SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Aqlaaqa Siyaasada  Nadiifka ah ee Xambaarsan Anshaxa & Aqlaaqa Saxaafada ( Freedom of Expression and Resposibilites of Journalism and Political)

Waxaa Siyaasada Soomaliya, ku kordhay Aqlaaq Qofkii Damiir leh ka aamusi karin:

Aqlaaqa Siyaasiga:

Wasiirka  Arrimaha Gudaha & Amniga  Qaranka, Mudane.Muuse Amiin, Asago u  hadlaaya Universan Tv, uu sheegay hadalo uu ku kicinaayay Shacabka Muqdisho, asagoo  leh "Waa nasiib daro in Dad ka yimid Jaziirado fog oo 100km jira ay Xamar, dagaalo ka wadaan, uu Shacabkii ku Booriyay in kooxdaas iska qabtaan.Subxaanullaah.

Waxaa ku xigay ku Xigeenka Maamunka Gobolka Banaadir, C/fataax Shaaweeye, ayaa shirj araa'idkiisii ka sheegay in kooxada dagaalka kawada Magaalada Muqdisho, ay yihiin kooxo Islaamiyiin ah oo Xagjiriin ah, oo ka yimid Gobole kale.

Iftiimin:

Is waydiin maleh Tigree Jaclaysi  iyo Shaqsi Jaclaysi, is waydiina maleh in Jabhadaha Xoriya doonka  ah ay ka dagaalami karaan Gobol alaale Gobolkii laga sheego inay ku sugan yihiin Cadowga Madow ee Tigreega ah, waxaa kale la oran karaa in Caasimada Soomaaliya, cid ka xigtana aysan jirin  Jabhadaha Xoriya doonka ah, ee Xaq u Dirirka Soomaaliyed, sidaasuuba ku cadyahay magacay sitaan ayaaba u ogol inay ka dagaalamaan Dalkooda, oo waaba shuruud la'aan.

Iftiimin:

Hadalka kasoo yeeray.Muuse Amiin, waa hadal halis ah oona xambaarsan dagaal cadawtooyo ah  waana  miduu ugu dan lahaa inuu iska horkeeno Shacabka iyo Xaq u Dirirka, wuu  ku hungoobay, hadalka halista ah ee Muuse, ku hadlay waa midaan shaqsi wax bartay ku hadlin ka sokowna ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, hadalkaana wuxu la mid yahay sidda Shacuurta Huutu Kacdoon iyo Hormuudba u noqday Xasuuqii Tuutsiga oo hal Malyan Tuutsi ah ku Nafwaayay ahaana Kacdoon sabab la'aan ah.

Iftiimin:

Kacdoonka Qabiiliga ah maxaa lagu mutaystaa haddii lala aado Maxkamada Xaquuqa Insaanka Caalamka, oo Fadhigiisu yahay Hollan, waxaa lagu mutaystaa in shaqsi Asaga la mid ah inuusan eheen Siyaasi, balse loo aqoonsan karo Shaqsi ku booriyaano Kacdoon Shacab dhexdhooda ah ilayn Xaq u Dirirka, waxay ka mid yihiin Shacabka, waxaa kale lagu mutaystaa inuusan dib dambe loo dhiibin xil Qaran ah ama Dowlad ah mudo sanooyin ah inta uu ka towba keenaayo Aqlaaqa xun xun ee Xasuuq ku boorin ah.

Aqlaaqa Siyaasiga:

Intaa waxaa ku Khatimay  Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Garabka Jibuti.Sheekh C/raxmaan Janaqoow, dood uu ka qayb qaatay Hornafrik, ayuu ku sheegay " Mucakar Hebel, maxay ugu dagaalamaayan Muqdisho".Subxaanullaah.

waxaa kale ka hadlay arrimaha Aqlaqa Anshaxa sidan Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Isbahaysiga garabka Jibuti. Col.Cumar Xaashi, " Mucakar Hebel, maxay ugu dagaalamaayan Muqdisho".Subxaanullaah.

Iftiimin:

Waxaan Saxaafada ka wadda akhrinay ama ka dhagaysanay. Sheekh  C/raxmaan Janaqoow, kol uu ka qayb galay shir lagu qabtay Sweden, shirkaa  ayaa la waydiiyay qubqubnaanta ama kala daadsanaanta GMMI, maxaa u sabab ah. Jawaabka Janaqoow, wuxu ahaa sidatan:

Waxaa u sabab ahaa.1: In ay wadda ahaayen Beesha Hawiye. 2: In ay wadda ahaayen Wadaad. 3:In ay ka qayb gelinin Waxgaradka iyo Dumarka.waa hadal Aqlaaq &diplomasi ah.

Iftiimin:

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Isbahaysiga garabka Jibuti. Col.Cumar Xaashi, hadalkiisu wuuba ku cadyahay  Jacaylsi Tigree, marba haduu ahaa Ninkii 93dii Tigreega soo geliyay Gudaha Soomaaliya.

Iftiimin:

Aqlaaqa Nadiifka  ah uuna ka dhawaajiyay siday Dad badan qabayn iyo Tuhun wayna ku abuurnaa Dad badan ayuu goor un Muraayadda uu  jabiyay uuna shacabka ugu hiilshay tuhunkooda Asago, hadal hufan oo Nadiif ah & Siyaasad uu kusoo  jiidatay Dadkii tuhunka lahaa.

Iftiimin:

Hoogtay  maxaa  ka dambeyay  Fiqi Tolkii kama Janno Tago. Goor un bu cagta marshay Aqlaaqii & Siyaasaddii Wanaaga ku dhowaa. Ayaan darase waa Afkaar cusub casrina ah kumaan ogayn Sheekha dhow jeer baanu kunalay Fiqi hee.

Aqlaaqa Siyaasada  Nadiifka ah ee Xambaarsan Anshaxa:

Waxaa la oran karaa waxa ka socda  Gudaha Soomaaliya, waa Harkanka ku salaysan Mansab & Magac raadin loosoo Gashaday Shaaro badan oo Ninba Si ugu faa'idaysanaayo siddii uu ku gaari lahaa yool uu Tiigsanaayo.Taasina u sabab ah Qalalaasta ka Oogan mudo 20sanno ah.Ayadoo la iloobay Halganka Xaqa ah ay gudaha ka wadaan Xaq u Dirirka Soomaaliyed, Aqlaaqa Siyaasiyiinta intoda oga badan waa middaan la oran karin waa Siyaasi waayo siyaasiga waa inu Shacabkiisa kabsadaa uuna kala soocin Gobolkay doonaan haka imaadaanee mar walbaba waa Muwaadin Soomaali ah.

Wararka Hufar ee Nadiifka ah ee Xambaarsan Anshaxa & Aqlaaqa Saxaafada ( Freedom of Expression and Resposibilites of Journalism )

Waxaan idhaha ku qabatay faalo laga qoray Sheekh Nuur Xuseen, wuxuna u qorna sidaan.

Aqlaaqa Saxaafada

Marka siyaarta la'isugu taggo maalmo dhan iyo habeeno ayaa digriga si weyn loo oogi jirrey, dadka inta loo waayo meel ay ku hoydaan ayay banaanka is dhex seexan jirreen rag iyo dumarba.

Waxaan kusoo gunaanadayaa sheeko qosol baddan oo dhacday dagaaladii sokeeye, mid ka mid ah maleeshiyooyinkii qabsan jirrey gobolka ee isku baacsan jirrey, ayaa tagay tuuladani Baladul Kariim, mid mooryaanta ka mid ah oo aad u dhib badnaa ayaa galay xeebdaabkii Sheekh Nuur uu fariisan jirrey, markaas ayuu marro cad ku duuftey gacanta catarna mariyey, inta uu qorigiisa qaatay ayuu soo xoomiyey dad meesha ka dhawaa oo asxaabtiisa ay ka mid ahaayeen, markaasuu ku yiri "War gacanteeyda shumiya oo ka barakaysta, jareerkii halkan fadhin jirreyba waad u yeeli jirteene" isaga oo gacanta kazoo dhiibaya godkii yaraa ee darbiga ka duleeshanaa.

Iftiimin:

waxaana ka muuqda Koox taageersi iyo koox Jacaylsi  iyo Cunsurinimo fara Badan su'aasha ka taagan waa tani maxay ka qabaan Ururada Xaquuqa Insaanka, waxay ka qabaan Cunsurinimo gamuurtay laguna mutaysto ganaax ama xarig, waayo waxaa ku cad u eexasho koox iyo nacayb loo qabo Beel  ka mid Bulsha Waynta Soomaaliyed.Inta kale aan indhaha ku qabtay wax kasoo qaadba maleh Xaqiiqadana ka fog.

Iftiimin:

Wararka aan hufneen aana xambaarsanayn Aqlaaqa iyo Anshaxa Saxaafada, waxaa qabanaaya Xeerka u dejisan Saxaafada Caalamka &  Maxkamadaha Europe, bilowgii waxaa lagu rogaa  Webside-yadaa Ganaax lacageed ama ay ku muteystaan in webside-yadaa   Guud ahaantiisa Hawada laga wada saaro.

Iftiimin:

Hadaynaan Saxaafada Islaamiga ah aqoon u lahayn  Taariikhda Dariikhyada & Sheekh Nuur, kala xariir. Hooyaday oo Sheekh Abba, Abti u ah iyo Ayeeyo, oo Hooyaadii dhashay Sheekh Cali Maye, Walaashii laxmiya, cashar laga waanma Dumarkeyagii ayagoon Gaashaan ka dhigan Rageeyagii.Waxaan oran in laga waantoobo Colaada la dhexdhigaaya Culumada Soomaaliyed, ee iska ilaaliya Cadiifada & Laab Lakaca ah aan loo fiirsanaynin ee lagu Burburshay Dalkii Hooyo, ee iska daaya degdega ee Noqda kuwa u Gogolxaara siddii loo xalin lahaa Arrimaha Dalka & Diinta. 

Freedom of Expression and Resposibilites of Journalism:

Aqlaaqa Saxaafada Islamiga ah waxaan xasuusin.In yoomal Qiyaamaha uusan Allaah, ku oran doonin ma waxaad ahayd, Urur Diineed hebel ama heblo, balse saddex arimood ayaa lagu waydiin. 1: Waa kuma Eeba haa. 2.Waa kuma Rasuulkaagu. 3. Maxayse tahay Diin taadu. ee Waxaan oran in laga waantoobo Colaada la dhexdhigaaya Culumada Soomaaliyed, iska ilaaliya Cadiifada & Laab Lakaca

Qamar Sharif Hashim. 
lunadurazzini@hotmail.com

:::Qamar  "Maxsuulka ay IGAD ka Dooneyso Isku Dhafka Kooxaha
 

Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS