SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Erayada Afsoomaliga ah ee loo isticmaalo si ka duwan macnahooda :-

                                      Qaybtii 1aad.

Abdirisaq Mohamoud Saleiman (Mingiste)

Xafiiska Manchester

Emailka abdi_saleiman@hotmail.com


Ummadda kasta oo ku nool dunida guudkeedu waxay leedahay “Af  ama Luqad”u gaar ah oo ay isku afgartaan wada hadal iyo qoraalba taas oo ay kaga duwantahay  Ummadaha kale ee ay isu dhow yihiin degaan ahaan amase ay kala fog yihiinba..

Af soomaligu wuxuu ka mid yahay Afafkaas faraha badan ee ka jira dunida ,waxaana laga hadlaa  wadamada Somaliland –Somaliya-Jabuuti-Kenya iyo Itoobiya mana jirto cid garaneysa xilligii uu bilaabmay ku hadalkiisu,lama yaqaan tirada dadka ku hadlaa inta ay tahay,laakiin arinta cid kastaa ogtahay waa xilligii la qoray oo ahayd 1972kii.

Afsoomaligu markuu qornaa mudo kooban oo ah 17 oo kaliya ayaa waxaa dhacay burburkii Soomaliya taasina waxay hakisay dhamaan howlihii socday oo ay ka mid ahaayeen amase ay ugu weyneyd cilmi baadhistii guud ee Luqada Afsoomaliga.

Waxaa  joogsatay sixitaankii Luqadeed ee ay wadeen Khubarada Afsoomaligu,waxaan suurto gelin in la diiwaan geliyo erayada cusub ee ku soo biiraya Afka Soomaliga,guud ahaana waxaa meesha ka baxay howl kasta oo loo qaban lahaa Luqada Soomaliga,waxaanan filayaa in marka laga baxo xaalada hadda jirta  Luqada Afsoomaliga loo qaban doono wixii loo qaban karo. 

Intii ay jirtay luqada Afsoomaligu waxaa markasta soo baxayey erayo cusub oo ku soo biirayey , haddii ay tahay qoraal ahaan ,hadal ahaan iyo sida erayga macna ahaan loo isticmaalaba,erayada cusub ee Soomaaliyoobay inta badan waxay ka yimaadeed wadamada deriska ah  iyo kuwa inga fogfogba,kuwaas oo dad aad u fara badan  ay u qaxeen ilaa haddana u sii qaxayaan ,erayada macnihii loo isticmaali jiray la bedelayna waxaa inta badan ka masuul ah dhalinyarada Soomaaliyeed wadan kastaba ha joogeene.

Erayga in loo isticmaalo macne ka duwan kii uu lahaa waxay xoog u soo ifbaxday 1980kii xilligaas  oo saddex magaalo oo Soomaliya ahaa ay ka sameysmeen  saddex kooxood oo kala ahaa ,Hargeysa waxaa ka sameysmay koox la odhan jiray “FAR IYO SUUL” waxaana magacaa loogu bixiyey waxay isu raaci jireen amase u wada socon jireen laba- laba inta badan ,Burco iyana waxaa ka sameysmay koox la odhan jiray “NEW LOVE “ sababta magacaa loogu bixiyeyna waxay ahayd ,waxay xidhan jireen dhar isku nooc ah ,marmarka qaarkoodna waxaa laabta ugu qornaan jiray  erayga  new love ,Muqdisho-na iyana waxaa ka sameysmay koox la odhan jiray “CAASI WALIDIIN” sababta magacaa loogu bixiyeyna waxay ahayd  hadalka waalidka oo aanay maqli jirin iyo weliba ka caawinta waalidka dhinaca shaqada guriga oo ku yared .

Erayadii sanadahaa 1980-kii hirgalayna waxaa ka mid ahaan jiray kuwan hoos ku qoran .

  Jiroos-   ku dhac- waan u genbiyey-  waan ka dhigtay-Dhoore-Xariifka –Reer baadiye iwm. 

Akhristayaal hordhac gaaban ka dib waxaan jecelahay in aan idiin soo gudbiyo erayo badan  oo aan isleeyahay marka aad aragto waxaad xusuusan doontaa

dhalin yaranimadaadii  amase waxay kugu noqon doonaan la yaab aadan fileyl amase waxaabay kuu noqon doonaan barasho hor leh ee waa inoo qaybta dambe.

Erayada dhinaca ciidamada:-

    • Faqash.
    • Qirinqiir.
    • Bililiqo.
    • Gaasdhegoole.
    • Maryo Calas.
    • Dayday.
    • Mooryaan.

Erayada dhinaca qurbajooga:-

    • Wuu isdhiibay.
    • Caydh amase Cayr.
    • Tahriib.
    • Wanjal

Erayada dhinaca  Siyaasada:-

    • Dowlad salbalaadhan.
    • Dowlad loo dhan yahay.
    • Dowlad layska wada dhex arko .
    • Prof.
    • Dr.
    • Eng .                  
 

Erayadani waxay ka mid yihiin erayada loo isticmaalo ,si ka  duwan sida ay macno ahaan yihiin.

Fadlan haddii aad hayso  erayo cusub iigu soo dir email 

Mahadsanid  

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS