" oo waliba ku dhisan qaab isu jaango'an oon lahayn ama loo soo minguurin saameynta is qab-qabsiga Baadka iyo Biyaha.

Halkaas waxaa si fudud uga dhalanaya wax la yiraahdo isku-dhex-yaac ka imaanaya dhanka Siyaasada, Dhaqaalaha, Bulshada oo wuxuu MUjtamacaasu ku noolanaya Dimoqraadiyad aad Xadidnayn! oo Siyaasadii tusaale ahaan waxay ku dhex yaacsanaan Mujtamicii oo dhan oo shaqsi walba wuxuu noqonayaa Siyaasi, shaqsi walba wuxuu noqonayaa Taajir, (oo hantida yarta ee la helo waxaa loo sarifayaa si waali ah!!!) shaqsi walba wuxuu noqonayaa Ugaas, oo go'aan qaadashada shaqsi gaar u leh ma dhacayso??!!.

Sidaa darteed ayaa waxaa halkaas ka dhalanaya is qab-qabsi Qab-Qableyn iyo iyadoo sharci laga dhigo in Wasiilo walba ama Wadiiqo walba loo maro in intaan soo sheegnay qof walbaahi uu noqdo.

Waxaa Xusid Mudan in Siyaasadu ay tahay, hadaanu u sharaxno sida ay tahay ama Cilmiyaysan "Tartan loogu Jiro Ilaha dhaqaale ee Mujtamaca" sidaa darteed meelna kama soo gali karto "Aydiyoolajiyad" daboolan oo bilaabada dhamaatana, taas waxay ka hor imaanaysaa waxa macaan ee ay Reer Galbeedku Noo noo gudbiyeen ee la yiraahdo "STATE" ama "Dowlo".

Mujtamicii saas ahaa ee Qiyam, Caqiido, Dhaqan, Caado, iyo Dabeecadiisuba ay saas ugu xadidan tahay waxaa amrqaati madoonto noqonaysa in uusan lahaynba Aasaas u Saamaxa inay Dowlad Noqdaan!!??

Taas Macnaheedu Jaalleyaal Maahan inaysan Dowlad noqon Karin, ee waa noqon karaan ayagaana ugu fudud sidaa daraadeed sidey ku noqon karaan? hadii la rabo in noocaas oo kale dowlad ay ku midoobaan sidee loo baahan yahay? qaab noocee ah ayaa ay dowladoodu u shaqaynaysaa? adawaadkee ayay ku shaqaynaysaa? Thawaabideeda maxay noqon karaan?

Intaas markaad marayso ayaa waxaa loo baahanayaa inaad woxogaa ka ogaato taariikhda Soomaalida Xadiiska ah? si aad markaas u dheehato qaladka meesha uu ka yimid.

mida labaad waa sidey u saameysay afartaas tiir Dowladnimada Soomaalidea keebaana diidan?

hadaan ka jawaabo, su'aashaas Jowhariga ah kuli waa kasoo horjeedaan in la helo Dowlad!

Tusaale anigoon ku dheeraanayn

Caqiidada oo ah Tiir muhiim ah oo dadka kala celiya sameysana shaqanka iyo Caadada, Caqiiqadaas waxaa wasaqeeyay Qabiilkii, Sheeko yar aan soo qaato.

"Faqiih" oo macnahiisu yahay kii wax fahamsanaa ayay Qabaa'ilka Soomaaliyeed u Yaqaaneen ninka Diinta Islaamka ugu Badiya, kaasoo ay ahayd inuu xalka ugu danbeeya u keeno mushkiladaha Ummada hor yimaada, marka Faqiihii Soomaaliga wuxuu noqday "Tuug" uu "Qabqablaha" Ciddu ka xoog weynaaday, maalin baa Faqiih yiri ninkii nin dila Naartuu Galayaa, markaasaa Qabqablihii cida inta Faqiihii u Yimid oo uu indha-gududan tusay ku yiri kaligaa walee Jano Gali Meysid "Maahmaah baa ka sameysan tay " "Fiqi Tolkii kama Jano Tago". hadee iyagaa naarta u jiidayee ogow! Maalintii danbaa la arkay Faqiihii oo ay Seeftiisu Dhiig leedahay! War Faqiih Naartaad Gali" buu mid hoose oon hargaantigii Qabiilka ka mid ahayn hoosta ugu sheegay ! Faqiihii oo ay haysato waxa hada loo yaqaan "Peer Pressure" ayaa asaguna Maahmaah-Keenay "Doofaarkaba Ficil La'aan Baa la Cadaabaa".

Sidaa Darteed Tusaalahaas wuxuu cadaynayaa in Caqiidadii ay Dhimatay! inta dhiman Ilaahay haduu Yiraah gadaalbaan Juhidgayga Kasii Wadi?

Saadaat Maxamed Yusuf Geesh   

drgeesh@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS