SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Su'aalo iyo Jawaabo Aqoon Kororsi ah:

halkaan waxa idinkugu soo gudbinaaya su'aalo iyo jawaabo

su'aal. sheeg goorma ayey u dabaal dageen muslimiinta ciidul fidriga?
jawab. waxay u dabaal dageen sanadkii labaad ee hijriyada.

su'aal. sheeg asxaabiga kaliya ey magaciisa quraanka lagu sheegay?
jawab. waa zeyd bin xaarith rc.

su'aal. sheeg asxaabigii sunta cabay hadana eysan waxba ka dhibin?
jawab. wuxu ahaa khaalid bin waliid rc.

su'aal. sheeg Haweentii ugu horeesay ee ka shahiida islaamka?
jawab. waa sumeya bintu qiyaad.

su'aal.sheeg goorma ayuu abuu bakar sadiiq (rc) qabtay qaliifnimada ? imisa ayuu haayey?
jawab wuxuu qabtay markii uu geeriyooday nabiga (nnkh) wuxuuna haayey 2 sano iyo Dhowr bilood.

su'aal. sheeg asxaabiga aan wiligiis tukan.kana mid ah ahlu janada?
jawab. waa camar bin taabit rc.

su'aal. sheeg asxaabigii arkay malaa'iigta ayadoo soo dagayso xili uu quraanka aqrinaayey?
jawab. waa useyd bin xudeyr rc.

su'aal. sheeg asxaabiyadii ugu horeesay ee dishay qof gaal ah?
jawab. waa safiya bintu cabdi mudalib rc. oo eheed nabiga (nnkh) eedadiis.

su'aal. sheeg maxaa ugu qeyr badan raaxada adduunka?
jawab. waxa ugu qeyr badan raaxada adduunka xaas wanaag oo saalixad ah.

su'aal. sheeg asxaabigii hogaaminaayey dagaalkii yarmuug?
jawab, wuxu ahaa khaalid bin waliid rc.

su'aal. sheeg kuwii u sujuuday alle qeyrkiisa, isla markaana mudiciin ah?
jawab. waa malaa'iigta markii uu alle amray iney u sujuudaan nabi aadan cs.

su'aal. sheeg suurada halmar soo wada degatay iyadoo dhameystiran?
jawab. waa suuradda ancaam.

su'aal. sheeg qaadimkii nabi muuse cs?
jawab. waa yuushac.

su'aal. sheeg asxaabigii hogaaminaayey dagaalkii mu'ta?
jawab. waa zeyd bin xaarith (rc)

su'aal. sheeg dagaalkii lagu dilay zeyd bin xaarith rc, iyo jacfar bin abii daalib rc. iyo c/laahi bin rawaaxa rc?
jawab. seddexdaan asxaabi alle haga raali noqdee waxa lagu dilay dagaalkii mu'ta.

su'aal. sheeg magaca samada koowaad?
jawab. waxa ladhahaa rafiica.

su'aal. sheeg magaca samada labaad?
jawab. waxa ladhahaa maacuun.

su'aal. sheeg magaca samada seddexaad?
jawab. waxa ladhahaa musayana.

su'aal. sheeg magaca al imaam al shaafici ?
jawab. maxamed ibnu idiris ibnu cabaas ibnu cothman (abuu cabdallaah)

su'aal. sheeg haweeneydii calaan-jisay beerkii xamza bin cabdi mudalib rc?
jawab. waxay eheed hinda bintu cutbah.

su'aal. sheeg madaxweynihii ugu horeeyey ee islaamka?
jawab. waa abuu bakar sadiiq (rc).

sheeg sanadkii la-soo saaray xanjo buufiska?
jawab. waxa la soo saaray 1928-dii.

su'aal. sheeg ninki ugu horeeyey ee sameeyey teleefanka?
jawab. wuxu ahaa aleskandar garaham.

su'aal. sheeg sanadkii ugu horeeyey ee bac la-soo saaro?
jawab. waxa la-soo saaray 1909-kii.

su'aal. sheeg ninkii ugu horeeyey ee soo-saaro doorbin?
jawab. wuxu ahaa galiiliyo.

su'aal. sheeg ninkii ugu horeeyey ee sameeya diinimada dabka dhaliso?
jawab. wuxu ahaa maykal faradhaay.

su'aal. sheeg ninkii ugu horeeyey ee alifa raadiyaha magaciisa? sanadkii uu dhashay iyo wadanka uu u dhashay.
jawab. waxa la oran jiray maaarkooni. wuxu u dhashay wadanka talyaaniga. wuxuuna dhashay sanadkii 1901-dii.

su'aal. sheeg ninkii hindisay raajada magaciisa?
jawab. waxa la oran jiray doctor batham.

su'aal. sheeg qaamuuskii ugu horeeyey ee exford ah sanadkii la-soo saaray?
jawab. waxa la soo saaray sanadkii 1928-dii.

su'aal. sheeg sanadkii uu geeriyooday boqorkii Quree Victoria?
jawab. wuxu geeriyooday sanadkii 1901-dii.

su'aal. sheeg kaadida bili'aadanka imisa ayaa biyo ah?
jawab. kaadida bili'aadanka waxa biyo ah 95%.

su'aal. sheeg maxa lees-ku yiraahdaa dhirta iyo xayawaanka?
jawab. waxa leesku yiraahdaa (Noole).

su'aal. sheeg soodinta kala qeebisa qaarada AFRICA iyo qaarada ASIA?
jawab. waxa kala bara kanaalka suweys.

su'aal. sheg qarada kaliya ey maran seddex xariiqod oo kala ah 1= dhul baraha. 2=kuleelaha waqoyi. kuleelaha konfured?
jawab. waa qaarada AFRICA.

su'aal. sheeg magacii hore ee loo- aqoon jiray degmada jowhar?
jawab. waxa loo aqoon jiray Filo Raas (filadii).

su'aal. magacii hore ee loo- aqoon jiray balcad?
jawab. waxa loo aqoon jiray tay-tayley.

su'aal. sheeg sanadkii la hindisay video-gii ugu horeeyey caalamka?
jawab. waxa la hindisay sanadkii 1931-dii.

su'aal. sheeg shaqada uu qabto maqaarka bili'aadanka?
jawab, wuxu qabtaa dhididka ayuu dibada u soo saaraa.

su'aal. sheeg hal beega cufka ah?
jawab. waa kiilo garaam. Kg.

su'aal. sheeg ninkii ugu horeeyey ee sameeya baabuur?
jawaab. waxa la oran jiray kaarlo beensa.

su'aal. sheeg ninkii ugu horeeyey ee sameeyey batariga?
jawab. wuxu ahaa aleskandar foot.

Hassan Abdi
adde053@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS