SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Dood gabay…. Musharax iyo Madaxwayne……!! 
 

Dhamaan bahwaynta Soomaaliyeed waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka waxaan leeyahay sanad wanaagsan waxaan kaloo leeyahay sharkiisa allow naga xijaabo khayrkiisana nasoo xiji.

ummad yahay soomaliyeed sugaantu markasta waxay cabirtaa waxii markaa taagan abwaankuna waxuu kaga hadlaa siday la tahay

maansadan hoos ku daabacan waxay ka hadlaysaa dhaliilo badan oo maamulka hada jiraa leeyahay,, waana dood dheer oo dhex maraysa musharaxiinta haatan doorashada u taagan iyo maamulka ka jira puntland.. waxayna xaakim u qabsanayaan oday somaliyeed waxii intaa ka badan maansada ayaad ka fahmi doontaa.

Maansadaan waxaan curiyay 01/01/2009, waxay xiriir aan toos ahayn la leedahay Maanso aan tiriyay 31/01/2008 taas oo ummada reer puntland baarurijin u ahayd, isla markaana kula dardaarmaysay inay dhawraan isbadal iyo doorashada soo socota, doorashadii ayaa haatan taagan waana tan maansadu ka hadlayso…

Wa ku kaaaaaaaaaaaa……………

  1. Deelayda maansada
  2. Ruuxba meeshuu doonii
  3. Ka dagaa hogiisoo
  4. Damaciisa saaraa
  5. Iskumana dilaanoo
  6. Deeqda maanso waa hodan 
     
  7. Ninbaa diradiraaliyo
  8. Doorbida dakanadoo
  9. Dab ku galiya duul nagi 
     
  10. Midbaa nabad ku doonoo
  11. Waligii ka daba dhaca
  12. Midba danaha guud iyo
  13. Daladoo cuslaatiyo
  14. Danta qaranka door bida
  15. Midna dayrka hoosiyo
  16. Jifaduu la doontaa 
     
  17. Mid kalaa danaystoo
  18. Dumar tii uu ka calmado
  19. Ammaan doora ku huwiya 
     
  20. Midbaa dabi dhacyeeyoo
  21. Dagan reero daysteen
  22. Deel qaaf khalada kula dhaca
  23. Wallow abwaan hal door ihi
  24. Ka sariigto dabinkaas 
     
  25. Midbaa caashaq dihinoo
  26. Daabaxa ku daajiya
  27. Midna jacayl duqoobee
  28. Dawo uga dhigaayoo ku dabaan-dabeeyaa 
     
  29. Hormadaas da’leey iyo
  30. Arar diiran iga dhaha
  31. Halkalana dantaydiyo
  32. Dulucdayda weeyaan 
     
  33. Ileen dawr la tiriyaba
  34. Durbadiiba waa kane
  35. Janaayaan dul joognaa
  36. Dadku waa yaqaanaa
  37. Waxa aan u doortaye
  38. Waa markii dastuurkiyo
  39. Daabacaada lagu qoray
  40. Inay doorashadu dhici 
     
  41. Wiilal baa isdaba maray
  42. Dibaday ka rooreen
  43. Dalkiibay u yaaceen
  44. Kuwaa daloonbinaayoo
  45. Daakhil joogay waligood
  46. Markii la isku wada daro
  47. Labo eber la daba dhigay
  48. Dagdag bay u dhaafeen
  49. Aan duur-xul galiyee
  50. Danteena ma u ordaayaan??
  51. Anaa dagay godkaa maran
  52. Ka duuloo kasii durug 
     
  53. Ololaa la daah furay
  54. Shirarbaa is daba maray
  55. Ninwalbaba dantiisuu
  56. Deeq u raadsanaayaa
  57. Nimankii dagee hore
  58. Durba qoonsibaa galay
  59. Afku qaylo labo daan
  60. Doc walbaba u siidaa
  61. Dacwad buuna door biday 
     
  62. Duqii reer u waynaa
  63. Dagmadii dhex yimidoo
  64. Xaamik bay u doorteen
  65. Markii diirka laga dayo
  66. Daacad buu u muuqdaa.!! 
     
  67. Qol daaqaduhu u xiranyiin
  68. Daakhilkii la wada yimid
  69. Dantii dayrka laga fayd
  70. Wiil diiran baa furay 
     
  71. Wuxuu yiri duqeenow
  72. Duqaan afrikaadow
  73. Dacwad dheer ma galayoo
  74. Daroorigaan nacayaa
  75. Doodaan maanta noo furan
  76. Dulucdaan ka leeyahay
  77. Saqiir kama dahsoonoo
  78. Sida aan daninayana
  79. Dareenkeedu kugu wayn
  80. Ana aan dul meeree 
     
  81. Doorkaan kii horee xigay
  82. Ninkay goluhu doorteen
  83. Dadnimadiisa gaarkaa
  84. Su’aal baa ku daba naban
  85. Iskamana duraayee
  86. Daliil baan u yeeloo
  87. Hoos baan ku daabacay 
     
  88. Docbaa maqan dalkeenii
  89. Duulaan baana lagu dhacay
  90. Dadkaas waa abaajiyay
  91. Hadana muu dareensana 
     
  92. Dadka kii u liitiyo
  93. Diqsi iyo dugaag buu
  94. Wasiirada u doortaa 
     
  95. Hadalka duur-xulkaa iyo
  96. Ma yaqaano doodaha
  97. Hadii wariye doorihi
  98. Su’aal uu la doontana
  99. Dad waynaha hortooduu
  100. Dabin qoolan galayaa 
     
  101. Waxaa kaaga sii daran
  102. Dadkaan kaa hormuuqdee
  103. Daalkiyo rafaadkiyo
  104. Dagaalada kasoo baxay
  105. Xoogaaguu ka daadsado
  106. Bangi daba dalooloo
  107. Aan daalay oranayn
  108. Oo dubaay ku yaaluu
  109. Abidkii ku dirayaa 
     
  110. Hadaad dakada gaadhana
  111. Doon baa ku xiranoo
  112. Dahabkiyo dhagxaantaa
  113. Lagu daad gureeyaa
  114. Dibadaa la geeyaa 
     
  115. Tu ka daran midaa day
  116. Hadii damacu kuu diro
  117. Oo aad duul dhacaysaba
  118. Waa la dusa-duseeyaa
  119. Kani waa dunbaaso
  120. Lacag baanu daabacan
  121. Buu dibadaha la joogaa 
     
  122. Doodii ila fogaataye
  123. Aan dabar u yeelee
  124. Duqeenow duqeenow
  125. Duqaan afrikaadow
  126. Dulaalkaan ma uu ahan
  127. Mid shacabkeenan wada dihin
  128. Dariiq toosan maran kara 
     
  129. Nin door ihi ma daba galo
  130. Ninaan deelna sixi Karin
  131. Haduu waayo doortoo
  132. Uu daba rucleeyana
  133. Dulqaadbuu ku joogaa 
     
  134. Da’leey kale ma wadayee
  135. Doorashada dhawaan dhici
  136. Waa inay daacad noqotaa
  137. Dacwadiina ii xiran.. 
     
  138. Darki kii kalaa yimid
  139. Dakanada ninkii galay
  140. Ee lagu oogay daanada
  141. Is dahirin ha joogtee
  142. Caybuu is daba dhigay
  143. Hadal dooda gali kara
  144. Oo qalinku door bido
  145. Kama qorin danbiilaha
  146. Wuxuuse dood kusoo xiray
  147. Goluhu anay I doorteen
  148. Kursigaana waa dagay
  149. Doolarkii dadkeenaa
  150. Doc walbaba ii yaal
  151. Ninkii diiday dhahayana
  152. Hasoo bixiyo duulaan 
     
  153. Dawankii lasoo meer
  154. Xaakimkay dul joogtaa 
     
  155. Duqii geesuhuu dayay
  156. Daalacay warqadihii
  157. Ilaan waa dahsoonyee
  158. Mudacigiyo dacwaduhuu
  159. Mid ku daba lamaanyahay
  160. Asagoon doc kale dagin
  161. Gartii aayar daba goo
  162. Hadalkii kusoo daab
  163. Musharax dibad ka yimidbaa
  164. Daakhilkiiba buuxshee
  165. Dadka kale muxuu heli??
  166. Dirintiina soo laab
  167. Dagdag buuna uga kacay!! 
     
  168. Wax amuuri dibatoo
  169. Durqunto oo yeedhaba
  170. La dun baarlamaankii
  171. Doorashana baryaa haray
  172. Lix baroo danbeetiyo
  173. Bal aan dhawrno dirirkana 
     
  174. Dubnadii halkaa dagay
  175. Doodiina ku khatimay
  176. Habar dooh ninkii hela
  177. Baa ku badiyay doorkaan.. 
     

Mahad Ahmed Dhoore(Qaransuge)

London, UK

jjmahad@hotmail.com

jjmahad@gmail.com 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS