SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

“WAAR HAYAAY” WAA WAREEY !!!

03 january 2009

Miyaad Maqashen waxa maantana ka dhacay Hargeisa?

Ma waxay noqotay wixii danbi ay qaystaan dadka ku nool Hargeisa in loo xidhxidho beesha Gabooye?

Waar haddii aad toogateen ama aad qubteen ama aad tunteen ama aad laba qaar u kala qoyseen ma hadana tanaad ugu darteen?

Waxaanu aad uga xunahay in ay ka dhacday ama uu ku dhawaaqay taliyaha ciidamada booliska S.Land in la xidhxidhay dadka muwaadiniinta laga tirad badanyahey ee Beesha Gabooye ee birta tumma. Iyadoo loo eedaynayo in ay tumeen wixii ay farsamadoodu ahayd ee waligoodba ku shaqeysan jireen oo ah “MINDIYO”.

Hadaba mindi ma waxaa la xidhaa qofka danbi ku gala mise waxaa la xidhaa qofka sameeya? Waar japan iyo aduunka badidii ay mindi iyo hubka wax lagu qabsadaaba idiinka yimaadan oo Hargeisa dukaan kasta iyo aqalkasta iyo hudheelkastaba mindi iyo wax ka daraniba way yaalaan ee maxaa tilmaamay tan ay Gabooyuhu sameeyeen? Maxaase dad aan danbi la hayn loo xidhxidhay?

Waar mindida gabooyahu tumaan mooyee mid kale waxba ma dili karto miyaa?

Addunka waxaanu rabnaa in ay weydiiyaan booliska S.Land danbi maad gelin Gabooyoow mindi ayaad sameysay xukunka u yaal?

Mise arrintu waa waraabihii la yiri waraabow waxaa dhashaadii kaa dilay libaax ee yidhi maaha libaaxa ee waxa iga dilay sacaa cad?

Waxaan u sheegayna addunweynaha iyo waxgaradka S.Land, odayaasha, culumaaudiinka, iyo dulmi diidka reer S.Land in ay ka dhiidhiyaan dulmiga iyo u xoog sheegashada ay ku hayso dawlada iyo booliska S.Land dadka beesha Gabooye oo aanay noqon in ay nagu kalifaan wax aananu diyaar u ahayn, iyado oon idin xasuusinayno in wax walba tan leeyihiin.

Wabillahi Tawfiq

Nasir Moxammed Ciise

Gudomiyaha Belaha Gabooye ee Qarada Yurub Iyo W/ America.

gabooye.org99@hotmail.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS